Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in saraakiil ciidan loo xiray qalad ay sameeyeen awgeed

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in saraakiil ciidan xabsiga loo taxaabay, lana horgeyn doono maxkamadda ciidamada qalabka sida si loogu qaado dabmiyada loo haysto.

“Saacaddaas aan idinla hadlaya niman saraakiil ah ayaa xirxiran, dambi ay galeenaana loo xiray, qaanuunka milliteriga iyo dishibiliinka waxa uu ka qabo ayaana la marsiinayaa, maxkamadda milliteriga waxay siiso ayay yeelanayaan”

Madaxweynaha oo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kula dardaarmayay cutubyo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka ee ku wajahan furimaha dagaalka ayaa intaa ku daray in sharciga wuxuu ka qabo la marsiin doono saraakiisha la tuhmayo cidii dambi lagu waayahana la sii deyn doono.

Madaxweynaha oo si gaar ah ula dardaarmay saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay askarta caadiga ah ka dembi culus yihiin, inta badanna ay dhibaatada ka timaaddo amarro qaldan oo uu taliyuhu bixiyay.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in mas’uuliyad wadareed ay saaran tahay dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka balse loo kala sarreeyo.

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane, Maxamed Barre Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Kenya, Ababu-Terrah Egh, waxayna ka wada hadleen iskaashi dhex mara labada dhinac.

Wasiir Maxamed Barre oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada dalkeenna qaarkood iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa kala hadlay dhiggiisa Kenya xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhallinyarada, iyadoo labada dal ay is-dhaafsan doonaan tartamo saaxiibtinimo iyo is-waydaarsiga khibradda labada dal.

Wasiir Maxamed Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay shirweynaha Cimillada Afrika oo ay ka qayb galeen kumanaan ergo ah oo Afrika ka kala timid ayna ku jiraan hoggaamiyayaasha wadamada qaarkood, Wasiiro iyo ururrada dhallinyarada Afrika oo ay ugu horreeyaan kuwa deegaanka u dhaqdhaqaaqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka

Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay xilliyada dagaalka in la kala barto dadka, gaar ahaan madaxda, saraakiisha iyo askarta.

“Runtii dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka, madaxdaa la kala bartaa, saraakiishaa la kala bartaa, askartaa la kala bartaa, dhamaan dadka waa la bartaa, qof walbana doorka uu qaata maalinta ay adag tahay waa la bartaa, maalinta fiican ee ay nabaddu jirto nin kastaa waa fiican yahay”

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay xerada ciidanka XDS, Guutada Cali binu Abii daalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka Khawaarijta wuxuuna kula dardaarmay ciidanku in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligii ay Ciidanka xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed dagaalka soo billaabeen sanad ka hor ay yarayd saadaasha guulaha la gaaray, iyadoo ay dalka ku sugan tahay AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaasi ay Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika aysan ku qanacsanayn dagaalka khawaarijta ka dhanka ah balse ay iminka ogaadeen in ay dhab ka tahay dowladda ciribtirka argagixisada.

“Ciidanka xoogga dalka asoo keligiis ah oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaad dagaalka soo billowdeen sanad ka hor, dad badan ayaa ku qoslaayay oo lahaa meel gaari maayaan, waanay soo noqonayaan”

Berigaas AMISOM annaga kumaanan qancin karin inaan nahay dad uu dagaalka dhab ka yahay oo waxay noo arkaayeen dad aanu dhab ka ahayn, laakiin maanta way fahmeen inuu dagaalku dhab naga yahay ama aan wax qabsan karno”.

 

Howl gallo lagu sugayo amniga oo ka dhacay Muqdisho

Ciidamada amaanka ayaa xalay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda, guryaha iyo goobo ganacsi ayay Ciidamadu ka sameeyeen baaritaanno, iyada oo isu socodka Magaaladuna uu yahay mid caadi ah.

Howlgalladan joogtada ah ayaa hoos u dhigay dhacdooyinkii amni darro ee Khawaarijta iyo burcaddu ay magaalada ka geysan jireen.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wax laga wediiyey arrimaha xabsiga dhexe ee Xamar

Guddiga gaarka ah ee u kuur-gelidda arrimaha Xabsiga dhaxe ee Xamar ayaa waxa ay kulan kula qaateen xaruunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto; Sulub Axmed firin, oo ay wehelinayaan Saraakiil ka tirsan Ciidan Boliiska.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xil Gen; Bashiir America, ayaa waxa uu daba socday kulamo hore oo looga hadlayay arrimaha Xabsiyada dalka maadaama saldhigyada kamid yihiin meelaha ugu horreeyo ee soo qabashada eedaysanayaasha ay kasoo billaabato eedahooda.

Kulanka inta uu socday waxa su’aalo lagu weydiiyay saraashiisha Ciidamada Boliiska oo hoggaaminayay Taliye Booliska Gen Sulub, si gaar ah hoggaanka Baarista iyo Dembiyada CID ayaa warbixin lagaga dhagaystay, taas oo ku saabsan sida ay u maareeyaan eedeysanayaasha ay kiisaskooda gacanta ku hayaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Cimilada Afrika oo ka dhacaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda ayaa ka qeyb galay Shirka Cimilada Afrika oo ka dhacaya dalka Kenya.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen madax badan oo ka kala socota adduunka ayaa maalmaha uu socdo looga falanqeyn doonaa cimilada adduunka ee sii xumaanaysa iyo sidii xalal loogu heli karo caqabadaha iyo duruufaha ay sababtay isbedelka cimiladu.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda ayaa sheegay in khatarta labaad ee marka laga soo tago amniga iyo la dagaallanka argagaxisada ay tahay isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay dalkeenna iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Mudane Saalax ayaa maalmaha uu joogo dalkan Nairobi la kulmi doona masuuliyiin iyo madax badan oo kasoo qeyb galay shirkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray ciidanka dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan Maxaas

Maxaas- Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay  xerada ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Khawaarijta, isaga oo kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta diyaar garowga sidii la rabay in uusan aheyn islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay , diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.

      

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dowladda Qatar kala hadlay in ay garab ku siiso ciribtirka khawaariijta

Doxa-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka Khawaariijta, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

       

Xildhibaanno iyo Odayaasha dhaqanka oo la dardaarmay Ciidanka dib u xoreynta

Xildhibaannada iyo Odayaasha dhaqanka kasoo jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa dhiirrigalin iyo ballanqaadyo u sameeyay ciidanka xoreynta  deegaannadaas.

Xildhibaan, Maxamed Abuukar Jacfar ayaa la dardaarmay ciidanka xoreynta deegaannada iyo degmooyinka bariga gobolka Galgaduud, isagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay dadka deegaanka dhaqan, shacab iyo siyaasiba u dhan yihiin laguna go’aansaday dagaal kama dambays ah in lagu qaado cadowga.

Nabad-doon, Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda bariga Galgaduud ayaa Ciidanka ku booriyay in ay iska dul qaadaan heeryada argagixisada, wuxuuna intaa ku daray in ay ka goa’an tahay badbaadinta dadka halkaasi ku dhaqan.

Nabad-doon Xaad “Waxaa naga maqan dal iyo dad, waxaan rabnaa in aan awooddeena iskugu geyn siddii dadkaas iyo dalkaas aan ku soo ceshan lahayn”.

Nabad-doon Maxamed Xasan Xaad ayaa Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee ku wajahan Ceelbuur kula dardaarmay in ay yihiin mujaahidiin,dagaalka khawaarijtuna uu yahay waajib, sidaa daraaddeedna aan look ala harin maaddaama ay dalka, diinta iyo dhaqankuba cadow ku yihiin.

Xildhibaannada iyo Oadayaasha dhaqanka kasoo jeeda bariga Galgaduud ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka wado abaabul dagaal oo ka dhan ah haraadiga kooxda khawaarijta ee haatan ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah bariga Galgaduud.

Share this Article

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay horumarinta maal gashiga dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan ayaa maanta gelinkii hore la kulmay Wakiilka Hay’ada Qaramada Midoobey U qaabilsan Horumarinta Warshadaha (UNIDO), Mudane Ygor Scarcia.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta maalgashiga, taageero farsamo oo la siiyo maalgashadayaasha gudaha, abuuridda  jawi wanaagsan oo ay helaan maalgashatada ajaanibta ah iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.

Agaasimaha Guud ayaa ugu danbeyntii UNIDO uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.