Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka BJFS

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, iskaashiga Caalmiga iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga.

Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa in dhageysuga warbixinta Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran, Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin iyo warbixin Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka. Guddiga ayaa kulan shaqo ugu yeeray wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023.

Wasiirka iyo howlwadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalah, Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Madaxa Mashruucda Barwaaqo iyo Madaxa Mashruuca SCRP ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa soo xiray kulanka, waxaana loo ballamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Su’aalo weydiin.

     

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo daahfurtay qorshaha ay shaqaalaha wasaaradda uga qeyb qaadanayaan dagaalka khawaarijta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa qorshaha ciribtirka Khawaarijta ayaa u daahfurtey qorshe shaqaalaha wasaaradda ay kaalintooda uga qaadanayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, gaar ahaan dhanka fariimaha baraha bulshada.

Wasaaradda ayaa iyadoo ka duuleysa qorshaha uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ee ku saabsan ciribtirka Khawaarijta ayaa maanta si rasmi ah qorshahaas u daahfurtay . Waxaana shaqaalaha ay baraha bulshada ku soo Bandhiggi doonaan fariimaha lagu dhiirigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo muhimadda jihaadka xaqa ah ee loogu hiilinayo diinta iyo dalka, loona ciribtiri Khawaariijta diinta Islaamka ka been sheegayaa.

Wasaaraddu waxay dhiirigelinaysaa garab buuxa oo ah dhanka fikirka Iyo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan fariimo loo dirayo ciidamadeena soomajeesteyaasha ah ee dhabarka u ritay difaaca ummadda Soomaaliyeed iyo baabi’inta cadowga caadeystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ah Khawaarijta.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo mudooyinkii u dambeeyay hawada ka saartay inta badan barahii bulshada ee ay Khawaarijtu adeegsan jirtay ,iyadoo kaashanaysay Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Tiknoolajiyadda & Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka NCA oo wada jira.

 

     

Agaasime Xayir “Qof kasta oo ka tirsan Wasaaradda waa in ay ka qeyb qaadato dagaalka Khawaarijta”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dakxiiska Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay qeyb weyn ka qaadaneyso dagaalka lagu jiro khawaarijta.isagoo shaqaalaha kula dar-daaramay in ay sii xoojiyaan howsha ay u hayaan Qaranka oo ay ka mid tahy dagaalka lagula jiro khawaarijta

Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa hadalkaan ka sheegay shir maanta la isugu yeeray guud ahaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya,halkaa oo uu agaasimaha ugu sheegay sida ay muhiimka u tahay in khawaarijta lagula dagaalamo dhinaca warabaahinta iyo Sugaanta oo looga baahanyahy Hobollada Waabari nuuc kasta oo sugaan ah in ay khawaarijta kula dagaalamaan.

“qof kasta oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta waa in uu ka qeyb qaadato dagaalka iyo farrimaha lagula dagaallamayo Khawaarijta “ayuu yiri Agaasime Cabdullahi Xayir Ducaale

Sidoo kale agaasmiha ayaa faray in qof kasta oo ka shaqeeyo Wasaaradda Warfaafinta in looga baahan yahay in si maalin la’ah bartiis uu ugu qoro erayo lidi ku ah khawaarijta oo ay kamid tahay lacagaha baada ah,iyo sida ay uga been sheegaan  khawaarijtu Diinta Islaamka iyadoo aanan wax been ah lagu dareen.

Waxaa uu tilmaamay sidoo kale Agaasimaha Guud ee warfaafinta  in waax walba  agaasimaheeda iyo shaqaalahaba lagula xisaabtami doono in maalin walba qof walba laga fiirin doono in Bartiisa Fecbooka uu ku qoray erayo kooban oo Bulshada loogu sheegayo ficilada guracan ee kooxda khawaarijta ah.

Agaasimaha Wakaaladda Waranka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) Ismaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo), ayaa oo kamid ahaa mas’uuliyiinta goobta ka hadashay  ayaa sheegay in shaqaalaha iyo guud ahaan maamulka wasaaradu ay diyaar u yihiin Dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

“Dhammaanteen waxaan diyaar u nahay Jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda”sidaa waxa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA

Dowladda soomaaliya oo kaashanaysa dadka deegaanka ayaa wada dagaal ka dhan ah khawaaijta iyadoo ay xusid mudan tahy in madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud mudda ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb si uu u dar-dargaliyo howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Hay’adda Maareeynta Muusiibooyinka Qaranka oo la wareegtay Agab Caafimaad

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Hay’adda Maareeynta Muusiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane Dr Abdullahi Muse Ahmed ayaa maanta ka guddoomay qaar kamid Hay’adaha deeqaha bixiya, deeq agab caafimaad oo ka kooban dawooyin iyo qalab caafimaad taasoo loogu talagalay in la gaarsiiyo adeegyadaa caafimaad degaannadii dhawaan laga xoreeyay khawaarijta.

Deeqdan ayaan la filayaa dhawaan in ay gaarto degaanadaas, waxayna talaabadan imaaneysaa xilli lagu guda jiro dhamaystirka wajigii koowaad ee la dagaalanka khawaarijta,hormuud ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka tuulada Ceeldheere oo ka hadlay dhibatooyinkii ay ku qaben Khawaarijta intii ay gacanta ku hayeen tuuladaas

Dadka Shacabka ah ku dhaqan tuulada Ceeldheere ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa  ka hadlay dhibatooyinkii ay ku qaben Khawaarijta intii ay gacanta ku hayeen tuuladaas.

Shacabka tuuladaasi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabeen khawaarijta,islamarkaana ay necaaw xornimo ay daremeen markii ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ay gacanta ku dhigeen tuulada Ceeldheere ee gobolka Shabellaha dhexe,waxa ay shegeen dhac,dil iyo Boob ay ku hayeen xoolahooda khawaarijta,balsa ay dhamaatay wayahoodii dhibateenta dadka shacabka ah.

“Geedihii xitaa wan ka jaran weynay oo dhufeys ayay ka dhigteen,xoolahana xoog ayay nooga qaadanayeen dhibaato badan ayaan ku qabnay”sidaa waxaa yiri mid kamid ah Dadka shacabka ah ee tuulada Ceeldheere

Dadka tuulada Ceeldheere ayaa sidoo kale sheegay in diyaar u yihiin in ay la shaqeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago dhagarha khawaarijtu u maleegaan shacabka Soomaaliyeed,

Tuulada Ceeldheere ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa kamid ah goobaha ay geesiyaasha xoogga dalka ka xoreyeen khawaarijta,iyadoo shacabka halkaa la gaarsiiyay adegyadii Bulshada u baahneeyd.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale u fariisanaysa dacwad ka dhan ah eedaysanayaal loo haysto musuq

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageeysiga Dacwad loo heysto Saraakiil ka Tirsan Hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda,oo ku Eedaysan Musuq maasuq.

Xeer ilaalinta iyo qareenada u doodayo eedaysanayaasha ayaa soo bandhiga caddeeymo lid ku ah eedaysanayaasha,halka qareenada dhankooda oo Maxkamadda ka hor hadlay ay shegeen in eedaysanayaasha damiyadaa lagu soo eedayay  aysan galin.

Abuukaate Maxamed Xasan oo ah qareenka eedeysane Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in uu muwakilkiisa yahay dambi la’aan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Cows-weyne Cadowgii (Al-shabaab), Wallee Caana kama dhamin (WARBIXIN)

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay shalay aroortii hore  maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo  qaadeen deegaanka Cows-wayne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud oo dhawaan dib loo xoreeyay, iyadoo ay wararku sheegayaan in Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ay jilibka u dhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin, Kuwo nafood haligayaal ah iyo Maleeshiyaadkoodaba, waxaana uu Dagaalkaasi ku soo gabagaboobay Kooxdii duulaanka soo qaaday oo si weyn loo jabiyay, waxaaa la isugu daray xabbado uga imaanayay Ciidamada isgarabsanaya iyo duqeyn dhinaca cirka ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle , waxaana soconaaya dhamaystirka hawlgalka ka dhanka Kooxdaas nabad-diidka ah ee ku gamban jirtay Diinta Islaamka, balse ay arrintaasi fashil ku soo dhamaatay, ka dib markii Dadka Soomaaliyeed ay fahmeen inay caqiidadoodu tahay inay banneystaan Shacabka Dhiiggooda iyo Maalkooda.

Cows-weyne tiro tamar daran oo Argagixiso ah ayaa soo weerartay, mid nabad qabana kama laaban, balse waxaa jira Dad caadeystay in ay buun buniyaan wararka ay soo qoraan Warbaahinta Kooxda Khawaarijta ah, islamarkaana aan ka hadlin marka ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay guulo gaaraan sida qabashadii Magaalada Ceelbuur oo la ogsoon yahay inaysan wax jooq ahba ka oran, ma sheegayaan  tiradaa Khawaarijta ka baqtisay aan arag, laakiin halyeeyada shahiiday Eheladooda ku diganaya, kuwaasi meesha ay noo joogo ayay na tuseen, waxna kama qaban karaan halganka dib u xoreynta deegaannada ee ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ee ka socda Dalka, waxaan u sheegeynaa in Deegaanka  Cows-weyne Raggii xoreystaa inay ku xarakoonaya, daggaalkuna waa gabagabo.

“ Khawaarijta iyo Af-khawaarijku sidaas ayay been iyo cabaad isugu dhinaca wadeen ilaa maalintii sifeyntooda bilaabatay, iyaga oo sidaasi ah ayaana inta ugu dambeysa Godadka loogu tagayaa insha allaah”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

“Waxaan Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga hambalyeynayaa guulaha wax ku oolka ah ee laga soo hooyay howl-gallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa howl-galladii ugu dambeeyay ee degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug oo ay ugu dambeysay degmada Ceelbuur looga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee xilliga dheer horumarka ka hor taagneyd dadka iyo deegaanka”, sidaasi waxaa yiri Raiisul-waarihii hore ee Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Raiisulwaarihii hore waxa uu aad ugu mahadcelinayaa intii ka qeybqaadatay dib u xoreyntii Magalada Ceelbuur, ayaa yiri:- Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay howl-gallada oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo carbiyay ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed, saaxiibada Soomaaliya la garab taagan taageerada buuxda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xasuusinayaa dowladda labadeeda heer muhiimadda ay leedahay in xoogga la saaro gaarsiinta adeegyada dowladeed, xasilinta iyo horumrinta deegaannada laga saaray Khawaarijta, waxaana mar kale ku baaqayaa in loo midoobo dagaalka dib-u-xoreynta ee Khawaarijta lagu cirib tirayo”.

Dhallinyarooy magaalooyin aan hubo in aanad badankiin hore u arkin ayaa maanta xor ah. Kuwiina ku dhashayna, idinka oo yar yar ayaa la idinka soo waday, si aad meelo ay nolol iyo waxbarasho taal ugu kortaan. Waxaana laga soo tegay intii ay tabartu u deyrisay oo awoodi waayay inay soo guuraan. Marrastaas ayaa 15 sano ku hoos noolaa Shayaadiin nolosha iyo horumarkaba col la ah.

Maanta haddii uu dhulkii dib u xoroobay waxaa mahaddaas leh Ilaaheey,  ka dibna Madaxweyne Xasan Sheekh oo tan iyo maalintuu xafiiska yimid aanan nasan, isagoo isku howlay diyaarinta cudud dawladeed oo dalka iyo dadka xoreysa. Cid kasta oo dadaalka dawladda garabgashay oo ay beeluhu ugu horreeyaan ayaa iyagana ammaan mudan.

Kaalinta dawladdu waa xoreyn, xejin & xasillin, halka kaalinta beeluhuna ay yihiin wada-noolaasho iyo wax-wada-qabsi. Waxyaabaha miraha guusha beylihi doona oo dhiigga mujaahidiintii xoreynta u dhimatay dayaci doonana waxaa ugu weyn badawnimada iyo faanka Facebook ku kooban oo lala tago magaalooyinka ay noloshu billowga u tahay. Magaalo hebel yaa leh? Waxaa leh intii ku noolayd markii ay Argagaxisadu joogtay oo lagu daray intii hadda ka dib tegi doonta, si ay u horumariso. Suaasha kale Yaanan laheyn? Badawga shalay Argagaxisada ka baqi jiray oo aanan tegi jirin, ee maanta markii ay wiilal faciis ah u xoreeyeen raba inuu xin iyo xasarad u aado.

Howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ka socda degaanno kamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle,waxan geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaan garab taagan bulshada qeybaheeda kala duwan. Ururada Haweenka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda u istaagay sidii cuntooyin fudud ay ciidamada u gaarsiin lahayeen, halka qaarkood ay  qeyb ka yihin howlgallada socda, sidaasi awgeed Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir  Jawaahir Baarqab oo ka qeyb galeysay Barnaamijka Raad raaca oo oo ka baxa Talefeshinka Qaranka ayaa sheegtay in ay sameyeen olola is-xilqaan ah oo ay ku garb istaagayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka.

Guddoomiye Jawaahir Baarqab” haddaan nahey haweenka Soomaaliyeed waxaan sameyney is-xilqaan aan ku garab istaageyno Ciidamada furimaha dagaalka kula jira khawaarijta dalka looga xoreynaayo”, Sanatar hore Naciimo Ibraahim”waan garab taaganahay kuna taageereynaa naftood hurayaasha xoogga Dalka ee guulaha ka soo hooyay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta oo dhibaatada dalkaan ay ka geysteen qoys kasta iyo guri kasta oo Soomaaliyeed ay gaartay”, ayay iyaduna sii raacisay.

Geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guula waaweyn ka soo hooyay howlgaladii ugu dambeyay ee khawaarijta looga saaray deegaanno iyo tolooyin ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana ugu dambeysay tii dib loogu xoreynta Magaalada Ceelbuur oo ay kooxda Khawaarijta ah ay joogeen muddo ka badan 16 sano.

Zimbabwe: Mnangagwa oo ku guuleystay xilka madaxtinimo iyo mucaaradka oo diidan

Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay markii labaad xilka tartankii madaxtinimo ee dalkaasi, iyadoo dhinaca kale natiijadii soo baxday ay diideen kooxaha mucaaradka.

Guddiga doorashada Zimbabwe (ZEC) ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in Mnangagwa uu ku guuleystay 52.6 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka 44% uu helay Nelson Chamisa, oo ah musharraxa ugu weyn ee la tartamayey.

Taageerayaasha xisbiga talada haya ayaa u dabaaldegay natiijada doorashadaasi, halka Promise Mkwananzi oo ah af-hayeenka Isbaheysiga Muwaadiniinta ee Chamisa’s Coalition for Change (CCC) uu natiijada uu ku tilmaamay been abuur.

Mnangagwa Emmerson Dambudzo oo ka tirsan xisbiga ZANU-PF,waxa uu xilka kala wareegay Robert Mugabe oo sanadkii 2017-dii ay afgambi ku sameeyeen ciidamada Simbabwe,waxaana haatan madaxweynaha la doortay markii labaad horyaalla xal u helidda qalalaasaha dhaqaale ee ka jira dalkaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Madax ka socotay madasha mutadawiciinta oo kulan wada qaatay

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Madasha Mutadawiciinta Soomaaliyeed (Somalia volunteering work forum).

Guddoomiyaha ayaa isbarasho kadib ka dhagestay Guddoomoyaha madasha Mudane Xasan Cali Axmed wax qabadka iyo qorshooyinka fog ee madasha, isagoo Guddoomiye Maxamuud Macalin uu dhankiisa soo dhaweeyay fikirka mutadawacnimo ee madasha ku dhisantahay oo ah arrin Soomaaliya si aad ah ugu baahantahay.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Muane Maxamuud Macalin ayaa u balan-qaaday in Hay’adda SoDMA iyo Madashan cusub si dhaw u wada shaqayn doonaan.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dadaallada ku aadan ku biirista EAC

Nairobi- Cabdisalaan Hadliye Cumar Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika oo saxaafadda uga warbixiyay shirka wada xaajoodka farsamo ee ku biiritaanka Soomaaliya Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika,  isla markaana ay la leeyihiin wafdiga ka socda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo maalmahan shirar uga socdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay  in kulanka labada dhinac uu meel fiican u marayo, kaasi oo lagu wado in warbixin dhameystiran uu ka soo baxo maalinta khamiista ah ee nagu soo aadan.

Mudane Cabdisalaan Hadliye ayaa xusay in sahankann uu soo bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022-ka,, haatana ay socdaan dadaallada ku aadan sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika.

“Wafdi ka socda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxa ay kormeer ku tageen Soomaaliya, halkaasi oo ay ku soo arkeen horumarka ay sameysay dowladda ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha muddadii ay joogeen wafdiga, iyagoo u riyaaqay dadaallada dowladda”. ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika.

Mudane Cabdisalaan Hadliye “Shirka Guddiga farsamada meel fiican ayuu noo marayaa, waxaanu rajeynaynaa in  Soomaaliya dhamaadka sanadkkan ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”

Wafdiga uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ay ku jiraan Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Sahra Cali Xasan, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamsa Aadan Xaadow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashiir Macalin Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka kooban quburo 45 qof ah ayaa iminka kulamo farsamo kula leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya wafdiga ka socday Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaasi oo lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta khamiista ah ee nagu soo fool leh.