Mareykanka oo tababaraya duuliyayaal Ukrine ah oo ku howlgala diyaaradaha F-16

Mareykanka ayaa sheegay in bisha soo socota uu bilaabi doono tababaridda duuliyayaasha Ukraine ee la qorsheeyay in ay ku howlgalaan diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno F-16,si loo xoojiyo difaaca hawada ee dalkaasi.

Duuliyayaasha ayaa la geyn doona dalka Maraykanka bisha Sebtembar halkaas oo ay marka hore baran doonaan luuqada English-ka ka hor inta aysan bilaabin tababarkooda ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha  heerka sare ee F 16.

Afhayeenka Pentagon, Pat Ryder oo ka hadlayay Washington DC Khamiistii, ayaa sheegay in tababarka Texas iyo Arizona ay ka qeybgali doonaan dhowr duuliye iyo darasiin shaqaale ah si ay u ilaaliyaan diyaaradahaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la hadlay khamiistii dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda difaaca Ukraine ee ka dhanka ah waxa lagu qeexay gardarrada Ruushka.

Tallaabadaan ayaa waxa ay balaarineysaa qorshayaasha xulafada Yurub, gaar ahaan dalalka  Denmark iyo Nederland ay ku doonayaan in ay diyaarado u diraan UKrine,iyadoo Dalka Norway uu sheegtay in ay diyaarado dagaal siin doonto dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo K/Afrika kula kulmay madax ka qeyb galay kulankii BRICS

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Dalka K/Afrika kaga qeybgalay shirka u qabsoomay dalalka ku bohoobay ururka BRICS ayaa sheegay in uu la kulmay madax sare oo uu kamid ahaa Madaxweynaha  dalkaasi Cyril Ramaphosa iyo kuwo kale.

Wasiirka ayaa xusay in intii uu socday kulankaasi uu si gooni gooni ah  u arkay qaar ka mid ah madaxda waddamadii shirka ka qayb galay,isagoo kala hadlay iskaashiga iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Kulanka uu ka qeybgalay Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa,iyadoo 6  dal lagu kordhiyay ururkaasi, halka waddamo badan oo kalena ay codsadeen in ay ku biiraan ururkan.

Waddankeennu wuxuu ka mid ahaa waddamada madaxweynaha koonfur Afrika ahna guddoomiyaha BRICS ee waqtigan uu ku casumay shirkaasi.

 

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo ka hadashay gargaarka la geynayo deegaanada la xoreeyay iyo kuwa dhimman

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey kulan looga hadlay xasilinta iyo isku-duwidda arrimaha gargaarka ee degaannada laga xoreeyey khawaarijta.

Kulankaasi oo sidoo kale looga hadlay dadaalka Dowladdu ugu jirto deegaanada dhimman ee hadda la xoreeynayo,waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka, hay’adaha deeqaha bixiya, hay’adaha islaamka ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada iyo xubno kale.

Hay’adda SoDMA ayaa soo bandhigtay qorshaha guud ee ay ka leedahay ka jawaabista iyo gurmadka degannada Galmudug ee dhawaan laga saaray khawaarijta iyo sidii bulshada ku nool goobahaas si isku mid ah loo gaarsiin lahaa gargaar iyo adeegyada aas-aaska u ah bani’aadamka madaama bulshada halkaas ku nool khawaarijta dhib badan ay ku heesay.

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garowga duufaanno, dabaylo iyo roobab laga cabsi qabo in ay ka dhacaan qeybo dalka kamid ah.

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Dac ee gobolka Galguduud

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay Tuulada Dac oo hoos tagta Degmada Ceel-Buur ee gobalka Galguduud.

Ciidamada Qaranka oo ku jira hawlgalka sifaynta Khawaarijta ayaa  si buuxda u sugay amniga deegaanja Dac oo laga cayriyay Khawaarijtii halkaas ku sugnayd muddada dheer.

Majiro wax qasaare ah oo soo gaaray geesiyaasha Qaranka ee ku jira halganka, sidoo kale waxaa degganaansho iyo nabad dareemaya Shacabka deegaanka.

Qabashada dac waa tallaabo wayn oo loo qaaday soo afjarista Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Galmudug

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir-guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulan oo ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ka aransishada kulanka guud inta ka harsan Kalfadhiga Seddaxaad ee Golaha Shacabka iyo warbixinta Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ku saabsan tababarada guddiyadda Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa warbxin guud ka siiyay sida ay u socoto tababarada guddiyadda Golaha Shacabka oo meel wanagsan maraya.           

Ra’iisul wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in xiritaanka tababarkani uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana baahi weyn loo qabo ciidan difaaca Qaranka.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tiraayo Khawaarijta.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo ciribtirka Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada ay siinayaan ciidanka X.D.S, isagoo u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyey maanta dadaalka ay muujiyeen, una rajeeyay in ay kaalin wax ku ool ah ka geystaan dagaalka socda.               

Golaha Wasiiradda XFS ayaa ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:-Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim (Qaloocoow),Faysal Cabdulaahi Warsame,Maxamed Xasan Cumar.
Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260.
Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.
Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.
     

Xukunka Xaasaskii Khawaarijta ee lagu qabtay iyagoo Gaari qaraxyo ku sida

Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Argagixisada ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan,sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Seddax sano oo Xabsi ciidan ah,waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka iyo rakaabka u siday sidoo kale maxkamadda ayaa go’aamisay in ay magaalada Muqdisho aysan ka bixi karin haweenkaan oo lagu kala magacaabo Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Booliiska ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga,sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle Xasan Sh. Maxamuud (WARBXIN)

“Khawaarij Kabakutukade intii uu calaacalka iyo baroordiiqda ku jirey, waa tanaa khariidadii dhulka uu dulmiga ku joogey lagu qaban lahaa la dejiyey.Waa ku mahadsan yahay Madaxweyne Dalxoreeye Dr. Hassan Sheikh Mohamud”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi, isagoo timaamaya Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Fedrlaalka Soomaaliya sifooyinkiisa ayaa yiri sidan “Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud”.

Wasiirku isagoo hadal ku socda Khawaarij Kaba ku tukade ku qoray Bartiisa Baraha Bulshada ayuu yiri:- “intii uu calaacalka iyo baroordiiqda ku jiray, waa tanaa khariidadii dhulka uu dulmiga ku joogay lagu qaban lahaa la dejiyay.Waa ku mahadsan yahay Madaxweyne Dal xoreeye Dr. Hassan Sheikh Mohamud”.

“Waxaan dhageystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu isku diraayo Beelaha dega Gobolada dhexe. Waxaa isweydiin mudan  maxaa sababay in Argagixisadu Al-Shabaab ay sidaan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?”, sidaasi waxaa isna yiri Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo hadalkaan ku soo qoray Bartiisa Bulshada ayaa sii raacsaday, “Waxay caddeyn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan.Abaal uma ergana kooxda Argagexisada ah ee Al-Shabaab, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow1000 (kun} Soomaali ah  Zoobe kaga dilay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wali ku sugan Magaalada dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin iyo howlwadeenada Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u tagey garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee ku jira dagaalka dib looga xoreynayo Argagixisada Khawaarijta ah ee Al-shabaab guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta Ciidamada Qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay Argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalka.

Dhankooda, Haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogi doonaan wiilashooda qeybta ka ah halganka dalka dib lagu xoreynayo kooxaha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa taariikh ku nool ku leh halgankii loo soo maray helitaanka Xoriyadda ay Dadka Soomaaliyeed ay ku naaloonayaa, iyagoo ku bixiyay Xooggooda, dhiigooda, maskaxdooda iyo Xoolahooda, haatanna waxay la daba joogaan Ciidankooda taageero, dhiirigalin iyo Saadka ay cuni lahaayeen iyo cabitaanka ay cabi lahaayeen.

Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir baarqab oo ka hadlaysay sida ay ugu diyaargaroobeen taakuleynta iyo garab istaagga Ciidamada Qaran ee ku jira dib xoreynta deegaannada ayaa tiri:- ” maalin iyo habeen haweenka Gobalka Banaadir waxaa ay u taagan yihiin garab istaag Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda “.

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan Argagixisada ayaa kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada xoogga dalka oo u jiheeyay shaqadoodii Qaran, wuxuuna warbixin siiyay Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya  mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Saraakiisha taliska xoogga dalka ee ku sugan Magalada Dhuusamareeb, wuxuuna Madaxweynuhu ku bogaadiyay tallaabooyinka ay ka qaadeen Argagixisada oo ay furimaha dagaalka ku jabiyeen.

Howlgalkan oo si xawli ah uga soconaya deegaannada kooban ee Argagixisadu kaga harsan tahay Galmudug ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada deegaanka, iyadoo qorshahu yahay ciribtirka Argagixisada Galmudug ku harsan lagu soo gabagabeeyo Wejiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ku dheeshay, islamarkaana ka been sheegtay Diinta Islaamka, waana burcad Diimeed u isticmaalay inay Dadka ku banneystaan Dhiiggooda iyo Xoolahooda.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ee dhawaan la wareegay deeganka Cowsweyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa soo Bandhigay horjoogayaal ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Foodeey kulmiye, Cabdullaahi Ibraahim Xasan , Aadan Ibraahim Abshir iyo Malleeshiyaad kale oo duurgal ahaa, waxaana la soo warinayaa in Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ay soo bandhigeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ayaa in muddo ah ka shaqeynayay dhibaateynta Shacabka ku nool deegaanka Cowswayne, waxaana la marin doonaa sharciga.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay yididiilo fiican in Madaxweyne Xasan Sheekh u horseed u noqdo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo uu ka dhabeeyay in u waddanka ka ciribtirayo Khawaarijta,runtii waa hoggaamiye dagaal, dad badan ayaa islahaa toban barri ka dib ma joogi doono Dhuusamareeb oo Madaxweynaha dib ayuu ugu soo laaban doona Madaxtooyada, balse waxaa uu caddeyay in uu la yimid adkeysi oo uu dagaalka meel fiican gaarsiyay oo usan ka soo tagin, run ahaantii reer Galmudug waxay u tahay fursad in deeggaannadooda lag xoreyo Khawaarijta. Ciidanka  markii uu hoggaamiyahoodu uu hor socdo, la cunayo, lana cabayo dhiirigelin ayay u tahay, khawaarijna waa jabkooda”, sidaasi waxaa yiri Wasiir Dowlihii hore ee Wasaradda Amniga Gudaha Farxaan Cali.

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali oo ka qeybgalay barnaamijka Raadraac ee ka baxaa Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Khawaajirta ee u garwadeenka ka yahay Madaxweynah JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana u sheegay in dagaalkaan looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug Argagixisada u yahay mid horseedi doona horumar iyo xasiilooni nabadeed oo ay helaan goboladda dhexe ee dalka, si loo sii ambaqaado xoojinta ciribtirayo qeybaha yar ee ay ku dhumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta. ” Madaxweyne Xasan Sheekh waa u dhabar adeegay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”,ayuu sii raaciyay.

Maadaama uu la yimid sifo wanaagsan Madaxweynaha JFS marka sow kuma tilmaami karno ama sow ma oran karno waa Hoggaamiye Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali” Madaxweyne Xasan Sheekh waa u dhabar adeegay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali oo ka qayb galay barnaamijka Raadraac ee ka baxaa Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Khawaajirta ee u garwadeenka ka yahay Madaxweynah JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana u sheegay in dagaalkaan looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug Argagixisada u yahay mid horseedidoona horumar iyo xasiilooni nabadeed oo ay helaan goboladda dhexe  ee dalka si loo sii anba qaado xoojinta ciribtirayo qaybah yar ee ay ku dhumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay ididiilo fiican in madaxweyne Xasan Sheekh u horseed u noqodo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta  oo u ka dhabeeyay in u waddanka ka ciribtirayo,runtii waa hoggaamiye dagaal,dad badan ayaa islahaa toban barri ka dib ma joogi doono oo madaxweynaha dib ayuu ugu soo laaban doona madaxtooyada,balse waxaa u caddeyay in u la yimid adkeysi oo u dagaalka meel fiican gaarsiyay oo usan ka soo tagin run ahaantii reer Galmudug waxay u tahay fursad in deeggaannadooda lag xoreyo Khawaarijta.Ciidanka  markii uu hoggaamiyahoodu uu horsocdo,la cunayo,lana cabayo dhiirigelin ayey u tahay khawaarijna waa jabkooda”

Halkaan hoose ka daawo wareysiga wasiirka u siiyay Barnaamijka Raadraac oo uga hadlayay ifafaalah dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug.