Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukuntay eedeysane loo haysto dilka nin Kenyaan ah

Maxkamadda derejada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuntay, Xasan Cabdiraxman Indha-yare oo ku eedeysan dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Xasan Cabdiraxman Indha-yare ayaa sidoo kale loo haysto ka tagista goob shaqo fasax la’aan iyo inuu is-hortaag ku sameeyay shaqo dhismo ah oo halkaasi ka socotay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in baaris dheer ka dib eedeysanaha lagu xukumay Shan Sano oo xabsi Ciidan ah iyo magta , Fredrick Odhiambo Owino.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo booqday hay’adda maaraynta musiibooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeeray xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa ugu hambalyeeyay mudadii sanadka ahayd ee hay’addu jirtay, waxaana uu xusay in wax badan oo la taaban karo ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane; Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa si weyn ugu mahad celiyay booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo kaga warbixiyay guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ka jirta si gaarna ah xaaladaha abaarta, fatahaadaha, khataraha guud ee is-beddelka cimilada iyo sida ay Hay’adda kaga qayb qaadatay ka jawaabista iyo gurmadka deg-degga ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay soo dhoweynta iyo wax ka ogaashaha Hay’adda SoDMA, isagoo Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Hay’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu danbeeyn ballan qaaday in Golaha Shacabka ay si dhow ula shaqeeyn doonaan hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed.

  

Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahiyay Qaraxii saaka ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ku leeyahay Isgoyska Ifka Xalane, degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in ay Ciidanku fashiliyeen qarax ay khawaarijtu kusoo rareen gaari Land Cruiser ah, kaas oo ay doonayeen in ay ku wax yeelleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Qaraxa ayuu sheegay in ay la beegsadeen xarunta dhul bixinta maamulka gobolka Banaadir Dowladda hoose ee Xamar qaybta Is-goyska Ifka Xalane.

Afhayeenka ayaa sheegay in uu qaraxaasi ku dhintay hal qof oo u shaqaynayay shirkadda IFO oo ka shaqaysa nadaafadda gobolka Banaadir, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kormeeray xarunta Haya’adda Maaraynta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay madaxda SODMA iyo agaasime waaxeedyada, ayaa waxaa uu warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macalin, isagoona si kooban u sharxay waxyaabaha ay qabato Hay’adda. Guddoomiye Sheekh Aadan oo mid mid u dul istaagay xarunta saadaasha hawada iyo ka hortaga musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana loo soo bandhigay muuqaalo ku saabsan waxqabadka sanadlaha ah ee Hay’adda Maareynta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo la hadlay warbaahinta ayaa ammaanay waxqabadka hay’adda, isagoona ugu hambalyeeyay mudadii sanadka aheyd ee hay’addu jirtay, waxaana uu xusay in waxbadan oo la taaban karo ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed, isagoona madaxda iyo howlwadeennada kula dardaarmay in ay xoojiyaan shaqada baaxada leh ay u hayaan qaranka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’addan dowladu ay u leedahay muhiimad gaar ah.

         

 

Ra”iisul wasaare Xamse oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay cadowga Khawaarijtu u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta kooxaha Khawaarijta ah la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabku.

     

Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi ka socda hay’dda WFP

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Barnaamijka Cunnada Aduunka ee WFP Mr; Baimankay Sankaoh iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ka tirsan Xafiiska WFP ee Muqdisho.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi gelinta Gobolka Banaadir Mudane; Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, ilaalinta Raashinka WFP ay bixiso gaar ahaan kuwa quudinta ee loo yaqaan Nutration (Nafaqada) iyo sidii loogu faa’ideysan lahaa mashaariicda cusub ee ay Hay’adda WFP ay ka bilaabeyso Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kaga Mahadceliyay Hey’adda WFP wada-shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda hoose ee Xamar, asigoona dhinaca kale hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka iyo WFP ay ka wada shaqeyn doonaan Mashaariicda Horumarineed ee loogu tala galay in loogu faa’ideeyo Bulshada Caasimadda.

   

Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS oo furay tababar ku saabsan Ceymiska

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane: Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa Muqdisho ka furtay tababar soconaya labo maalmood oo loo qabanayo Ha’addaha ka shaqeeya caymiska , bangiyada iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Tababarkan oo lagu baran doono wacyigalinta ceymiska Xoolaha, ayaa ujeedkiisu tahay dhiiro gelinta nidaamka Caymiska Xoolaha, oo ah barnaamij loogu talo galay in reer miyiga waxtar uyeesho marka ay abaarta jirto.

Feysal Cali  mas’uul ka socdey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Federaalka ayaa furitaankii tababarkan kasoo qeyb galayasha usharxay muhiimada tababarkan leeyahay iyo in ay ka faa’ideystaan maalmaha uu socdo.

      

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Caws weyne

Dhuusamareeb – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa la wareegay deegaanka Cowsweeyne ee gobolka Galguduud.

Malleeshiyaadka kooxda Khawaariijta ah ayaa isaga cararay Deegaanka kadib markii ay ka war heleen howlgalka ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan aaggaas.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa hadda deegaanka ka wada baaritaanno lagu xaqiijinayo amaanka degaankaas laga xoreeyay argagixisada.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah furay Barnaamijka Hirgeli Hibadaada Faneed

Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta daah furay Barnaamijka Hirgeli Hibadaada Faneed, isagoo Abwaannada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan wacyi gelinta bulshada ee ku aaddan la dagaallanka khawaarijta.

Wasiirka oo la hadlayay Abwaaniinta iyo Suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Barnaamijkan lagu saaro dhallinyaro cusub oo ka qayb qaadata dhiirri iyo gelinta wacyi gelinta bulshada adinkana idiin noqda jiilkii idin dhaxli lahaa.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu dambayn sheegay in Barnaamijka Hirgeli Hibadaada Faneed uu furmi doono 1-da Septembar 2023-ka, isagoo rajo ka muujiyay in barnaamijkani uu miro dhalo, kaas oo qayb weyn ka qaadan doono dagaalka lagula jiro khawaarijta iyo wacyi gelinta bulshada.

Ergayga Bariga Dhexe oo ku taliyay in xal loo helo arrimaha Falastiin iyo Israa’iil

Ergayga Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe Tor Wennesland ayaa sheegay in sanadkaan gudahiisa Daanta Galbeed lagu dilay in ka badan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad 30 Israa’iiliyiin,kadib weerarro ay Israa’iil ku qaadeen dadka reer Falastiin.

Isu duwaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan geeddi-socodka nabadda ee Bariga Dhexe Tor Wennesland, oo la hadlay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Isniintii ayaa sheegay in rabshadaha sii kordhaya ay sii wiiqayaan rajada mustaqbalka dadka Falastiiniyiinta iyo helitaanka waddan madax-bannaan.

Ergayga ayaa tilmaamay in is-ballaarinta aan joogsiga lahayn ee deegaamaynta sharci darrada ah ee ay wadaan Israa’iil, burburinta guryaha falastiin iyo hawlgallada ay ciidammada Israa’iil ka wadaan deegaannada la haysto ee Daanta Galbeed ay horseedeen dhimashada iyo dhaawacyada faraha badan eek u habsaday dhinacyadaasi,gar ahaan dadka Falastiin.

Ergayga Bariga Dhexe,waxa uu ku taliyay in wax laga qabto rabshadaha iyo dilalka sii baahaya ee u dhaxeya Falastiin iyo Israa’iil,isagoo dhinaca kale tilmaamay in horumar la’aanta xagga aragtida siyaasadeed ee ku wajahan xalka dhinacyadaasi , ay sababi karaan colaad iyo deganaan la’aan.

Sanadkaan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad 30 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto,waxaana tirada dhimashada ay ka dhigeysaa mid aad u badan marka loo eego sanadkii hore iyo weliba sanadkii 2005-tii.