Wasiirro ka tirsan Jubaland oo kormeer dhiirrigelin ah ugu tagay ciidamada ka hawlgalaya Janaay Cabdalla

Kismaayo: Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo uu wehliyo sii hayaha wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta Jubbaland Maxamed Deeqoow Xuseen ayaa dhiirigalin iyo garab istaag ugu tagay ciidamada ku sugan furimaha hore ee deegaanada waqooyi ee gobolka Jubbada hoose gaar ahaana deegaanka Janaa Cabdalle iyo deegaano kale oo hoos yimaada.

Wafdigan wasiirada ah waxaa deegaanada ay tageen ku soo dhaweeyey saraakiisha sar sare ee halkaasi ku sugan kuwaas oo warbixin dhamaystiran kasiiyay deegaanada Janaa Cabdalle iyo kuwa hoos yimaada.

Saraakiisha hogaaminayso ciidamada ku sugan furimaha hore ee gobolka Jubbada hoose ayaa wasiirada kala wareegay deeq Geel ah oo loogu talagalay in lagu dhiirigaliyo geesiyaasha har iyo habeenba u taagan difaaca shacabka reer Jubbaland.

In ka badan 40 Khawaarij ah oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud

Ciidanka Qaranka ayaa burburiyey kooxo Khawaarij ah kuwaas oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfur bari ee gobolka Galguduud.

Ilaa iyo 43 ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay hawlgalka, waxaana lagu burburiyey saddex gaari oo Khawaarijtu ay lahaayeen.

Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta.

Dhinaca kale waxaa lagu jabiyay Khawaarijta isku day weerar oo ay isku dayeen in ay ku qaadaan deegaanka Daaru-Necma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka galbeed ee isla Gobolka Galguduud waxaa ka socday maanta hawlgal saf balaaran ah, kaas oo Khawaarijta looga sifeeyay deegaano badan oo hoostaga Degmada Ceelbuur.

Hawlgallada sifaynta Khawaarijta ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee Khawaarijtu ku sugan tahay.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Soomaaliland oo qaabilay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah kula la qaatay Xafiiskiisa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u jooga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Heidi Elburgi Johansen iyo Carsten Carlsen, oo ah siihayaha Safaaradda Norway ee Somaliya.

Kullanka ayaa diirada lagu saaray dardargalinta wada-hadallada DFS & SOMALILAND, iyo safarkii wadatashiga ee aan dhawaan uu Ergayga ku tagay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Ergayga ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta kullanka ka qeybgalay doorka Dowladda Norway ee nabadaynta, xasilinta iyo guud ahaan barnaamijyada dawlad-dhisidda ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Tiyaatarka Qarnka oo si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli hibadaada

Xarunta Wakaaladda Murtida iyo wacyigalinta Qaranka ee Tiyaatarka Qaranka waxaa maanta si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada oo ka qeyb galayaan bahda Sugaanta qeybahooda kala duwan.

Tartanka oo uu horay u daah furay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa muddada uu soconayo  tartamayaasha ku soo bandhigi doonaan sugaan ka hadleeyso falalka guracan oo ay khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta.

Tartamayaashii saakay lagu daah-furay ayaa halkaas ku soo bandhigay heeso iyo gabayo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyo halista kooxaha argagixisada ah.

Mid kamid ah tartamayaasha hirgeli hibadaada oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdullaahi ayaa ayaa yiri “Madaxweyne geesi ah markuu talada miisaamay iska dila mariidkana na yiri ee midnimo duula milatari careysani markuu Miigga amar siiyey”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa daah-furkii toddobaadkii hore ka sheegay in u jeedka yahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta Soomaaliyeed uga qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta, noqdona wejiga saddexaad ee khawaarijta loogula dagaalamayo dhanka Fikirka.

Dagaalka ka dhanka ah  khawaarijta ayey Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u midoobeen, iyadoo Slsuugaantu ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee Soomaalidu fariimaha isku gaarsiiyaan, iyadoo barnaamujkan qayb ka noqonayo qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka.

Guddoomiye Jawaari : Siyaasad tii laga raadinayay ma ahan Dagaalka khawaarijta,tan waa tii mas’uuliyadda la wada qaadanaayay

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in la taageero ciidanka Qaranka ee howlgalka kula jira khawaarijta

Mudane Jawaari ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay labada cadow oo ku kala sheegay shisheeye iyo cadow gudaha ah oo Soomaalida ka dhex shaqeynayo, muhiimna ay tahay in ummadda soomaaliyeed ay ku baraarugaan.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay laba cadow oo kala ah cadow shisheeye oo noo tashtay, cadowga kalena waa kan gudaha, aadbaan uga xumahay in labada dhinac ee dagaalamaayo ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Waxa uu sidoo kale Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari ti ka digay  in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,wuxuuna xusay in qof walba uu waajib ku yahay,madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh ayuu ku bogaadiyay sid ay uga go’antahay ciribtirka khawaarijta muddada dheer dhibaatada ku hayay Shacabka Soomaaliyeed.

“Siyaasad tii lagu raadinaayay ma’aha tan waa tii mas’uuliyadda la wada qaadanaayay” ayuu mar kale yiri “Jawaari”

-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane,Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan aagaga hore ee dagaalka Bariga gobolka Galgaduud ayaa la hadley cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah. Wasiirka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo hadda ka sii dabar go’aya dalka. Ciidamada geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ka wada howlgallo khawaarijta looga sifeynayo degaanada fara kutirsaka ah ay ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane,Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan aagaga hore ee dagaalka Bariga gobolka Galgaduud ayaa la hadley cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah.

Wasiirka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo hadda ka sii dabar go’aya dalka.

Ciidamada geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ka wada howlgallo khawaarijta looga sifeynayo degaanada fara kutirsaka ah ay ku dhuumaaleysanayaan.

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Hafow Abdulkadir Ibraahim oo Magac afgarashada Khawariijta u taqaan yahay (Saabir ) kana tirsan Nabadiidka Al-Shabaa  ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad.

Hafow ayaa Muddo 1-sano ah khawariijta u qaabilsanaa waxa aay u yeeraan Jabhada, Wuxuuna ka soo howlgaley Deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose iyo Bakool,waxa una  Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.

Ciidanka Qaranka oo kaashanay shacabka soomaaliyeed ayaa dagaal xooggan kula jira firxadka Maleeshiyada khawaarijta,iydoo ay maalin walba ciidanka xoogga dalka ay isa soo dhiibaan xubno badan oo katirsan argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka :Khawaarijta gabbalkoodii wuu dhacay, waana laga adkaan doonaa wakhti dhaw

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta,ayaa  sheegay inay shacabku barbar taagan yihiin ciidankooda qalabka sida iyagoo ballan qaaday inay is abaabuli doonaan xoojinna doonaan wada-shaqaynta iyo garab istaagga Ciidanka.

Raiisul Wasaare Ku-xigeenka oo shacabka kula hadlayay faraagaraha daljirka ayaa sheegay in Khawaariijta gabbalkoodii dhacay lagana adkaan doono wakhti aan fogayn, isagoo ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin taageerada halganka dalka looga xoreynayo cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo sare u qaadida dakhliga gudaha

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane, Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General. Sulub Axmed iyo Hoggaanka ilaalada Canshuuraha ee loo yaqaano (Tributaria) oo door muhiim ah kuleh shaqada dakhli uruurinta.

Shirkaan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Faysal Maxamed Xaashi ayaa si qoto dheer loogu lafaguray si ay muhiimadda canshuur aruurinta iyo caqabadaha hortaagan iyo nidaamyada ugu sahlan ee lagu gaari karo xal waara.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Taliska Booliska ayaa isla qaatay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 03,September, 2023, in ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la wareegtay maamulka Hogaanka Ilaalahada Cashuuraha ee Trubataariyo, si wadajir loogu dar-dar galiyo adeega loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed. Wasaaradda Maaliyadda waxa ka go’an xoojinya nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha dalka.