Madaxweyne Xasan Sh : Kuwa awoodda Ciidanka la siiyay ee ku takri falay waa lala xisaabtamayaa”

Madaxweynaha JFS Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ku tagri falay ee khiyaanada sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Kuwa awoodda Ciidanka la siiyey ee ku takri falay, oo Khiyaanada ku kacay, dadkana mardabeeyay waa lala xisaabtamayaa”.
Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in kuwa tashwiishka gelinaya ciidanka uu la mid yahay Khawaarijta qoriga iyo qaraxa wadata.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka socda ee lagu cirib tirayo khawaarijta uusan u joogsan doonin war xuma tashiil iyo qof tashwiish geliya halganka, meelaha la joogana aan laga soo noqon doonin.

“Ama hal goob dagaal ha lagu guul darreysto, ama mid xun oo tashwiish wada wax ha sheego, dagaalku wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joognana kasoo noqon mayno, horay ayaan u soconaynaa”.

Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)

Hadal heyntii beryahaanba la isla dhex marayay ayuu shalay soo Af jaray Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan Argagixisada, wuxuuna ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeed, ayna dhawdahay waqtigii guusha weyn laga gaari lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee hoos tagta Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasi oo Khawaarijtu dacaayad been ah ka sameysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaasi lagu dilay, Maleeshiyaadkoodana ay xabaal wadareed ku wada aastay, dhaawacoodiina ay sii dhameystireen ama dileen, maadamaa aysan heysan goob caafimaad ama isbitaal ay ku daweeyaan dhaawacyadooda, isagoo balalan qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal-wadareedyada ay ka sameeyeen Goobaha ay hadda gacanta ku hayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay in la gaaray xilligii la xisaabtanka kuwa la siiyay awoodda dowladnimada ee mas’uuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyay inay xilkooda si hufan u gutaan.“Kuwa ka shaqeynaya inay ciidanka tashwiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha JFS, wuxuuna intaasi sii raaciyay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta. “Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadineyno aan gaaraynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasaan Sheekh, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyay horumarka dalka.

Khudbad soo af-jartay propogando Malaayiin Dollar ku baxday, taasi oo ka dhan aheyd dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ayna maal-galinteeda iska kaashadeen Khawaarijta iyo Siyaasiyiin Arxan-laawayaal ah. Dhamaanteen waxaa noo dhahan hadalka Madaxweynaha, waayo 95% Shabaab waan u bur-burinan xag Ciidan, Dhaqaale, inta deegaan ay heystaan waa wax ka yar .5% waxayna ku soo hartay wax lagu qoro Facebook propogando lagu fidiyo, nagamana difaaci doonto insh allah, marka waa in aan dhameystirno Khawaarijta Gabalkoodu dhacay.

Dhinaca kale Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay digniin ku aadan faafinta dicaayadda Khawaarijta oo aan ogsoonahay inuu jab badani ka soo gaaray furimaha dagaalka, iyadoo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb asigoo si adag uga hadlay dadka faafinaya fariimaha marin habaabinta ah ee ku saabsan dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta, isagoo xusay in dadkaasi qaarkood ay si ula kac ah u faafinayaan dicaayadda Argagixisada, taasi oo uu ku tilmaamay fal dambiyeed dowladdu kula xisaabtamayso cid walba oo ku kacda.

Wasiir Al-cadaala ayaa xusay in hawlgalka Khawaarijta looga sifaynayo Galmudug uusan waxba iska badalin, islamarkaana uu ku socdo sidii dowladdu u qorsheysay, waxa uu ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaankaba guulaha waaweyn ee ay todobaadyadii ugu dambeeyey ka soo hooyeen furimaha dagaalka.

Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta gobolka Mudug ayaa shalay isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii shalay lagu soo bandhigay horjoogaha, waxayna Isi soo dhiibidda horjoogahan ay muujinaysa sida kooxda Khawaarijta ah ay u sii tabar yaraanayso, islamarkaana horjoogayaashoodii ay u kala baxsanayaan sidii ay isugu soo dhiibi lahaayeen Dowladda Soomaaliya, si ay u galaan gacan ammaan ah, islamarkaana laga nabad galo shartooda, iyaguna ay nabad galaan naf ahaantooda.

Annaga hiil buu naga rabaa inteenna bannaanka ka joogta furinta dagaalka, dagaal Al-shabaab dhexdhexaad kama noqon karno sidii siyaasadda wadamada dunida ku dhaqmaan, waana dagaal guushiisa ay harsan ama ay ku naaloon doonaan jiilalka dambe. Madaxweynuhu Dadka uu shaqada u dirsaday hiil buu uga baahan yahay, waana inay si hufan waajibaadkooda u gutaan, wax la taaban karana ku biiriyaan howlgallada socda. Madaxweynaha naftiisa hiil bay uga baahan tahay oo waqti wax lagu qiimeeyo waa joogaa xafiiska ee hortiisa iyo hareerihiisa ha eego. Qofkii shaqadiisa ka soo dhalaalay abaal marin buu mudan yahay, kuwii dayacayna la xisaabtankooda ayaa looga fadhiyaa, marka waxaan leenahay Madaxweynaha maalin uu hiil uga baahi badan yahay, maanta ma jirto ee Soomaaliyeey aan Madaxweynaheenna u hiillinno.

 

Ciidanka Gaaboon oo la wareegay xukunka,laalayna natiijada doorashooyinkii dhacay

Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada Dalka Gabon ayaa sheegay inay xukunka la wareegeen, daqiiqado kadib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.

Saraakiisha oo saacadihii hore ee maanta ka soo muuqday TV-ga Gabon ayaa sheegay in ay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo difaaca ee dalka, iyagoo intaa raaciyay in la laalay natiijada doorashada ee ka dhacday dalkaasi.

Ciidamada ayaa sheegay in madaxweynaha la galiyay xabsi guri la rumeysan yahay in uu ku yaallo madaxtooyada,waxaana Magaalada caasimadda ah ee Libreville ka dhacay muqaalo damaashaad ah kadib afgambigii dhicisoobay.

”waxaan go’aansanay inaan difaacno nabadda anagoo meesha ka saarayna nidaamka hadda jira,” ayeey saraakiishu ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Saraakiishaasi qabsaday Gaaboon ayaa kala diray xukuumadda, golaha guurtida, golayaasha qaranka, maxkamadda dastuuriga ah iyo guddiga doorashada, waxaana la xiray xuduudahana dalkaasi illaa amar dambe.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Xarardheere

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane, Axmed Macallin Fiqi oo maalmahan howlo shaqo ujoogay Galmudug ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminaya waxay gaareen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka federaalka iyo Galmudug ayaa waxa uu socdaalkiisu la xiriiraa dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dhiirri gelinta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray furimaha dagaalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeeray furimaha dagaalka, halkaas oo uu ka socdo abaabuka guluf culus oo lagu cirib tirayo khawaarijta.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen dhiirri gelinta Ciidamada qalabka sida, xoogagga deegaanka iyo abaabulka bulshada deegaanka.

Mudane, Guudlaawe ayaa u mahad celiayay sida ay madaxweynaha DFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaruhuba sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,wuxuuna bulshada deegaanka ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan cirib tirka nabad-diidka.

Degaannadii laga xoreeyay Khawaarijta oo laga hirgeliyay adeegyada aas-aasiga ah

Shacabka ku nool qaar ka mid ah degmooyinka iyo degaannada laga xoreeyay khawaarijta ayaa laga hirgaliyay adeegyadii Aas-aasiga u ahaa noolasha dadka.

Deegaannada laga saaray khawaarijta ayaa la gaarsiiyay Shixnado isugu jira cunno iyo dawo, sido kale goobahaasi ayxaa laga hirgaliyay adeegyada garsoorka, waxbarashada , iyadoo ay degaanadaas u diideen arxan laawayaasha khawaarijta.

Dowladda ayaa dib u dayac tir ku sameeysay ceelal fara badan oo kooxaha khawaarijta ay gubeen, halka kuwa kalana ay aaseen, waxanay dowladdu ku howlan tahay xasilinta nabadda iyo horumarinta goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Howlgalka Ciribtirka malleeshiyaadka Khawaajirta ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ka wadaan qeybo ka mid ah goballada dalka oo jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga ayaa sababay in ay dowladdu geyso adeegayadii asaasiga ahaa ee bulshada, markii laga dul qaaday cadaadiskii ay muddada dheer ku haysay argagixisada.

Guddiga difaaca ee golaha Shacabka oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Guddiga difaaca ee golaha Shacabka BFS ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Qaranka.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo la hadlay saxaafadda ayaa marka hore ka warbixiyay kulan uu guddiga difaaca maanta la qaatay Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga xildhibaan Cabdifataax Qaasim iyo taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka.

Kulanka ayuu sheegay inuu ku saabsanaa is xog waraysi , gaar ahaan xaaladda dalka, dedaallada Ciidanka xoogga dalka ku jiro,cirib tirka khawaarijta, guulaha la gaaray, goobaha la xoreeyay, caqabadaha jira.

Axmed Cabdi Kooshin oo aqrinayay baaq ay soo saareen guddiga difaaca ayaa sheegay in aan horumar la gaarayn, inaan barwaaqo la gaarayn inta cadowgu dalka ku jiro, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo tafa xayto cirib tirka khawaarijta.

Xildhibaan Kooshin oo ku hadlayay afka Xubnaha guddiga difaaca ee BFS ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada labada gole, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada qalabka sida hiil iyo hooba isla garab taagaan.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa sheegay in guddigu ay ka digayaan in la siyaasadeeyo dedaallada uu ciidanka xooggu ku jiro, lagana fogaado wixii dhiirri gelin u ah argagixisada uu gabbalkoodu dhacay.

R/W ku xigeenka XFS oo daah-furay shir ku saabsan Isku-duwidda deeqaha

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Qaab-dhismeedka Guddiyadda Tiirarka, Hab-raaca Cusub ee Wadashaqeynta Isku-duwidda Deeqaha.

Waxaa shirka si rasmi ah u daahfuray Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Salaax Axmed Jaamac, waxaana furitaanka munaasabadda khudbado ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

  

Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabanaysa Shirwaynaha 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka

ay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa qaban qaabo xooggan ugu jirta qabsashada  Shirwaynaha 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, shirkaas oo ay hay’addu qabanayso sanadkii 2-aaD, wuxuuna ka dhici doonaa Magaalada Mogadisho inta u dhaxeysa 24 illaa 26 October 2023.

Shirka ayaa isku  keeni doona dhamaan daneeyayaasha ka shaqeeya Kaabayaasha tayada sida hay’addaha dowlada, hay’addaha aan dowliga aheen, cilmi baarayaal, bahda waxbarashad, bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Inta uu socdo shirweynaha 2-aad waxaa lagu falanqayn doonaa sidii ay Soomaaliya ula jaan qaadi lahayd dedaallada dunida ee kor loogu qaadayo Tayada, hirgelinta halbeegyada, horumarinta dhaqaalaha iyo wada ganacsiga.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis horumarineed

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dowladda Mareykanka la saxiixatay Heshiis Horumarineed oo gaaraya $92.6 Milyan kana turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan  aFaraax (Beenebeene)  iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiskaan, halka dowladda Mareykanka uu u saxiixay sii hayaha xilka safiirka dowladda waddankaas.

Heshiiskaan deeqda ah wuxuu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliva kaas oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada.