Wasiirka Ganacsiga XFS oo markale ganacsatada Soomaaliyed ugu baaqay garab istaaga ciidanka Qaranka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi,oo markale maanta xarunta saadka iyo Taakulaynta ciidanka xoogga gaarsiiyay deeq rashiin ah  ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed  ugu baaqay inay soo garab istaagaan Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Wasiir Jabriil ” Waxaan markii labaad ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed inay isi soo garab taagaan Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta”.

wasiirka waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan bilaabeen olole loogu magac daray hal dollar ku xoree dalkaaga oo lagu garab istaagayo ciidankeena geesiyaasha ah.

Munaasabadda  deeqda lagu wareejinayay waxaa sidoo kale goob joog ahaa wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Osman Mohamed Abdi (Daallo, iyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Mar walba garab istaaga ciidamada Qaranka dagaalka xooggan kula jira argagixisada.

Madaxa Hoggaanka Saadka iyo Taakulaynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sharmaarke Cali Afrax oo ugu dambayn halkaas ka hadlay, ayaa wuxu boggaadiyey dedaalka ay Wasaaradda Ganacsigu ku bixinayso taageeridda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo uu xusay inay tahay markii labaad ee ay soo gaarsiiyaan deeq raashin ah, waxaana uu uga mahadceliyey taakuladdooda iyo garab istaagooda intaba isaga oo cod dheer ku sheegay sidoo kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed iyagana loogga baahan yahay taageeridda Ciidankooda.

‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)

howlgalada lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ayaa sii xoogeysanaya, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay laga diiwaangalinayaa in Degmada Ruunnirgood, beryaanba ay ka socdeen duqeymo lala begsanayo Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab,  Waaberigi dorraato guri ay ku shirayeen kooxda Maafiyada Khawaarijta ah, gaar ahaan kuwa xisbada ay Shabaabku u yaqaaniin ayaa dhulka lagu malaasay/masaxay, waxaana la sheegay inaan hal ruuxna ka badbaadin, halka  Gurigii ku dhegganaa kuwa ku jirayna iyana laba midna garab ka go’ay midna labada lugoodna waa la sheegay, midkoodna uu yahay taliyihii saldhigga degmada  Khawaarijta ah ugu magacaawnaa Degmadaas, sida ay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegeen Dadka Deegaanka.

Shalayna  abbaaro 12:00-kii duhurnimo  meel aan degmada sidaa uga sii fogeyn ayaa lix madfac lagu dhuftay, Madfacana sidiisaba meel aysan dhoobneyn laguma rido, taas oo ka dhigan meeshii lix madfac ku dhacday waa meel ay ku baabba’een, sida la sheegay, ilaa haddana wax tafaasiil ah lagama haayo,  Gaalo jabkeeda waa qarsataa ayaan maqli jiray, haddase waxa beddelay: “Maafiyadu ama Khawaarijtu jabkooda waa qarsadaan”. “Howshu hadda ayay meel fiican ku socotaa ee yaan halkaas laga deyn. Guryaha ay ku shiraayaanna ha lagu gubo, markii la ciribtiro ayaan guryaha dhisaneynaa e”, sidaasi waxaa yiri Odey ka soo jeeda Degmada Ruunnirgood oo ka tirsan Goboka Shabeelada Dhexe.

Dhinaca Abaabulka Haweenka  aad buu u socdaa waxayna hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Ciidankooda ku jira la dagaalanka Khawaarijta, sidaasi awgeed ayay Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shalay xarunta Gobolka Banaadir ee lagu diyaariyo raashinka qalalan ee saadka ciidanka gaarsiiyay raashin kala duwan oo ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka (Macawisleey) ee jooga furimaha hore ee dagaalka, iyagoo ku jira howshaasi diyaarinta saadka Ciidanka ayay qaadayeen hees howleed ay ereyadooda ka mid ahaayeen :-  War Shabaaboow, Qaran diidaye ,  Qayaamaha hoo, dal xoreeyaa dalka soo galay.

Cumar Maxamed Kulmiye (Omar British) oo ah Tafatiraha SNA Radio ayaa wax ka qoray Asluubta iyo waxa looga baahan yahay qofka ka mid noqonaya Ciidanka Qaranka, waa uuna qoralkiisa ku bilaabay:- Maxaa Looga Baahan Yahay Ciidan? Ciidanka waxaa looga baahan yahay laba arrimood oo tiir u ah ciidanka waxayna kala yihiin  (Discipline And  Moral), oo ah Anshax iyo Niyad,  waa inuu  jiraa ismaqal iyo kala dambayn. Sarkaalka ciidanaka hogaaminaya waa inuu ciidanka u jiheeyo tubta wanaagsan ee ay cadawga ku jebin karaan, Ciidankana waa inay yaqaanaan howlgalka iyo cadawgooda dhanka uu ka jiro.

Haddii ciidan ay meel ka baxayaan waa in go’aanka uu ka yimaado madaxda sare, haddi loo arko in ciidankaas uu meesha halis ku galayo ama uu ku dayacan yahay waa dhici kartaa in dib u gurasho laga sameeyo. Waxaa  lagama maarmaan ah in quluubta ciidanka la diyaariyo, oo la baro wadaniyadda, loo diyaariyo hadba xaaladda ay wajahayaan, oo kaliya waxbarashadooda aan lagu ekeyn sida loo rido qoriga. Sidoo kale waxaa muhiim ah in ciidanka la baro xeeladaha ay isticmaalayaan kuwa ka soo horjeeda ee cadawga ah, loona xulo hoggaan sax ah oo qiimeyn kara xaaladda taagan, kuna hoggaamin kara siyaasad wanaagsan,  kana amar qaata dadka ka sarreeya, hadii taas la waayana, ay qolo waliba  sameyneso waxey doonto, waxaana meesha ka baxaya xakameynta khasaaraha soo gaaraya ciidanka, ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkisa Suxufigaasi.

“Mw Xasan Shiikh Maxamuud maanta wuxuu sidaasi ugu dhibtoonayo dantiisaoo kaliya ma aha, xaafiiskiisa qaboojiyaha leh inta dhex fariisto saas hala yeelo inuu dhaho waaye shaqadiisa, ku darsoo Qoyskiisa (familkiisa) iyo asaguna Alxamdulilaah aduunka meeshey rabaan ayay uga noolaan karaan,  balse damiirkiisa ayaa u diiday inuu khawaarijta ku fiirsado siday u cadaabayaan Shacabka Soomaaliyeed.  Kuwa halgankaasi in uu san guuleysan ka shaqeynaaya Qarash haku bixiyaan ama qaaquur ama Walaahoow dadka fahanka yar ha galiyaan,  waxaad ogaataa waxa loo dagaalamaayo waa mustaqbalka jiritaanka qofka Soomaaliga ah ee 15kii sano ee la soo dhaafay  Argagixisada u afduubnaay oo naftooda maalkooda iyo sharaftoodaba ay ku xadgudbaayeen”, sidaasi waxaa yiri:- Muwaadin Soomaaliyeed oo aad uga damqaday xaalka uu ku sugan yahay Madaxweynaha JFS.

“Ilmihi la dayacay ama duruuf guryahooda ha ka soo bixisay waaye kuwa ay maanta khawaarijtu qaraxa ku xireen iyagoo nool wax la fiirsa kara ma aha, meel dhexe oo la istaago ma leh sida Mw Xasan Shiikh Maxamuud Dalxoreeye yiri. Illaaheey waxaan ka baryaa inuu garabkiisa galo oo cadawgeenu jabo guul inshaallah”, sidaasi ayuu sii raaciyay.

Waxaan soo xasuustay Hees uu curiyey Allaha u naxariistee Abwaan Cusmaan Aaden Askari ee uu ku lahaa  oo ay ereyadeeda ka mid aheyd “Ninka ugu il-dheerbaa dadka ugu ayaan daran, Waxaan lala arkeyn baa, isaga uun u muuqdee Axey ax maskaxdaa laga abaaroobayee”. Marka waxa aan ku soo gunanadaa warbixintan ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi doonaa ‘.

20-katirsan khawaarijta oo saakay lagu dilay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa aroornimadii hore ee saakay ka hor tagay weerar qar iska tuurnimo ah oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu dilay Maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah, ayagoo goobta uga cararay meydadka in ka badan 20 Maleeshiyaad ah.

Saraakiisha ciidammada ayaa hadda wada tira koobka qasaaraha rasmiga ah ee saakay lagu gaarsiiyey Khawaarijta dagaalka degmada Awdheegle.
Wixii war ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa insha Allah.

Kacdoon cusub oo ka dhan ah Khawaarijta oo looga dhawaaqay gobolka Hiiraan.

Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan waxaa markale ka billaawday kacdoonka dagaal ka dhan ah khawaarijta oo looga saarayo degaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan Galbeedka gobolka Hiiraan.

Degmadaan waxaa shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin katirsan dowladda kuwaa oo Shacabka degmadaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan howlgal ka dhan ah khawaarijta

Madaxweyne ku xigeenka oo uu wehlinayay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloshe), ayaa goob fagaare ah kula hadlay shacabka Moqokori asigoo ku booriyey in ay u midoobaan oo ay isku diyaariyaan Dagaal markale degaannada ay khawaarijta kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan looga saarayo.

Yuusuf Dabageed ayaa bulshada u sheegay in kooxaha khawaarijta uu waqtigoodii dhammaaday inta hartana ay tahay in ay shacabka oo kaashanaya dowladda ay iska xoreyaan,waxa uu sheegay in dowladda Hirshabeelle ay la garab taagan tahay,waxii ay uga baahdaan.

Gobolka Hiiraan oo kamid ah goobihii ugu horeyay ee looga dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa door fir-fircoon ka qaatay howlgalladaasi, iyagoo degaanno badan ka saaray khawaarijta.

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumada Faderaalka Soomaaliya.

Wasiiradan oo kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed iyo xubno ka tirsan xafiiska Wasaaradahaas ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, iyadoo Wasiirada dhigooda ah ee Jubaland ay qayb ka ahaayeen qaabilada iyo soo dhaweeynta loo sameeyey wafdiga.

Ujeedka socdaalka Wasiiraddan ayaa ahaa xoojinta xiriirka iyo wada shaqeeynta kala dhaxaysa Wasaaradaha kale ee wadashaqeynta la leh iyo sidii mashaariicda hormarineed ee ka socda guud ahaa dalka la isaga kaashan lahaa.

Guddoomiyaha Hey’adda maareynta musiibooyinka oo dalka Kenya kulamo kula yeeshay madax ka kala socda UK iyo Finland

Nairobi- Intii lagu guda jiray shirka todobaadka Cimilada Afrika ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waftiga Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay agaasimaha xafiiska Dawladda UK u qaabilsan Horumarinta Dibedda ee (FCDO) mudane Damon Bristow.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii lagu xoojin lahaa iskaashiga hadda jira ee dhinacyada gargaarka bini’aadannimo iyo horumarineed ee Soomaaliya iyo u diyaar garowga duufaanta El Nino oo laga cabsi qabo inay saameyso in ka badan hal milyan oo qof xilli roobaadka soo socda.

Sidoo kale wafdiga SoDMA ayaa la kulmay safiir ku xigeenka Finland u fadhiya Soomaaliya, ahna ku simaha madaxa iskaashiga Finland. Dowladda Finland waxay ka mid tahay deeq bixiyayaasha muhiimka ah iyo dowladaha iskaashiga horumarka la leh Soomaaliya, kana taageera dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, deeqaha bani’aadannimo iyo dowlad wanaagga.

Soomaaliya oo u tartameysa Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga saddexaad kulankiisa 24-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ee ku saabsan shirweynaha Isbedelka Cimilada Qaarada Afrika, iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwa oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo u sharaxan xilka Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, taas oo Soomaaliya uga faa’ideysan karto arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda, iyo go’aano masiiri u ah dalka. Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in garab istaageeda uu muhiim u yahay guud ahaan dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa codkiisa ku biiriyay in la taageero olole xoog lehna loo galo Xil. Marwa Cabdi Bashiir, sidii ay ugu guuleysan laheyd xilka ugu sareeya ee Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay taageero kaliya, waxaana uu sheegay in Xildhibaanadda loo sameyn doona olole qaran isla-markaana wuxuu tilmaamay in Baarlamaanada saaxib-ka la’ ah Soomaaliya laga codsan doono ineey na garab istaagaan.

Midowga Baarlamaanka adduunka oo ay xubno ka yihiin 179 wadan, ayaa soo jiray in ka badan 120 sano, waxaana uu xariiriyaa Baarlamaannada Caalamka oo dhan.

                    

Ra’iisul wasaare Xamse booqasho rasmi ah ku joogay dalka Qatar ayaa dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar.

Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxaa kulamo kala duwan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani, masuuliyiin kala duwan iyo ganacsatada dalka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda dowladda Qatar sidii ay u ballaarin lahayd taageerada xagga amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada Qatar ku sameystaan dalkeena, qodobaasi oo dhammaantood labada dowladood isku afgarteen.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

      

Wiil iyo Abtigii oo ka mid ahaa Khawaarijta ayaa isku dilay qeybsashada Baad ay ka soo qaateen dad xoola dhaqato ah

Galgaduud:- Xubno ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo isku dilay deegaanka Hoodlay oo ka tirsan Degmada Ceeldheer, laba horjooge oo khawaarijta ugu magacownaa waxay ugu yeeraan Naaqib ayaa is dilay ka dib markii ay isku khilaafeen siday u qaybsanayaan Xoollo baad ah oo ay ka soo dhaceen Shacabka Danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Labadda horjooge ayaa kasoo jeeda bariga Gobolka Galgaduud Daahir Xasan Maxamed Yool iyo Ciise Cabdi Barre ayaa dhowaan Barraha Bulshada laga daawaday iyagoo qabanaya shir jaraa’id oo ay ugu hanjabayaan Shacabka Soomaaliyeed nasiib wanaag masiibadii ay Shacabka Soomaaliyeed la rabeen ayaa dhexdooda ka qaraxday waxaana 7-dii bishan la dilay Daahir Xasan Maxamed Yool, Sida uu mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo SONNA la hadlay u xaqiijiyey waxaana dilay Ciise Cabdi Barre oo abti loo ahaa, waxuuna  khilaafkoodu ka dhashay habka ay u qaybsanayaan Xoollaha ay ka soo dhaceen dadka Deegaanka.

Ciise waxa uu ahaa horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta,waxa uuna madax ka ahaa geegaanka Garable, halka Daahir Yool oo ah kan la dilay uu ahaa Ninka u qaabilsan ka soo aruurunta beeshiisa waxa ay khawaarijtu ugu yeerto Sakawaatka.

Horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay sii xoogeysteen howlgallada gaarka ah deegaannada ay ku sugan yihiin,islamarkaanna ifka looga qariyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad dhowr ah oo gudaha Khawaarijta saameyn ku lahaa ayaa waxaa sii xoogeystay cabsida iyo kala shakiga soo kala dhex galay horjoogayaasha dhexdooda, taas oo ka dhalatay howlgallada gaarka ah.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo tababbar uga socdo dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababbar uga soconayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqdaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.