Ergayga Bariga Dhexe oo ku taliyay in xal loo helo arrimaha Falastiin iyo Israa’iil

Ergayga Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe Tor Wennesland ayaa sheegay in sanadkaan gudahiisa Daanta Galbeed lagu dilay in ka badan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad 30 Israa’iiliyiin,kadib weerarro ay Israa’iil ku qaadeen dadka reer Falastiin.

Isu duwaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan geeddi-socodka nabadda ee Bariga Dhexe Tor Wennesland, oo la hadlay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Isniintii ayaa sheegay in rabshadaha sii kordhaya ay sii wiiqayaan rajada mustaqbalka dadka Falastiiniyiinta iyo helitaanka waddan madax-bannaan.

Ergayga ayaa tilmaamay in is-ballaarinta aan joogsiga lahayn ee deegaamaynta sharci darrada ah ee ay wadaan Israa’iil, burburinta guryaha falastiin iyo hawlgallada ay ciidammada Israa’iil ka wadaan deegaannada la haysto ee Daanta Galbeed ay horseedeen dhimashada iyo dhaawacyada faraha badan eek u habsaday dhinacyadaasi,gar ahaan dadka Falastiin.

Ergayga Bariga Dhexe,waxa uu ku taliyay in wax laga qabto rabshadaha iyo dilalka sii baahaya ee u dhaxeya Falastiin iyo Israa’iil,isagoo dhinaca kale tilmaamay in horumar la’aanta xagga aragtida siyaasadeed ee ku wajahan xalka dhinacyadaasi , ay sababi karaan colaad iyo deganaan la’aan.

Sanadkaan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad 30 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto,waxaana tirada dhimashada ay ka dhigeysaa mid aad u badan marka loo eego sanadkii hore iyo weliba sanadkii 2005-tii.

Dadka Bacaad weyne ee koofurta Mudug oo ku biiray dagaalka ka dhanka khawaarijta

-Dadka deegaanka Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug ayaa wacad ku maray in ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta ee ka socda Galmudug.

Abbaan duulaha Guutada 15-aad Qaybta 21-aad ee xoogga dalka G/le, Xirsi Cali Quuri oo la hadlayay boqolaal xoogagga macawisleeyda deegaanka ah ayaa sheegay in saraakiisha,siyaasiyiinta, Odayaasha. Dhallin yarada iyo wax garadka kasoo jeeda Bacaadweyne ay u mideysan yihiin la dagaallanka khawaarijta.

Abbaan duulaha ayaa intaasi ku daray in saacadaha soo socda ay gaari doonaan furimaha dagaalka, ciidamada uu hoggaaminayana ay yihiin kuwii sanada ka hor Cadowga ka saaray deegaanno ka tirsan Galmudug, mar kalana ay diyaar u yihiin cirib tirka khawaarijta.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo bogaadiyay guulaha laga gaaray khawaarijta

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Mudane, Xasan Macallim Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howl-gallada dib-u-xoreynta.

Wasiirka ayaa hambalyo ujediyay ciidamadeenna geesiyaasha ah ee Alle ka sokoow soo hooyay guulaha la taaban karo, wuxuuna intaa ku daray in kooxda Khawaarijtu uu dhammaaday waqtigooda.

Mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa dadka ku dhaqan goobaha la xoreeyay iyo degmooyinka uu Ciidanku kusii jeedo, wuxuuna ugu baaqay in aysan ka bixin guryahooda, dowladdoodii ay sugayeenna ay usoo socoto.

Wuxuu bulshada ku dhaqan deegaannada laga saaray khawaarijta ugu baaqay in aysan u dheg taagin handedaadda khawaarijta kuna kalsoonaadaan Ciidankooga xoogga iyo dowladdooda, isagoo intaa raaciyay in dadku ay u billaaban doonto nolol cusub iyo adeeg dhammaystiran.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay dhowaan soo af-jarayaan Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa Soomaaliya.

Taliye Muxudiin oo waraysi siiyay warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta laga gaaray guulo fara badan, kuwaas oo  dadka iyo dalka ku hayay dhibaatooyin kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in qasaara lixaad leh uu khawaarijtu kasoo gaaray dhammaan goobihii laysku haleelay, halka meelaha qaarna ay isaga baxeen si fududna lagu qabtay.

Taliyaha ayaa sheegay in jihooyinka kala duwan ee uu Ciidanku ka weeraray cadowgu ay guulo waaweyn ka gaareen, laguna deegaanno fara badan, sida ugu dhaqsiyaha bandanna ay ku gaari doonaan Ceel-buur iyo Gal-hareeri.

“Aagga Maxaas halka la yiraahdo Wabxo ayuu ciidanku soo gaaray,  Guri-ceel-na wuxuu soo gaaray War-xoolo, isagoo kusii socdo Ceel-buur, Aagga la yiraahdi Cali Axmed, Bud-bud iyo Geriyaale ayuu ku socdaa, labada magaalo ee muhiimka ahna sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku gaaraynaa hadduu Alle idmo”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ugu dambayn sheegay in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta wejigiisa koobaad uusan ku qaadan doonin laba toddobaad.

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 51AAD)

Nafsaddiisoo dhan buu raaciyey. Qalbigiisuu u wada furay, ilaa uu u qaaday dareen jacayl oo ka duwan kal-gacaltooyadii walaalnimo ee uu hore ugu qabay.

Iyada qudheedu la mid bay ahayd, inkastoo ay ka xishoonaysay inay muujiso dareenkeeda.

Labadaas ruux is-laab-raace. Saxansaxo jacayl wada saaqday. Saymihii cishqiga isla addorose. Hoygii ay farxadda ku darandoorrin lahaayeen loo diyaari.

Maxayse kuugu taal, waa farxad meel ka shakaalan. Kuwii lahaana ka furan karayn.

Waxay ugu marti yihiin dhaqan macangag ah. Labadaan isu oommane arooskooda dherarsaday, aayahoodu wuxuu ku xiran yahay labada kala ufoonaya.

Haddii Maana iyo Iikar isa seegaan, Aweys iyo Jiijana is- waaye. Labada aroos way isku xiran yihiin, ama wada baaqde ama wada hirgale.

Xataa guurka ka dib haddii Maana ninkeeda ka soo carooto, Jiijana waa inay walaalkeed ka soo tagtaa ee khasab ku soo carootaa, xataa hadday ninkeeda jacaylkiisa u dhimanayso.

Haddii kale ciddooda kama nabad galayso! Aweys arrimahaasuu ku xisaabtamayey markii uu ka argagaxay ammuurta hooyadii ku tallaabsatay. Sidaasuu abtigii ugu orday, uguna dan sheegtay.

Wuxuu ka baryey in uu garab ku siiyo si aan farxaddiisa iyo mustaqbalkiisa looga burburin. Xaaji Macow gar-gelyaba uma baahnayn.

Isaga qudhiisa ayaanba raalli ka ahayn waxa ay ku kaceen Aay- Caddeey iyo naagaha kaloo u durbaan tumaya.

Xaajigu waa nin ikhyaar ah oo ceeb neceb.

Hadda ka hor si dadban bay ugu soo duushay in ay jiraan dumar ku hadaaqaya Jiilaani iyo Maana-Faay ha la isku daro.

Hase yeeshee, arrintaas tixgelin ma siin.

Hadda uun buu xogwaraysi galay, markuu ka war helay carada walaashii. Ma jeclaysan markuu ogaaday sida wax u dhaceen.

Inkastoo qudhiisu jeclaan lahaa inay Maana-Faay qoyskiisa ku soo wareegto; haddana uma muuqan sidii arrintaasi ku suurta geli lahayd.

Mana doonayn inay dhacaan waxyaalo iska hor keeni kara isaga iyo seeddigii Xaaji Muumin, oo ay isku wanaagsan yihiin.

Wuxuu go’aansaday in uu degdeg uga hor tago dhaqdhaqaaqa dumarku wadaan. Wuxuu ogaaday haddii arrintaas la sii wado, waxa keliya ka dhalan kara inay yihiin colaad ma guuraan ah dhex marta dad xidid ah iyo qaar xigto ah.

Sidaas awgeed, intuu si degdeg ah gurigii ku yimid buu haweenkii buuqayey canaantay.

Waxay isku dayeen in ay qorshahoodii ku qanciyaan. Kamase hoos-qaadine wuxuu uga digay inay arrimahaas faraha kala baxaan.

Aay-Caddeeyna wuxuu si gaar ah ugu ceebiyey, carada maan-gaabnimada ah ee ay iyadoo cimrigaas ku jirta ka soo carrawday reerkeedii ay soddonka sano ku ilma dhalaysay.

Wixii madaxeeda ku jirey wuu ka saaray.

Wuxuu ku baraarujiyey in ayan gabadha xaggeeda keliya eegine, tixgeliso wiilkeeda loo guurinayo gabar uu jecel yahay.

Habeenkii waa u caqli celiyey, subaxdiina gurigeedii buu ku celiyey, iyada iyo ninkeediina maslaxay, isagoo waliba seeddigii u tacsiyeynaya, hindisihiisiina ku bogaadinaya, si uu tuhunka isaga fogeeyo.

Guriga reer Xaaji Muumin makhribkii dadku kuma badna. Daaradda waxaa laba gambar ku fadhiya Aay-Caddeey iyo gabadheeda Leyla oo galabta booqasho ku timid.

Cumarey iyo saaxiibkii Calina, baabuurtoodii ciyaarta ayay shamiitada marba dhinac ugu cayrinayaan, markay dadka waaweyn kula soo dhacaanna habartu canaananaysaa.

Leyla booqashooyinkeedu waa joogto; hase yeeshee, tan galabtaasi way ka duwanayd kuwii caadiga ahaa.

Waxay ahayd muruqa laba suulle ee ninba si ku ah. Hooyadeed waxay la tahay booqasho caadi ah, Leylana waxay u tahay tijaabo khatar ah oo ay u toog haysay in ay kala noqoto guul iyo guuldarro midkood.

Maana-Faayse waxayba u ahayd geeri ama nolol.

Leyla waxay hooyadeed u sheegtay inay Maana- Faay gurigeeda uga soo tagtay, ee joog tiri, waxay ka codsatay in loo oggolaado in ay labadoo beri la soo joogto, hawo-geddis ahaan.

Ujeeddadeeda dhabta ahise intaas ma ahayne, way u sii gogol xaaranaysey, si hadalku ugu furmo.

Aay-Caddeey intay ruqaansatay bay gabadheeda ugu jawaabtay, “Baraabar waaye, a kula soo joogto, haddii adi hunguri kuu cuneeso.

An waaba ku dhibtooday. Hunguri ma kuu cuneeso, ma kuu hurdeeso, iidlee isku makhan.

Hortii shakhada minanka waa i kaalmeen jirtay, kaalmadii waa ka weesanahay. Iida naftirkeedaba sii nakhatay waa aragtay, qaf oo isbitaal ka soo baxday camal.”

SHEEKADA DADKII UU HAL-ABUURKOODU DHIMASHADA U HORSEEDAY ( QEYBTII 2AAD)

Intaa ka wuxuu sanadkii 1696 naqshadeeyay nal weyn oo lagu calaamadiyo dhagaxyada khatarta ah ee badda ku dhex yaal, wuxuuna helay oggolaansho naqshadiisa oo dowladda ingriisku waxay u qirtay waxqabadkiisa.

Sidoo kale  wuxuu dhisay goob ama dhisme alwaax iyo biro ka samaysan oo gudah badda ku yaal, kaasoo uu ugu talo galay in maraakiibta badda maraysa laga hago.

Dhismahaasi xeebta dbowr mayl ayuu u jiray, 115 cagood ama fiid ayuuna biyaha hoos ugu jiray, waxaana laga shiday ilaa  60 shumac oo iftiinkoodu hagayo maraakiibta  u dhow, henrina wuu ku dhex noolaa oo asagaa ka shaqayn jiray.

Nasiib darro 1703-kii. Duufaan maalmo dheer socotay, oo ahayd mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa taariikhda Ingiriiska, ayaa ku dhufatey xeebaha dalkaas. Dabaylo xoog leh iyo mowjado ayaa qaaday Winstanley’s lighthouse oo ahaa dhismihii Winstanley, asaguna wuu ku dhex jiray dibna looma arag.

4) Thomas Midgley, Jr. Wuxuu ahaa hal-abuure ama saynisyahan u dhashay dalka maraykanka wuxuuna noolaa qarnigii 20aad.

Toomas wuxuu ogaaday in rasaasta loo yaqaanno tetraethyl-ka lagu dari karo shidaalka si looga hortago in mishiinka baabuurtu is garaaco ama duqeeyo.

waxaanu go’aamiyay in isku darka  rasaasta  jaadkaas ah iyo shidaalku ay matoorada u noqan karaan qaboojiye aad u wanaagsan.

In kastoo uu Hal-abuurkiisu waxyeelo ugaystay deegaanka, haddana waxa uu bilado badan ku helay shaqadiisa hal-abuurka leh ee fulinta iyo cilmi-baadhista ah.

Markii uu da’diisu ahayd 51, Midgley waxaa ku dhacay cudurka dabeysha wuxuuna lumiyay isticmaalka lugihiisa, sariir ayuuna ku aruuray.

Laakiin hal-abuurkiisii iyo dadaalkii halkii ayuu ka sii waday,wuxuuna sariirtiisa ku alifay nidaam jiidjiid ah si uu isagu kor isugu qaado, marna hoos ugu dhigto jiifka.

Nasiib darro, Noofambar 2, 1944, Midgley waxaa laandayr ku noqday oo ku ceegsamay xadhkihii nidaamka uu sameystay oo uu sariirta ku maamulan jiray, taasina waxay keentay dhimashadiisa.

5) Karel Soucek Karel Soucek, wuxuu u dhashay  dalka Canada, wuxuuna  caan noqday 1984-kii ka dib markii uu noqday ninkii ugu horreeyay ee 23 sano jir ah oo si uu uga badbaado  foosto kaga gudbo Niagara Falls oo ah biyo daadageen dalkaas ku yaal.

Wuxuu fuulay foostada ay kaaliyayaashiisu  kula riixayeen biyaha, wuxuu ku orday hoos 75 mayl saacaddii. Kaliya 3.2 ilbiriqsi ka dib, wuxuu tagey gunta hoose ee biya dhicitaannada, isagoo nabarro leh laakiin uu ku guuleystay.

Laakiin arrimuhu si lama filaan ah  bay u xumaadeen dhawr bilood ka dib markii, foosto cusub oo nashqaddiisa gaarka ah, uu diyaariyey  lagala soo tuuray saqafka sare ee dhismaha Astrodome Houston.

Laakiin foostadii uu Soucek saarnaa sidii loogu talo-galay way u shaqayn waysay , 180 cagood ayayna gunta hoose ee biyaha la aaday, waa la soo badbaadiyay, balse markii dambe isbitaalka ayuu ku dhintay.

6) Harry Smolinski , wuxuu ahaa saynisyahan u dhashay dalka maraykanka.

Sidoo Wuxuu ahaa Injineer hawada sare ah ama cirbixiyeen, waxa uuna ku guulaystey xirfaddiisa ah in uu  naqshadeeyo diyaaradaha jet-ka iyo gantaalada.

horraantii 1970-aadkii, waxa uu isku dayay samaynta baabuur duula.

Smolinski wuxuu rabay inuu naqshadeeyo baalal khafiif ah iyo dabo lagu dhejin karo baabuurta, laakiin tijaabadii baabuurkaas ayaa geeridiisa sabab u noqday.

Bishii 11-aad,sanadkii 1973. Daqiiqado ka dib markii uu baabuurka sida diyaaradda u samaysan kacay, maareeyaha garoonku waxa uu arkay qiiq madow oo ka kacaya goobta shilku ka dhacay. Alxanka xun iyo qaybo dabacsan ayaa lagu eedeeyay shilka dhimashada

7) William Nelson Hal-abuurayaal badan ayaa isku dayay inay sameeyaan baaskiillo, baabuur, ama tareeno xawli ama si degdeg ah u socda, taasoo ay ka dhalasheen natiijooyin xun. Wax badan lagama oga William Nelson, kaasoo 1903-dii ahaa 24-jir shaqaale ka ahaa goob Electric ee oo ku taal magaalada New York.

Hayeeshee tijaabadii baasakiilkaas ayuu shil ku galay, kaasoo dhimasho u horseeday.

Wargeyska New York Times ayaa xusay inu ahaa “hindise ballanqaad badan.”

8) Max Valier  wuxuu u dhashay  ustoreeliya,  wuxuuna Sannadihii 1920-aadkii, duuliye ka  noqday shirkadda  duulimaadka hawada ee dalkaas.

Valier waxa uu tijaabiyey shidaal dareere ah oo ku jira noocyada diyaaradihiisa. Maajo 17, 1930, mid iyaga ka mid ah ayaa qarxay, taasoo keentay khasaare aan la filayn oo ah dhimashadiisa.

9) Thomas Andrews.

Thomas Andrews wuxuu maareeye ka ahaa shirkada ka shaqaysa gaadiidka badda, wuxuuna galay safarkii ugu horeeyay ee markabka si uu u tijaabiyo waxqabadkiisa badda.

Saddexdii maalmood ee ugu horreeyay ee safarka ayaa ahaa kuwo aan waxba laga qaban, laakiin ka dib markii markabku uu ku dhacay meel baraf ah habeenkii 14-kii Abriil, 1912, Andrews ayaa la sheegay inuu arkay dhaawaca Captain Edward Smith oo uu go’aamiyay in markabka ay ka harsan tahay laba saacadood, ugu badnaan.

Xaqiiqdu waxay noqon kartaa mid si fiican ugu milantay sheekooyin sannadihii la soo dhaafay, laakiin qaar ka mid ah faahfaahinada musiibada laga bixiyay ayaa ah mid aan la dafiri karin.

Andrews waxa loo malaynayaa in uu baadhay qolalka markabka si uu ugu boorriyo rakaabka shakiga qaba in ay galaan doonyaha badbaadada, isaga oo si fiican u og in ay kuraas aad u yar yihiin dhamaantood. Dhammaadkii, wuxuu la  degay doontii Titanic ee markii dambe filimka laga  sameeyay, raqdiisa  iyo ruuxiisana dib looma arag.

10) francis stanley oo u dhashay dalka maraykanka ayaa  aasaasay warshad lagu magacaabo Stanley Motor Carriage Company, waxayna isaga iyo  walaalkiis iibiyeen in ka badan 200 oo wax soo saarkooda kamida taasoo ka dhigtay .

Mid kamida shirkadaha baabuurta ee ugu guulaha badan Maraykanka.

Majaladda New York Herald ayaa xustay in “Mr. Stanley iyo walaalkiis ay had iyo jeer wadan jireen baabuur ka kooban farsamooyinkii ugu dambeeyay ee warshadooda.”

Laakiin shaqadaas gacantu waxay isku beddeshay dil bishii Luulyo 31, 1918, markii Francis Stanley uu ku rogmaday mid kamida baabuurkii ay warshaddiisu samaysay ee uu soo saaray.

WQ: Liibaan Axmed Xirsi (Abwaan Hareere)

 

GABADHII QOOBKA DAMEERAHA LAHAYD

Bari baa arday iskuul dhigata, oo gabdho iyo wiilal isugu jira waxaa iskuulkii laga soo daayay xilli casir gaaban ah.

Iskuulku wuxuu ku yaallay meel magaalada cabbar u jirta, oo ka cidlo ah, Markii la fasaxay ayay iskuulka banaankiisa cabbaar istaageen, ayagoo bas ay raacaan sugaya, siday meeshii u taagnaayeen ayaa qoraxdii dhacday, markaa bay go’aansadeen inay iska lugeeyaan hayeeshee hal wiil ayaa diiday oo yiri “anigu ma lugayn karo “, waxay ku yiraahdeen ” meeshan cidladaa kaaga tagi

maynee na keen” ,waana uu ka dhaartay inuu

raaco.

Markii uu raaci diiday, ayay meeshii uga

tageen , wayna iska lugeeyeen .

Wiilkii markuu goobtii cabbaar taagnaa, ayaa

waxaa jidkii agtiisa ahaa soo maray baabuur

qurux badan oo guduudan , markaa buu

gacanta u taagay wuuna u is taagay , hadduu

u yimidba wuxuu arkay gabar qurux badan

oo kaligeed gaariga wadata, wuxuu ku yiri “

 

walaal xaga hore ii sii dhaway ” , ayana “soo

raac “bay ku tiri.

Intii ay sii socdeen wiilku wuxuu layaabbanaa

gabadha qurux badnaanteeda, wuxuuna

qalbigiisu ku maqnaa dhabankeeda sida

hilaaca u ifaya, qoorteeda dheer, xabadkeeda

buuran , iyo xubno jalaqsanaanteeda .

Siduu xageeda u jeeqaayay, oo sidii waraabe

hilba arkay ugu eegayay, ayaa gaarigii

meeshii uu u socday la dhaafay, wuxuuna ku

baraarugay asagoo meel ilaa 15 km xaafaddii

u jirta sii maraya, markaa buu ku yiri ” abaayo

ii jooji xaafaddii waad i soo dhaafisaye ” ,

markaa bay inta il naxariis leh ku eegtay, oo

yar dhoola cadaysay ayay ku tiri “maad aniga

caawo ila joogtid aboowe oo gurigayga ii

raacdid” , asagoo yar muusoonaya wajigiisana

farxad laga dheehan karo , oo madaxana

luxaya ayuu ugu jawaabay “waaba jaanis ee

na wad”.

Cabbaar markay sii socdeen ayay guri qurux

badan tageen, gaarigii ayay ka dageen, oo

 

gurigii gudaha u galeen.

Guriga cidina ma joojin, waxayna taasi farxad

dheeraad ah ku sii beertay wiilkii, oo islahaa

caawo fursad dahabi ah baad haysataa.

Qolka fadhiga ayay ku hor mareen oo fariisteen

si ay cabbaar ugu sheekaystaan, wiilkii oo

gabadha garabkeeda midig fadhiya, oo far

iyo food jirkeeda hadba dhinac ka eegaya, oo

laxawsanaya aadna u faraxsan , ayaa wuxuu

mar qura indhaha ku dhiftay cagaheeda oo

sidii dameerka u qaroofan, inta uu naxay ayuu

ku yiri ” abaayo lugaha maxaa kaaga dhacay

” , markaa bay ku tiri ” miyaanad ogayn inaan

gabar jinni ahay “.

Wiilkii oo sii naxay, cabsi awgeedna la

gariiray ayaa mar qura wuxuu yiri ” acuudu

billaahi mina shaydaani rajiim ” , markaa

buu wuxuu is arkay asagoo taagan meeshii

banaaneed ee uu saxaabtiisii galabta qorax

dhicii uga haray.!!!!

W/Q: Liibaan Xirsi

 

WAXYAABAHA DALKEENA SOO SAARO MA HABOONA IN DIBADA LAGA KEENO.

Dalkeena Soomaaliya waa dalka hodan ah uu Alle SWT ku maneeystay nicmooyin farabadan oo ay ugu horeeyaan Xoolaha aan dhaqano, Tacabka Beeraha oo aan beerano, Soo jilaabashada kalluunka, laba wabi oo kala ah jubba iyo shabelle dhamaan nicmooyinkaas oo aan kor ku soo xusay waxa ay aas aas u yihiin jiritaankeena nololeed islamarkaana aan aad oga faa’ideesano nicmooyinkaas badan oo Alle inagu maneeystay.

Shacabka Soomaaliyeed waa shacab ku firfircoon in ay tacbadaan beeraha ayaga oo galinaaayo juhdi iyo dadaal xooggan ayaga oo beeraha ku tacbaayo dalagyo kala duwan oo badan kood ay ku soo go’aan bilooyin kooban taasi oo Ka dhageysa dadka tacbada beeraha in ay dalaga ay tacbadeen in ay iibgeeyaan si ay lacag oga helaan sidoo kalena beeraha waxa tiirka labaad oo ay ku tiirsan yihiin shacabkeena Soomaaliyeed marka laga soo tago biyaha oo ah waxa ugu horeeya ee aadanaha uu u baahan yahay oo uusan biyo la’aan noolaan karin.

Sidoo kale shacabkeena Soomaaliyeed waa shacab ku wanaagsan dhaqashada xoolaha nool ee nicmooleyda ah waana waxa ay ku tiirsan yihiin marka laga eega dhan walba oo nacfi ah sida in xoolaha ay u iibkeesadaan suuqayada dalka iyo dibada iyo in ay hilibka xoolaha ay cunaan oo ay ku noolaadaan waana sababta ay u yihiin shacabka Soomaaliyeed dad xoola dhaqataha ah oo laga yaqaana dunida.

Waxaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ku wanaagsan yihiin soo jalaabashada kalluunka oo aad ay u soo jalaabtaan kalluun badan ayaga oo u iibkeena suuqayada magaalooyinka dalka ku yaala sidoo kalena waxa ay Ka iibsadaan warshadaha sameeya kalluunka islamarkaana Ka soo dhiga kalluunka gasacdeesan.

Hadaba haddii aan u imaadno mowduuceenii ahaa waxsoosaarka  dalkeena uu leeyahay ma haboona in dibada laga keeno.

Waxsoosaarka dalkeena soomaaliya oo aan kor ku soo xusay waa wax soosaar muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ayna qeyb weyn ay Ka tahay nolsheena waxaana loo baahan yahay in waxsoorka dalkeena la xoojiyo islamarkaana laga fogaado in dalka lakeeno wax dalka laga helaayo ama dalka laga soo saaro.

Inkastoo ay jiraan in dalka ay yimaadaan dhamaan waxkasta oo dalkeena laga soo saara in dibada laga keeno balse ma haboona ganacstada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in waxsoorka dalkeena ay dhiira galiyaan islamarkaana  qeyb weyn ay Ka qaataan waxsoo saarka xooggan sababtoo ah dalkasta waxa uu ku faana waxsoosaarka dalka gudihiisa islamarkaana ay u iibgeeyaan wadamada dibada ah si ay oga helaan faa’ido lacageed iyo  alaabtooda noqoneysa alaab marwalba la soo dalbada.

Hadaba si loo adkeeyo waxsoosaarka dalkeena in aan dibada laga keenin waxaa loobahan yahay laba waxyaabood.

  1. Ganacstada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay joojinta keenida dalka ay keenaan alaabaha dalka laga soosaaro in dibada laga keeno balse taasi badalkeeda waxaa ganacsatada looga baahan yahay in ay dhiira galiyaan waxsoosaarka dalka ayna qeyb Ka noqdaan waxsoosaarka dalka sidoo kalena ay iibsadaan ayna u iib geeyaan wadamada kale si alaabaheena ay qiimo u yeeshaan.
  2. Dowladda waxaa looga baahan yahay ilaalinta korjoogeenta iyo kawar qabida waxa dalka soo galaayo iyo waxa Ka baxaayo ayada oo ilaalneyao in dalka la keeno waxkasta uu dalka soo saaro in dibada laga keeno waxaana dowladda looga baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku hagto in ay waxsoosaar ay layimaadaan islamarkaana ay Ka caawiso waxyaabaha ay u baahan yihiin.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

GANACSIGU WAA NOLOSHA BULSHADA

Ganacsiga xoolaha nool iyo kan dalagga beeraha ayaa si buuxda gobolada iyo degmooyinka uga socda iyadoo gaadiidka u kala goosha gobolada iyo degmooyinka ay rartaan gaarsiiyaana meel kasta oo looga baahan yahay.

Marka aad fiiriso waddooyinka dhaadheer ee isku xira dalka waxaa maraya gaadiidka xamuulka kuwaas oo meelo fogfog gaarsiiya rarka ganacsi ee ay wadaan kaas oo isugu jira raashin noocyo kala duwan ah sida galleyda , sisinta , mesegada iyo dalagyo kale.

Waxay dadku ka helaan ganacsiga faa’ido iyo wax ay ku noolaadaan iyadoo ganacsigaasi mararka qaar uu maro gacmo kala duwan waxayna u kala macaashaan siyaabo kala duwan.

Dalabka raashinka rarka ah ayaa la sii gaarsiiyaa goobaha u uku socdo ka hor inta aanu gaarin waxaana arrintaa ka shaqeeya rag iyo dumar dallaalliin ah oo ka shaqeysta kala wareejinta badeecooyinka.

Ganacsiga dibedda ka yimaada ee ka soo gala dekeddaha iyo garoomada waxaa ka mid ah dharka, sokorta, bariiska iyo baastada, maacuunta , qalabka dhismaha iyo maacuunta.

Dadka ku nool gobolada waxay ka cowdaan waddooyinka iyo mudada dheer ee safarku qaato hadana iyaga laftooda ayaa ka sii ganacsada badeecooyinkaa.

Badeecadaha dalka ka soo baxa ee loo iibgeeyo gobolada waxaa ku jira wax soo saarka gudaha sida cambaha ,liinta , babayga , saytuunka, qaraha iyo geedmiroodka .

Cawda ayaa Iyana ah waxyaabaha dalka gudihisa la isaga qaado ee laga sameeyo darmaha iyo waxyaabaha kale ee lagu adeegsado guryaha.

Darmaha , dambiilaha iyo qalab kale oo soomaalidu adeegsato ayaa Iyana laga ganacsadaa oo loo kala gudbiyaa gobolada dalka iyadoo la sii marimayo dhinaca dhulka.

Ganacsiyadaa kala duwaan ayey bulshada soomaaliyeed waxay ka raadiyaan nolol iyagoo shaqo adag u soo mararka qaarna ay halis k ugali karto naftooda.

Si kasta oo ay tahayba hadana dadku ganacsiyadaas waa ku nool yihiin oo waxay ka helaan wax ay ku noolaadaan waxaana dadku ay ganacsanayaan ka muuqda isdhexgal iyagoo ku faraxsan shaqada ay hayaan .

Ganacsiga Soomaalida gudaha dalka ka sokow wuxuu ku faafsan yahay dalalka deriska ah sida Itoobiya , Kenya iyo dalalka carbeed qaarkood oo soomaalidu ka sameyeen ganacsiyo waaweyn iyo kuwo la xiriira wax soo saarka badeecooyinka.

W/Q: Abwaan Gabayre

MAXAAD KA TAQAAN DALKA BURKIINA FAASO?.

Jumhuuriyadda Burkina Faaso waa dal ay dadkiisu muslimiin u badan yihiin oo ku yaalla galbeedka Afrika, waxayna soohdin la wadaagtaa 6 dal oo kala ah Maali dhinaca waqooyi ka xigta, Neyjar dhanka bari ayay deriska kala tahay, Baniin ayaa waqooyi bari ka jirta, Kongo,iyo Toogo koofur ayay ka xigaan, halka Saaxilul caajna uu koofur galbeed kaga beeganyahay.

dalkan oo ku yaalla saxaraha ballaaran ee galbeedka afrika ayaa ka kooban 13 gobol oo ayaguna u sii qeybsama 45 degmo, waxaana magaalooyinka ugu waaweyn kamida wagadoogo oo ah magaalo-madaxda ama caasimadda, waana mid kamida magaalooyinka ugu ballaaran qaaradda afrika, warshado, ganacsiyo waaweyn, dhul beereed aad u weyn, goobo qurux badan oo dalxiiska ku wanaagsan iyo waxyaabo kale ayayna caan ku tahay  magaaladani.

Buubuud yuulaso waa caasimadda ganacsiga ee dalka, waana magaalada labaad ee ugu wayn burkiina faaso markii laga soo tago caasimadda wagadoogo, waxaana ku nool dad aad u fara badan, kodoogo ayaa iyana ah magaalada 3-aad ee ugu wayn burkiina faaso, waxaana ku yaalla warshado yar yar, jaamacad, iyo xarumo dowladeed.

Afafka ama luuqadaha rasmiga ah dalkan looga hadlo waxaa kamid ah afka loo yaqaanno moor, balse waxaa dhambaalada rasmiga ah lagu qoraa, xaafiisyada dowladdana loo adeegsadaa luuqadda faransiiska oo ay inta badan dadku ku hadlaan ama yaqaanaan, waxaa kaloo ay bulshada qaar gaar ahaan bahda waxbarashadu adeegsadaan af carabiga,lacagta dalkana waxaa lagu magacaabaa faranki, halkii doolarna wuxuu u dhigmaa 584 faranki, taasoo caddaynaysa inay lacagta dalkani tahay coosh aan qeymo badan lahayn.

Dhinaca bedka burkiina faaso waa dalka 75-aad ee adduunka ugu wayn, waxaana baaxaddeeda dhuleed  lagu qayaasaa 274,200 kmr oo laba jibaaran
Sooyaalka dowladnimo markii la eego Burkiina faaso oo hore loo oran jiray bafooltada sare waxay ka tirsanaan jirtay boqortooyadii islaamiga ahayd ee maali ka talin jirtay, ka dibna way ka go’day oo waxay ku biirtay boqortooyo kale oo la oran jiray singi, waxay dadka dalkani samaysteen boqoqortooyo u gaar ah oo lagu magacaabo bafoolta ,waxayna caasimad ka dhigatay magaalo lagu magaacaabo wagaaduugo.

Gumeystihii Faransiiska ayaa dalkan soo galay sanadkii 1896-kii, wuxuuna heshiis la galay boqortooyadii ka talin jirtay, wuxuuna ku daray Senegal ka dibna wuu ka jaray sanadkii 1916-kii oo wuxuu ka dhigtay gobol gaar ah oo uu gumeysto.

Markii ay gumeysigii qaab darada ahaa u adkaysan waayeen waxay muslimiinta burkiina faaso billaabeen halgan gobanimo raadis ah, balse faransiiska oo arrintaa ka falcelinaya ayaa dhulkoodii u kala qeybiyay oo ku kala daray maali iyo saaxilul caaj.

Sanadkii 1947-kii waxay halgameyaashii burkiina faaso ku guulaysteen inay dalkoodii gumeystuhu kala qeybiyay dib u mideeyaan, balse Wali kama hoos bixin heeryadii faransiiska, waxayna madax-bannaanidooda qaateen sanadkii 1960-kii.

Qaab maamulka: dowladda waxaa hugaamiya madaxweynaha oo ay bulshadu 7-dii sanoba hal mar soo doortaan, loomana oggola inuu hal mar ka badan dib isku soo sharraxo, waxay kaloo dadweynuhu soo doortaan sharci-dejiyaal ama baarlamaan tiro ahaan ka kooban 107 xubnood, wuxuuna dalku u kala baxaa 30 ismaamul oo ay dowladda dhexe huggaanka u magacowdo

Ciidanka qalabka sida: burkiina faaso ma ahan dal bad leh sidaa awgeed waxay leedahay ciidan isugu jira kuwa dhulka, kuwa cirka, iyo maleeshiyaad dowladda taageera oo aad u hubaysan, waxaana ciidan dhulka lagu qayaasaa 6 kun illaa 5800 oo askari, halka maleeshiyaadka dowladdu taageertona lagu qayaaso illaa 45 kun oo nin, waxayna ciidanka rasmiga ah ee dalkaasi ku shaqeeyaan tababarro iyo qalab la xariira qaabka militari ee shiinaha iyo midowgii soofiyeed.
Lasoco qeybta xegta.
WQ: Abwaan Hareeri