WAAD DHISTEEN WAADNA QURXISEEN LAAKIIN WAA QAALI

Muddooyinkii dambe magaaladda Xamar ee caasimadda dalka waxaa isa soo tarayey nabad gelyada ay ku naaloonayaan dadka reer Muqdisho taas oo sababtay in ay qurba joogta ku soo laabtaan dalkooda hooyo, oo ay dib u maalgeliyaan.
Waxaa soo kordhay Daaro dhaadheer iyo dhismayaal aad u qurux badan, ganacsiyo heer walba leh oo isugu jira maherado iyo Deegaanno waxaanay qeyb ka yihiin bilicda magaaladda Xamar oo caasimad u ah gayiga Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed waxay isugu jiraan saddex qeybood oo kala ah, kuwa ladan oo ah maalqabeenno, dabaqada dhexe iyo kuwa danyar ah.
Haddaba maxay tahay sababta dhismaha daaraha dhaadheer ee soo kordhay ay lacagtoodu aad u badantahay? Haddii ay lacagtooda aanay awoodin dadka Soomaaliyeed ee dal-joogta ah taloow yaa loo dhisay daarahaasi quruxda badan?
Su’aalahaasi iyo dhowr kale oo badan ayaa ku geedaaman dhismayaasha heerka sare loo naqshadeeyey ee Xamar ku soo siyaaday.
Kuwaas oo badankooda u dhisan hab casri ah oo barkood wiishash loo raaco intay dherar la egyihiin, halka qaarkood nuurkooda iyo muraayadaha ku xiran ay aad kuu soo jiidanayaan, qaarna waxaaba lagu galayaa aqoonsiyo.
Sideedaba guri aduunka waa halka lagu nasto ama hooy ahaan loogu noolaado, milkiila ahoow ama kireyste, taa beddelkeeda waxaan aragnaa milkiilayaasha daaraha dhaadheer Xamar ka dhisanaayo ay aad u badiyeen lacagta kirada.
Fooq walba oo qurux badan waxaa ku hoos gudban lacag aanan yareyn, taas oo aanay awoodin kireysteyaashu.
Yaa kireysto guryaha? Inta ugu badan waxaa kireysata dhalinyaro u badan iskaabulo ah ee aanan awoodin kharashkaasi badan, taas oo sababtay inay iskula dagaan laba ama saddex dhalinyarro ah, sidoo kale waxaa iyagana Guryaha Xamar ka kireysata qoysas danyar ah balse aan haweysan dabaqyada casriga ah sababtoo ah qaarkood waxay kasoo guureen collaadda khawaarijta ay dalka ku hayaan halka kuwa kalana ay abaarta xoolahoodi galaafatay ay ka soo barakaceen.
Dadka guryahaan dhisanayo waxay ka fakerayaan un waa lacag ama sidii ay ku soo celin lahaayeen kharashkii kaga baxay dhismaha fooqyada dhaadheer ama dabaqyada, balse ma oga dadka ay doonanayaan in ay ka kireystaan in ay yihiin dad aanan awoodin lacagahaasi tirada badan keliya waxay eegtaan waa qiimaha guriga ka galay ama in ay qurba joog ama dadka uu Alle wax siiyay u dagaan.
Xaafaddaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa amni darro looga soo hayaamay oo qof waliba oo dowlad ama hay’ad lug ku leh wuxuu miciin biday kiro isaga oo heli kara xaafad uu ku noolaado balse uu u baqay amnigiisa iyo badqabkiisa.
Amniga Muqdisho oo soo hagaagaya xilliyaddii dambe haddane waxaa jiro kooxo burcad ah oo dhac iyo dil ka geysto xaafadaha qaar, waxay taa sababtay in degmooyin cayiman ay dadka qaar amni u soo raadsaaan, waxaana fursad u arko dadka degmooyinkaasi guryaha ku leh ee milkiilyaasha ah oo ku qaaliyeeya karada dadkan ay danta iyo duruuftu biddey oo ka faa’ideystay duruuftooda.
WQ: Osman Dhiblaawe

 

Istaraatiijiyadda Isku xirka warbaahinta dalka oo Muqdisho lagu saxiixay

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS, wasiirada warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo Agaasinka warfaafinta gobolka Banaadir, ayaa maanta saxiixay Istaraatiijiyadda Isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, kadib markii maanta loo bandhigay bulshada iyo deeqbixiyayaasha caalamka shir ku qabsoomay Hoolka Hanger-ka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.  Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ugu joreyn soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in Wadatashiga Istaraatijiyaddani in uu soo socday tan iyo bishii May hannaankeeduna ahaa mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir iyo Bulshada rayidka ah.

Wasaaradda ayaa ka qeyb galayaasha u bandhiga ahmiyadda Istaraatiijiyadda, meelaha hortabinta leh, iyobyoolalka ay hiigsanayso.  Wakiilo socday Qaramada, safiirada dowladaha Maraykanka, China, Norway, Kenya,Talyaaniga, UK,  diblomaasiyiin iyo ergo ka socotay ururada dowliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah oo hadal jeediyay soo bandhigga Istaraatiijiyadda kadib, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay yeelato Istaraatiijiyad qaran oo lagu hagi doono isku xirka xiriirka warbaahinta dalka ee lagu hagi doono howlaha warbaahinta dowladda shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda warbaahinta dalku ay soo martay marxalado wadatashi iyo talo-wadaag oo muddo socday, ugu dambeynta ay wasiirada warfaafinta dalku isku raaceen ansixinteeda ayna isku waafaqeen in si wadajir ah ay u fuliyaan si loo mideeyo fariimaha dowladda ee heer federaal, dowlag goboleed iyo gobolka Banaadir.

Wixii maanta ka dambeeyay ay fulinteeda si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.  Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo Agaasinka Warfaafinta ee gobolka Banaadir, ayaa si wadajir ah u saxiixay Istaraatiijiyadda, iyagoo mid mid uga hadlay goobtana waxay mid mid u muujiyeen sida ay uga go’an tahay meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan doonaan meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo howlaha ka dhiman fulinteeda.

Hawlahaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta mas’uuliyadda shaqo ee Xafiiska Isku-xirka xiriirka dowladda iyo diyaarinta howlaha shaqo ee labada sano iyo barka soo socda, markaas oo dib u eegis iyo horumarin lagu sameyn doono si labada sano iyo barka dhinac la horumariyo si loo meelmariyo casharadii laga bartay labada sano iyo barkii hore ee xafiisku shaqeeyay.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federalka ah, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo ugu dambeyntii soo xiray shirka, isla markaana mid mid ula kulmay wakiiladii safaaradaha, deeqbixiyayaasha caalamiga iyo hey’adaha adeeg fuliyayaasha ee la shaqeeya deeqbixiyayaa qaar ka mid ah shirka ku sugnaa, ayaa wuxuu ugu baaqay safaaradahan iyo hey’adahan in ay wasiirada warfaafinta dalka kala shaqeeyaan fulinta Istaraatiijiyadan qaran.

Wasiir Daa’uud Aweys, ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirada Warfaafinta ee heer dowlad goboleed iyo gobolka banaadir in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkooda, ayna kala shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed in wasaaradaha warfaafinta dalku sidii ay u hogaamin lahaayeen howlaha warbaahinta iyo isku-xirka xiriirka howladaha warbaahineed ee dalka.

Wasiirka Da’uud Aweys Jaamac ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dhamaan howl-wadeenada kaalinta ka qaatay diyaarinta Istaraatiijiyadda isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, deeqbixiyayaashii soo xaadiray, wasiiradii ansixiyay iyo dhamaan ka qeybgalayaasha shirka.

       

Siyaasiyiinta beelaha Jareerweyne oo war-saxaafadeed soo saaray

Siyaasiyiinta Beelaha Jareer Wayne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadley dhacdadii 19 bishan August 2023 ka dhacdey xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo laba maalmood socday ay ka soo qeybgaleen xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xubnaha Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka ee Somalia ayaa si gaar ah waxaa lagu falanqeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca geystay.

Qodobada ka soo baxay shirkan oo ay ka mid yihiin muhimadda sugidda amniga, xoriyadda banaanbaxyada iyo ka dhowrsanaanta burburinta hantida dowladda iyo tan shacabka ayaa waxaa saxaafadda la wadaagey XIldhibaan Maxamed Cumar Caymoy:

1- Waxan si weyn uga xunnahay shaqaaqadihii dhacay, inagoo tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey, Ilaahayna uga baryeyna kuwa dhaawacmey inuu caafimaad buuxa siiyo.

2- Waxan soo jeedineynaa in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdadan iyadoo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan.

3- Waxan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya laamaheeda amniga iyo garsoorka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraakiisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo daryeelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo.

4- Waxaan laamaha amniga ugu baaqeynaa inay tixgeliyaan xuquuqda xorriyatul qowlka iyo in shacabka loo oggolaado inay si nabad ah u dhigi karaan banaanbaxyo ama dibadbaxyo nabadeed.

5- Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay fikirkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah, ayna tixgeliyaan nabadda, xasiloonida iyo dhowrista shuruucda dalka iyo in laga dhowrsanaado burburinta hantida dowladda iyo tan gaarka ah.

Wasaaradda gaashaandhigga oo ka hadashay deegaanada maanta laga xoreeyey Khawaarijta

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa xusay in ciidanku maanta qaaday tallaabooyin waawayn oo dhul muhiima looga xoreeyey Khawaarijta, kuwaas oo ay ugu muhiimsantahay magaalada Wabxo oo Galgaduud ka tirsan.

Waxa uu sheegay in ciidanku ay hadda wadaan hawlgal sifeyn ah oo waxyaabaha qarxa iyo haraadigiga Khawaarijta looga saarayo deegaanada la xoreeyey, islamarkaana ciidamada oo ka hawlgalaya aagag kala duwan ay ku sii siqayaan degmooyinka Ceeldheer iyo Galhareeri, sidoo kalena ay ciidanku maanta la wareegeen deegaanada Jaaw Gaagaale, Gal-qoryaal, Biddeciise.
Deegaanadaas ayey Khawaarijtu ku lahaayeen maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka shacabka ah baad uga qaadi jireen, kuwaas oo maanta la burbiriyey.

Jeneraal Caanood ayaa xusay in ay aagagga dagaalka iska soo dhiibeen dhallinyaro badan oo ay qaldeen Khawaarihtu, waxaana uu ugu baaqay kuwa wali u dagaalamaya inay ka faa’iideystaan waqtiga oo ay isi soo dhiibaan, si ay u helaan cafis, dhaqancelin, waxbaarsho iyo fursado kale.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidanka xoogga dalku ay maanta yihiin kuwa awood leh oo haysta gaadiid cir iyo dhulba leh, islamarkaana go’aanku uu yahay in dalka oo dhan laga ciribtiro kooxa argagixisada ah ee Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waxgaradka Galmudug kala hadlay xoraynta deegaanada wali aysan ciidanku gaarin

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug si loo dar dar geliyo abaabulka howgalka billowday ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka.

Kulamadaas oo ay sidoo kale ka qaybgaleen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa madaxweyne Xasan Sheekh odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso Galmudug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dulqaado shacabka ay muddada dheer afduubka u haystaan.

          

DEGDEG: Ciidamda Qaranka oo magaalda Wabxo ka saaray kooxda Khawaarijta

Dhuusamareeb: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya ciidamada shacabka deegaanka ayaa goor dhaw si buuxda ula wareegay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah goob aad u muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda FS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen magaalada Wabxo iyo deegaano kale, kuwaas oo in muddo ah Khawaarijtu ay dhibaato ku haysay.

Ciidamada ayaa hadda ka wada magaalada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga, miinooyinkana looga saarayo.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise, iyo goobo kale .

Khawaarijta ayaa isku dayay in ay difaacdaan magaalada, waxaana meel 8-km u jirta magaalada ka dhacay dagaal kaas oo lagu jabiyay Khawaarijta

Goor dhaw halkan kala soco faahfaahinta hawlgallada socda

Wasiirka duulista hawada oo la kulantay madaxda hay’adda ICAO

Nairobi: Wasiirka wasaaradda duulista hawada dowladda FS marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo uu wehliyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay madaxda sare ee hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO.

Madaxweynaha hay’adda ICAO Mr. Salvatore Sciacchitano, Xoghayaha guud ee ICAO Mr. Juan Carlos Salazar iyo masuuliyiin kale ayey wafdiga ka socda Soomaaliya kala hadleen wada shaqaynta labada dhinac iyo sidii mustaqbalka loo xoojin lahaa iskaashiga iyo mashaariicda horumarineed ee dhinaca duulimaadyada.

Mr. Salvatore Sciacchitano Madaxweynaha hay’adda ICAO ayaa bogaadiyey sida Soomaaliya ay horumar wayn uga samaysay maamulka hawadeeda, iyadoo muddo kooban ku hawlgalisay shaqaale xirfad sare leh iyo qalabcasri ah oo u suura galiyey inay hawadeeda ku maamusho darajada ugu sarreysa, taas oo uu ku tilmaamay mid tusaale adduunka u noqon karta.

Shirkan ayaa si qoto dheer looga hadlay horumarka ay Somaaliya ka gaartay dhanka duulista hawada, iyadoo la isla gartay in wadanka loo diyaariyo sidii uu uga gudbi lahaa qiimaynta hay’adda ICAO ee bisha September sanadka 2025.

  

Ciidamada Xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka degaanaka ayaa howlgallo  ballaaran oo ka dhan khawaarijta kawada degaanno iyo tolooyin hoostag gobolka Galgaduud,halkaa oo laga sifeynayo khawaarijta dhulka howdka ah ku dhuumaleeysanayso.

Howlgalka ayaa ciidamada xoogga waxa ay kula wareegeen dhul ballaaran oo isugu jira degaanno iyo tuulooyin ay kamid yihiin Jaaw, Daadaale Habarcirir iyo Xilin-Fardood ,halkaa oo ciidamada ay ka sifeyeen khawaarjita gacanta ay ku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka,iyadoo wali ay ciidanka wadaan howlgallada sifeynta ah ee ka socoda degaannada katirsan Galmudug.

Khawaarijta gabalkoodu dhacay ayaa wajahayo dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidanka geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka,waxana ciidamada ay khawaarijtu ka sifeyeen dhulka howdka ah ee dhaca Bariga gobolka Galgaduud,halkaa oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku lahayeen.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha jamhuuriyadda Dalka jibouti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.

   

Toogasho ka dhacday meel u dhow Hebroon oo lala beegsaday laba Israa’iil ah

Haweeney Israa’iili ah ayaa dhimatay nin kalena waxaa soo gaaray dhaawac halis ah,kadib markii rasaas lagu furay gaari marayey wadada 60-aad ee u dhow magaalada Hebron ee daanta galbeed.

War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Islamic Jihaad ee Falastiin waxay ku sheegtay in toogashadu ay tahay jawaab ku aaddan dembiyada iyo gardarrada ay Israa’iil ku hayaan dadka reer Fakastiin.

Ciidamada Israa’iil oo soo gaaray goobta uu ka dhacay shilkaasi aya bilaabay baaritaanno,waxayna guud ahaan xireen deegaankaasi,iyadoo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu lagu wargeliyay weerarkaaasi.

Dhacdadaan ayaa daba socotaa weerar kale oo toogasho ah oo todobaadkii hore ka dhacay koonfurta Nablus ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay ku dhinteen laba Israa’iiliyiin ah.

Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sanadkan waxaa ka dhacay rabshado aad u xoog badan, kuwaas oo ahaa kuwii ugu badnaa muddo labaatan sano ku dhow, iyadoo ciidamada Israa’iil ay marar badan gudaha u galeen xeryaha qaxootiga ee Falastiiniyiinta.