Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis cusub

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay nuxurka heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka waxaa goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo dhiggiisa Dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan oo maanta Dalka soo gaaray.

” Shirka maanta waxaa lagu saxiixay labo waxyaabood, heshiiska koowaad waa heshiis ganacsi oo u dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, sidoo kale waxaa la saxiixay ( Minute agreementa) ama wada xaajoodkii siyaasadeed ee maanta halkan ku soo idlaaday ayaa la wada saxiixay, runtii waxaan rejeyneynaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka faa’idi doonaan boqol iyo kontonka milyan ee shacabka Ethiopia, sidoo kale, allaabo badan oo Soomaaliya ay leedahay ayaa loo iib-geyn doono Dalka Ethiopia, waxyaabaha hadda anaga aan leenahay oo faa’idada inoo leh waxay tahay Kalluunka oo dalka Ethiopia loo iib-geyn doono,” ayuu yiri xoghaye Xamsa oo shir jiraa’idka qabtay heshiiska ka dib.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Guddomiyaha golaha shacabka oo shir-guddoomiyey kulanka 31-aad ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay Kulanka 31-aad, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, soo gudbinta warbixinta tababarada guddiyada iyo dhameystirka Hindise Sharciyeedka Qaxootiga Soomaaliya. Sidoo kale Guddiga Joogtada waxa ay dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay musharaxnimada Xildhibaan Marwa Cabdibashiir Xaaji oo u taagan madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU), waxaana ay soo gaartay listiga gaaban ee tartanka doorashada, oo ay isku soo hareen Soomaaliya iyo saddex wadan oo kale Afrikaan ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha kale Guddiga Joogtada ayaa taageeray musharaxnimada Xildhibaan Marwa Cabdibashiir Xaaji isagoo adkeeyay ahmiyadda ay u leedahay in Soomaaliya ay ku guuleysato Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, wuxuuna tilmaamay in ay tahay arrin qaran oo dalka iyo dadka guul u ah, ayna tahay qof walba inuu ka qeyb qaato xaqiijinta guushaas.

        

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dooxa kula kulmay Dhiggiisa Qatar

Dooxa:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane. Ali Bin Ahmed.

Kulankaan ay magaalada Dooxa ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa intii uu socday waxa ay diiradda ku saareen arrimaha hannnaanka Deyn-Cafinta, iskaashaga horumarinta dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta nidaamyada Maaliyadeed ee muhiimka u ah dib-u-habaynta Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Hey’addaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka Qatar.

“Waxa aan maanta magaalada Dooxa a ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari. Waxa aan ka wadahadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda, xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo Arrimaha deyn-cafinta oo hada meel gabo-gaba ah maraya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo kaddib kulanka uu la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Maaliiyadda ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo R/Wasaaraha ee booqada u jooga dalka Qatar. Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar, taageeradeeda ay la garab taagan tahay Dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

Share this Article

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhiggiisa dalka Ethiopia Muqdisho ku soo dhaweeyey

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.

Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh o kulan la qaatay hogaannada Taliska ciidanka xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo khawaarijta Al Shabaab.

Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay
dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

   

Shirka golaha wasiiradda oo looga hadlay xaaladda amni ee dalka

-Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia iyo Turkiga.

Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.
Sido kale golaha ayaa ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha is daba jooga ah ee ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.
   

Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Baraag Cali gaduud

Deegaanka Baraag Cali gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa howlgal qorsheysan ay ka sameyeen ciidamada xoogga dalka waxaa lagu dilay in ka badan 20 Maleeyshiyaada ka tirsan Khawaarijta ee Al-shabaab.

Howlgalkaan Qorshaysan ayaa yimid ka dib markii ay heleen ciidamada xog sheegaysa in halkaasi ay baro ay dagan yihiin Khawaarijta ay isku aruursanayaan iyadoo ay ciidanka ay ku soo afjareen maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa oo lagu laayay.

Guddoomiyaha degmaada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in howlgalku ahaa mid qorshaysan oo looga sifaynayay haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee sida dhumaaleysig ah isku dayay in ay isku urursadaan deegaannadda hoos taga gobolka Mudug.

Degmada Xarardheere ayaa tan iyo markii laga xoreyay Khawaarijta waxay ka soo kabaneysay dhibaatooyinkii ay ugeysteen intii ay gacanta ugu jurtay maleeshiyaadka Khawaarijta ee Al-shabaab oo ay dadka degmaadaasi ay mahadiyeen in ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka oo iskaashanay in ay gacanta ku dhigeen oo ay degmada heshay ifafaalo dowladnimo.

kulan ka dhacay dalka Qadar oo looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan

Waftid u hoggaaminayo xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan oo safar shaqo ku jooga dalka Qadar ayaa kulan miradhal ah la yeeshay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka dalka Qadar Marwo Xamda Bintu Xasan Al-Salaiti.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qadar iyo Qorshaha horumarinta dhaqaalaha dalka,sidoo kale Xildhibaanka ayaa Guddoonka Baarlamaanka Qadar la wadaagay dhambaal uu ka siday Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ahaa xoojinta xiriirka labada baarlamaan.
    

Khawaarijta oo qarax Miino ku laysay dad Shacab ah deegaanka Ceel-lahelay

Haweeney iyo labo Carruur ah ayaa ku geeryooday Qarax Miino oo maleeshiyada Khawaarijta ah ay ku qariyeen guri ay ku noolaayeen oo ku yaalla nawaaxuga Deegaanka Ceel-lahelay oo shalay laga xoreeyay Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka ayaa u gurmaday qooyskaas ay dhibaatadu ka soo gaartay iyagoo goobta kasoo qaaday labo ruux oo Shacab ah kuwaas oo ku dhaawacmay Miinada Khawaarijta Al-shabaab ay ku qariyeen guriga.
Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah maleeshiyad Khawaarijta Al- shabaab oo ay ku jabeen muddadii u socday waxaan ay ciidamada xoogga dalka ay kala wareegeen goobo badan oo ay ku dhumaaleysan jireen dadka shacabka ahna ay ku waxyeeleen jireen.

Madaxweynihii hore ee Gabon oo loo ogolaaday safarro dhanka dibadda ah

Madaxweynihii hore ee Gabon Ali Bongo Ondimba ayaa laga sii daayay xabsi guri,iyadoo loo ogolaaday in uu xor u yahay in uu safat caafimaad ku tago dibadaha, sida ay sheegeen militariga dalkaasi ee xilka la wareegay bishii hore.

Af-hayeenka milatariga Gabon, Colonel Ulrich Manfoumbi ayaa hadal uu ka jeediyay talefishanka qaranka ka sheegay in  Ali Bongo Ondimba uu xor u yahay noloshiisa,isla markaana haddii uu doono, uu u safri karo  dibadda si uu baadhitaan caafimaad u sameeyo,”

Bayaanka lagu shaaciyay sii deynta Cali Boongo waxaa ku saxiixnaa General Brice Clotaire Oligui Nguema, kaas oo Isniintii loo dhaariyay inuu noqdo madaxa cusub ee qaranka Gabon.

  Madaxweynaha cusub ee ku meel gaarka ah,waxa uu ilaalo u ahaa aabbihii dhintay Bongo ,isagoo sidoo kale madax u ahaa ilaalada jamhuuriyadda dalkaasi,kuwaas  oo ahaa unug milatari oo habeysan.