Horjoogihii ugu sareeyay Argagixisada ka dagaalanta Mozambique oo dilay

Wasaaradda Gaashaandhigga Mozambique ayaa sheegtay in ciidamadu ay  dileen Bonomade Machude Omar (Ibn Cumar) oo ahaa horjogihii ugu sareeyay kooxaha argagixisada ee ka dagaalanta waqooyiga dalkaasi.

Ninkaan ayaa ahaa horjoogaha kooxaha argagixisada tan iyo sanadkii 2017-kii,waxaana lala dilay labo xubnood oo sidoo kale xiriir la lahaa kooxda Daacish.

Howlgalkii lagu khaarajiyay ragaasi ayaa ka dhacay keymo ku yaalla Macomia maalinimadii talaadada ee la soo dhaafay,sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi mar uu shir jaraa’id qabtay Jimcihii.

Labo sano ka hor, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Cumar u aqoonsatay horjooge argagixiso, iyadoo ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa weerarradii ka dhacay hoteel ku yiillay Palma ee gobolka Cabo Delgado, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan qof.

Bil ka hor ayay ahayd markii ciidamada Mozambique ay qaadeen weerar culus oo ka dhan ah argagixisada iyagoo taageero ka helaya boqolaal askari oo ka kala socda Rwanda iyo dhowr wadan oo ku yaala koonfurta Afrika.

QM ayaa sheegtay in rabshadaha ka socda waqooyiga Mozambique ay ku qasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay ka barakacaan guryahooda,iyadoo sidoo kale ay qasab noqotay in la hakiyo mashruuc gaas oo balaayiin dollar ku kacaya.

Ciidanka qaranka ee ku Sugan Caws-weyne oo fashiliyey Weerar ay soo qaaday kooxda khawaarijtu

-Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ay ku soo qaadeen deegaanka Caws-Weyne oo Gobolka Galgaduud,dhawaan ayaa deegaankan laga xoreeyey.

Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka udhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin .

Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka.

Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhammaystirka howlgalka.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha hawlgalka Caws-Weyne dib ayaan idin kala soo wadaagaynaa Insha allaah.

Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka oo howlgal qorsheysan ka fulisay deegaanka Jambaluul

Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada hoose ku burburiyey Maxkamad Beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas.

Sidoo kale waxaa ay burburiyeen goob ay lacagaha baadda ah uga qaadayeen dadka  shacabka oo ay ku baaran jireen argagixisada.

Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday gacanta ku dhigay ilaa 5 Mooto oo Khawaarijta u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka iyo jid gooyada ay ku baadayeen dadka.

    

Howlgal amni xaqiijin ah oo ka socda magaalada Ceelbuur

Ceelbuur:-Ciidanka xoogga dalka  oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka wadda degmada Qadiimiga ah ee Ceel-buur.

Ciidanka xoogga dalka ayaa gudaha u galay magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada ayaa lagu yiri war-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

Ka dib markii ay si buuxda gacanta ku dhigeen oo ay kala wareegeen argagixisada Khawaarijta ah ee Al shabaab.

Ceelbuur ayaa ahayd goobtii ugu weyne ee khawaarijta ay ka joogeen Galmudug iyo Hirshabeelle.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxafdeedka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo kulan la yeeshay xoghaynta xafiiska Midowga Africa

Ethiopia:-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya mudane Cabdullaahi Maxamed Wardaa ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyay xoghaynta xafiiska Midowga Africa Mss Dalitso Bonongwe, wafdigan booqashada ugu yimid safiirka waxaa sidoo kale ka mida ahayd Ms Laura Rakoton andrasana oo ah madaxada isgaarsiinta ee Midowga Africa.

Labada dhimac ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo wada shaqaynta ee ka dhexeeya Safaaradda Soomaaliya iyo Midowga Africa gaar ahaan arrimaha khuseeya nabad-galyada gobolka iyo guud ahaanba.

 

Ra’iisul wasaaraha JFS oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamarreeb:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul ku xigeenka Saalax Axmed Jaama.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay ka qeyb-galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.

  

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo Dhuusamareeb gaaray

Dhuusamareeb:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Dowladda goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb kuso dhoweyey Wafdiga uu hogaaminayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS, Kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.

        

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo gargaar u dirtay goobihii laga saaray argagixisada

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa  maanta oo jimco ah waxay deeq Mucaawino Gargaar ah u dirtay deegaanadii dhawaan laga xoreeyey khawaarijta Al-Shabaab.

Gaadiidkaan wada deeqdaan mucaawinada ah ayaa gaaraya 25-Gawaari oo ah kuwa qaada Xamuulka,waxaana keydka laga rarayay xaruunta hay’adda SoDMA warbaahinta qaranka kula hadlay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan.

Gargaarkaan waxaa hore hay’adda ugu soo wareejiyey dowladda Imaaradka Carabta, waxaana haatan lagu wadaa in la gaarsiiyo deegaanadii khawaarijta laga saaray Bulshada ku nool oo muddo Argagixisada dhibaato ay ku haysay.

     

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo hambalyo u diray Ciidanka Qaranka ee furimaha ku baacsanaya Khawaarijta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa   hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka Qaranka ee furimaha ku baacsanaya haraaga kooxaha Khawaarijta ee uu dhamaaday waqtigoodu.

Goddomiyaha ii u  waramay Warbaahinta Qaanka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale hambalyo u jeediyay Xildhibaanada qaranka ee ku maqan furimaha dagaalka,isla markaana dhiirigalinaya  ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

Sheekha Aadan ayaa ku baaqay in Dowlad goboleedyada ay u istaagaan ka qeybgalka baabulka ku aadan wajiga labaad ee khawaarijta looga sifeynayo gudaha dalka,isagoo intaa raaciyay in

Boogaadiyay in nafta loo huro xoreynta dadka iyo dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ,waxa u ugu dambeyntii ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan  ciidamada,isla markaana ay ka qeybgalaan dhameystirka haraaga khawaarijta.

Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo howlgal qorsheysan ku dlay 27 Khawaarij ah

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay Beerta Sheekhow oo 16-KM qiyaastii u jirta degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

27 ka tirsan Khawaarijta ayaa la dilay ka dib markii la ogaaday inay isku aruursanayeen deegaankaasi,iyadoo Sidoo kale Howlgalkaasi lagu burburiyay saanad Ciidan iyo fariisimihii Khawaarijta ee ku yaalay halkaas.

Dhinaca kale ilaa iyo Shan ka tiran Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qayb ka ahaa Howlgalka sifaynta Jiinka wabiga oo ka dhacay deegaanka Basra.

Ciidanka Qaranka , dadka deegaanka iyo Saaxiibada caalamka ayaa ogaaday koox khawaarij ah oo doonayay inay arbushaan ciidanka kuwaas oo lagu laayay halkii ay isku abaabulayeen