Guddoomiyaha Degmada Kaxda “Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle waxay heystaan fursad weyn oo ah in Madaxwaynihii dalka uu furimaha dagaalka kula jiro”.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda  ee Gobolka Banaadir oo ka qayb galayay Barnaamijka Raad-raac oo ka baxa Telefishinka Qaranka C/laahi Sheekh ayaa sheegay in Khawaarijta ay deegaannadda ay ku sugan yihiin ka xanibeen in dadka ay helan Caafimaadka,waxbarshada oo ay ugu horeyso dugsiyada lagu barto Qur’anka kariimka ah.

”Baabi’inta goobah dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin maah mid diin ku salaysan,nabigeena naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato  salalaahu calayhi wasalam waligees magaalo ma baabi’in xata jiif caaqilkeeda ma dilin,ka jooga ayuu dhihii jiray waan uga digi jiray dadka,waan la garanaya qofka wax dhisaha,

Hadii ay wax noo dhisayaan Khawaarijta Al-shabaab oo ay dad wanaagsan yihiin muddo 15-sanno ah deegaannaddii ay haysteen kama ay joojiyeen dugsiyada lagu barto Qur’anka,goobihii Caafiimaadka noloshii cadiga ahayd ee dadka ay ku noolayeen oo gaajo uma dileen dadka ku sugan goobah ay joogaan,Nabigeena Muxammed salalaahu calayhi wasalam diintiisi hadii ay wadaan waa ku dhaqmi lahaayeen waana diin nabad galyo diinta islaamku,Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle waxay heystaan fursad weyn oo ah in Madaxwaynihii dalka uu furimaha dagaalka kula jiro”.

Wasaaradda gaashaandhigga oo ka warbixisay hawlgallada Khawaarijta lagu ciribtirayo ee Galmudug ka socda

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa sheegay in afartii maalmood ee la soo dhaafay maleeshiyada Khawaarijta laga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayna isi soo dhiibeen kooxo ka tirsanaa in muddo ah.

Waxa uu sheegay in hawlgallo lixaad leh oo ay gobolka Galgaduud ka fuliyeen ciidamada qalabka qalabka sida, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada difaaca shacabka in maleeshiyada Khawaarijta looga saaray magaalada Ceel-lahelay oo ah magalo wayn oo muddo dheer soo jirtay, sidoo kalena maleeshiyada laga saaray dhulka baadiyaha ah ee ku hareeraysan.

Maalintii shalay ayaa sidoo kale Khawaarijta laga saaray deegaanka Dhabana-dhulkuhays, halka dorraadna laga saaray deegaanka Labadule oo ay ku lahaayeen 2-xarumood oo tababarka Khawaarijta ay ku lahaayeen, isagoo intaa ku daray Afhayeenku in dhuka hawdka ah ee u dhexeeya Wabxo iyo Ceelbuur dagaal lagula galay argagixisada lagana saaray halkaas.

Jeneraal Caanood ayaa xusay in koofurta Mudug sidoo kale ay ka dhaceen hawlgallo lixaad leh oo Khawaarijta looga sifeeyey baadiyaha deegaanada Bacaadweyn Shabeelow iyo Qaycad oo ay maxkamad beenaad ay ku lahaayeen.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay agaasimaha guud ee sanduuqa horumarinta Qatar

Dooxa: Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta Qatar, Khalifa bin Jassem Al-Kuwari, oo ay ka wada hadleen dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ay ku taageerto Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa Ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida uu Sanduuqu uga go’an tahay kordhinta mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan guud ahaa Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo barnaamijyadda hortabinta u leh Xukuumadda #DanQaran.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka sameeyay Galgaduud

Dhuusamareeb-(SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka kuwa Daraawiishta iyo Ciidanka difaaca Shacabka oo hawlgallo sifayn ah ka wada gobalka Galgaduud ayaa kooxda Khawaarijta ka saaray dhul Balaaran oo u dhexeeya waddada xiriirisa degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb.

Goobaha laga saaray Khawaarijtu waxaa ka mid ah degaanka istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, laba -dulle,dhaban-dhul kuhays iyo dhul ballaaran oo ah hawdka ay ku dhuumanaysata Khawaarijta.

Guulaha isdabajoogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka difaaca Shacabka ayaa ka dhashay iskaashiga Qaran ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan aagagga dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Aadan-Yabaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga sifeynayo nabad-diidka Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Aadan-yabaal, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay madal (Twitter space) ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kormeer ku tagay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kulamana la yeeshay odayaasha dhaqanka, shacabka iyo ciidamada.

3- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daah furay tartan uugaaneedka HIRGELI HIBADAADA oo si gaar ah loogu baratamayo suugaanta ka dhanka Khawaarijta.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

5- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqanaya Qatar ayaa kulamo la yeeshay madaxda dalkaasi.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta ayaa shacabka uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah ee ciidanka qaranka.

7- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo sare u qaadida dakhliga gudaha.

8- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwada 7 sargaal oo ka tirsan hay’adha dowladda oo ku eedaysan musuqmaasuq.

9- Hawlgal milateri oo ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu dilay in ka badan 167 maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

10- Ciidamada Qalabka Sida ayaa ilaa iyo afartan ka mid ah Khawaarijta ku dilay degaannada Xiin Tubaal iyo Ceel Cali Wayd oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

11- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada Caalamka oo ilaa 20 ka mid ah Khawaarijta ku dilay degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

12- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo ayaa kormeeray Ciidanka Daraawiishta Booliska ee ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

13- Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa fashiliyey qarax gaari oo kooxda Khawaarijtu rabeen in ay ku haligaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana ay gacanta ku dhigeen laba dhagar qabe oo saarnaa gaarigii qaraxa waday.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo kormeeray xarumaha loogu adeego bulshada ee Degmada Xarar Dheere.

15- Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo dadka caasimadda ugu baaqay in ay si buuxda u taageeraan hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

16- Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa taageeray dagaalka ka dhanka ah Al Shabab ee dalka ka socda.

17- Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

19- Guddoomihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in aan xilligaan aysan wanaagsaneyn in siyaasada laga dhex raadiyo dagaalka Khawaarijta looga ciriibtirayo dalka.

20- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.

21- Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida abwaan/fannaan Axmed Naaji Sacad.

22- Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo qaabilay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

23- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kaashanaysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee maamulka warbaahinta ku qabatay magaalada Jowhar .

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guullo waaweyn ka gaartay dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaariijta, isagoo uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka joogtada ee ay ka qaadato dib u dhiska ciidamadeena.

Taliyaha ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka Khawaariijta isaga oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo wadashaqeynta ay leeyihiin hey’adaha amniga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay siyaasiyiinta iyo wax garadka Maxaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas, iyagoo isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaysa midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadan doonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.

Ukrine:Blinken oo safar aan la shaacin ku tagay Kyiv

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay magaalada Kyiv, taasoo ah booqashadiisii ugu horreysay oo muddo sannad ah uu ku tago caasimadda Ukraine.

Blinken ayaa sidoo kale la kulmay dhiggiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, iyo madaxweyne Volodymyr Zelenskiy,,iyadoo Blinkin la filayo inuu ku dhawaaqo xirmo cusub oo kaalmo mileteri,taasoo gaareysa $175m-$200m inta lagu guda jiro booqashada labada maalmood ah.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay wax yar uun ka dib markii Zelenskiy uu shaqada ka eryay wasiirkii gaashaandhiga horaantii todobaadkan iyada oo ay jirtay fadeexado musuqmaasuq oo la xidhiidhay soo iibinta qalabka milatariga.

Warbaahinta Mareykanka ayaa si joogta ah u soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin,kuwaas oo dhaleeceynaya qaabka ay u socdaan weerarada rogaal celiska ah ee ay qaadayaan ciidamada Ukrine.

Saacado ka hor inta uusan Blinken gaarin Ukrine, Ruushka ayaa bilaabay mowjado gantaallo ah oo lala beegsanaayo  caasimadda Ukrine,waxayna saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay soo rideen oo ay ka hortageen gantaallo kuwa Droniska ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay hoggaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya.