Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey dadaalka Dowladda Soomaaliya. Qeybta 2-aad

La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u arkaa la dagaalanka musuqmaasuqa inay tahay shaqo mudan in la siiyo ahmiyadda koowaad, waxayna qayb ka tahay ballanqaadkii khudbadii madaxweynaha Dr. Xasan sh.Maxamud uu ka jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka xilligii doorashada, wuxuna ballanqaaday hadii la doorto in dalka laga hirgalinayo dowlad wanaag (good  governance), dadka  la socda taariikhda Soomaaliya waxay ku tilmaamaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Dr.Xasan Sh.Maxamud iyo Raysalwasaare Xamza Cabdi Barre inay ku taagan tahay wadadii dowladii madaxweyne Adan Abdulle Osman, (Adan cadde) iyo Abdirisaaq Xaji Xuseen oo lagu xasuusto dowlad wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, xilligaas dad badan ayaa ku waayey xilkooda musuqmaasuq iyo karti la’aan, iyadoo loogu magac daray Busta Rosa.

Amniga, Dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay dib u xorayso goobo badan oo ay maamuli jireen kooxda AL-Shabaab.  Ciidamada qalabka sida waxay muujisay inay awood u leeyihiin hanashada amniga dalka,  iyadoo kor loo qaaday tayada iyo qalabka ciidanka, waxayna diyaar u yihiin inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka maadaama ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan dabayaaqada 2024, ATMIS waxay bilaabeen inay ku wareejiyaan ciidamada Soomaliya goobo badan oo ay horey u daganaayeen iyagoo isu diyaarinaya inay dib ugu laabtaan dalalkooda.

Dhinaca Waxbarashada, Madaxeynaha iyo raysalwasaruhu maadaama ay ka wada tirsanaan jireen bahda waxbarashada waxay ku dadaaleen in wasiirka uu noqdo shaqsi aqoon iyo khibrad badan u leh Arrimaha waxbrashada waxana loo magacaabay Ustaad Farax Abdulqadir oo muddo badan ka soo shaqeeyey waxbarashsda dalka, dowlada federaalka waxay dardargelisey kor u qaadista tayada waxbarashada, midaynta manaahijta dalka si loo mideeyo waxbarashada ardayda soomaaliyeed korna loogu qaado heerkooda waxbarsho, wasaradda waxbarashada waxay qabatay shirwayne looga hadlayo waxbarashada dalka heerka ay marayso, caqabaedaha ku gadaaman iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadahaas. Nasiib wanaag waxaa lagu guulaystay in laga gudbo caqabad wayn oo jirtay taasoo ahay macallimiinta oo aad u  tiro yar, marka la barbardhigo ardayda, tuulooyinka ka fog magaalooyinka waxa ka jiray macallin yaraan baahsan, dowladda federalka waxay howl gelisay ilaa 3000 macallin oo loo qaybiyey gobaladda dalka oo dhan iyadoo lagu saleeyey baahida macallin ee ka jirta degaan walba.

Xiriirka Arrimaha Dibadda, Dowladda federalka Soomaaliya waxay si Mug leh u howl gelisay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo uu hogaaminayo Wasiir Abshir Huruuse oo ah shaqsi leh karti iyo hufnaan aqoon gaar ahna u leh xiriirka caalamiga, wasaaradda Arrimaha dibadda waxay ka miro dhallisay hal kudhagga

Xiriirka Arrimaha Dibadda, Dowladda federalka Soomaaliya waxay si Mug leh u howl gelisay wasaaradda Arrimaha dibadda oo uu hogaaminayo wasiir Abshir Huruuse oo ah shaqsi leh karti iyo hufnaan aqoon gaar ahna u leh xiriirka caalamiga, wasaaradda Arrimaha dibadda waxay ka miro dhalisay hal ku dhagga Madaxeeynaha oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah, Dowladda federaalka waxay ku guulaysatay in waddamada deriska lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan Daris wanaag.  Wasaaraddu waxay door wayn ka qaadatay in danaha Soomaaliya si mug leh looga shaqeeyo heer gobol, qaarad iyo heer caalami intaba, in soomaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo madaxweyne Dr. Hassan Sh.Mohamud uu ka jeediyey Khudbad qiiro leh xarunta golaha Amaanka, dowlado badan ayaa soo dhaweeyey in soomaliya laga qaado cunaqabaynta hubka, sidoo kale wasaaraddu waxay u istaagtay sidii Soomaaliya looga cafin lagaa daymaha.  waxa xusid mudan wasaaradda Arrimaha dibadda inay qayb libaax ka qaadatay gurmadka loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Sudan, iyadoo la soo daad gureeyey dad badan oo ay ku jiraan caruur, haween, waayeel iyo arday intaba.

Wasaaraddu waxay u qareentay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kala duwan,  iyadoo lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dhulkooda hooyo. waxaa bogaadin  mudan in Soomaaliya ay ka qayb gashay markii ugu horaysay shirka looga hadlayo mamnuucidda isticmaalka hubka nuklerka Conmprehensive nuclear Test Ban Treaty Orgsnization(CTBTO), ururkaas wuxuu aad u dhiirigeliyaa hormarinta sayniska iyo technolojiyada, (Science and Technology).

Ururka CTBTO waxaa ka faa’iidaysta wadamo badan oo qaarkood ay yihiin wadamada soo koraya, taasoo la rajaynayo in dowladda Soomlaiya ay ka faa’daysan doonto maadaama uu wasiir Huruse ka qayb galay shirwaynaha Ururka CTBTO, wuxuna ka soo jeediyey qudbad qiimo badan oo xambaarsan aragti siyaasadeed oo muujinaysa halka Soomaaliya ay hiigsanayso dhinaca Sayniska iyo Technolojiyada, Khudbadda wasiirka waxay aad u soo jiidatay dhamaan wafuudii calamka ka kala socotay, shirkaas wuxu ka dhacay Vienna, Austria,

Talo soo jeedin ku wajahan Dowladda Federaalka.

1-In kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha dowladda, dunida waxay ku horumartay kor u qaadista karaan ama kartida shaqo ee aadanaha (Human Capital), iyo in laga faa’iidaysto aqoon yahanka Soomaaliyeed oo leh aqoon sare, khibrad  iyo daacadnimo diyaarna u ah inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa, wadamada Japan,South Korea iyo Singapore, malaha khayraad badan oo dabiici ah laakiin waxay horumariyeen dadkooda iyagoo baray aqoon,xirfadaysan iyo karti howsha lagu  fuliyo (Competence), dadka Soomaaliyeed hadii tayadooda kor loo qaado waxaan hubaa inay la tartami karaan wadamadaas aan kor ku soo xusay.

2-Shacabka Soomaaliyeed waxay talo ku soo jeedinayaan in nabad lagu soo dabaalo Gobalada dalka ee ay colaaduha ka jiraan iyadoo la adeegsanayo culimada diinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed si loo gaaro xal nabad galyo ku dhisan

3-In guud ahaan dalka laga abaabulo ALLE Barrri iyo duco, in Alle la waydiisto cafis guud, dadka oo dhanna laga codsado inay is cafiyaan, si loola yimaado niyad sami horseedi karta in Soomaliya ilaahay towfiiqda waafajiyo oo ay midowdo, Soomaalidii hore xaalka markuu adag yahay waxay oran jireen aan ducaysano.

4-In da’yarta soo koraysa ee ku jirta heerarka kala duwan ee waxbarashada lagu barbaariyo walaalnimo iyo Soomaalinimo, waayeelkana lagu boorriyo walaalnimada iyo Soomaalinimada si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybin iyo khilaaf Bulsho.

Guntii iyo Gabagabo Shacabka Soomaaliyeed waxay qirayaan in dowladda federaalka ay qabatay shaqo wanagsan islamarkaana ay raali ka yihiin hoggaanka siyaasadda Soomaaliya ee Madaxweyne Dr.Xasan Shiikh Maxamud iyo Raiisulwasaare Xamse Cabdi Barre. Xukuumadda Dan Qaran waxay mujisay dadaal dheeraad ah muddadii ay jirtay ee sanadka ahayd, waxaana laga rajaynayaa in dowladdu ay qaban doonto shaqooyin badan oo muhiim ah sanadada soo socda hadii ALLE idmo.

Ciidanka Xoogga oo xubno Khawaarijta ka tirsan ku dilay Berdaale

-Ciidanka qalabka sida oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa jabiyay maleeshiyo ka tirsan khawaarijta oo xalay isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga oo ka warqabay damaca dhagarqabayaasha Khawaarijta ayaa halkaas ku dilay horjoogihii kooxda khawaarijta ee soo weeraray degmada iyo maleeshiyaad kale oo la socday.

faahfaahin dheeraad ah ayey Wakaaladda SONNA idin soo gudbin doontaa la socod wanaagsan.

296 ruux oo ku dhintay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Morocco

Dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu dhan yahay 6.8 ayaa ku dhuftay Dalka Morocco, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta saadaasha dhul-gariirkada ee Maraykanka (USGS).

Ugu yaraan 296 ayaa dhimatay 153 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo sida lagu sheegay warbixin hordhac ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Morocco.

Dhulgariirka ayaa dhacay wax yar ka dib 11pm wakhtiga maxaliga ah (22:00 GMT),iyadoo  xuddunta dhulgariirku uu ahaa 18.5km (11.5 mayl)

Dhulgariirka ayaa ka dhacday meel 72km (44 mayl) waqooyi bari kaga beegan Marrakesh, sida ay sheegtay USGS.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo sheegay dhulgariirku ayaa muujinaya gariir la dareemayo iyo dadka oo ku yaacay waddooyinka iyo dhismayaasha oo gariiraya.

Guddoomiyaha degmada Maxaas oo ugu baaqay bulshada in ay ka qayb qaatan dagaalka Khawaarijta lagu Ciribtirayo

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii door firfircoon ay Odayaasha dhaqanka uga qaadan lahaayeen dagaalka kadhanka khawaarijta iyo sidii qaab wada ogol ah loogu wadaagi lahaa mashaariicda kala duwan ee degmada Maxaas laga fulin doono,si bulshada horumar balaaran u gaarto.

Odayaasha dhaqan degmada Maxaas ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane sida uu xilli walbo ugu taaganyahay horumarka degmada Maxaas.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane ayaa Odayaasha dhaqanka u ballan qaaday in dadaalkiisa uu laba jibaari doono,isla markaana dhismaha xaruunta maamulka iyo dhismaha Saldhigga Boolisla Maxaas dhawaan ay bilaaban doonaan waxuuna isagoo dhinaca kale xusay in hay’adaha samafalka bulshada degmada Maxaas gaarsiin doonaan Raashiin Lacag bil ah iyo deeqo kale.

    

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dadka deegaanka Guulane markale ugu baaqay dagaal ka dhan ah Khawaarijta

Madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa tagay deegaanka Guulane.

Madaxweynaha oo socdaalkaan booqashada ah ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale ayaa jeedkoodu ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Cadowga Khawaarijta ah ee alshabaab.

Cali Guudlaawe ayaa dadka deegaanka Guulane ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay u wajaheen dagaalka khawaarijta isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirta iyo baabi’inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Ballaarinta xubnaha BRICS, Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?

Is-balaarinta degdega ah ee wadamada ku midoobay iskaashiga dhaqaalaha ee loo soo gaabsho BRICS ee kala ah Baraasiil, Ruushka, Indiya, Shiinaha, iyo Koonfur Afrika—waxay xoojisay hadal haynta ku saabsan doorka Afrika ee nidaamka cusub ee aduunka. Taariikh ahaan, Afrika oo ah meel ay ku badantahay saameynta  reer galbeedka iyo ka’faaideysigooda kheyraadka qaaradda, ayaa xilligan waxay wajahaysaa xaalad xasaasi ah. Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa bal in Qaaradda noqon doonto mid wado cusub u jeexda awoodaha is haya ee reer-galbeedka iyo BRICS ama waxay noqon doontaa goob ay awoodahan ku dagaalamayaan oo ay siku jii-jiidaan?

Qiimaynta taariikhiga ahi waa muhiim si loo fahmo xaaladaha siyaasadeed ee ay soo martay qaaradda. Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-naad, qaaraddu waxa ay bartilmaameed u ahayd imbaradooriyadda Yurub, taasi oo si weyn u qaabaysay qaab-dhismeedka dhaqan-siyaasadeed. Wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo quwadihii hore ee gumaystaha sida Faransiiska iyo Ingiriiska, ayaa reebay saamayn aan la qiyaasi karin, iyagoo ku soo gabanaya deeqo shisheeye iyo mashaariic horumarineed.

Si ka duwan qaababkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedku u wajaheen qaaradda Afrika, waxay u muuqataa in isbahaysiga dhaqaale ee BRICS uu la soo shir-tagayo qaab ay ka marantahay faragelin isla markaana leh sinaan iyo horumar. Iyada oo maalgelin weyn lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha , waxbarashada, iyo tignoolajiyada, waddamada BRICS waxay higsanayaan in ay la yeeshaan Afrika xiriir faa’iido leh. In Koonfur Afrika xubin ka tahay BRICS ayaa waxay qaarada Afrika siinaysaa cod miisan leh iyo fursado gaar ah taasi oo u sahlaysa qaarada in ay la jaan qaado horumarka iyo kobaca.

Soo ifbaxa iskaashiga BRICS ayaa dhibaato ku ah wadamada reer galbeedka. Inkastoo weli reer galbeedka si buuxda gacanta ugu hayaan dibloomaasiyadda iyo dhaqaalaha qaaradda, haddana is-balaarinta BRICS waxay halis ku tahay in wax ka badasho dheelitirka awoodda. Kuwa wax naqdiya waxay tilmaamayaa in xiriirka BRICS la mid yahay “diblomaasiyadda dabinka deynta,” gaar ahaan Shiinaha, si ay ugu doodaan in ka-qaybgalka kooxda laga yaabo inaysan u noqon Afrika deeqsinimo sida muuqata.

Cabsida ayaa ah in iyadoo laga yaabo in wadamada BRICS aysan si cad ku xirin shuruudo deeqaha iyo taageerada ay bixinayaan, in haddana ay si hoose u soo rogi karaan xaalado dhaqaale oo wax u dhimaya madax banaanida Afrika. Qaaradda ayaa hadda wajahaysa fursad aan horay loo arag. Dhinac, waxa jira xiriir soo jireen ahaa oo ay qaaraddu la leedahay reer galbeedka, oo ay ka buuxaan taariikh iyo aqoon. Dhanka kale, waxaa jira isbahaysi cusub oo lala yeesho wadamada BRICS kuwaas oo ballan qaadaya koboc dhaqaale oo aan lagu xirin shuruudo siyaasadeed oo cad.

Waxa xaqiiq ah in wadamada Afrika aanan si siku mid ah loo la dhaqmi Karin, sababtoo ah heerka dhaqaale ee wadamada Afrika ayaa u baahan habab kala duwan. Laga bilaabo waddamada kheyraadka qaniga ku ah sida Nigeria iyo Angola ilaa xarumaha teknolojiyadda ee kobcaya sida Kenya iyo Rwanda. Ururka BRICS wuxuu u wajahayaa Qaaradda siyaabo kala duwan, laakiin caqabaddu waxay tahay sidii lagu ogaan lahaa iskaashiga ku habboon baahiyaha horumarineed ee dalalka Afrikaan.

Balaarinta ururka dhaqaalaha ee BRICS waxa ay siinaysaa wadamada Afrika awood ay ugala xaajoodaan heshiisyo wax tar leh ururka BRICS iyo wadamada reer galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta digniin—Afrika waa in ay iska ilaalisaa in ay noqoto goob ay ku hardamaan quwadaha reer galbeedka iyo Ururka BRICS kuwaasi oo isku haya siyaasad iyo awood. Waa in si taxadar leh loo abuuraa Iskaashi istiraatijiyadeed, iyadoo la kala soocayo danaha qaranka iyo faa’iidada mustaqbalka fog.

Dhinaca kale, balaarinta lama filaanka ah ee ururkan iyo oggolaanshaha lixda xubnood ee cusub ee Sucuudiga, Iran, Itoobiya, Masar, Arjantiin iyo Imaaraadka Carabta, ayaa laga yaabaa inay saamayn ballaaran yeelato, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mid ka mid ah su’aalaha ugu xiisaha badan ee ka dhashay ballaarintan ayaa ah in qaabka ururka BRICS wax u wajahayo ee ku salaysan iskaashiga hurumarinta dhaqaalaha laga yaabo in uu xal u noqdo khilaafaadka muddada dheer soo jiitamayay ee xubnaha cusub, sida muranka wabiga Niil ee Masar iyo Itoobiya.

Marka la eego sida ururkan diiradda u saarayo kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, BRICS waxay horumarin kartaa xalal iskaashi oo faa’iido u leh labada waddan. Xaaladani waxay tijaabo u noqon kartaa awoodda ururka ee kobcinta diblomaasiyadda dhaqaale ee xubnaheeda.

Doorka Shiinaha ee dhexdhexaadinta Sucuudiga iyo Iran ayaa bixinaya aragti wanaagsan oo ku aadan sida BRICS ay u wajahdo xallinta khilaafaadka. Xiisaddii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay Riyadh iyo Tehraan ayaa xoogaa hoos u dhacday, waxaana mahadaasi leh Shiinaha oo adeegsaday aragtiyo istiraatijiyadeed iyo dano dhaqaale oo isugu jira.

Ugu dambeyntii waxa muuqata in Afrika iyo saaxibadda cusub eek u biiraya BRICS ay haatan haystaan fursado aan horay loo arag oo ay dib ugu qeexi karaan mustaqbalkooda. Waa dheeli tirnaan aan sugnayn, balse rajo leh oo u baahan dhaq-dhaqaaq dublamaasiyadeed oo hufan. Mar walba oo danaha leeyahay ay kordhaan, waxa sidoo kale sara u kaca  suurtagalnimada isbeddelka ee Afrika iyo guud ahaan bulshada caalamka.

W/Q: Dr Maxamed Cismaan

MACLUMAAD KU SAABSAN QORAAGA

Dr Mohamed Osman Mohamoud, waxa uu heysta shahaadada PhDga. Waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (UPEACE), Marka laga soo tago doorka uu ku leeyahay dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, Dr Mohamed waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar . Waxaad kala socon kartaa qoraaga twitterka @ MohamedOsmanSom

 

Wasiirka Kaluumaysiga XFS oo sheegay in la joogo waqtigii ugu danbeeyay ee Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo la hadlay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada ayaa ku baaqay in loo istaago soo gabagabeynya iyo ciribtirka kooxaha khawaarijta ee weli ka dagaalamaya deegaanada Galmudug.

Wasiirka oo si gaar ah u xusay doorka culumada ayaa sheegay in masha’iikhdu ay sabab u ahaayeen in dalka laga xoreeyo gumeysiga shisheeye ee ku soo duulay dalka,wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha nabad-diidka ah ay doonayaan dib u dhac iyo xasilooni darro guud oo ku habsada dalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xassan Aadan ayaa caddeeyay in guusha ay ku xiran tahay in culumada iyo shacabku ay ku dhaqaaqaan la dagaalanka kooxaha khawaarijta,isagoo dhinaca kale ku taliyay in ay isdaba qabtaan kooxahaasi oo ay isu soo dhibaan ciidamada dowladda si ayuu yiri loo badbaadiyo naftooda.

Share this Article

Shacabku weey ku qanceen dadaalka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya

Shacab waynaha Soomaliyeed meel walba oo ay jogaan dal iyo dibad waxay ka siman yihiin oo ay maskaxda iyo qalbiga ku hayaan inay mar un arkaan Dowlad fiican oo matali karta magaca dadka iyo dalka Soomaaliya, riyadaas oo la wada sugayey muddo dheer goortay rumoobayso, dadka qaarkood ee soo arkay dowladnimada qiimaha ay leedahay waxay yiraahdaan nin nasiib leh ayaa arki doono dowlad Soomaaliyed oo dib lugaheeda isugu taagta si la mid ah dowladaha dunida ka jira, taas oo awood u leh inay maareeyso dhaqaalaheeda iyo amnigeeda, dibna u hanan karta magacii iyo sharafkii aan lahaan jirnay.

Doorashadii 15 May 2022 Dowaladda Soomaliya waxay cagta saartay wadada dib u soo kabashada qaran soomaalayeed oo lagu naaloodo, waxaa daliil u ah  labada Aqal ee Baarlamaanka,(Golaha shacabka iyo Aqalka sare) ay si aqlabiyad ah u doorteen Dr. Xasan sh.Mohamud oo ah siyaasi ruugcadaa oo horey u soo noqday madaxwayne la soo tijaabiyey 2012-2016. madaxeeynaha oo qibradiisa siyaasadeed ka faaiidayssnaya wuxuu magacaabay Raysalwasaare aqoon yahan ah, ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen, isku aragtina ay ka yihiin jihaynta iyo jaangooynta siyaasadda Soomaaliya, taas waxay u sahashay labada gole ee Baarlamaanka inay ku ansixiyaan Raysalwasaaraha tiro aad u badan oo ku dhow 100% taasi waxay ka turjumaysaa rabitaanka iyo rajada badan ee laga qabay wada shaqaynta madaxda sare ee dalka.

Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxay ka soo daaleen khilaaf ka dhextaagan madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne iyo Raysslwasaare oo ku kala duwan aragtida siyaasadda, hadii Duuliyaasha diyaaradda (pilot iyo Co-pilot) nimba dhinac diyaaradda u kexeeyo waxaa lala kulmayaa khatar iyo jahwareer, dowladihii hore ee Soomaaliya waxaa ragaadiyey isfaham la’aan ka dhex jirtay madaxda sare, natiijadana waxay ku dhamaan jirtay fashil aan ku Koobnayn labada hogaamiye, khilaafkaas wuxuu saamayn ku yeelan jiray dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto, iyadoo dadka waxgaradka ah wajigooda laga dareemi jiray inay aad uga xun yihiin khilaafka madaxda sare oo had iyo jeer keeni jiray burbur siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada dowlad dhiska soomaaliya, waxaana hoos u dhici jiray magaca iyo maqaamka dadka iyo dalka Soomaaliya, iyadoo la wajihi jiray jaheareer, hubanti la’aan iyo carqalad siyaasadeed oo ay buunbuunin jireen danleey aragti gaaban leh oo u adeega dano shisheeye iyagoo doonaya inay ka faaiidaystaan khilaafka iyo iska hor imaashaha madaxda sare.

Artintaas khilaafka madaxda sare waxay soo jiitamaysay 20kii sano ee la soo dhaafay ee lagu dhex jiray dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana la soo gaaray waqtigii caqabadaas laga gudbi lahaa, waxaa dalku yeeshay Madaxweyne iyo Raysalwasaare isku aragti ka ah arrimaha siyaasadda, taas oo ku dhisan Danta Qaranka, waa sababta xukuumadda loogu magac daray Dan Qaran, si looga wada fekero danaha ummadda soomaaliyeed meel walboo ay jogaan, iyo in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Rajada iyo dareenka dadka soomalida ay ka qabaan dowladnimada dib bay u soo noolaatay, Shacabka Soomaaliyeed waxay arkeen shaqo badan oo ay dowlaaddu qabatay, Xukuumadda Dan Qaran ee uu hogaamiyo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre waxay dardar gelisay in la sameeyo shuruucdii lagu hagi lahaa howlaha adeegyada bulshada loo qabto.

Muddo gaaban gudaheed golaha wasiiraddu waxay sameeyeen isla markaasna ansixiyeen in ka badan 8 sharci oo loo gudbiyey Golaha Baarlamaanka, wali ma dhicin taariikhda siyaasadda Soomaaliya in muddo sanad gudaheed ah lagu qabto howl baxadaas leh, xukuumadda Dan Qaran waxay muujisay dadaal iyo xilkasnimo aad u badan.   Shacabka Soomaaliyeed waxay ku amaaneen Xukuumadda Dan Qaran la dagaalanka musuqmaasuqa, arrimaha amniga, waxbarasha iyo Arrimaha dibadda oo aad loogu guulaysatay.

La Dagaalanka Musuqmaasuqa,

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u arkaa la dagaalanka musuqmaasuqa inay tahay shaqo mudan in la siiyo ahmiyadda koowaad, waxayna qayb ka tahay ballanqaadkii khudbadii madaxweynaha Dr. Xasan sh.Maxamud uu ka jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka xilligii doorashada, wuxuna ballanqaaday hadii la doorto in dalka laga hirgalinayo dowlad wanaag (good  governance), dadka  la socda taariikhda Soomaaliya waxay ku tilmaamaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Dr.Xasan Sh.Maxamud iyo Raysalwasaare Xamza Cabdi Barre inay ku taagan tahay wadadii dowladii madaxweyne Adan Abdulle Osman, (Adan cadde) iyo Abdirisaaq Xaji Xuseen oo lagu xasuusto dowlad wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, xilligaas dad badan ayaa ku waayey xilkooda musuqmaasuq iyo karti la’aan iyadoo loogu magac daray Busta Rosa.

Amniga,

Dowladda soomaaliya waxay ku guulaysatay inay dib u xorayso goobo badan oo ay maamuli jireen kooxda AL-Shabaab.  Ciidamada qalabka sida waxay muujisay inay awood u leeyihiin hanashada amniga dalka,  iyadoo kor loo qaaday tayada iyo qalabka ciidanka, waxayna diyaar u yihiin inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka maadaama ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan dabayaaqada 2024, ATMIS waxay bilaabeen inay ku wareejiyaan ciidamada Soomaliya goobo badan oo ay horey u daganaayeen iyagoo isu diyaarinaya inay dib ugu laabtaan dalalkooda.

Dhinaca waxbarashada,

madaxeynaha iyo raysalwasaruhu maadaama ay ka wada tirsanaan jireen bahda waxbarashada waxay ku dadaaleen in wasiirka uu noqdo shaqsi aqoon iyo khibrad badan u leh Arrimaha waxbrashada waxana loo magacaabay Ustaad Farax Abdulqadir oo muddo badan ka soo shaqeeyey waxbarashsda dalka, dowlada federaalka waxay dardargelisey kor u qaadista tayada waxbarashada, midaynta manaahijta dalka si loo mideeyo waxbarashada ardayda soomaaliyeed korna loogu qaado heerkooda waxbarsho, wasaradda waxbarashada waxay qabatay shirwayne looga hadlayo waxbarashada dalka heerka ay marayso, caqabaedaha ku gadaaman iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadahaas. Nasiib wanaag waxaa lagu guulaystay in laga gudbo caqabad wayn oo jirtay taasoo ahay macallimiinta oo aad u  tiro yar, marka la barbardhigo ardayda, tuulooyinka ka fog magaalooyinka waxa ka jiray macallin yaraan baahsan, dowladda federalka waxay howl gelisay ilaa 3000 macallin oo loo qaybiyey gobaladda dalka oo dhan iyadoo lagu saleeyey baahida macallin ee ka jirta degaan walba.

Xiriirka Arrimaha Dibadda,

Dowladda federalka Soomaaliya waxay si Mug leh u howl gelisay wasaaradda Arrimaha dibadda oo uu hogaaminayo wasiir Abshir Huruuse oo ah shaqsi leh karti iyo hufnaan aqoon gaar ahna u leh xiriirka caalamiga, wasaaradda Arrimaha dibadda waxay ka miro dhallisay hal kudhagga Madaxeeynaha oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah, Dowladda federaalka waxay ku guulaysatay in waddamada deriska lala yeesho xiriir wanaagsan oo ku dhisan Daris wanaag.  Wasaaraddu waxay door wayn ka qaadatay in danaha Soomaaliya si mug leh looga shaqeeyo heer gobol, qaarad iyo heer caalami intaba, in soomaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo madaxweyne Dr. Hassan Sh.Mohamud uu ka jeediyey qudbad qiiro leh xarunta golaha Amaanka, dowlado badan ayaa soo dhaweeyey in soomaliya laga qaado cunaqabaynta hubka, sidoo kale wasaaraddu waxay u istaagtay sidii Soomaaliya looga cafin lagaa daymaha.  waxa xusid mudan wasaaradda Arrimaha dibadda inay qayb libaax ka qaadatay gurmadka loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Sudan, iyadoo la soo daad gureeyey dad badan oo ay ku jiraan caruur, haween, waayeel iyo arday intaba.

Wasaaraddu waxay u qareentay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku xirnaa wadamo kala duwan iyadoo lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo dhulkooda hooyo. waxaa bogaadin  mudan in Soomaliya ay ka qayb gashay markii ugu horaysay shirka looga hadlayo mamnuucidda isticmaalka hubka nuklerka Conmprehensive nuclear Test Ban Treaty Orgsnization(CTBTO), ururkaas wuxuu aad u dhiirigeliyaa hormarinta sayniska iyo technolojiyada, (Science and Technology).

Ururka CTBTO waxaa ka faa’iidaysta wadamo badan oo qaarkood ay yihiin wadamada soo koraya, taasoo la rajaynayo in dowladda Soomlaiya ay ka faa’daysan doonto maadaama uu wasiir Huruse ka qayb galay shirwaynaha Ururka CTBTO, wuxuna ka soo jeediyey qudbad qiimo badan oo xambaarsan aragti siyaasadeed oo muujinaysa halka Soomaaliya ay hiigsanayso dhinaca Sayniska iyo Technolojiyada, Khudbadda wasiirka waxay aad u soo jiidatay dhamaan wafuudii calamka ka kala socotay, shirkaas wuxu ka dhacay Vienna, Austria,

Talo soo jeedin ku wajahan Dowladda Federaalka.

1-In kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha dowladda, dunida waxay ku horumartay kor u qaadista karaan ama kartida shaqo ee aadanaha (Human Capital), iyo in laga faa’iidaysto aqoon yahanka Soomaaliyeed oo leh aqoon sare, khibrad  iyo daacadnimo diyaarna u ah inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa, wadamada Japan,South Korea iyo Singapore, malaha khayraad badan oo dabiici ah laakiin waxay horumariyeen dadkooda iyagoo baray aqoon,xirfadaysan iyo karti howsha lagu  fuliyo (Competence), dadka Soomaaliyeed hadii tayadooda kor loo qaado waxaan hubaa inay la tartami karaan wadamadaas aan kor ku soo xusay.

2-Shacabka Soomaaliyeed waxay talo ku soo jeedinayaan in nabad lagu soo dabaalo Gobalada dalka ee ay colaaduha ka jiraan iyadoo la adeegsanayo culimada diinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed si loo gaaro xal nabad galyo ku dhisan

3-In guud ahaan dalka laga abaabulo ALLE Barrri iyo duco, in Alle la waydiisto cafis guud, dadka oo dhanna laga codsado inay is cafiyaan, si loola yimaado niyad sami horseedi karta in Soomaliya ilaahay towfiiqda waafajiyo oo ay midowdo, Soomaalidii hore xaalka markuu adag yahay waxay oran jireen aan ducaysano.

4-In da’yarta soo koraysa ee ku jirta heerarka kala duwan ee waxbarashada lagu barbaariyo walaalnimo iyo Soomaalinimo, waayeelkana lagu boorriyo walaalnimada iyo Soomaalinimada si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybin iyo khilaaf Bulsho.

Guntii iyo Gabagabo Sahacabka Soomaaliyeed waxay qirayaan in dowladda fedraalka ay qabatay shaqo wanagsan islamarkaana ay raali ka yihiin hogaanka siyaasadda Soomaaliya ee madaxweyne Dr.Xasan Shiikh Maxamud iyo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre. Xukuumadda Dan Qaran waxay mujisay dadaal dheeraad ah muddadii ay jirtay ee sanadka ahayd, waxaana laga rajaynayaa in dowladdu ay qaban doonto shaqooyin badan oo muhiim ah sanadada soo socda hadii ALLE idmo.

Amb.Osman Mohamed Adan

[email protected]

Kuuriyada Woqooyi oo soo bandhigtay gujisyada ku howlgala hubka Niyuklerka

Kuuriyada Woqooyi ayaa ku dhawaaqday in ay furtay bog cusub oo ku aadan weerarada xirfadeysan  ee loo adeegsado maraakiibta ku howlgala hubka Niyuklerka ah ee ku socda biyaha hoostooda.

Qorshahaan oo ka yimid hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un ayaa qeyb ka ah dadaal lagu hormarinaayo ciidamada badda si ay uga hortagaan waxa lagu tilmaamay Mareykanka iyo xulafadiisa Aasiya.

Wakaaladda Wararka Dhexe ee Kuuriya (KCNA) ayaa sheegtay in farsameynta gujiska No 841 ee lagu magacaabo Hero Kim Kun uu awood u leeyahay in uu badda hoosteeda ka tuuro gantaalada hubka niyuklerka ah.

Ma cadda tirada gantaallada uu markabkani qaadi karo oo uu ridi karo, balse markii la falanqeeyay sawirrada warbaahinta dawladda qaar ka mid ah khubarada ayaa soo jeediyay in ay awoodaan isticmaalka illa 10 ka mid ah hubka Pukgoksong-3 ee Kuuriyada Waqooy.

Sidoo kale, ma cadda in gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi ay hagitaan wanaagsan u leeyihiin inay ku degaan bartilmaameedyo gaar ah.

Ciidamada Xoogga oo khawaarijta ka xoreeyay Deegaanka Ceel-lahelay iyo tuulooyin kale

Ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo dhowr deegaan ku baacsaday Khawaarijta ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo u dhow deegaanka Ceel-lahelay oo isna shalay laga xoreeyey Khawaarijta.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo uu kamid ahaa Jeneraal Aadan Laba-afle iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, sidoo kale waxaa shalay ciidanka furimaha ku booqday Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ku jiraan howlgal saf-balaaran ah oo ka socon doona deegaanka Ceelgaras ilaa degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.