

Madaxa ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Yevgeny Prigozhin iyo sagaal kale oo rakaab ah ayaa la sheegay inay dhinteen, kadib markii diyaarad khaas ah oo ay la socdeen ay ku burburtay waqooyiga Moscow.
Mas’uuliyiinta ayaa baaraya sababta shilkaasi,iyadoo laba bilood kahor ay ciidamada uu hoggaamiyo Prigozh ay sameeyeen gadood,isla markaana ay qaadeen dagaal socday muddo gaaban oo ka dhan ah hoggaanka militariga Ruushka.
Kaaliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in shilka diyaaradeed uu ahaa calaamad iyo digniin ka timid Putin oo ku socota madaxda Ruushka ka hor doorashooyinka 2024.
Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi diyaaradeed iyo cidda ka dambeysa,hasa yeeshe waxaa walaac laga muujinayaa ama ay su’aalo ka imaan karaan mustaqbalka waxa ay ku dambeyn karaan kumanaanka dagaalyahanada Wagner ee la geeyay Afrika, Belarus iyo meelo kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyey kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta shaqooyinka Xafiiska unuga xalka waara (DSU) oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale, Agaasimeyaal iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Agaasimaha xafiiska unuga xalka waara ee maamulka gobolka Banaadir (DSU) Saynab Axmed oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay dar-dargelin doonaan shaqooyinka xafiiska iyo ka dhabeynta Qorshaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ah sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.
Agaasime Saynab Axmed ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan sidii barakacayaasha u heli lahaayeen Waxbarashada Farsamada Gacanta, Caafimaad, Shaqo Abuur, dib-u-dejin iyo in ay amni ku helaan goobaha ay dagan yihiin.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hoosta ka xariiqay in laga maarmaan ay tahay sidii loo heli lahaa isku filnaashiyo ay gaaraan dadka Barakacayaasha,ayna noqdaan muwaadiniin ku nool dalkooda, taasina lagu gaari karo in laga taageero, Waxbarashada, loo sameeyo Shaqo Abuur, iyo inta jecel in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda la taageero.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.
Dhankiisa danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay agaasimahii hore ee madaxtooyada.
Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimihii hore ee madaxtooyada oo u mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dhammaan maamulka iyo hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay ayaa tilmaamay in sanadkii uu Xafiiska joogay uu wax la taaban karo ka qabtay horumarinta maamulka Madaxtooyada iyo fulinta siyaasadda Madaxweynaha.
Agaasime Cabdixakiim oo horey u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa munaasabadda xil-wareejinta kusoo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka isaga oo adkeeyay sida ay maamul iyo hawl-wadeen waajib ugu tahay in Madaxweynaha lagu garab istaago dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ayaa sidoo kale xusay in muhiimad gaar ah uu siin doono doorka shaqo ee Madaxtooyada uga aaddan horumarinta dalka, dayn cafinta iyo dhammeystirka Dastuurka, waxa uuna ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyadda loo igmaday.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Abshir Maxamed Axmed oo ka qayb galay munaasabadda ayaa u mahad-celiyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada waxa uuna Agaasimaha cusub u rajeeyey in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtooyada.
Xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga, taas oo quseysa hay’adaha gacanta ku haya hantida dowladdu leedahay ama kuwa bixiya adeegyada caamka ah.
Hanti dhowraha guud ee Qaranka Avv; Axmed Ciise Guutaale oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xafiiskiisu uu diiwaan gelinayo dhammaan heshiisyada ay hay’adaha dowladdu darafka ka yihiin, wuxuuna xusay in ciddii ka hor timaadda ay jebisay sharciga maaraynta miisaaniyadda iyo kan Hanti dhowraka guud.
Avv; Guutaale ayaa sheegay hay’adaha aan dowliga ahayn ee fuliya mashaariicda horumarineed iyo mid bini’aaddan-nimo ee laga maal geliya lacagta dowladda ayna ku jirto tan deeq bixiyayaasha lagula xisaabtamayo sarkaalka idman ee hay’addaas.
Hanti dhowraha guud ayaa sheegay in heshiisyada deeqaha hay’adaha, kuwa dowladda , dowlad goboleedyada iyo kuwa ganacsigaba laga diiwaan geliyo xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo laamahiisa maamul goboleedyada.
Avv; Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in dhulal iyo dhismayaal gaaraya 436 xarumood oo ay leeyihiin 15 hay’ado dowladeed ah ay ku maqan yihiin gacanta shirkado, ganacsato, ururro iyo shaqsiyaad gaar ah.
Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa faray hay’adaha dowladda oo gaaraya 69, kuwaas oo ku jira qoondada miisaaniyadda dowladda ee uu ansixiyay BF in ay u hoggaansamaan sharciga, si looga baaqsado halis ku timaadda daqliga dowladda.
Guddoomiyaha Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 6-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS.
Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sareee BJFS, Senator Saynab ismaaciil Maxamed ayaa Sanatarrada la wadaagtay Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ay toosin, wax ka bedel, siiqayn iyo qaabaynba ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.
Intaas kadib waxaa la gudagalay doodda iyo aragtida Sanatarrada kulanka maanta soo xaadiray, iyagoo soo bandhigay fikirkooda iyo wax yaabaha ay qabaan sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ay tahay in lagu kordhiyo ama laga tiro, si loo helo sharci is dheeli tiraya.
Ugu dambayn Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ugu baaqay labadda Gole Baarlamaan in ka qayb galaan Dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha Khawaarijta ayna ka wada tashadaan labadda Aqal.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyey Weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu xalay ku qaaday Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo goordhowed Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Weerarkan oo ahaa mid naftii halignimo ah ay iska difaaceen Ciidankii ku sugnaa Saldhiga Booliiska iyo Ciidanka Booliis Militaare oo heegan ku ahaa Saldhiga, sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada laba Askari oo ka mid ah Ciidankii ku jiray gaadhka iyo dhaawaca Saddex Askari oo kale.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in laba qof oo Shacab ahi ku dhaawacmeen Rasaas kooxdka Khawaarijtu ku furtay guryaha ku dhowaa Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda, dhinaca kale na Afhayeenka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Khawaarijtii Weerarka soo qaaday Ciidanku gaarsiiyey khasaare culus oo isugu jira dhimasho. iyo dhaawac.