Mungaab”Qofkii dagaalka Khawaarijta Siyaasad ka dhex raadisha waxaan leeyahay Iimaanka Allaha galiyo”

-Guddoomihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa sheegay in aan xilligaan aysan wanaagsaneyn in siyaasada laga dhex raadiyo dagaalka Khawaarijta looga ciriibtirayo dalka.

”In loo midoobo ayaa la rabaa dalka dagaalka Argagixisada,lama rabo in dagaalka laga dhex raadsho arrimo siyaasadeed Qofkii dagaalka Khawaarijta Siyaasad ka dhex raadisha waxaan leeyahay IimaankaAllaha galiyo aragagixiada cid ay u turayso ma lahaan,waa kuwa dadkeen dariiqayada ku laynayay waana nimaan horor ah oo wax ay dhaafayaan aysan jirin waa in lala dagaalamo “.

 

Maraykanka oo ka digay in Woqooyiga Kuuriya ay hub ka iibiso Ruushka

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku uu ka walaacsan yahay heshiisyada hubka ee dhexmari kara Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi,xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhaxeeya Pyongyang iyo Washington.

Hadalka Kirby ayaa yimid toddobaadyo uun ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Kim ay isweydaarsadeen waraaqo ay ku ballanqaadayaan inay xoojiyaan xiriirka labadooda dal.

Sarkaalkaasi ayaa ka digay in Kuuriyada Waqooyi ay hub ka iibiyaan Ruushka oo latilmaamay in uu dagaal ka wado Ukraine,isagoo dhanka kale ku booriyay in la joojiyo wadahadalka hubka ee ay kula jirto Ruushka .

Ergada Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ee ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York illaa hadda wax jawaab ah kama bixin hadalada sarkaalkaasi.

Waqooyiga Kuuriya,waxa ay barbar taagan  tahay Ruushka oo dagaal  kula jira Ukraine, iyada oo ku adkeysatay in siyaasadaha reer galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo ay ku qasbeen Moscow iyo Pyongyang inay qaadaan tallaabo ay ku ilaashanayaan danahooda.

 

Dad ku geeriyooday dhisme ku soo dumay magaalada Muqdisho

Dhismayaal iska ag-dhawaa oo ka koobnaa ilaa labo dhisme oo dhabaqayo ahaa ayaa ku soo dumay guri filo ah oo ay daganaayeen haweeney iyo carruur ay dhashay oo xiliga ay soo dumeen ku sugnaa gurigooda.

Dhismayaasha soo dhacay ayaa la sheegay in ay ahayeen labo dabaq oo iska agdhawaa kana koobna 8-deed biyaano iyo afar biyaano oo ay labaduba ay isku duldhaceen walow aan la sheegin sababta ka dabeysa waxa keenay dumida labada dabaq ee iska agdhawaa.

Qoys ku noola guri filo ah ama guryaha gaagaaban ee ku hoosyaalay dhismaha ayaa waxaa laga soo badbaadshay labo ka mid ah qoyska ,halkaa ay ku geeryoodeen haweenay iyo gabar ay dhashay oo ka mid ah qoyska guriga ku noola xilli habeenimah oo ay dhacdadaani ka dhacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidanka dabdamiska gobolka Banaadir oo goobta garay ayaa sheegay in ay wadan gurmada lagu baadi goobayo qof ka mid ah dadka ku sugnaa guriga ay dabaqayadaani ku soo dumeen, waxayna sheegeen in ilaa iyo hadda baadi goobaya gabar 14 jir ah taaso ku sugnayd guriga marka dhimmaha ku soo dumay.

Haweeneyda iyo Gabadh ay dhashay ayaa la xaqiijiyay in ay ku nafweyeen dabaqyo kusoo dumay gurigooda oo ku yaala degmada Howlwadaag waxaana sidoo kale jira dad kale oo dhismaha lagu la’ yahay.

Wali waxaa socda gurmadka lagu baadi goobaya gabadha iyo haday jiraan dad kale haday jiraan, iyadoon wali si dhab ah loo ogeyn waxa sababay dumistsa dhismahan.

Wasiir Mukhtaar Roobow “Khawaarijta waa laga adkaanayaa, meelo badan ayaana looga adkaaday”.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda FS mudane Mukhtaar Roobow iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen furimaha dagaalka, iyagoo caddeeyey in dagaalkan uu yahay mid xaq ah oo lagula dirirayo koox burcad ah oo diinta Islaamka ka been sheegtay.

Wasiir Mukhtaar ayaa xusay in dowladda Soomaaliya maanta ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta, madaxda Qarankuna ay joogaan furimaha si ay ciidanka u hoggaamiyaan, islamarkaana awoodda dowladda ugu jiheeyaan furimaha dagaalka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada shirka jaraa’id qaybta ka ahaa ayaa caddeeyey in Khawaarijtu ay yihiin koox shar badan oo diinta Islaamku bayaanisay, islamarkaana ay waajib tahay in lala dagaalamo, maadaama dilkooda laga helayo ajar iyo xasanaad.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isna xusay in ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanka ee la dagaalamaya Khawaarijta iyaga oo haya shaqadii ay Asaxaabadii hayeen oo ah la dagaalanka Khawaarijta inay gartaan ahmiyadda dagaalka oo ay ku dhiiradaan ciribtirka kooxdan argagixisada ah.

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Qalabka Sida mar kale ku amaaney geesinimada ay muujiyeen intii ay socdeen hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, isagoo dhanka kale ka dalbadey shacabka ay taageero buuxda u fidiyaan ciidanka.

2- Shirkii 7aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb, laguna taageeray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku baaqay in loo kala harin ciribtirka Khawaarijta.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorkooda dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa bogaadiyay Ciidanka Qalabka Sida ee dagaalka kula jira haraadiga Khawaarijta Al Shabab.

6- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Danjiraha Qatar ee Somalia, kana wadahadlay iskaashiga labada dal.

8- Golaha Wasiiradda Soomaaliya, ayaa ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe.

9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulan la qaatay guddiga xasillinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daah-furay shir ku saabsan isku-duwidda deeqaha.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Koonfuur Afrika kaga qeybgalay shir madaxeedka BRICS, kulamana la qaatey madax shirkaasi ka soo qeybgashey.

12- Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan oo kulan la yeeshay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka.

13- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Golaha Shacabka u gudbisay xisaab -xirka dowladda ee sanadka 2022-ka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka oo hawlgal ka fuliyay degmada Aw-Dheegle een Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku dlay 27 Khawaarij ah,

15- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa guddoomiyey kulan looga hadlay xasilinta iyo isku-duwidda arrimaha gargaarka ee degaannada laga xoreeyey khawaarijta.

16- Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Dac ee Gobolka Galguduud

17- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo daahfurtey qorshe shaqaalaha wasaaradda ay kaalintooda uga qaadanayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, gaar ahaan dhanka fariimaha baraha bulshada.

18- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo wali wadda dhegeysiga dacwad ka dhan ah eedaysanayaal loo haysto musuqmaasuqa hantida guud.

19- Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Madasha Mutadawiciinta Soomaaliyeed (Somalia volunteering work forum).

20- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo kulan looga hadlayay ciribtirka fikirka Khawaarijta iyo xoojinta kaalinta wacyigalineed ee culimada la qaatay culumada.

21- Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Mareykanka la saxiixatay heshiis horumarineed oo gaaraya $92.6 Milyan kana turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya labada dowladood.

22- Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabanaysa Shirwaynaha 2-aad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka.

23- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale ayaa furay tababar ku saabsan isku xirka xiriirka warbaahinta iyo la dagaalanka fikirka Khawaarijta kaas oo ka qeybgalaayn hay’adaha dowladda ee heer federal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo soconaya shan maalmood.

24- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xoojinaysa adeegyada caafimaad ee ay siineyso ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee u taagan dagaalka Khawaarijta.

25- Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ugu qaabilsan Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Danjire Cabdisalan Omar Hadliye ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dedaalada Soomaaliya ugu biirayso ururkan.

26- Wakaaladda Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka oo wada qaban qaabada tartan suugaaneed lagu soo bandhigayo guulaha la dagaalanka Khawaarijta iyo dhibaatooyinka ay bulshada u geystaan.

27- Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellada Hoose ku burburiyey maxkamad beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas.

28- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deeganka ayaa si buuxda ula wareegay Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galguduud.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo gargaar u dirtay goobihii laga saaray argagixisada.

30- Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo la wareegay xilka.

31- Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga, taas oo quseysa hay’adaha gacanta ku haya hantida dowladdu leedahay ama kuwa bixiya adeegyada caamka ah.

32- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ee shalay la wareegay deeganka Cowswayne ayaa soo Bandhigay horjooge Cabdiraxmaan Foodeey Kulmiye malleeshiyaad kale oo duurgal ahaa oo naftooda kala soo baxsaday Khawaarijta, iskuna soo dhiibay dowladda.

33- Horjoogihii DIlalka iyo qaraxyada Khawaarijta u qaabilsanaa gobolka Mudug Nuur Deeq Cabdullahi Maalinguur oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.

==============DHAMMAAD==============

Madaxweyne Lafta gareen oo xarigga ka jaray wejiga 1-aad dhismaha waddooyinka Magaalada Baydhabo

Baydhabo- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Baydhabo u gaaray furitaanka mashaariic halkaas ka socota.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa xarigga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadooyinka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

   

Duqa Muqdisho oo gaaray Aadan yabaal

Aadan yabaal- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuussuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeeddada safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ah sidii uu u dhiirrigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee howlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle.

Magaalada Aadan yabaal ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ra’iisul wasaaraha XFS, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo halkaasi ka wada sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo bulshada halkaasi ku dhaqan, kuwaas oo u diyaarsan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen howlgallada lagu dabar jarayo khawaarijta.

   

Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan isku xirka Warbaahinta iyo la dagaalanka khawaarijta

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar ku saabsan isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo la dagaallanka fikirka khawaarijta.

Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in ujeedka tababarku uu ahaa xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee dhinaca xiriirka warbaahinta iyo bulshada, si kor loogu qaado mideynta farriimaha dowladda ee ku wajahan ciribtirka kooxaha khawaarijta.

”Tababarkan waxuu muhiim u yahay isku-xirka dowladda, waxayna wasaaradda isku howshay sidii loo mideyn lahaa fariimaha loo gudbinaya shacabka Soomaaliyeed, waana mid kaalin ka qaadanaya la dagaallanka khawaarijta, dhinaca wacyi galinta Diiniga, taas oo khawaarijta ka been sheegaan” ayuu yiri Agaasime Xayir.

Agaasime Xayir oo bogaadiyay Tababarayaasha bixinayay siminaarka ayaa tilmaamay in aqoon is-weydaarsigan ka duwanaa kuwa caadiga ah, taas oo keentay in muddo dheer loo qorsheeyay si ka qeybgalayaasha u helaan waqti wanaagsan, isagoo ku boorriyay ka qeyb-galayaasha in meel looga soo wada jeesto khawaarijta lana mideeyo farriimaha.

Qaar ka mid ah ka faa’ideystayaashii tababarka ayaa ka mahad celiyey fursadda la siiyay, taas oo ay sheegeen in loo baahnaa isku xirka xiriirka Warbaahinta si qeyb wayn looga noqdo la dagaallanka fikir iyo Militari ee dalka ka socda ee ka dhanka ah khawaarijta.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 50 xubnood oo ka kala socda hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay casharro xoojinayo xirfadleyda ka howl gala qeybaha kala duwan ee hay’adaha Warfaafinta dalka.

 

Madaxweyne Qoor-qoor oo gaaray deegaanno hoos taga Ceelbuur

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaanshandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.

ATMIS oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka saareyso 3,000-askari dhammaadka bisha September

Shir jiraa’id uu taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, Sarreeye Guud Som Okiding ku qabtay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay ka bixitaanka tirada 3,000 ( Saddex kun) oo askari ee ay ka baxayaan Soomaaliya qeyb ka tahay qorshaha qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhammaadka sanadka 2024-ka, guud ahaan ciidamada ATMIS ay Soomaaliya kaga wada baxayaan.

Sugidda ammaanka dalka waxaa si buuxda ula wareegaya ciidamada qaranka, kuwaas oo hadda tayo iyo tababar xooggan leh.

”Ciidamada ATMIS waxay ku guuleysteen in ay fuliyaan howlgallo dhowr ah oo dhammaantood ay wada guuleysteen, iyagoo kaashanaya ciidamada kala duwan ee Dowladda, ciidamadu AU waxay mar walba heegan u yihiin in ay taageeraan howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ee ka socda Dalka, waxaan la howlgalnaa ciidamada qalabka sida, ATMIS sida aad ogtihiin waxay waddanka ku leedahay lix fariisin oo ku kala yaalla gobollada Dalka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada ATMIS.

Bishii Juun ayay ahayd, markii 2,000 ( labo kun) oo ka mid ah ciidamada ATMIS dib loogu celiyay dalalkoodii, balse dhammaadka bisha September waxaa loo balansan yahay saddex kun oo kale, dheeraad ah dib loogu celiyo dalalkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ciidamada qaranka ay ku filan yihiin sugidda amniga Dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab, ugana mahadcelisay ciidamada ATMIS dadaalkooda nafhurninada iyo dhiigga ay u hureen walaalahooda Soomaaliyeed.