Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la duuleysa qorshaha ciribtirka khawaarijta ayaa garab buuxa oo caafimaad siineysa ciidamada dowladda

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo ka duuleysa qorsha ciribtirka Khawaarijta ayaa qorshaynaysa sidii adeeg Caafimaad ay u helli lahaayeen bulshada ku nool goobaha laga xureeyey Khawaarinta.

“Wasaaraddu waxay dhiiragellinaysaa, garab buuxo oo dhanka Caafimaadka ahna sii naysaa Ciidamadeena sooma jeestayaasha ah ee dhabarka u ritay difaaca Umadda Soomaaliyeed iyo baabi’inta Cadowga caadeystay dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka.

Waxaa Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka go’an in Ciidankeenu hellaan daryeel Caafimaad, Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysnaa goobaha laga eryey iyo kuwa laga eryi doono Khawaarijta inay iyaguna hellaan gurmad iyo daryeel Caafimaad.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo akhrinta labaad mariyay sharciga howlgabnimada shaqalaaha

Kalfadhiga saddexaad kulankiisa 21-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, kaas oo muhiim u ah dhammaan shaqada howlwadeennada dowladda. Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday akhrinta labaad, ayaa fadhiga Golaha ka jeediyay tallooyin iyo muhiimada uu leeyahay sharcigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka maanta ayaa Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha shacabka faray in soo-jeedinta iyo talooyinka Xildhibaanada kusoo daraan isla-markaana kuso celiyaan Golaha.

              

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo Amniga iyo Xasilinta Dalka ayaa ka Furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

      

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo Amniga iyo Xasilinta Dalka ayaa ka Furmay Dhuusamarreeb

Dhuusamareeb(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

      

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furay Tababbar ku saabsan midaynta Fariimaha Dowladda

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale ayaa maanta Muqdisho uga furay Tababbar ku saabsan midaynta Fariimaha Dowladda Heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed in ka badan 50 hawl-wadeen.

Tababbarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa kasoo qayb galay Wasaaraddaha Warfaafinta Dowlad gobolleedyadda iyo Gobolka Banaadir ayaa ku saabsanaa xiriirka warbaahinta iyo ka hor tegida fikiradaha qalafsan ee Xagjirka

Tababbarkan ayaa socon doona mudo shan cisho iyadoo xoogga lagu saari doono sidii loo midayn lahaa Fariimaha Dowladda Warbaahintuna door midaysan uga qaadan lahayd tebinta la dagaalanka kooxaha Khawaarijta iyo sidii looga hor tegi lahaa fikiradaha qalafsan ee khawaarijta.

         

Golaha Aqalka Sare ansixiyey laba Hindise Sharciyeed oo Muhiim ah

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankiisa 7-aad ee kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa
1- Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maaraynta Deegaanka
2- Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS.
Ugu horrayn, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka ka dib markii gudddigii ka soo shaqeeyay ay Sanatarrada la wadaageen xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada iyo sharciga, waxaana intaas ka dib codka kalsoonida siiyay 33 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusayna ma jirin.
Ajandahaas markuu xirmay, waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, waxaana dood iyo falanqayn ka dib la isla qaatay in sharcigaas oo muhiim gaar ah u leh dalka, isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada qaar.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa cod geliyay soo jeedinta Sanatarrada qabay in islamaanta sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka akhrinta labaad iyo Saddexaad la marsiiyo, sidaas ayayna ku oggolaadeen Sanatarradii kulanka soo xaadiray, waxaana intaas kadib la sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka, 32 Sanatar ayaa oggol ku codeeyay wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin, sidaas ayuu sharcigaas isna maanta uga gudbay Golaha Aqalka Sare.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Mudane Saciid Maxamed Cali, ayaa Guddiyadii la shaqeeyay iyo dhmmaan Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay waajib gudashadooda uga qaateen sharciyada ay maanta ansixiyeen oo muhiim u leh Dalka.

        

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Sakariye Cali Axmed.

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Ex Dable Booliis Sakariye Cali Axmed oo hore ugu Eedaysanaa dilka bareer ah oo uu u geystay Ex Xiddigle Booliis Marxuum Cali Xasan Siyaad.

Dilkan ayuu Sakariye ka fuliyey Degmada Dayniile 28/7/2022,sidoo kale Sakariye ayaa hore usii qaatay Baastolad uu lahaa Marxuumka iyo qorigii Dowladda isagoo intaas ka dib ka baxsaday dalka.

Sakariye ayaa u baxsaday Dalka South Sudan ayaa ugu dambayn soo galay Gacanta Haya’addaha Garsoorka Soomaaliya ka dib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska caalamiga ah ee Interpol.

Ciidanka qaranka ee ku Sugan Caws-weyne oo fashiliyey Weerar ay soo qaaday kooxda khawaarijtu

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ay ku soo qaadeen deegaanka Caws-Weyne oo dhawaan laga xoreeyey.
Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka udhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin .
Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka.
Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana socda dhammaystirka howlgalka.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha hawlgalka Caws-Weyne dib ayaan idin kala soo wadaagaynaa Insha Allaah.

 

Shacabka deegaanka Guulane oo taageeray howlgallada Khawaarijta Dalka looga xoreynayo (Warbixin).

:- Saraakiisha ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka Guullane, barbaarta gaashaaman, abwaanno,dhallinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyay deegaankaas saraakiisha wacyigelinta Ciidamada Xoogga Dalka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa furimaha hore ee lagula dagaallamayo kooxda Khawaatijta Al-shabaab.

Waxaanna ugu horeyn goobta, shirib lagu cabirayay halganka lagula jiro Khawaarijta iyo gumaadka ay shacabka ku hayaan ka soo jeediyay abwaannada iyo waxgaradka deegaanka Guullane.

Qaar ka midnah odayaasha dhaqanka deegaanka, saraakiisha xaq-u-dirirka iyo guddoomiyaha deegaanka Guullane oo goobta ka hadlay ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay guud ahaan madaxda Dalka iyo sida markasta heegan ugu yihiin in Dalka laga xoreeyo Khawaarijta.

” Mahad Allaa iska leh, reer Guullane waxay ku faraxsan yihiin guusha laga gaaray Khawaarijta, waxaana madaxda qaranka u sheegeynaa in reer Guullane qeyb ka qaateen sidii Dalka looga xoreyn lahaa cadowga,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka oo goobta ka hadlay.

Sidoo kale, mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa yiri ” Dowlad la’aan waa dhib, Dowladda maanta noo timid kor Alle haka dhigo ayaa leennahay,”.

Ugu dambeyn, saraakiisha wacyigelinta ciidamada xoogga dalka ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen reer Guullane, iyagoo dadka deegaanka kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan halganka ay kula jiraan Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guulo wax ku ool ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo ah koox maafiyo ah oo shacabka Soomaaliyeed dil, qarxin iyo gumaad joogta ah ku haya in ka badan 15-sanno, waxayna hadda u muuqdaan kuwo gabalkooda sii dhacayo.

Wakaaladda Murtida iyo wacyigelinta Qaranka oo qabanaysa tartan Suugaaneed qayb ka ah la dagaalanka Khawaarijta

:-Maamulka Wakaaladda Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Guddiga Garsoorka Tartan Suugaaneedka Tilmaamaha Khawaarijta waxay ku wargelinayaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Suugaanta iyo Farshaxanka (Arts) in 01/09/2023 uu billaabanayo Tartanka wuxuuna socon doonaa muddo bil ah.

Hadaba suugaanyahan kasta oo doonaya inuu ka qayb galo waa u furan yahay tartanka meel kasta oo uu ka joogo.

Wixii faah-faahin ah kala xariiri Tell: +252615579153