Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warabaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada Qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah kawaarijta.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in la joogo dhammaadkii khawaarijta sida wadajir ahna lagu dhamaystiri karo, dhammaana shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aan loo kala harin dagaalka ka dhanka khawaarijta si dalka looga xoreeyo degaannada fara kutirska ah ay gacanta ku hayaan cadawga.

Guddoomiyihii hore dalka ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidanka Qaranka guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada dalka looga xoreeynayo khawaarijta, madaxweynaha JFS ayuu guddoomiyuhu ku ammaanay sid ay uga go’antahay ciribtirka khawaarijta guud ahaana dalka, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aan loo midoobo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Dhanka kale Maxamed Mursal waxa uu baaq u diray shacabka koonfur galbeed oo uu sheegay in ay u istagaan sidii ay isaga dul qaadi lahayeen cadawaga muddada dheer dhibaatada ku hayay shacabka ku nool degaanada koonfur galbeed.

Guddoomiye Madaale: Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo ka qeybgalayay kulan lagu taageerayey howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta ayaa sheegay in dhammaan shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

“Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo”, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Duqa muqdisho waxa uu bogaadiyay guulaha geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka ay kasoo hoyeen howlgalka socda, waxa uuna Ganacasatada, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada faray in ay muujiyaan kaalintooda ku aaddan dagaalka dalka looga xoreeynayo khawaarijta, cid laga yeelayana aysan jirin in cabsi AlShabaab ay ugu harto howlgallada dalka ka socdo.

“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka aan imaan ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeed, waxaan tusaynaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan, Xabsiga ayaana la dhigayaa”, sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Dalka waxaa ka soconayo howlgallo dhulka iyo cirka ah kaa oo ay wadaan geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanayo kuwa degaanka, iyadoo degaanno badan laga saaray khawaarijta,waxaana xusid mudan in madaxweynaha JFS Xasan Sheekh, uu muddo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb halkaa oo uu kawado dar-dargalinta dagaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

 

Safiirka Soomaaliya ee dowladda Itoobiya oo kulan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada iyo madax kale

Addis Ababa- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa Addis Ababa kula shiray kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay H.E Atul Khare iyo madaxa qaybta taageerada ee UNSOS H.E. Amb Aisa Kacyira.

Ugu horrayn danjire Warfaa ayaa mas’uuliyiintan warbixin guud ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u caddeeyey in madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ay dedaal ugu jiraan xasilinta dalka iyo xaalufinta khawaarijta, isla markaana laga gaaray guulo waaweyn.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey dhowr arrimood oo muhiim u ah horumarka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xasiloonida, nabad-gelyada gobolka geeska africa iyo xoojinta taageerada joogtada ah ee aan gaabiska lahayn oo ay UNSOS la garab taagan tahay Soomaaliya.

Safiir Warfaa iyo xoghaye Atul ayaa si guud la isula qaatay in la dar-dar geliyo taageerada ay hay’adaha Qaramada midoobay gaar ahaan UNSOS siiyaan Soomaaliya.

   

 

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo kormeeray xarumaha loogu adeego bulshadda ee degmada Xarardheere

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi oo uu wehliyo mudane Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee BF iyo  maamulka degmada Xarardheere ayaa maanta kormeeray goobo badan oo loogu adeego bulshada sida Isbitaalka, iskuulka,  saldhigga degmada iyo meelo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Mas’uuliyiinta la socotay ayaa waxaa ay u kuurgaleen xaaladda goobahaasi, iyaga oo dhageystay qaabka shaqo, baahiyada adeeg ee jirta iyo sida wax looga qaban karo.

Dhammaan goobaha la booqday waxaa ka muuqatay dib u howlgelin iyo dayactir lagu sameeyay kadib markii degmada laga saaray kooxda khawaarijta ah, waxaase u dhimman qalabeyn, tayeyn iyo arrimo badan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo la hadlay maamullada kala duwan ee goobaha uu booqday ayaa ku bogaadiyay shaqada adag ee ay degmada u hayaan, haddii ay ahaan lahayd dabiibidda bukaanno meelo fog laga keenay, caruur xilli adag wax baraneyso iyo saldhig degmada oo wax badan ka tari doona amniga.

Dhanka kale, Mudane Axmed Macalin Fiqi, wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxaa  ballanqaaday in ka dowlad ahaan ay gacan weyn ka geysan doonaan horumarinta goobaha adeegga bulshada, hortabinna ay u tahay xukuumadda Dan Qaran iyo barnamaijyadeeda Xasillinta sidii loo dabooli lahaa baahiyada deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xoreynayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa booqasho shaqo ku jooga Galmudug, isaga oo abaabul ka dhan Khawaarijta ka wada deegaannada kala duwan ee Galgaduud iyo Mudug,

                     

Shirka dhismaha waaxda dhaqaalaha bulluugga ee wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka furmay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha bulluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Muqdsiho ka furay shirka dhismaha waaxda Dhaqaalaha Buluugga ah ee wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya, Shirka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimeyaasha Wasaaradaha Kalluumeysiga ee dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, Agaasime Waaxeedyada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dhiso madal daadihisa, iskuna daba ridda ka faa’ideysiga Dhaqaalaha Buluugga ah , madashaan ayuu sheegay ineey u adeegeyso dhammaan, kalluumeysatada, iyo dadka kale ee siyaabaha kala duwan uga faaideysto biyaha.

Agaasime Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka ay dhibaato ku tahay kalluumeysiga sharci daradda ah, si looga hortago ayuu sheegay in wasaaradda ay xoojineyso qalab la socodka Maraakiibta soo gasha biyaha Soomaaliya, Qaar ka mid ah Agaasimyaasha Wasaaraddahdda Kalluumeysiga ee dowlad goboleedyada ayaa soo jeediyay in la kordhiyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed si looga faa’ideysto Kheyraadka Badda.

 

     

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee Khawaarijta looga sifeynayo dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Waxa uu sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

                 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo daah furay Tartan Suugaaneedka hirgeli hibadaada

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta daahfuray tartanka Hirgeli Hibadaada oo ah tartan Suugaaneed Abwaaniinta Soomaaliyeed kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta,tartankan ayaa laga furay Xatunta Tiyaatarka qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeedka tartankan,Wasiir Daa’uud ayaa xusay in Wasaaradda warfaafintu tartankan uga gol leedahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta Soomaaliyeed uga qaadan lahaayeen Dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta noqdona wejiga Saddexaad ee khawaarijta loogula dagaalamayo dhanka Fikirka.

Dagaalka lagula jiro khawaarijta ayey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u midoobeen iyadoo Suugaantu ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee Soomaalidu fariimaha isku gaarsiiyaan,iyadoo Barnaamujkan qayb ka noqonayo qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shirguddoomiyey kulankii 22-Aad ee Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 22-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo doonka. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku biiriyay talooyin ku saabsa liiltirka shaqaalaha rayidka ee dowladda, iyagoona sheegay in muhiim u yahay sharci qeexaya howlgabka dadka shaqaalaha ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Golaha u sheegay in la isku soo laabto maalinta Isniinta ah si loo sii amba qaado shuruucda hortaala Golaha Shacabka.

    

Lix iyo toban ruux oo ku dhintay Dalka Ciraaq

Shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof oo u badan Shiicada Iiraan,iyadoo malaayiin qof ay isugu soo baxeen magaalada Karbala oo ay ka socdaan kulan diimeed.

Shilkaan oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Dujail iyo Samarra ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 13 qof, sida ay maanta ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee INA.

Laba bas oo yaryar ayaa isku dhacay wax yar ka hor saqdii dhexe ee xalay, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan caafimaadka Salaheddine oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Sanadkaan 2.6 milyan oo ruux oo badankoodu u dhashay Iran ayaa gaaray Ciraaq tan iyo markii uu bilaabmay kulan diimeedkaasi oo loo yaqaan Arbaeen, sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay Jimcihii wasaaradda arrimaha gudaha.

Ciidanka Booliiska oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo watay Baabuur qarax sida

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyey Qarax Gaari oo kooxda Khawaarijtu rabeen in ay ku haligaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir,sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidanka saldhig Booliiska Degmadda Dayniile ayaa qabtay Gaariga qaraxa siday oo mareyey goob xaafaddo dhexdood ah kaas oo dhalisay shaki laga qaaday Gaariga,abaaro 10:30-kii Aroornimo ayaa la qabtay Gaarigan oo Khawaarijtu ka soo Buuxisay walxaha qarxa.

Waxa sidoo kale la qabtay laba Dhagarqabe oo waday Gaarigan,iyadoo dhagarqabayaasha ay hadda gacanta ku hayaan Haya’addaha Amnigu.

Haya’addaha Amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isu kaashaday sidii goobkasta loogu beegsan lahaa dhagarqabayaasha Khawaarijta loona fashilin lahaa dhagartooda.