SHEEKADA DADKII UU HAL-ABUURKOODU DHIMASHADA U HORSEEDAY ( QEYBTII 2AAD)

Intaa ka wuxuu sanadkii 1696 naqshadeeyay nal weyn oo lagu calaamadiyo dhagaxyada khatarta ah ee badda ku dhex yaal, wuxuuna helay oggolaansho naqshadiisa oo dowladda ingriisku waxay u qirtay waxqabadkiisa.

Sidoo kale  wuxuu dhisay goob ama dhisme alwaax iyo biro ka samaysan oo gudah badda ku yaal, kaasoo uu ugu talo galay in maraakiibta badda maraysa laga hago.

Dhismahaasi xeebta dbowr mayl ayuu u jiray, 115 cagood ama fiid ayuuna biyaha hoos ugu jiray, waxaana laga shiday ilaa  60 shumac oo iftiinkoodu hagayo maraakiibta  u dhow, henrina wuu ku dhex noolaa oo asagaa ka shaqayn jiray.

Nasiib darro 1703-kii. Duufaan maalmo dheer socotay, oo ahayd mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa taariikhda Ingiriiska, ayaa ku dhufatey xeebaha dalkaas. Dabaylo xoog leh iyo mowjado ayaa qaaday Winstanley’s lighthouse oo ahaa dhismihii Winstanley, asaguna wuu ku dhex jiray dibna looma arag.

4) Thomas Midgley, Jr. Wuxuu ahaa hal-abuure ama saynisyahan u dhashay dalka maraykanka wuxuuna noolaa qarnigii 20aad.

Toomas wuxuu ogaaday in rasaasta loo yaqaanno tetraethyl-ka lagu dari karo shidaalka si looga hortago in mishiinka baabuurtu is garaaco ama duqeeyo.

waxaanu go’aamiyay in isku darka  rasaasta  jaadkaas ah iyo shidaalku ay matoorada u noqan karaan qaboojiye aad u wanaagsan.

In kastoo uu Hal-abuurkiisu waxyeelo ugaystay deegaanka, haddana waxa uu bilado badan ku helay shaqadiisa hal-abuurka leh ee fulinta iyo cilmi-baadhista ah.

Markii uu da’diisu ahayd 51, Midgley waxaa ku dhacay cudurka dabeysha wuxuuna lumiyay isticmaalka lugihiisa, sariir ayuuna ku aruuray.

Laakiin hal-abuurkiisii iyo dadaalkii halkii ayuu ka sii waday,wuxuuna sariirtiisa ku alifay nidaam jiidjiid ah si uu isagu kor isugu qaado, marna hoos ugu dhigto jiifka.

Nasiib darro, Noofambar 2, 1944, Midgley waxaa laandayr ku noqday oo ku ceegsamay xadhkihii nidaamka uu sameystay oo uu sariirta ku maamulan jiray, taasina waxay keentay dhimashadiisa.

5) Karel Soucek Karel Soucek, wuxuu u dhashay  dalka Canada, wuxuuna  caan noqday 1984-kii ka dib markii uu noqday ninkii ugu horreeyay ee 23 sano jir ah oo si uu uga badbaado  foosto kaga gudbo Niagara Falls oo ah biyo daadageen dalkaas ku yaal.

Wuxuu fuulay foostada ay kaaliyayaashiisu  kula riixayeen biyaha, wuxuu ku orday hoos 75 mayl saacaddii. Kaliya 3.2 ilbiriqsi ka dib, wuxuu tagey gunta hoose ee biya dhicitaannada, isagoo nabarro leh laakiin uu ku guuleystay.

Laakiin arrimuhu si lama filaan ah  bay u xumaadeen dhawr bilood ka dib markii, foosto cusub oo nashqaddiisa gaarka ah, uu diyaariyey  lagala soo tuuray saqafka sare ee dhismaha Astrodome Houston.

Laakiin foostadii uu Soucek saarnaa sidii loogu talo-galay way u shaqayn waysay , 180 cagood ayayna gunta hoose ee biyaha la aaday, waa la soo badbaadiyay, balse markii dambe isbitaalka ayuu ku dhintay.

6) Harry Smolinski , wuxuu ahaa saynisyahan u dhashay dalka maraykanka.

Sidoo Wuxuu ahaa Injineer hawada sare ah ama cirbixiyeen, waxa uuna ku guulaystey xirfaddiisa ah in uu  naqshadeeyo diyaaradaha jet-ka iyo gantaalada.

horraantii 1970-aadkii, waxa uu isku dayay samaynta baabuur duula.

Smolinski wuxuu rabay inuu naqshadeeyo baalal khafiif ah iyo dabo lagu dhejin karo baabuurta, laakiin tijaabadii baabuurkaas ayaa geeridiisa sabab u noqday.

Bishii 11-aad,sanadkii 1973. Daqiiqado ka dib markii uu baabuurka sida diyaaradda u samaysan kacay, maareeyaha garoonku waxa uu arkay qiiq madow oo ka kacaya goobta shilku ka dhacay. Alxanka xun iyo qaybo dabacsan ayaa lagu eedeeyay shilka dhimashada

7) William Nelson Hal-abuurayaal badan ayaa isku dayay inay sameeyaan baaskiillo, baabuur, ama tareeno xawli ama si degdeg ah u socda, taasoo ay ka dhalasheen natiijooyin xun. Wax badan lagama oga William Nelson, kaasoo 1903-dii ahaa 24-jir shaqaale ka ahaa goob Electric ee oo ku taal magaalada New York.

Hayeeshee tijaabadii baasakiilkaas ayuu shil ku galay, kaasoo dhimasho u horseeday.

Wargeyska New York Times ayaa xusay inu ahaa “hindise ballanqaad badan.”

8) Max Valier  wuxuu u dhashay  ustoreeliya,  wuxuuna Sannadihii 1920-aadkii, duuliye ka  noqday shirkadda  duulimaadka hawada ee dalkaas.

Valier waxa uu tijaabiyey shidaal dareere ah oo ku jira noocyada diyaaradihiisa. Maajo 17, 1930, mid iyaga ka mid ah ayaa qarxay, taasoo keentay khasaare aan la filayn oo ah dhimashadiisa.

9) Thomas Andrews.

Thomas Andrews wuxuu maareeye ka ahaa shirkada ka shaqaysa gaadiidka badda, wuxuuna galay safarkii ugu horeeyay ee markabka si uu u tijaabiyo waxqabadkiisa badda.

Saddexdii maalmood ee ugu horreeyay ee safarka ayaa ahaa kuwo aan waxba laga qaban, laakiin ka dib markii markabku uu ku dhacay meel baraf ah habeenkii 14-kii Abriil, 1912, Andrews ayaa la sheegay inuu arkay dhaawaca Captain Edward Smith oo uu go’aamiyay in markabka ay ka harsan tahay laba saacadood, ugu badnaan.

Xaqiiqdu waxay noqon kartaa mid si fiican ugu milantay sheekooyin sannadihii la soo dhaafay, laakiin qaar ka mid ah faahfaahinada musiibada laga bixiyay ayaa ah mid aan la dafiri karin.

Andrews waxa loo malaynayaa in uu baadhay qolalka markabka si uu ugu boorriyo rakaabka shakiga qaba in ay galaan doonyaha badbaadada, isaga oo si fiican u og in ay kuraas aad u yar yihiin dhamaantood. Dhammaadkii, wuxuu la  degay doontii Titanic ee markii dambe filimka laga  sameeyay, raqdiisa  iyo ruuxiisana dib looma arag.

10) francis stanley oo u dhashay dalka maraykanka ayaa  aasaasay warshad lagu magacaabo Stanley Motor Carriage Company, waxayna isaga iyo  walaalkiis iibiyeen in ka badan 200 oo wax soo saarkooda kamida taasoo ka dhigtay .

Mid kamida shirkadaha baabuurta ee ugu guulaha badan Maraykanka.

Majaladda New York Herald ayaa xustay in “Mr. Stanley iyo walaalkiis ay had iyo jeer wadan jireen baabuur ka kooban farsamooyinkii ugu dambeeyay ee warshadooda.”

Laakiin shaqadaas gacantu waxay isku beddeshay dil bishii Luulyo 31, 1918, markii Francis Stanley uu ku rogmaday mid kamida baabuurkii ay warshaddiisu samaysay ee uu soo saaray.

WQ: Liibaan Axmed Xirsi (Abwaan Hareere)

 

GABADHII QOOBKA DAMEERAHA LAHAYD

Bari baa arday iskuul dhigata, oo gabdho iyo wiilal isugu jira waxaa iskuulkii laga soo daayay xilli casir gaaban ah.

Iskuulku wuxuu ku yaallay meel magaalada cabbar u jirta, oo ka cidlo ah, Markii la fasaxay ayay iskuulka banaankiisa cabbaar istaageen, ayagoo bas ay raacaan sugaya, siday meeshii u taagnaayeen ayaa qoraxdii dhacday, markaa bay go’aansadeen inay iska lugeeyaan hayeeshee hal wiil ayaa diiday oo yiri “anigu ma lugayn karo “, waxay ku yiraahdeen ” meeshan cidladaa kaaga tagi

maynee na keen” ,waana uu ka dhaartay inuu

raaco.

Markii uu raaci diiday, ayay meeshii uga

tageen , wayna iska lugeeyeen .

Wiilkii markuu goobtii cabbaar taagnaa, ayaa

waxaa jidkii agtiisa ahaa soo maray baabuur

qurux badan oo guduudan , markaa buu

gacanta u taagay wuuna u is taagay , hadduu

u yimidba wuxuu arkay gabar qurux badan

oo kaligeed gaariga wadata, wuxuu ku yiri “

 

walaal xaga hore ii sii dhaway ” , ayana “soo

raac “bay ku tiri.

Intii ay sii socdeen wiilku wuxuu layaabbanaa

gabadha qurux badnaanteeda, wuxuuna

qalbigiisu ku maqnaa dhabankeeda sida

hilaaca u ifaya, qoorteeda dheer, xabadkeeda

buuran , iyo xubno jalaqsanaanteeda .

Siduu xageeda u jeeqaayay, oo sidii waraabe

hilba arkay ugu eegayay, ayaa gaarigii

meeshii uu u socday la dhaafay, wuxuuna ku

baraarugay asagoo meel ilaa 15 km xaafaddii

u jirta sii maraya, markaa buu ku yiri ” abaayo

ii jooji xaafaddii waad i soo dhaafisaye ” ,

markaa bay inta il naxariis leh ku eegtay, oo

yar dhoola cadaysay ayay ku tiri “maad aniga

caawo ila joogtid aboowe oo gurigayga ii

raacdid” , asagoo yar muusoonaya wajigiisana

farxad laga dheehan karo , oo madaxana

luxaya ayuu ugu jawaabay “waaba jaanis ee

na wad”.

Cabbaar markay sii socdeen ayay guri qurux

badan tageen, gaarigii ayay ka dageen, oo

 

gurigii gudaha u galeen.

Guriga cidina ma joojin, waxayna taasi farxad

dheeraad ah ku sii beertay wiilkii, oo islahaa

caawo fursad dahabi ah baad haysataa.

Qolka fadhiga ayay ku hor mareen oo fariisteen

si ay cabbaar ugu sheekaystaan, wiilkii oo

gabadha garabkeeda midig fadhiya, oo far

iyo food jirkeeda hadba dhinac ka eegaya, oo

laxawsanaya aadna u faraxsan , ayaa wuxuu

mar qura indhaha ku dhiftay cagaheeda oo

sidii dameerka u qaroofan, inta uu naxay ayuu

ku yiri ” abaayo lugaha maxaa kaaga dhacay

” , markaa bay ku tiri ” miyaanad ogayn inaan

gabar jinni ahay “.

Wiilkii oo sii naxay, cabsi awgeedna la

gariiray ayaa mar qura wuxuu yiri ” acuudu

billaahi mina shaydaani rajiim ” , markaa

buu wuxuu is arkay asagoo taagan meeshii

banaaneed ee uu saxaabtiisii galabta qorax

dhicii uga haray.!!!!

W/Q: Liibaan Xirsi

 

WAXYAABAHA DALKEENA SOO SAARO MA HABOONA IN DIBADA LAGA KEENO.

Dalkeena Soomaaliya waa dalka hodan ah uu Alle SWT ku maneeystay nicmooyin farabadan oo ay ugu horeeyaan Xoolaha aan dhaqano, Tacabka Beeraha oo aan beerano, Soo jilaabashada kalluunka, laba wabi oo kala ah jubba iyo shabelle dhamaan nicmooyinkaas oo aan kor ku soo xusay waxa ay aas aas u yihiin jiritaankeena nololeed islamarkaana aan aad oga faa’ideesano nicmooyinkaas badan oo Alle inagu maneeystay.

Shacabka Soomaaliyeed waa shacab ku firfircoon in ay tacbadaan beeraha ayaga oo galinaaayo juhdi iyo dadaal xooggan ayaga oo beeraha ku tacbaayo dalagyo kala duwan oo badan kood ay ku soo go’aan bilooyin kooban taasi oo Ka dhageysa dadka tacbada beeraha in ay dalaga ay tacbadeen in ay iibgeeyaan si ay lacag oga helaan sidoo kalena beeraha waxa tiirka labaad oo ay ku tiirsan yihiin shacabkeena Soomaaliyeed marka laga soo tago biyaha oo ah waxa ugu horeeya ee aadanaha uu u baahan yahay oo uusan biyo la’aan noolaan karin.

Sidoo kale shacabkeena Soomaaliyeed waa shacab ku wanaagsan dhaqashada xoolaha nool ee nicmooleyda ah waana waxa ay ku tiirsan yihiin marka laga eega dhan walba oo nacfi ah sida in xoolaha ay u iibkeesadaan suuqayada dalka iyo dibada iyo in ay hilibka xoolaha ay cunaan oo ay ku noolaadaan waana sababta ay u yihiin shacabka Soomaaliyeed dad xoola dhaqataha ah oo laga yaqaana dunida.

Waxaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ku wanaagsan yihiin soo jalaabashada kalluunka oo aad ay u soo jalaabtaan kalluun badan ayaga oo u iibkeena suuqayada magaalooyinka dalka ku yaala sidoo kalena waxa ay Ka iibsadaan warshadaha sameeya kalluunka islamarkaana Ka soo dhiga kalluunka gasacdeesan.

Hadaba haddii aan u imaadno mowduuceenii ahaa waxsoosaarka  dalkeena uu leeyahay ma haboona in dibada laga keeno.

Waxsoosaarka dalkeena soomaaliya oo aan kor ku soo xusay waa wax soosaar muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ayna qeyb weyn ay Ka tahay nolsheena waxaana loo baahan yahay in waxsoorka dalkeena la xoojiyo islamarkaana laga fogaado in dalka lakeeno wax dalka laga helaayo ama dalka laga soo saaro.

Inkastoo ay jiraan in dalka ay yimaadaan dhamaan waxkasta oo dalkeena laga soo saara in dibada laga keeno balse ma haboona ganacstada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in waxsoorka dalkeena ay dhiira galiyaan islamarkaana  qeyb weyn ay Ka qaataan waxsoo saarka xooggan sababtoo ah dalkasta waxa uu ku faana waxsoosaarka dalka gudihiisa islamarkaana ay u iibgeeyaan wadamada dibada ah si ay oga helaan faa’ido lacageed iyo  alaabtooda noqoneysa alaab marwalba la soo dalbada.

Hadaba si loo adkeeyo waxsoosaarka dalkeena in aan dibada laga keenin waxaa loobahan yahay laba waxyaabood.

  1. Ganacstada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay joojinta keenida dalka ay keenaan alaabaha dalka laga soosaaro in dibada laga keeno balse taasi badalkeeda waxaa ganacsatada looga baahan yahay in ay dhiira galiyaan waxsoosaarka dalka ayna qeyb Ka noqdaan waxsoosaarka dalka sidoo kalena ay iibsadaan ayna u iib geeyaan wadamada kale si alaabaheena ay qiimo u yeeshaan.
  2. Dowladda waxaa looga baahan yahay ilaalinta korjoogeenta iyo kawar qabida waxa dalka soo galaayo iyo waxa Ka baxaayo ayada oo ilaalneyao in dalka la keeno waxkasta uu dalka soo saaro in dibada laga keeno waxaana dowladda looga baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku hagto in ay waxsoosaar ay layimaadaan islamarkaana ay Ka caawiso waxyaabaha ay u baahan yihiin.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

GANACSIGU WAA NOLOSHA BULSHADA

Ganacsiga xoolaha nool iyo kan dalagga beeraha ayaa si buuxda gobolada iyo degmooyinka uga socda iyadoo gaadiidka u kala goosha gobolada iyo degmooyinka ay rartaan gaarsiiyaana meel kasta oo looga baahan yahay.

Marka aad fiiriso waddooyinka dhaadheer ee isku xira dalka waxaa maraya gaadiidka xamuulka kuwaas oo meelo fogfog gaarsiiya rarka ganacsi ee ay wadaan kaas oo isugu jira raashin noocyo kala duwan ah sida galleyda , sisinta , mesegada iyo dalagyo kale.

Waxay dadku ka helaan ganacsiga faa’ido iyo wax ay ku noolaadaan iyadoo ganacsigaasi mararka qaar uu maro gacmo kala duwan waxayna u kala macaashaan siyaabo kala duwan.

Dalabka raashinka rarka ah ayaa la sii gaarsiiyaa goobaha u uku socdo ka hor inta aanu gaarin waxaana arrintaa ka shaqeeya rag iyo dumar dallaalliin ah oo ka shaqeysta kala wareejinta badeecooyinka.

Ganacsiga dibedda ka yimaada ee ka soo gala dekeddaha iyo garoomada waxaa ka mid ah dharka, sokorta, bariiska iyo baastada, maacuunta , qalabka dhismaha iyo maacuunta.

Dadka ku nool gobolada waxay ka cowdaan waddooyinka iyo mudada dheer ee safarku qaato hadana iyaga laftooda ayaa ka sii ganacsada badeecooyinkaa.

Badeecadaha dalka ka soo baxa ee loo iibgeeyo gobolada waxaa ku jira wax soo saarka gudaha sida cambaha ,liinta , babayga , saytuunka, qaraha iyo geedmiroodka .

Cawda ayaa Iyana ah waxyaabaha dalka gudihisa la isaga qaado ee laga sameeyo darmaha iyo waxyaabaha kale ee lagu adeegsado guryaha.

Darmaha , dambiilaha iyo qalab kale oo soomaalidu adeegsato ayaa Iyana laga ganacsadaa oo loo kala gudbiyaa gobolada dalka iyadoo la sii marimayo dhinaca dhulka.

Ganacsiyadaa kala duwaan ayey bulshada soomaaliyeed waxay ka raadiyaan nolol iyagoo shaqo adag u soo mararka qaarna ay halis k ugali karto naftooda.

Si kasta oo ay tahayba hadana dadku ganacsiyadaas waa ku nool yihiin oo waxay ka helaan wax ay ku noolaadaan waxaana dadku ay ganacsanayaan ka muuqda isdhexgal iyagoo ku faraxsan shaqada ay hayaan .

Ganacsiga Soomaalida gudaha dalka ka sokow wuxuu ku faafsan yahay dalalka deriska ah sida Itoobiya , Kenya iyo dalalka carbeed qaarkood oo soomaalidu ka sameyeen ganacsiyo waaweyn iyo kuwo la xiriira wax soo saarka badeecooyinka.

W/Q: Abwaan Gabayre

MAXAAD KA TAQAAN DALKA BURKIINA FAASO?.

Jumhuuriyadda Burkina Faaso waa dal ay dadkiisu muslimiin u badan yihiin oo ku yaalla galbeedka Afrika, waxayna soohdin la wadaagtaa 6 dal oo kala ah Maali dhinaca waqooyi ka xigta, Neyjar dhanka bari ayay deriska kala tahay, Baniin ayaa waqooyi bari ka jirta, Kongo,iyo Toogo koofur ayay ka xigaan, halka Saaxilul caajna uu koofur galbeed kaga beeganyahay.

dalkan oo ku yaalla saxaraha ballaaran ee galbeedka afrika ayaa ka kooban 13 gobol oo ayaguna u sii qeybsama 45 degmo, waxaana magaalooyinka ugu waaweyn kamida wagadoogo oo ah magaalo-madaxda ama caasimadda, waana mid kamida magaalooyinka ugu ballaaran qaaradda afrika, warshado, ganacsiyo waaweyn, dhul beereed aad u weyn, goobo qurux badan oo dalxiiska ku wanaagsan iyo waxyaabo kale ayayna caan ku tahay  magaaladani.

Buubuud yuulaso waa caasimadda ganacsiga ee dalka, waana magaalada labaad ee ugu wayn burkiina faaso markii laga soo tago caasimadda wagadoogo, waxaana ku nool dad aad u fara badan, kodoogo ayaa iyana ah magaalada 3-aad ee ugu wayn burkiina faaso, waxaana ku yaalla warshado yar yar, jaamacad, iyo xarumo dowladeed.

Afafka ama luuqadaha rasmiga ah dalkan looga hadlo waxaa kamid ah afka loo yaqaanno moor, balse waxaa dhambaalada rasmiga ah lagu qoraa, xaafiisyada dowladdana loo adeegsadaa luuqadda faransiiska oo ay inta badan dadku ku hadlaan ama yaqaanaan, waxaa kaloo ay bulshada qaar gaar ahaan bahda waxbarashadu adeegsadaan af carabiga,lacagta dalkana waxaa lagu magacaabaa faranki, halkii doolarna wuxuu u dhigmaa 584 faranki, taasoo caddaynaysa inay lacagta dalkani tahay coosh aan qeymo badan lahayn.

Dhinaca bedka burkiina faaso waa dalka 75-aad ee adduunka ugu wayn, waxaana baaxaddeeda dhuleed  lagu qayaasaa 274,200 kmr oo laba jibaaran
Sooyaalka dowladnimo markii la eego Burkiina faaso oo hore loo oran jiray bafooltada sare waxay ka tirsanaan jirtay boqortooyadii islaamiga ahayd ee maali ka talin jirtay, ka dibna way ka go’day oo waxay ku biirtay boqortooyo kale oo la oran jiray singi, waxay dadka dalkani samaysteen boqoqortooyo u gaar ah oo lagu magacaabo bafoolta ,waxayna caasimad ka dhigatay magaalo lagu magaacaabo wagaaduugo.

Gumeystihii Faransiiska ayaa dalkan soo galay sanadkii 1896-kii, wuxuuna heshiis la galay boqortooyadii ka talin jirtay, wuxuuna ku daray Senegal ka dibna wuu ka jaray sanadkii 1916-kii oo wuxuu ka dhigtay gobol gaar ah oo uu gumeysto.

Markii ay gumeysigii qaab darada ahaa u adkaysan waayeen waxay muslimiinta burkiina faaso billaabeen halgan gobanimo raadis ah, balse faransiiska oo arrintaa ka falcelinaya ayaa dhulkoodii u kala qeybiyay oo ku kala daray maali iyo saaxilul caaj.

Sanadkii 1947-kii waxay halgameyaashii burkiina faaso ku guulaysteen inay dalkoodii gumeystuhu kala qeybiyay dib u mideeyaan, balse Wali kama hoos bixin heeryadii faransiiska, waxayna madax-bannaanidooda qaateen sanadkii 1960-kii.

Qaab maamulka: dowladda waxaa hugaamiya madaxweynaha oo ay bulshadu 7-dii sanoba hal mar soo doortaan, loomana oggola inuu hal mar ka badan dib isku soo sharraxo, waxay kaloo dadweynuhu soo doortaan sharci-dejiyaal ama baarlamaan tiro ahaan ka kooban 107 xubnood, wuxuuna dalku u kala baxaa 30 ismaamul oo ay dowladda dhexe huggaanka u magacowdo

Ciidanka qalabka sida: burkiina faaso ma ahan dal bad leh sidaa awgeed waxay leedahay ciidan isugu jira kuwa dhulka, kuwa cirka, iyo maleeshiyaad dowladda taageera oo aad u hubaysan, waxaana ciidan dhulka lagu qayaasaa 6 kun illaa 5800 oo askari, halka maleeshiyaadka dowladdu taageertona lagu qayaaso illaa 45 kun oo nin, waxayna ciidanka rasmiga ah ee dalkaasi ku shaqeeyaan tababarro iyo qalab la xariira qaabka militari ee shiinaha iyo midowgii soofiyeed.
Lasoco qeybta xegta.
WQ: Abwaan Hareeri

DALAL QANI AH BALSE DADKOODU AY FAQRI YIHIIN!

Waxaa jira habab badan oo ay waddamada Afrika ku kordhin karaan dhaqaalahooda, hababkan kuwa ugu rajo weyn waxaa ka mid ah:-

Maalgelinta waxbarashada: Waxbarashadu waa hormuudka kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dal kasto oo tanaada.

Waddamada Afrika waxay ku qalabayn karaan muwaadiniintooda xirfadaha iyo aqoonta ay u baahan yihiin si ay uga qayb qaataan dhaqaalaha casriga ah iyo horumarinta hal-abuurka.

Tan waxa lagu samayn karaa hindisayaal ay ka mid yihiin ballaarinta helitaanka waxbarasho tayo leh, kordhinta maalgelinta dugsiyada, jaamacadaha iyo mudnaanta STEM (sayniska, tignoolajiyada, injineernimada, iyo xisaabta iyo waxbarashada).

Horumarinta kaabayaasha: Kaabayaal Dhaqaale oo ku filan ayaa lagama maarmaan u ah kobaca dhaqaale kasta.

Wadamada Afrika waxay maalgashi ku sameyn karaan kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, buundooyinka, dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha si loo hagaajiyo isku xirka iyo fududaynta ganacsiga. Tani waxay ka caawin kartaa ganacsiyada inay si hufan u shaqeeyaan oo ay kordhiyaan dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha.

Dhiirigelinta Maalgashiga Shisheeye: Maalgashiga Shisheeye wuxuu u keeni karaa raasumaal, teknoloji, iyo khibrad u leh waddamada Afrika, kuwaas oo gacan ka geysan kara in la dhaqaajiyo kobaca dhaqaalaha iyo horumarka.

Dawladuhu waxay dhiirigelin karaan maalgashiga shisheeye iyagoo abuuraya jawi ganacsi oo wanaagsan, oo ay ku jiraan hindiseyaal ay ka mid yihiin fududaynta xeerarka ku dhisan wada-ogol oo ay la yeeshaan shirkadaha shisheeye si’ loo gaaro isku filnaan dhaqaalo.

dalal afrika nooc walba oo kheyraad ah ayuu ku duugan balse weli meysan fahmin ilaha dhaqaale ay ku fadhiyaan ,taasi waxay sababtay in maalin kasta ay ku tirsanadaan reer galbeedka.

Kor u qaadida hal-abuurka ganacsi: Ganacsigu waxa uu kicin karaa hal-abuurnimo iyo abuurista fursado dhaqaale oo cusub.

Dowladaha Afrika waxay ku taageeri karaan hal-abuurka ganacsi iyagoo siinaya fursad ay ku helaan raasamaal, tababaro, iyo agabyo kale si ay uga caawiyaan ganacsatada inay guuleystaan.

Maalgelinta kheyraadka dabiiciga ah Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda, macdanta, iyo wax soo saarka beeraha.

Maalgelinta horumarinta khayraadkaas, dawladaha Afrika waxay ka faa’iideysan karaan ilo cusub oo hanti ah waxayna kicin karaan kobaca dhaqaalaha.

Dalal afrika nooc walba oo kheyraad ah ayuu ku duugan balse weli meysan fahmin ilaha dhaqaale ay ku fadhiyaan,taasi waxay sababtay in maalin kasta ay ku tirsanadaan reer galbeedka.

Waddamo badan oo Afrikaan ah ayaa si weyn ugu tiirsan hal warshad ama waax kobocooda dhaqaale.

Kala-duwanaanshaha dhaqaaluhu waxay kaa caawin kartaa in la yareeyo khataraha oo ay abuurto xasilloon, korriin mustaqbalka fog ah.

Tan waxa lagu samayn karaa hindisayaal ay ka mid yihiin horumarinta warshado cusub, maalgashiga tignoolajiyada, iyo horumarinta hal-abuurka.

Dhaqangelinta xeeladahaas, wadamada Afrika waxay kordhin karaan hantidooda oo ay wanaajiyaan nolosha muwaadiniintooda.

Waxaa muhiim ah in dowladuhu ay si dhow ula shaqeeyaan ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah si loo hubiyo in hindisayaashani ay noqdaan kuwo guuleysta oo saameyn togan ku leh dhaqaalaha.

WQ: Cabdiraxiim Jimcaale

 

ISLAAMKA IYO UJEEDDADA QISAASTA IYO XAD OOFINTA. (QEYBTA 1-AAD)

Ujeeddada Islaamku ka leeyahay Qisaasta iyo Xuduudda waa  Cadaalad iyo in Aadanuhu ku kala badbaadaan, islamarkaana lagu ilaaliyo Nafta, Maalka iyo Sharafta qofka, taasoo haddii aysan jiri laheyn qisaas ama xuduud lagu kala ilaaliyo aysan suuragal ahaan laheyn in la kala nabad galo.

Ujeeddada Islaamku ka leeyahay Qisaasta iyo Xuduuda ma’ahan oo kaliya in Bani Aadamka lagu ciqaabo ee waa in lagu badbaadiyo dadka, oo aan micna la’aan isku maagin ama xoolahooda isaga qaadan, sidaa daraadeed Sharciyadda  Ciqaabtu qaban mayso cid aan aheyn gaboodfalayaasha loogu talo galay ee mar walba ku howlan Dulminta ruux aan waxba ka galabsan.

Midda kale, kale In dadka loo kala garqaado dalmbiilayaashana la ciqaabo waxaa ku jirta danta dadka Dunida ku nool si ay u helaan Nabad ay ku noolaan karaan iyo Nolol dulmi ka barax tiran oo ay ku naaloon karaan.

Ilaahay sareeye wuxuu yiri:-

“Qisaasta waa noloshiina kuwa Caqliga lahow waxaadna mudan tihiin inaad dhowrsataan”.

Wuxuu kaloo Alle yiri:-

“Waxaan ku waajibinay dushooda in Naf loo dilo Naf, oo Il loo rido Il; oo San loo jaro San, oo Dhag loo jaro Dhag, oo Ilig loo rido Ilig, dhaawacyadana la simo, qofkiise sadaqaysta oo iska cafiya kii anafada u geystay waxay u tahay dambi dhaaf, ciddaan ku xukumin wixii Alle soo dajiyay oo Cadaalad ah kuwaasi waa daalimiin”

Qisaastu waa garsoor ku fadhiya in qof kasta oo ku xad gudba qof kale oo dila ama xubnaha jirkiisa dhibaato u gaysta in looga aaro oo intii uu ugaystay oo kale loo gaysto, haduusan dhibanuhu cafin ama shafashafo iyo xoolo badal ah ku doorsan dhibaatadii loo gaystay.

Xuduuduna waa Ciqaab sharci ah oo ka ratibmaysa dhibaato uu qof u gaysto qof kale maalkiisa sida inuu ka dhaco ama ka xado meel lagu xifdiyay, ama inuu sharaf dhaawaco oo uu la yimaado galmo aan sharciyeysneyn, ama inuu maandooriye isticmaalo oo uu sidaa khalkhal ku galiyo Amniga naftiisa iyo midka dadka kale, iwm.

Qisaasta waxaa ka furan inuu qofkii lahaa cafin karo ama badal maal qaadan karo, oo waliba ilaahay sareeye waa bogaadiyay cafinta oo wuxuu yiri:-

“Qofkii loo cafiyo xaga walaalkii wax ka mid ah dulmigii uu gaystay waa wanaag la raacay, waxaana ka ratibmaya inuu isna wanaag ku gudo, arinkaasna waa fududeyn xagga Rabigiin idiinka timid, qofkiise xadgudba intaa ka dib wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan”

Dhanka Xuduuda ka ratibmaysa xoolo la dhacay wuxuu Alle ka yiri:-

“Ninkii iyo naagtii tuugada ahaa gacmahooda jara si looga gooyo dambigii ay galeen iyadoo ay taasina tahay Ciqaab xagga Rabi oga timid Ilaahayna waa mid tiisa uun ay socoto oo fal suuban”.

Fulinta Xadka gacan goynta waxaa ku xeeran shuruudo badan oo adag oo ay ugu horeyso in horta waxa laxaday gaaraan laba garaam oo Dahab ah qiimo u dhigma ama ka badan, lagana xaday goob lagu xafiday, xooluhuna uusan qofku waxba ku lahayn, inuu qofku yahay qaangaar aan Maskaxda ka jiraneyn, inaysan qofku haysanin xaalad adag oo gaajo geeri sababi karta ah iwm.

Dhanka xuduuda ka ratibmayso gogol dhaafka iyo galmada aan sharciga ku fadhiyin wuxuu Alle ka yiri:-

“Naagta iyo ninka sineysta mid kasta ku dhufta boqol jeedal, oo yeysan idiin qabanin inaad oga turaysaan diinka Alle haddii aad tihiin kuwo Alle iyo Maalinka Qiyaame rumeysan, oo waliba ha xaadireen goobta lagu ciqaabo qeyb mu’miniinta ka mid ahi”.

Sinada iyo galmada aan sharciga waafaqsaneyn waa dambi weyn oo laga galayo sharafta qofka iyo mujtamaca iyo waliba taranka, maadaama ay kulansatay waxyeelooyin Caqligu garan karo oo aan la soo koobi karin, markay ugu yar tahayna waa  cadaalad daro iyo khayaano laga galay qofka guursanaya qof galmo sharci daro ah hore ula wadaagay qof kale.

Dambiyada Xadka waajibinaya oo aan ahayn labadan aan tusaalaha u soo qaatay oo kaliya maaha kuwo la ogol yahay in lagu fududaado oo waxaa mid kasta la dul dhigay shuruudo adag oo naadir ka dhigaya fulinteeda, waxayna diinta islaamku amartay in shubhada ugu yar lagu buriyo fulinta xudduuda.

Rasuulka scw wuxuu yiri:

“Celiya xuduuda oo ha ku fududaanina fulinteeda inta aad u helaysaan wax aad ku celisaan.

“Ka celiya Muslimiinta fulinta Xuduudda intaad awoodaan, hadii qofka lagu fulinayo yeesho wax uun marmarsiinyo ah iska daaya, waayo in Imaamku cafin ku gafo ayaa u dhaanta intii uu ciqaab ku gafi lahaa”.

Waxaa kale oo Asxaabtii Nabi Muxamad scw ka sugnaatay inayba mararka qaar joojin jireen fulinta Xuduuda.

WQ: Ibraahim Warsame

 

ISLAAMKA IYO ARAGTIDA MAAREYNTA DHAQAALAHA DUNIDA (QEYBTA 1AAD)

Duniddu waxa ay soo martay marxalado kale duwan oo dhaqan dhaqaale oo marba waxa la tijaabinayay aragti cusub oo dhaqaalaha dunidu isticmaalo, midkastana waa laga gudbayay marka ay sidii la rabay noqon waydo, ilaa waqti xaadirkan lasoo gaaray nidaamka dhaqaale ee fashilka ku dhaw ee lagu magaabo ” hanti-goosadka”.

Dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda dunida ka jiraa waxay umuuqdaan in aanay xalkeeda haynin dugsiyadii kala duwanaa ee aragtiyaha dhaqaale ay ka yimaadeen (schools of Economic thoughts), balse dhaqaalaha islaamka ayaad ka dhex arki kartaa balan-qaadyo rasmi ah oo ku saabsan xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee mustaqbalka.

Dhaqaalaha islaamku waa fikrad jirtay xilliyo hore balse aad moodid inuu dunidda aan muslimka ahayn uu ula muuqdo fikrad cusub oo kaba fiican afkaartii dhaqaale ee kala danbaysay ee ay soo saareen dhaqaalayahanadoodii.

Waxa iyana jira ilaa hadda jaamacado ka badan 30 oo  bixiya heerarka waxbarasho ee kala duwan ee degree ilaa PHD, sidoo kale waddamada reer galbeedka ardaydooda qaar ayaa buugga qalin-jabintooda ku qora mawduucyo ku saabsan dhaqaalaha islaamka, isla wakhtigan ayuu dhaqaalaha islaamku marayaa marxalad xasaasi ah oo haddii aqoonyahanka islaamku ay ka hawlgalaan uu noqon karaa fikrada dhaqaale ee dhammaan dunida hogaamisa.

Bilyaneerka lagu magacaabo “Ray Dalio” oo leh shirkad bixisa maal-galinta lacagaha xaddigoodu badan yahay ayaa waxa uu sheegay inuu nidaamkii dhaqaale ee hanti-goosadku uu wakhti xaadirkan umuuqdo mid fashilmaya isla markaana uu kacdoon danbe oo dhaqaale imanayo.

Waxa iyana iska cad in kala saraynta dhaqaale ee dunidu ay wakhtigan aad usarayso, walibana uu yahay mid sannadba sanadka ka danbeeya sii kordhaya, islamarkaasna dhaqaalaha ku salaysan ribaddu aanu marnaba ahayn xalka saxda ah ee dunida ujihayn kara  baraare guud iyo koboc dhaqaale intaba.

Dhaqaalaha islaamka oo zako ahaan uqaada 2.5% xoolaha uu qofku leeyahay sannadkii ayaa hadda dunidu u aragtay inuu yahay xalka yarayn kara kala saraynta dhaqaale ee bulshada. Dhaqaalaha islaamka ayaa ah ruuxda kaliya ee wakhti xaadirkan soo noolayn karta dhaqaalaha dunida ee sii dhimanaya, waana ereyo aad ku arki kartid inay adeegsanayaan qoraayada ka hadla arimaha dhaqaaluhu, waxaana ay sidoo kale leeyihiin kaliya maaha xeerar islaamku isticmaalo ee waa xeerar ilaa wakhtiyadii nabi Ibraahiim(CSW) la isticmaali jiray taas oo ay dhaafinayaan xilliyadii uu noolaa Nebbi Muxamed (NNKH). Balse islaam ahaan waxa aynu aaminsanahay in nidaamka dhaqaale ee islaamku uu la bilaabmay abuurkii dunida.

Xigasho: Hadh wanaag news

WD: Ibraahim Warsame

 

WADADII ISKU FILNAANSHAHA AYAAN CAGTA SAARNAY.

Kor u qaadista dakhliga iyo la dagaallanka masuq-maasuqa waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo Dowladda Federaalka ku tallaabsatay, indhaha caalamka waxaa soo jeediyay sida ay Dowladda Federaalku wax u waddo, taas oo ku aaddan dagaalka xooggan ay kula jirto Khawaarijta Al-shabaab.

Masuq-maasuqa iyo maareynta maaliyadeed oo udub-dhexaad u ah in deymo aan badneyn laga cafiyo Soomaaliya.

Dalku, wuxuu cagta saaray waddadii guusha,iyadoo Dowladdanna ay la timid isbedel muuqda oo dhan kasta leh. Dowladda Soomaaliya ayaa waddo sidii loo gaari lahaa isku filnaasho buuxa oo saldhig u ah jiritaanka Dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay dadka Soomaaliyeed in aysan ahayn gob, taas oo macnaheedu uu yahay inaan wali la gaarin hadafkii Dowladnimada, si loo gaarana ay muhiim tahay in shacabka iyo Dowladduba ay ka wada shaqeeyaan saddex qodob oo kala ah.

1- Xoreynta Dalka ee Khawaarijta, madaxweynaha JFS ayaa u sheegay shacabka Soomaaliyeed in looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta si Dalka dhan looga xoreeyo loona helo amni buuxa

2- kobaca dhaqaalaha Dalka:- si ay Dowladdu u gaarto isku filnaasho dhaqaale loogana cafiyo deymaha ayuu tilmaamay madaxweynaha in ay lagama maar-maan tahay in shacabka ay qeyb weyn ka qaataan ka hortagga masuq-maasuq iyo dhaca hantida Dalka iyo dadkuba ay leeyihiin.

3- Dhammeystirka Dastuurka:- dhammeystirka Dastuurka Dalka ayuu madaxweynuhuu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhammeystiri doono wuxuuse garab weydiistay shacabka Soomaaliyeed .

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa dib u habeyn ballaaran ku sameysay nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya,taas oo soo celineysa kalsoonidii ay caalamka ku qabeen hay’adaha dhaqaalaha Dalka , arrintaas oo horseedi karta kobac dhaqaale iyo in malaayiin dad Soomaaliyeed ah ay ka baxaan Saboolnimada, nolol wanaagsan ku noolaadaan.

WQ: C/salaam M Yaasiin

FAA’IIDOOYINKA BARASHADA KULLIYADDA AFAFKA QALAAD.

Kulliyada afafka Waxaa lagu dersaa luuqadaha shisheeye ee kala duwan iyo suugaantooda, waxaa soo hoos galaya luuqadda Carabiga, Luuqadda Ingiriiska, luuqadaha reer yurub ( Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Isbaanishka), qaybta luuqadaha Afrika iyo qaybta luuqadaha Aasiya.

1. Afka Carabiga
Waxaa lagu dersaa qaybaha luuqadda carabiga suugaan, naxwe iyo qaybaha kala duwan ee luuqaddaan.
Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah takhasuskaan:
In ardaygu ku gudbo ugu yaraan 70% celceliska dhibcaha guud marxaladda dugsiga sare.

In ardaygu ku gudbo faracyada luuqadda carabiga ugu yaraan 70%
In ardaygu xiise iyo jacaylba u hayo takhasuska luuqadda carabiga iyo suugaanteeda.
In ardaygu aqoon fiican u leeyahay culuunta xiriirka la leh luuqadda carabiga.

Fursadaha shaqo ee Kulliyaddaan:

Bare luuqadda carabiga.
Turjubaan luuqadda carabiga.
Xeeldheere tarjumidda luuqadda carabiga.
Tafaftire Wargeys ku soo baxa afka carabiga.
War tabiye luuqadda carabiga ah.
Weriye Idaacad iyo Taleefishin qaybta luuqadda carabiga.
Kormeere qoraallo.
Tafatire luuqadda carabiga.

Shaqooyinka takhasuskaan waxa ay hoos tagi karaan hay’adaha dawladda kuwa sida: Wasaaradda Waxbarashada, Warfaafinta iyo hay’adaha kale ee xiriirka la leh takhasuskaan. Sidoo kale wuxuu ka hawlgeli karaa hay’adaha gaarka loo leeyahay sida Idaacadaha, Taleefishinnada, Wargeysyada ku baxa luuqadda carabiga, hay’adaha xayeysiinta, Madbacadaha iwm.

2. Afka Ingiriiska.
Waxaa lagu dersaa luuqadda ingiriiska naxwe iyo suugaanba.
Waxyaabaha laga doonayo ardayga ku biiraya takhasuskaan:
In ardaygu ku gudbo dhibco aan ka yarayn 70% celceliska guud ee marxaladda dugsiga sare.

In ardaygu jacayl u qabo ku biirista takhasuskaan.
In ardaygu awood u leeyahay xifdinta iyo raad-raacaba.
In ardaygu leeyahay kalsooni nafeed ee dhanka ku hadalka iyo ku doodidda luuqadda ingiriiska.
In ardaygu la yimaado dedaal dheeri ah oo ku aaddan barashada luuqadda ingiriiska hadal iyo qoraalba.

Fursadaha shaqo ee Takhasuskaan:

Tarjubaan luuqadda Ingiriiska.
Bare luuqadda ingiriiska ku takhasusay.
Kormeere iyo xiriiriye barnaamijyada luuqadaha shisheeye.
Warfidiye Raadiyo iyo Taleefishin ku baxa luuqadda Ingiriiska.
War tabiye ama tafatire luuqadda ingiriiska.

Shaqooyinka kor ku xusan waxay hoos tagaan Wasaaradaha Warfaafinta, Waxbarashada, Arrimaha Dibadda, Jaamacadaha iyo xarumaha dawladeed ee la xiriira takhasuskaan. Sidoo kale ayey ka hawlgalayaan ardayda dhammaysata takhasuskaan shirkadaha gaarka ah, hay’adaha warfaafinta iyo dalxiiska, Cisbitaallada iyo hay’ado kale.

WQ: Abdisalan M. Yaasiin