Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay horumarinta maal gashiga dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan ayaa maanta gelinkii hore la kulmay Wakiilka Hay’ada Qaramada Midoobey U qaabilsan Horumarinta Warshadaha (UNIDO), Mudane Ygor Scarcia.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta maalgashiga, taageero farsamo oo la siiyo maalgashadayaasha gudaha, abuuridda  jawi wanaagsan oo ay helaan maalgashatada ajaanibta ah iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.

Agaasimaha Guud ayaa ugu danbeyntii UNIDO uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

  

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM AXMED NAAJI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehellada iyo bahda fanka ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Axmed Naaji uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in marxuumka ahaa fanaan, abwaan iyo dhaqanyaqaan doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay koofurta Mudug

Gaalkacyo- Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Qeycad iyo shabeelloow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Goobaha uu saaka ka dhacay howlgalka ayaa ahaa dhul ay khawaarijtu ku dhuumaalaysan jirtay, halkaas oo ay sidoo kale ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Gaashaanle, Cabdiraxmaan Nuur Sahal Sheekeeye iyo abaan-duulaha Guutada 27 ee Abu-dijaana, Gaashaanle Cabdullaahi Xuseen ayaa howlgalka ka dib la hadlay Cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka, iyagoo sheegay in aysan ka hari doonin kooxda khawaarijta meel kasta oo ay u cararaanna ay kaga daba tegi doonaan.

Madaxweynayaasha Ruushka iyo W/Kuuriya oo bishaan ku kulmaya Moosco

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa qorsheynaya inuu bishaan safar booqasho ah ku tago Ruushka si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin, sida uu ku waramay sarkaal Mareykan ah oo la hadlay  warbaahinta.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada in Kuuriyada Waqooyi ay Moscow siiso hub uu u adeegsado dagaalka Ukraine, ayuu yiri sarkaalku.

Ma cadda goobta rasmiga ah ee lagu wado in lagu qabto shirka,sidoo kalena ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan kulankaasi ee la spp baxay labada dal.

Kulanka oo suurtogal ah in uu dhoco ,ayaa imaanaya ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu hayo xog cusub oo ku aadan in wada xaajoodyada hubka ee u dhexeeya labada dal uu si firfircoon u horumarayo.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka, John Kirby, ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca ee Ruushka, Sergei Shoigu, uu isku dayay inuu Pyongyang ku qanciyo inay ka iibiso rasaasta madaafiicda mar uu dhawaan booqday Waqooyiga Kuuriya.

Wasiirka gaadiidka XFS oo Sacuudiga kaga qayb galay shirka horumarinta iyo gaadiidka badaha

Jeddah- Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Amb. Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Jeddah ee Dalka Sucuudiga uga qayb galay shirka horumarinta iyo adkaynta arrimaha gaadiidka badaha, Dekadaha iyo isbeddalka Cimillada kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Wasaarada Dekadaha ee Dalka Sucuudiga.

Shirka oo socon doona maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu Wasiirku qudbad ka jeediyo.

  

Dr:Xasan Sh:Waxaan ku baaqayaa in qof kasta uu door ku yeesho xoreynta Dalka (WARBIXIN)

Howlgal Milateri oo dhawaan ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu burburiyay xaruntii Khawaarijta ee Koonfuurta Gobolka Mudug, iyadoo Howlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xarunta Xerta Shiikh Cali Suufi oo ay Khawaarijtu ku laheyd duleedka Dumaaye, halkaasi oo aheyd mawlaca ay Khawaarijtu horray uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, kuna diyaariyaan qaraxyada, hoyna u aheyd horjoogeyaasha Maleeshiyaadka Khawaarijta ah. Marka uu dhacayay howlgalku waxaa goobtaasi ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya (300) seddex boqol Khawaarij,  waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,

Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan seddex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita, howlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo  nuuca loo yaqaano BG, kuwaasi oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii badsha khasaaraha Khawaarijtu, waayo waxaa halkaas ka dhashay dab weyn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada.

Dowladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Khawaarijta oo ka aar gudanaya howlgalkaasi ayay laayeen Dad Shacab  ah oo u af-duubnaa,  kuwaasi oo gaaraya ilaa iyo shan qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka. Dawladdu waxa ay  u mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay howlgalkaan guulaystay.

Khawaarijta waxaa kaloo lagu galay deegaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, halkaasi oo ay Ciidanka Qaranka ku burburiyeen kooxo Khawaarij ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfur bari ee gobolka Galguduud, waxaana lagu dilay Ilaa iyo 43 ka tirsan Khawaarijta, waxaana laga burburiyay Khawaarijta seddex gaari oo Khawaarijtu ay lahaayeen, waxaana la soo warinyaa in Khawaarijta halkaas lagu laayay ay ahaayeen Maleeshiyaad halkaasi ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaasi oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta.

Khawaarijta waxaa kaloo lagu jabiyay isku day weerar oo ay isku dayeen in ay ku qaadaan deegaanka Daaru-Necma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaasi looga reebay Khwaarij gaaraya ilaa 40 dhagarbayaal, iyadoo dhanka galbeed ee isla Gobolka Galguduud waxaa ka socday shalay howlgal saf ballaaran ah, kaasi oo Khawaarijta looga sifeeyay deegaanno badan oo hoostaga Degmada Ceelbuur. Hawlgallada sifaynta Khawaarijta ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee Khawaarijtu ku sugan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Argagixisada oo ay dadka reer Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah Argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Waxa aan soo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo aan u imid dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta. Waxaan ku soconnaa deegaanno Khawaarijtu ku ukumeystay, waqti dheerna ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed. Aragagixisada Khawaarijta ah goobo badan oo dalka ka mid ah waa ku jabeen, degaanno badanna waa laga xoreeyay, waxaana cadaatay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u huri kara naftooda xoriyadadooda iyo mustaqbalka caruurtooda, ilaalinta qaranimadooda, iyo difaaca karaamadooda”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay safar uu ku tegay Degmada Maxaas.

Madaxweynaha oo bartiisa Bulshada ku qoray farriin ayaa ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taagan yihiin Dowladdooda iyo Ciidankooda, ayaa sidaan yiri:- “Dhamaan qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin bulshada rayidka, haweenka iyo dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in qof kasta uu door muuqda ku yeesho inaan dalkeena ka xoreyno Khawaarijta. Waxaa bilaabanaya taariikhda dib u curashada Soomaaliya, qof kastana waa inuu u diyaar garoobo baalkii uu ku yeelan lahaa taariikhda cusub ee qormeysa”.

Haddaba Waa maxay muhiimadda safarka Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Maxaas? Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo xiran dharka ciidamada waxa ka degay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxa uu kulamo la qaadanayaa siyaasiyiinta beelaha dega Gobollada bartamaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlaya arrimaha dib u xoreynta iyo in deegaannadaasi laga dhigo kuwa ka caaggan kooxda Khawarijta ah ee Al-Shabaab.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxaas u qorsheeyay bar laga hoggaamin doono dagaalka, waxaana hadda socda abaabulkii ugu ballaarnaa oo ay sameynayaan beelaha iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Degmada Maxaas ayaa ah meel leh muhiimad istiraatiiji ah marka loo eego in laga hoggaamiyo dagaalka lagu xoreynayo dhulka seddex xagalka ah ee u dhexeeya Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, iyadoo Safarka Madaxweynaha ee Hiiraan uu ku soo aadayo iyada oo uu jiro khilaaf siyaasi ah oo u dhexeeyo Madaxda Hirshabeelle iyo Gobolka Hiiraan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AXMED NAAJI SACAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay daah-furka shirka warbixinta horumarka caalamiga ah ee 2023

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing kaga qayb galay munaasabadda daahfurka shirka warbixinta horumarinta caalamiga ah ee 2023, (the Global Development Report 2023).

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay xarunta aqoonta caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (CIKD), ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday Dawladda, hay’adaha caalamiga ah iyo khubaro ka socotay hay’adaha cilmi-baarista (think tank experts).

Warbixinta Horumarinta Caalamiga ah waa hindise ka soo baxay wada-hadallada heerka sare ah ee horumarinta caalamiga ah oo diiradda saaraya wadaaga aragtida Shiinaha ee caqabadaha horumarinta caalamiga ah iyo talooyinka siyaasadda.

Warbixinta 2023, waxa ay sahmineysaa dulucda “hormarka caalamiga ah ee isgoysyada taariikhiga ah (Global development at a historic crossroads), waxaana loo qaybiyaa laba qaybood, qiimaynta horumarka, caqabadaha, iyo isbeddelada horumarka caalamiga ah, iyo sahaminta arrimaha muhiimka ah.

Joogitaanka danjire Kullane ee munaasabadda ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga iyo sidii ay fikrado ugu yeelan lahayd istiraatijiyadaha horumarinta caalamka. Wuxuu wada hadal la yeeshay la taliyayaal caalami ah, wakiilo ka socday dowladda, iyo khubaro, isagoo la wadaagay aragtida Soomaaliya iyo sahaminta fursadaha iskaashiga ah ee hiigsiga horumar waara.

Ugu dambeyntii, Dr. Changwen Zhao, oo ah guddoomiye ku xigeenka fulinta ee CICD, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qeybgalka Danjire Kullane, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogitaanka Soomaaliya iyo ka qeyb qaadashada doodda caalamiga ah ee horumarinta. Waxaana shirka lagu muujiyay sida fir-fircoon ee Soomaaliya shirka uga muuqatay iyo sida ay ugu heelan tahay in ay wax ka qabato caqabadaha adag ee soo wajaha.    

Wasaaradda warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeysay geerida fanaan ustaad Axmed Naaji Sacad

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Wasaaradda Iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo Hoboladda Qaranka ee Waaberi oo uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Al Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.

Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha iyo udub dhexaadka fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan hobalada qaranka ee Waaberi.

Ilaahay ha naxariisto, Jannatul Fardowsa Allah ha ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Innaa Lillahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa oo gaaray dalka Qatar

Dooxa:  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayo ayaa si diirran galabta loogu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Xamse oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa booqasho 3 maalmood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalkan Qatar, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.