Hawlgal qorshaysan oo lagu dilay 20 Khawaarij ah Deegaanka Towfiiq

Kuntuwaaray:- In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.

Howlgalkaan ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad khawaarij ah oo ku sugnaa guri ku yaala deegaankaan.

Sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud horay u sheegay waa bartilmaammeed meel kasta oo ay khawaarijta joogaan.

Taageerada Dowladda ee la dagaalanka Shabaab oo soo kordhaya (WARBIXIN)

Usbuucii la soo dhaafay waxaa soo badanayay taageerada iyo is bar-bartaagga dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxayna kuwii ugu dambeeyay ay naga soo gaareen Madaxweynayaashii hore, Raiisul-waarayaal hore iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. “Waxaan taageerayaa oo xoojinayaa fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka. Waxaa hubaal ah in khawaarijtu markay nafta u yaabaan isticimaalaan keydkooda u dambeeya (their last resources) oo noqon kara dad waaweyn oo aanad ka filayn oo si toos ah ama si dadban ugu shaqeynaya khawaarijta sida Siyaasiyiin, Ganacsato, dhaqan, Saraakiil ama Weriyayaal ay si uun fara uga hayaan ama dano ka baabi’in karaan ama mabaadiidooda aaminsan ama sidii horeba u dhici jirtay siyaasi damac liita oo is leh yaan Teamka xilka hadda hayaa siyaasad ahaan kugu gaadhin meel aanad kula tartami karin”, sidaasi waxaa boggisa Barta Bulshada ku soo qoray Wasiir hore, haatanna ah Xildhibaan Golaha Shacabka Maxamed Cabdi xayir Maareeye.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa yieri:- “Mararka qaar waxaa khawaarijta gacan siiya dawlado shisheeye ama dad ajnebi ah oo aan Soomaali wanaag la doonayn, Hay’adaha Amniga ayaa laga doonayaa in ay ka dabatagaan oo soo qabtaan Khawaarijta Qarsoon iyagoo iska ilaalinaya in ay ku xadgudbaan qof aan dembi lahayn, sidoo kalena waa in Ciidamada laga dhex sameeyaa Internal Intelligence Unit urur kasta ku dhexjira. Cidhibtirka khawaarijta waxaa ku xidhan jiritaankeena waar yaan la siyaasadeynin ama mashruuceynin”.

R/wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Warbaahinta la hadlay ayaa isna ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.”horay dalku uma socon karo haddii aan la soo afjarin khawaarijta,sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in shacabka ay sii wadaan taageerada ku aadan dagaalka looga horjeedo khawaarijta”ayuu yiri R/wasaarihii hore .

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu tilmaamay in cadowgu mar kasta ay guul u tahay kala qaybsanaanta Ummadda, waxaana waajib ah ayuu yiri in loo midoobo dagaalka lagu xoreynayo dalka. “in la guuleysto waxay dan u tahay dadka iyo dalka,sidaa aawadeed,waxaan ku boorinayaa shacabka in ay garab istaagaan dowladdooda”, ayuu yiri R/wasaarihii hore ee dalka.

R/wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed ahna Senator ka tirsan Aqaka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo Madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka kooxaha nabad-diidka khawaarijta ee weli ku sugan qeybo yar oo dalka ah. “Khawaarijtu waa dhibaato hortaagan Shacabka, waxaana loo baahan yahay in cududda la isugu geeyo ciribtirka haraaga kooxaha argagixisada”, ayuu yiri R/wasaare ku xigeenkii hore

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku taliyay in aan dhibco siyaasadeed laga raadin arrimaha amniga, isagoo intaa raaciyay in la joogo maalintii loo midoobi lahaa dhameystirka kooxahaasi iyo ciribtirka Argagixisada, waxa uuna soo jeediyay in Shacabka ay isbarbar taagaan ciidanka iyo Madaxda dalka, isla markaana si wadajir ah loo wajaho dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta, isagoo ugu dambeyntiina boogaadiyay ciidamada iyo Madaxda dalka oo ka dhabeeyay in lala dagaalamo kooxaha nabad-diidka ah, islamarkaana laga sifeeyo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heerkii ugu dambeeyay uu ka gaaray Waxbarashada ee ah PHD holder, islamarkaana ah Bare Jaamacaceed, laba jeerna Dalka ka noqday Madaxweyne, isagoona xusay inuu rabo oo kaliya inuu dalku gaaro horumar la mid ah kuwa caalamka ka jira, “Waxaan ahay Oday 70-jir ah, waqti badan oo aan xukun ku sii joogo iima harin, waxaan maanta rabaa oo kaliya Soomaaliya oo cagaheeda isku taagto”.

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo  xalay ka qeybgalay kulanka Twitter Space, ayaa ku nuux nuuxsaday waxa uu ka rabo mustaqbalka Soomaaliya ayaa yiri:-  “Soomaaliya sida Singapore, Malaysia, iyo Dubai ah kama tagayo laakiin waxaan rabaa inan ka tago Soomaaliya xor  ka ah Shabab oo waddada horumarka iyo dimuqradiyada cagta saartay”, hadalkaasi ayaa ah mid weyn oo Nin siyaasi ah oo wax bartay ku hadlo, waxa uuna muujiyay inuu Dalka uu ku hayo laxaw ama u turid, doonayana inay Soomaaliya la mid noqoto kuwa caalamka ka jira ee la tartami karta wadamada dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan horumarsan, islamarkaana nabad ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan Argagixisada ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshuhu yahay ciribtirka Khawaarijta ku harsan Dalka in lagu soo gabo-gabeeyo wejiga hore ee dagaalka, islamarkaana si dhaqso ah loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo Al-shabaab cabsi badan ka soo wajahday.

” Maanta Cowsweyne oo meeshii dagaalka laga bilaabay u jira 300-KM ayaa dagaalku marayaa, labo weji ayaa u qaadnay, wejiga koowaad labo Dowlad gobolleed, wejiga labaadna labo Dowlad gobolleed, labadan Dowlad gobolleed Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa noo sahlanaatay dabeecad dadka iyo dhulka,  meeshaasi ayaaa ka bilownay, meel wanaagsan ayuunna marayaa, Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa”, ayuu yiri:- Madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale waxaa jira Xildhibaanno iyo Masuuliyiin mar walba garab taagan ciidankooda oo la qeybsaday dhib iyo neefba, waxaana ka mid ah Mudane ku dayasho mudan, kaasi waa kuma?, waa  Senator Axmed Maxamed Cali “Afcadeey”, waa Senator ilaa maalintii uu bilowday dagaalka lagula jiro  Ciribtirka Khawaarijta,  ilaa haatan waxa uu ku sugan yahay jiidda hore ee dagaalka, isagoo dhiiri-galin iyo garab istaag la barbar taagan Ciidamada Qalabka Sida  iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaan Macaawisleyda.

Haddaan wax ka taataabanno Deegaanka Cowsweyne iyo wixii ka dhacay ama aan dib u jaleecno, ciidankeenna ka dagaalamay halkaasi, waxay cashar ay ilaa hadda ka soo kaban la’yihiin u geeysteen Khawaarijtii ku soo gardartootay. tiro Saddex boqol oo Khawaarij ah ku dhow ayaa halkaas goob looga laayay, markii ay goobta ka dhaqaaqeenna duqeyn ayaa lala beegsaday, waxaana lagu gubay dhammaan gaadiidkii ay wateen.

Maalin kadib weerar Cowsweyne oo Axaddii ku aadaneeyd dhaawicii Khawaarijta oo ay deegaanka Darri geeyeen duqeyn ayaa lala beegsaday waxaa lagu gubay dhammaan wixii dhaawac goobta oo labo guri ah yaallay, waxaa kaloo jirta in dhawaaca Khawaarijta ay sii dhameystirayeen. Ilaa maanta oo ay Asbuuc ka soo wareegtay dhammaan deegaannadii ciidanku ka soo baxeen ma jiro hal Maleeshiyo Khawaarij ah oo tegay goobahaasi, sababtuna waa ciidan la’aan ba’an oo cadowgu la il daran yahay, marka maanta  waxaan dhihi karnaa Cowsweyne wuxuu Khawaarijta u ahaa Naar inta aanay Aakhiro la gaarin adduunyada lagu tusay.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa hawlgal ka fuliyey Deegaanka Dumaaye

Xarardheere: Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankan oo Xili ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, iyadoo inta badan xubnihii halkaas ku sugnaa lagu dilay Howlgalkaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Degmada Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey ba la burburiyey.

Dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in haraadigii Khawaarijta Mudug ee isku uruursanayay deegaanka Dumaaye oo lagu qaaday howlgal culus.

“Khawaarijtii Mudug waxaa haleelay hawlgal culus oo ka dhacay Dumaaye, goobta waxeey ku uruurinayeen Maleeshiyaadkii haraadiga ah ee ku go’doonsanaa Gobalka kuwaas oo ay ka hayaan Waardiye si aanay u kala fakan.
Alle ayaa mahadsan”.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, iyadoo laga khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, waxayna ku jiraan maalmahooda gabagabada ahaa Khawaarijtu.

Xubno ka socotay 2-da Gole oo xarigga ka jaray qeyb waxbarasho oo laga hirgaliyay Wisil

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka XFS Axmed Xasan  iyo xildhibaan C/salaam Xaaji Dhabannacad ayaa xarigga ka jaray qeyb waxbarasho oo lagu kordhiyay Magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

Xafladdii xarig jarka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Senator Duniya , xubno kale oo ka socday maamulka magaaladaasi iyo ururada bulshada.

Isu duwaha caafimaadka Galmudugh Maxamed Macalin iyo Guddoomiyaha deegaanka Wisil Cali Xasan ayaa ka mahadceliyay dadaalka lagu dhisay dugsigaasi oo uu lahaa xildhibaan Dhabannacad.

Dhismaha qeybtaan cusub oo

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan muhiim u ah horumarka Qaranka Soomaaliyeed waxa uu Magaalada Addis Ababa kula yeeshay dhiggiisa Amb. Agostino Palese oo ah safiirka Talyaaniga ee Ethiopia.

Danjire Warfaa ayaa dhiggiisa Talyaaniga la wadaagay horumarada hana qaaday ee ay ku guulaysattay Dawladda Soomaaliya,gaar ahaan arrimaha la xiriira adkaynta amniga, cirib tirka arga-gixisada, horumarinta arrimaha bulshada iyo xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay caalamka intiisa kale.

Ambassador Agostino ayaa dhankiisa bogaadin iyo hambalyo la wadaagay dhiggiisa Soomaaliya Cabdullaahi Warfaa, wuxuuna Jamhuuriyadda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto soo af-jaridda khawaarijta, kobcinta Dawlad wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada, isagoo caddeeyey in Jamhuuriyadda Talyaanigu ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

R/wasaarihii hore ee dalka oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka

R/wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

”horay dalku uma socon karo haddii aan la soo afjarin khawaarijta,sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in shacabka ay sii wadaan taageerada ku aadan dagaalka looga horjeedo khawaarijta”ayuu yiri R/wasaarihii hore .

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu tilmaamay in cadowgu mar kasta ay guul u tahay kala qaybsanaanta umadda,waxaana waajib ah ayuu yiri in loo midoobo dagaalka lagu xoreynayo dalka.

“in la guuleysto waxay dan u tahay dadka iyo dalka,sidaa aawadeed,waxaan ku boorinayaa shacabka in ay garab istaagaan dowladdooda”ayuu yiri R/wasaarihii hore ee dalka.

R/wasaare ku xigeenkii hore ee dalka oo sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa ciribtirka khawaarijta

R/wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo Madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka kooxaha nabad-diidka khawaarijta ee weli ku sugan qeybo yar oo dalka ah.

“Khawaarijtu waa dhibaato hortaagan shacabka,waxaana loo baahan yahay in cududda la isugu geeyo ciribtirka haraaga kooxaha argagixisada”ayuu yiri R/wasaare ku xigeenkii hore

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku taliyay in aan dhibco siyaasadeed laga raadin arrimaha amniga,isagoo intaa raaciyay in la joogo maalintii loo midoobi lahaa dhameystirka kooxahaasi iyo ciribtirka argagixisada.

R/wasaare ku xigeenkii hore waxa uu soo jeediyay in shacabka ay isbarbar taagaan ciidanka iyo madaxda dalka,isla markaana si wadajir ah loo wajaho dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta.

Ugu dambeyntii R/wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed ,waxa uu boogaadiyay ciidamada iyo madaxda dalka oo ka dhabeeyay in lala dagaalamo kooxaha nabad-diidka,isla markaana laga sifeeyo gudaha dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahmed Moallim Fiqi oo booqday taliska ciidanka Gorgor ee degmada Xarardheere

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa booqday taliska Gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo gaarsiiyay farriimo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ciidamada gaarsiiyay farriimo uu ka siday hoggaanka dalka gaar ahaan madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud, waxaa uu sidoo kale ka dhageystay diyaargarowgooda la xiriira sidii Mudug looga sifeyn lahaa haraadiga Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Macallim Fiqi wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaa uu kala hadlay xaaladda iyo sida hoggaanka dowladda heearkeeda kala duwan uga go’an tahay dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaa bogaadiyay howlaha naf hurnimada ah ee ay qaranka u hayaan isaga oo carabka ku adkeeyay in ay garab taagan yihiin oo dhirrigelinayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee xoogga dalka.

          

Taliyaha ciidan boliiska oo kormeeray ciidanka Darawiishta boliiska ee ku sugan degmada Cadale

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Saraakiil kale, ayaa Maanta kormeeray Xerada Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Qadiimiga ah ee Cadale.

Kormeerka ayaa daaranaa, u kuurgelida hanaanka shaqo,Badqabka iyo Dhiirigalinta Ciidanka Daraawiishta Boliisku ayaa qeyb ka ah, Difaaca Waaxaha Qaranka, waxeyna waajibaadka difaaca la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo qeyb libaax ka qaata howlgalada lagu cirib tirayo Khawaarijta ee Dalka ka socda.

Sidoo kale Ciidanka Daraawishta Boliiska ayaa qeyb ka ah hanaan dhimista Ciidanka ATMIS iyo kala wareegida xeryaha iyo fadhiyada la qorsheeyay.

     

Ugu yaraan 63 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhismo ku yaalla K/Afrika

Ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay in ka badan 43 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo shaqaalaha gurmadka.

Afhayeenka Adeegyada Maareynta Degdegga ah ee Johannesburg, Robert Mulaudzi ayaa sheegay in dabku uu baabi’iyay dhismo ku yaalla bartamaha suuqa ganacsiga ee magaaladaasi.

Ugu yaraan hal cunug ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaana dadki ku  dhaawacmay dabkana lagu daweynayaa xarumo caafimaad oo kala duwan.

Maamulka ayaa sheegay in aysan cadeyn waxa dhaliyay dabka ka kacay dhismaha shan dabaq ah oo ku yaala bartamaha magaalada saacadihii hore ee maanta.

Dhismahaasi gubtay ayaa la sheegay in inta badan ay degan yihiin dadka aan sharciga lahayn  ee soo galootiga.