Muungaab : In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta

-Guddoomiyehii hore ee gobolka Banaadir,Dr, Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab) ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo goobaha laga saaray oo ay ugu dambaysay degmada Ceelbuur.

Dr, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in ay dowladdu guuleysato, lagana adkaado cadowga khawaarijta ay cid kasta dan ugu jirto.

“In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta”

Mudane, Muungaab ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan Madaxweynaha JFS iyo Ciidamada qalabka sida ee ku howlan har iyo habeen xoraynta dalka  iyo ciribtirka cadowga Khawaarijta .

“Ciddii doonaysa in ay siyaasad ka dhex raadiso  xoraynta dalka iimaanka  Allaha geliyo ,waxaana leeyahay war hooy sidaasi geela looma kaxeeyo”

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kulan la qaatay Culimada Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah culimada iyo ducaadda Wasaaradda.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa dardar gelinta iyo xoojinta howlaha wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, maadaama lagu guda jiro dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ay dadka iyo dowlada Soomaaliyeedba ay kula jiraan Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ducaadda uga mahad celiyey doorkii muuqdey ee ay kasoo qaateen baraarujinta bulshada iyo ciidamada qalabka iyo caddeynta xaqnimada dagaalka hubeysan iyo midda fikirka ah ee lagula  Khawaarijta iyo guud  ahaan garab istaagii iyo taageeradii ay culimaa,udiinka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowlad Federaalka Soomaaliya, si Dalka loo xoreeyo haraadiga Khawaarijta.

 

 

   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Toban Halaad oo Geel ah ku wareejiyay Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada geesiyaasha qaranka ee ku sugan furimaha dagaalka.

Munaasabadda deeqda lagu wareejinaye ayaa ka dhacday Saldhiga Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug,iyadoo ay goobjoog ahayeen Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliyaha qeybta Boliiska, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay Ciidamada qalabka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka Korneel Cabdi salaad Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa Guddoomiyah ugu mahadceliyay sida uu marwalba isugu howlo garab istaaga ciidamada qalabka sida.

    

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ee BJFS u gudbisay Xisaab -xirka Dowladda ee sanadk 2022-ka

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xisaab -xirka Dowladda ee sanadka 2022 – ka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane. Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023-ka ayaa waxaa baaris Maaliyadeed ku sameeyay Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka, iyada oo natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

 

Biden “sarreynta caddaanka boos kuma laha Mareykanka”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in sarreynta caddaanka aysan meel ku laheyn dalkaasi,ka dib weerar ku saleysan cunsuriyad oo lala beegsaday dad madow ah oo ka dhacay  Florida.

“Waa inaan si cad oo xoog leh u sheegnaa in sarreynta cadaanka aysan meel ku lahayn Ameerika,” Madaxweyne Joe Biden ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Axaddii.

Hadalada madaxweynaha ee lagu dhaleeceynayo toogashada 3 ruux oo madow ah ayaa yimid,xilli loo dabbaaldegayey munaasabadda sannad-guuradii 60-aad ee xuska Martin Luther King oo ka tagay halkudheg caan noqday oo ahaa “Waxaan leeyahay riyo”.

Boqolaal qof ayaa isugu tagay Kaniisadda,si ay baroor-diiq ugu sameeyaan saddex qof oo Madow ah oo uu xaafadda Jacksonville ku dilay 21 caddaan ah oo lagu magacaabo Ryan Palmer

Sadexda ruux ee la dilay ayaa kala ahaa Angela Michelle Carr, oo 52 jir aheyd, AJ Laguerre oo 19 jir ah iyo Jerrald Gallion oo 29 jir ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay guddiga xasillinta degaannada laga xoreeyay khawaarijta

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay guddiga xasillinta Galmudug.

Guddiga oo ah heer wasiirro ayuu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan arrimaha xasillinta iyo adeeg gaadhsiinta shacabka ku dhaqan deegaannada dhawaan laga xoreeyey khawaarijta.

Xubnaha guddiga ayaa dhankooda ballan-qaadeen inay  dedaal dheeri ah gelin doonaan sidii adeegyada bulsho ee aasaasiga ah loo gaadhsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Meel looga harayo ma jirto Al-Shabaab inta laga xoreynayo guud ahaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey xafladda xirtaan shirka 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka aay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii Khawaarijta,inta dhimana la dhameeystiri doonno,waxa uu ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyay guullaha ay soo hooyeen Dagaalka,isagoona sheegay in la gaaray xiligii lays abaal marin lahaa qof walbana la qiri lahaa kaalinta uu ku lahaa xoreynta dalka

Madaxweyne Xasan, “Al-Shabaab Waa xaaqin Shacabkuna waa dhulkii Xaaqina ayaana dhammaanaya “.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa fariin u diray dhalinyarada iyo odayaasha ay qaldeen khawaarijta,isagoo u sheegay in ay kasoo baxaan dowladan ay cafis u fidineyso cid walba oo fikirka qaldan ee khawaarijta kasoo baxaysa,ganacsatada ayuu madaxweynuhu sheegay in wali ay maqan tahay kaalintoodii,isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb-qataan howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta

Madaxweynuhu waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay  in inta qof kamid ah khawaarijta uu ku sugan yahay degannada ay wali gacanta ku hayaan uu howlgalka sii socon doonno.

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah:

1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.

3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u dambeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

• QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:

• HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.

• Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka.

• Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.

• Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.

• XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA▪ Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.

• U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA▪ Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).

Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.

• DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.

• Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.

• QODOBBO KALE▪ Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

▪ Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.

▪ Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

▪ Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.

• MAHADCELIN▪ Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Maxamed Maxamuud Caddow ayaa ku soo dhaweeyey Xarumaha ay booqdeen wafdiga uu hoggaaminayey Agaasimaha Gurmadka deg degga ah ee Xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Adduunk (WHO) Dr. Richard Brenann iyo Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka xafiiska Soomaaliya.

Wafdiga ayaa u kuur galey Shaqada Isbitaalka Martiini uu u qabto bulshowaynta Soomaaliyeed, iyo caqaddaha heysta, waxayna warbixin kooban oo ku saabsan habsami u socodka shaqadda Isbitaalka caqaddaha iyo culeysyadda heesto ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Jalaaludiim Yuusuf Axmed oo sharaxaad guud ka bixiyey howlaha Isbitaalka.

Sidoo kale Wafdiga ayaa booqday sheybaarka Qaranka waxaana si furan looga warbixiyey shaqooyinka uu qabto ee ay ugu horeyso xaqiijinta cuduradda faafa iyadoo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka qeyb weyn ka qaadatay kor u qaadista tayadda shaqaalaha ka shaqeeya iyo agabka lagu shaqeeyo ee Shaybaarka.

Wafdiga waxay ku soo gabagabeeyeen booqashadooda Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH), iyadoo warbixin kooban laga siiyey howlaha uu qabto Machadka sida Cilmi Baarista, Tababaridda iyo Xarunta Howlgalada gurmad ka deg degg ah ee Caafimaadka Guud

 

Guddiyadda arrimaha dibadda labada gole ee Baarlamaanka oo kulan wadajir ah yeeshay

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Sare ee Barlamaanja Jamhuuriyadda Soomaaliya Senator Maryan Faarax Kaahiye ayaa shir guddoomisay kulan wadajir ah oo ay maanta xarunta Aqalka Sare ku yeesheen Guddiyada arrimaha dibadda ee labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

Kulanka oo ku saabsanaa isbarasho, kala warqaadasho, iskaashi iyo xoojinta xiriirka shaqo ee labada Guddi ee Baarlamaanka, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in labada guddi ay shaqooyinka qaar wadajir u qabtaan, si waajibaadkooda Dastuuriga u gutaan.