Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka :Khawaarijta gabbalkoodii wuu dhacay, waana laga adkaan doonaa wakhti dhaw

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta,ayaa  sheegay inay shacabku barbar taagan yihiin ciidankooda qalabka sida iyagoo ballan qaaday inay is abaabuli doonaan xoojinna doonaan wada-shaqaynta iyo garab istaagga Ciidanka.

Raiisul Wasaare Ku-xigeenka oo shacabka kula hadlayay faraagaraha daljirka ayaa sheegay in Khawaariijta gabbalkoodii dhacay lagana adkaan doono wakhti aan fogayn, isagoo ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin taageerada halganka dalka looga xoreynayo cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo sare u qaadida dakhliga gudaha

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane, Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General. Sulub Axmed iyo Hoggaanka ilaalada Canshuuraha ee loo yaqaano (Tributaria) oo door muhiim ah kuleh shaqada dakhli uruurinta.

Shirkaan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Faysal Maxamed Xaashi ayaa si qoto dheer loogu lafaguray si ay muhiimadda canshuur aruurinta iyo caqabadaha hortaagan iyo nidaamyada ugu sahlan ee lagu gaari karo xal waara.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Taliska Booliska ayaa isla qaatay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 03,September, 2023, in ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la wareegtay maamulka Hogaanka Ilaalahada Cashuuraha ee Trubataariyo, si wadajir loogu dar-dar galiyo adeega loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed. Wasaaradda Maaliyadda waxa ka go’an xoojinya nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha dalka.

   

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwada saraakiil ka tirsan Hey’adaha dowladda

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Bayaan goordhow ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in saraakiishan loo heysto lunsasho, xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ayna yihiin maqanayaan.

Hoos ka akhri war-Saxaafadeed xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Ciidamadda Qalabka sida oo burburiyay saldhiggii khawaarijta ee Koonfur Gobolka Mudug

Xarardheere- Hawlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay xaruntii Khawaarijta ee Koonfuurta Gobolka Mudug.

Hawlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntaasi ay  Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horray uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Marka uu dhacayay hawlgalku waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol,  waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,

Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo  nuuca loo yaqaano BG kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii bato qasaaraha Khawaarijtu. Waxaa halkaas ka dhashay dab wayn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada.

Dawladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Khawaarijta oo ka aar gudanaya hawlgalkaas ay laayeen dad shacab  ah oo u afduubnaa kuwaas oo gaaraya shab qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.

Dawladdu waxa ay  u mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay hawlgalkaan guulaystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Maxaas:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya

Baaydhabo:-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubnno ka tirsan Golaha Wasiirada maamulka ayaa la isaga Xog-Waraystay Sidii loo Xoojin lahaa Wadashaqaynta maamulka iyo Hay’adda UNDP.

 

 

 

  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Horumarinta Caasimadda, Amniga, Dib-u-dhiska, Dhaqaalaha iyo Taageerada Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbixino ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Asigoona faray in la  dar-dargeliyo Shaqooyinka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, si Bulshada Caasimadda iyo kuwa Gobolka Banaadir ay u helaan adeeg hufan.

  

Maareeye Ku xigeenka Hay’adda Taya dhowrka Qaranka oo gaartay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo

Maareeye Ku xigeenka Hay’adda Taya dhowrka Qaranka Marwo Suuban Cabdinuur  Gaas oo ay wehliyaan masuuliyiin katirsan hay’adda  SoBS oo gaartay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayaa maanta kulan la qaadatay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Siyaad Aadan iyo Masuu’liyiin kale oo katirsan Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa Goobjoog ka haa Mudanayaal katirsan Golaha Shacabka BJFS, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Doolow.

Kulanka ayaa inta badan diiradadda lagu saaray iskaashiga iyo meel marinta  Hay’ada  Taya Dhowrka Qaranka iyo wadashaqeynta maamulka Jubbaland.

   

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeer ku tagay Xafiisyada ku howlan dakhli uruurinta cashuuraha

Si loo dar-dar galiyo sare u qaadidda dakhliga Dowladda, wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kormeer ku tagay xafiisyada ku howlan dakhli soo saarka iyo uruurinta cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda Cashuuuraha Barriga Cabdulaahi Nuur Shirboow.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa ku dhiirigaliyay kooxda ku howlan arrimaha dakhliga iyo cashuuraha oo laf-dhabar u ah shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ku dadaaleysaa sare u qaadidda dakhliga, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka shuruudaha deyn-cafinta.

Xalka Khawaarijtu waa Xabad (WARBIXIN)

Dalka waxaa ka soconayo howlgallo dhulka iyo Cirka ah, kuwaasi oo ay wadaan Geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanayo kuwa deegaanka oo loo yaqaan Macaawisleyda iyo saaxiibadooda Caalamka, iyadoo deegaanno badan laga saaray khawaarijta, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud  islamarkaana ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida uu muddo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dar-dargalinta dagaalada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee Khawaarijta looga sifeynayo dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska kooxda Khawaarijta ah ee Argagixisada, waxa uuna xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, islamarkaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Raiisul-wasaaraha oo ka hadlayay haddii tabasho ay ciidanku hayaan ayaa sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan, isagoo intaasi raaciyay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadalayadaasi ka jeediyay mar uu kormeer uu ugu kuurgalayo howlaha shaqo ee ka socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumadda Dan Qaran ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024-ka.

Warar dheeraad ah ayaa laga helaayaa Duqeyn cirka ah oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Khawarijta ah Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Dumaaye ee hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa lagu gaarsiiyay Kooxdaasi khasaare ba’an oo ay ka soo waaqsaneyn abidkood, sida uu noo haqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye, isagoo ku sugan Degmadaasi ayuu tilmaamay in tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaasi.

Guddoomiyaha Degmada oo sharaxayay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in goobta la duqeeyay ay aheyd meel ay hadda ku tababartaan Maleeshiyaad Kooxda Khawaaarijta ah, islamarkaana ay isku urursanayeen, doonayayna ama damacdanaa inay weerar uga soo qaadaan Degmada Xarardheere, si ay u dhibaateeyaan Ciidanka ku sugan goobahasi iyo dadka deegaanka oo ay hadda uun ku gudajira soo nooleynta adeegyada kala duwan ee aasaasiga u ah nolosha bulshada ku dhaqan Magaaladaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in duqeyntaasi ay ku dhinteen dhammaan Maleeshiyaadkii iyo Horjoogayaashii ku sugnaa goobtaasi, marka laga reebo 4 dhagarqabe oo u carar dhinacaasi iyo Deegaanka Jowle.

Guddoomiyuhu wax tiro ah ma sheegeen, balse waxa uu tilmaamay in goobtaasi aysan ka baxsan marka laga reebo 4-taasi Khawaarij, waxaana la sheegayaa in Goobta la duqeeyay ayaa waxay hore u lahaa oo ay xaruun diineed u aheyd Wadaad can ah oo la yiraa Shiikh Cali Suufi oo ka soo jeeda deegaanka Gaalkacyo, waxa uuna halkaasi ku hey jiray koox Xeroowya ah oo wax baran jiray, balse Sheekhu waa uu ka cararay shartooda, kadib Khawaarijtu waxay ka dhigteen meel ay ku tababaraan Maleeshiyaadkooda.

Mira dhalka Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa waxaa ka dhashay in Ardeyda Degmada Xarardheere oo 15 sano kadib fursad u helay in ay aadaan Goobaha Waxbarashada Degmada Xarardheere, taasi ayaa ku timid haddeysan geesiyaal godka u galin miyay Ubadka Xarardheere heli lahayeen Waxbarasho iyo Mustaqbal, marka waxaan oran karnaa Xalka Khawaarijta waa Xabad iyo dal dalid.

Dhinaca kale waxaa wali socda is-garab istaagga Ciidamada Xoogga Dalkas iyo kuwa Deegaanka ee ay kula jiraan dagaal looga xaalufinayo deegaannada ay wali kaga harsan yihiin Gobolada Dalka ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ka qeybgalay kulan lagu taageerayey howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta ayaa sheegay in dhammaan shacabka gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

“Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo”, sidaa waxaa yiri:- Guddoomiye Madaale, wuxuuna bogaadiyay guulaha geesiyaasha xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen howlgalka socda,waxa una Ganacasatada, Odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada ay muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalka dalka looga xoreyna khawaarijta, cid laga yeelayana aysan jirin in cabsi Al-Shabaab ay ugu harto howlgallada dalka ka socdo.“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka aan imaan ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeed,waxaan tuseenaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,Xabsiga ayana la dhigayaa”,sidaasi ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadi.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaal ay Ciidankooda kaga taageerayaan dhinaca Saadka Cuntada iyo Cabitaanka, “ Waxa ugu yar ee Wiilasha jihaadka ku jiraa nooga baahan yihiin waa taban taabo, iyo in aysan Furinta ku dareemin baahi iyo Haraad”, sidaasi waxaa yiri:- mid ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir, gaar ahaan Dukaan Cunto iyo Cabitaan ku heysta Waaxda Jeneraal Daauud ee Degmada xamar Jab Jab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xasan Xaashi, isagoo goobtiisa ganacsiga ku sugan ayuu Ciidanka ugu deeqay Kartoon Malaay ah ama Kallun, “ waana iga mudan yihiin intaasi iyo in ka badan”, ayuu sii raaciyay.

Maamulada Degmooyinka Gobolka Benadir iyo shacabka oo isku duuban waxaan ku boorrineynaa in ay ku garab istaagaan diyaarinta Cuntooyinka Fudud ee qalalan oo ay har iyo habeen u sii daabulayaan Furimaha lagula dagaalamayo Cadawga, kaasi oo u fududaaneysa Ciidanka inay ku qaadan karaan Jeebabkooda, islamarkaana aysan dareemin Gaajo iyo Harraad inta ay ku gudajiraan la dagaalanka Khawaarijta.