Wasaaradaha Caafimaadka Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay iskaashi dhexmaro labadda wasaaraddood

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalka India ayaa labadda masuul waxa ay uga wada hadleen iskaashiga dhexmara labadda wasaaraddood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

Wasiiradda ayaa isku afgartay in laga wadasheeqo iskaashi mirro dhal ah dhanka daawadda, tababarrida iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’addaha caafimaadka dalka.

Sidoo kale, waxa la isku soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan.

Ciidamada Ruushka oo duqeymo ka geystay gudaha Suuriyo

Xubno ka tirsan kooxaha ka dagaalama gudaha Suuriyo iyo dad rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Ciidamada Ruushku la beegsadeen magaalada Idlib ee waqooyi bari Suuriya, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya.

Ciidamada Ruushka, ayaa duqeeymo la beegsadeen xarun ciidan oo ku taallo waqooyiga magaalada Idlib, kuwaasi oo lagu dilay Sedax xubnood oo ka tirsan Kooxda Taxriiru Al-Shaam iyo Shan qof oo rayid ah.

Kooxda Taxriiru Al-Shaam, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa maamusha degaano dhawr ah oo ka tirsan gobolka Idlib, Xaama iyo Xalab.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku soo dhigay horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta

Dhuusamareeb- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ee shalay la wareegay deeganka Cowswayne ayaa soo Bandhigay horjooge Cabdiraxmaan Foodeey kulmiye Malleeshiyaad kale oo duurgal ahaa.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale soo bandhigay laba horjooge oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Ibraahim Xasan iyo Aadan Ibraahim Abshir oo muddo ka shaqeynayay dhibaateynta shacabka Cows wayne.

Wasiir Faarax Sh, Cabdulqaadir “Khawaarijtu waxa ay fursad ka heleen dadka aan wax baran”

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Manhajka waxbarashadu aysan ku jirin xagjirnimo, balse ay tahay feker ay la yimaaddeen khawaarita.

Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka Dood furan ee warbaahinta Qaranka, kaas oo looga hadlayay baahinta iyo tayaynta waxbarashada ayaa sheegay in ay kusoo dhuuntaan khawaarijta kana faa’iideystaan dadka aan wax baran.

Wasiir Faarax Sh, Cabdulqaadir “Khawaarijtu waxa ay fursad ka heleen dadka aan wax baran, iskuma dayaan in ay ka dhaadhiciyaan dadka wax bartay ee aqoonta leh, sababtoo dadka wax bartay ma yeelayaan is qarxiya”

Wuxuu sheegay Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir in ay Khawaarijtu ay ka faa’iideystaan qofka jaahilka ah oo aan fursad waxbarasho helin, duruufaha adagna ku nool, iyagoo ku qanciya in ay ka horreyso janno iyo nolol ka fiican tan adduunka.

Madaxda kooxda BRICS oo doonaya in la ballaariyo dhismaha ururkaasi

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku baaqay in la ballaariyo kooxda BRICS ee dalalka dhaqaalahoodu soo korayo si loo dhiso nidaam caalami ah oo ku saleysan cadaalad iyo sinaan.

Khudbad uu ka jeediyay bilowga shirka BRICS ee ka dhacaya Johannesburg, Koonfur Afrika, Xi wuxuu sheegay in Shiinaha aysan dooneynin inay galaan tartan dhanka awoodda ah ama abuuraanka iska-hor-imaad dhexmara dalalka ama mid kooxeed.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay In hal gobol ama koox bulsho ay ka sarreyso kuwa kale,isagoo sheegay in uu aaminsan yahay in sabab xaq ah loo raadiyo danta guud,isla markaana BRICS ay sii waddo horumarkooda.

Guud ahaan 69 wadan ayaa lagu casuumay shir madaxeedka Koonfur Afrika oo ay ku jiraan dhammaan dowladaha Afrika,wqaxaana jira dalal ay ka mid yihiin Algeria, Saudi Arabia, Argentina iyo Ethiopia oo daneynaya in ay ku   biiraan kooxdaasi .

 

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo la kulmay danjiraha Ingiriiska ee Addis Ababa

Addis Ababa: Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Ethiopia Ambassador Darren Welch, waxayna ka wada hadleen adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Safiir Warfaa ayaa dowladda Ingiriiska ku bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo Soomaaliya iyo kaalinta firfircoon ee ay kaga jirto kaalmaynta Soomaaliya oo ku jirta waqti soo kabasho ah, isagoo ku adkeeyey inay sii dar-dar geliso garab istaagga iyo la shaqaynta ay dowladda Ingiriisku u muujiso Soomaaliya.

Mashruuc koronto looga dhalinayo qashinka caasimadda oo Muqdisho lagu saxiixay

Dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa heshiis la gaartay shirkadda Ifi iyo shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo ku aadan bilaabidda mashruuc koronto looga dhalinayo qashinka caasimadda, si loo helo xoog koronto tayo leh, islamarkaana qashinka looga nadiifiyo caasimadda.

Wasiir ku xigeenka wasarada tamara iyo kheyradka biyaha dowladda FS mudane Ibrahim Maxamed Cali, mas’uuliyiinta shirkadaha heshiiskan qaybta ka ah, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay heshiiska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madasha ayaa xusay in heshiiskan uu waxtar wayn u leeyahay caasimadda oo sanadihii dambe samaynaysay horumar wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah.

Mudane Ibrahim Maxamed Cali wasiir ku xigeenka wasarada tamara iyo kheyradka biyaha dowladda FS ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu caasimadda u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto.

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada dalka iyo agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirka warfaafinta dowladda FS mudane Daa’uud Aways, wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha mudane Xersi Gaani iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul wasaaraha warbixin ka siiyey hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho iyo muhiimada ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.

Wasiiradda warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isulwasaaraha ugu mahad celiyay kulankan iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay wasiirada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha dowladda, Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.

Ra’isul wasaare Xamse ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta hawlgalinta ciidanka xoogga dalka

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada xoogga dalka oo u jiheeyay shaqadoodii Qaran.

Madaxweyanaha ayaa waxaa warbixin siiyey wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Cabdulqaadir Maxamed Jaamac iyo saraakiisha taliska xoogga dalka ee ku sugan Dhuusamareeb, waxaana madaxweynuhu ku bogaadiyey tallaabooyinka ay ka qaadeen argagixisada oo ay furimaha dagaalka ku jabiyeen.

Hawlgalkan oo si xawli ah uga soconaya deegaanada kooban ee argagixisadu kaga harsantahay Galmudug ayaa waxaa qayb ka ah bulshada deegaanka, iyadoo qorshahu yahay cirib tirka argagixisada Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo guddoomiyey kulanka agaasimeyaasha guud

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo maareyeyaasha hay’adaha dowladda oo looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Kulanka ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirrada ee la xiriiray in hay’adaha dowladdu ay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada, waxaana Ra’iisul wasaare  ku xigeenku faray agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo maareyeyaasha hay’adaha dowladda in ay ku abaabulaan shaqaalaha si af iyo addinba ay uga qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka lagula jiro cadowga, ayaa xusay in maanta la joogo dhammaadkii Khawaarijta, waddada kaliya ee guushan lagu sii xaqiijin karana ay tahay midnimo iyo wadajir ummadeed.