‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi ‘ (WARBIXIN)

howlgalada lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ayaa sii xoogeysanaya, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay laga diiwaangalinayaa in Degmada Ruunnirgood, beryaanba ay ka socdeen duqeymo lala begsanayo Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab,  Waaberigi dorraato guri ay ku shirayeen kooxda Maafiyada Khawaarijta ah, gaar ahaan kuwa xisbada ay Shabaabku u yaqaaniin ayaa dhulka lagu malaasay/masaxay, waxaana la sheegay inaan hal ruuxna ka badbaadin, halka  Gurigii ku dhegganaa kuwa ku jirayna iyana laba midna garab ka go’ay midna labada lugoodna waa la sheegay, midkoodna uu yahay taliyihii saldhigga degmada  Khawaarijta ah ugu magacaawnaa Degmadaas, sida ay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegeen Dadka Deegaanka.

Shalayna  abbaaro 12:00-kii duhurnimo  meel aan degmada sidaa uga sii fogeyn ayaa lix madfac lagu dhuftay, Madfacana sidiisaba meel aysan dhoobneyn laguma rido, taas oo ka dhigan meeshii lix madfac ku dhacday waa meel ay ku baabba’een, sida la sheegay, ilaa haddana wax tafaasiil ah lagama haayo,  Gaalo jabkeeda waa qarsataa ayaan maqli jiray, haddase waxa beddelay: “Maafiyadu ama Khawaarijtu jabkooda waa qarsadaan”. “Howshu hadda ayay meel fiican ku socotaa ee yaan halkaas laga deyn. Guryaha ay ku shiraayaanna ha lagu gubo, markii la ciribtiro ayaan guryaha dhisaneynaa e”, sidaasi waxaa yiri Odey ka soo jeeda Degmada Ruunnirgood oo ka tirsan Goboka Shabeelada Dhexe.

Dhinaca Abaabulka Haweenka  aad buu u socdaa waxayna hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Ciidankooda ku jira la dagaalanka Khawaarijta, sidaasi awgeed ayay Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shalay xarunta Gobolka Banaadir ee lagu diyaariyo raashinka qalalan ee saadka ciidanka gaarsiiyay raashin kala duwan oo ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka (Macawisleey) ee jooga furimaha hore ee dagaalka, iyagoo ku jira howshaasi diyaarinta saadka Ciidanka ayay qaadayeen hees howleed ay ereyadooda ka mid ahaayeen :-  War Shabaaboow, Qaran diidaye ,  Qayaamaha hoo, dal xoreeyaa dalka soo galay.

Cumar Maxamed Kulmiye (Omar British) oo ah Tafatiraha SNA Radio ayaa wax ka qoray Asluubta iyo waxa looga baahan yahay qofka ka mid noqonaya Ciidanka Qaranka, waa uuna qoralkiisa ku bilaabay:- Maxaa Looga Baahan Yahay Ciidan? Ciidanka waxaa looga baahan yahay laba arrimood oo tiir u ah ciidanka waxayna kala yihiin  (Discipline And  Moral), oo ah Anshax iyo Niyad,  waa inuu  jiraa ismaqal iyo kala dambayn. Sarkaalka ciidanaka hogaaminaya waa inuu ciidanka u jiheeyo tubta wanaagsan ee ay cadawga ku jebin karaan, Ciidankana waa inay yaqaanaan howlgalka iyo cadawgooda dhanka uu ka jiro.

Haddii ciidan ay meel ka baxayaan waa in go’aanka uu ka yimaado madaxda sare, haddi loo arko in ciidankaas uu meesha halis ku galayo ama uu ku dayacan yahay waa dhici kartaa in dib u gurasho laga sameeyo. Waxaa  lagama maarmaan ah in quluubta ciidanka la diyaariyo, oo la baro wadaniyadda, loo diyaariyo hadba xaaladda ay wajahayaan, oo kaliya waxbarashadooda aan lagu ekeyn sida loo rido qoriga. Sidoo kale waxaa muhiim ah in ciidanka la baro xeeladaha ay isticmaalayaan kuwa ka soo horjeeda ee cadawga ah, loona xulo hoggaan sax ah oo qiimeyn kara xaaladda taagan, kuna hoggaamin kara siyaasad wanaagsan,  kana amar qaata dadka ka sarreeya, hadii taas la waayana, ay qolo waliba  sameyneso waxey doonto, waxaana meesha ka baxaya xakameynta khasaaraha soo gaaraya ciidanka, ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkisa Suxufigaasi.

“Mw Xasan Shiikh Maxamuud maanta wuxuu sidaasi ugu dhibtoonayo dantiisaoo kaliya ma aha, xaafiiskiisa qaboojiyaha leh inta dhex fariisto saas hala yeelo inuu dhaho waaye shaqadiisa, ku darsoo Qoyskiisa (familkiisa) iyo asaguna Alxamdulilaah aduunka meeshey rabaan ayay uga noolaan karaan,  balse damiirkiisa ayaa u diiday inuu khawaarijta ku fiirsado siday u cadaabayaan Shacabka Soomaaliyeed.  Kuwa halgankaasi in uu san guuleysan ka shaqeynaaya Qarash haku bixiyaan ama qaaquur ama Walaahoow dadka fahanka yar ha galiyaan,  waxaad ogaataa waxa loo dagaalamaayo waa mustaqbalka jiritaanka qofka Soomaaliga ah ee 15kii sano ee la soo dhaafay  Argagixisada u afduubnaay oo naftooda maalkooda iyo sharaftoodaba ay ku xadgudbaayeen”, sidaasi waxaa yiri:- Muwaadin Soomaaliyeed oo aad uga damqaday xaalka uu ku sugan yahay Madaxweynaha JFS.

“Ilmihi la dayacay ama duruuf guryahooda ha ka soo bixisay waaye kuwa ay maanta khawaarijtu qaraxa ku xireen iyagoo nool wax la fiirsa kara ma aha, meel dhexe oo la istaago ma leh sida Mw Xasan Shiikh Maxamuud Dalxoreeye yiri. Illaaheey waxaan ka baryaa inuu garabkiisa galo oo cadawgeenu jabo guul inshaallah”, sidaasi ayuu sii raaciyay.

Waxaan soo xasuustay Hees uu curiyey Allaha u naxariistee Abwaan Cusmaan Aaden Askari ee uu ku lahaa  oo ay ereyadeeda ka mid aheyd “Ninka ugu il-dheerbaa dadka ugu ayaan daran, Waxaan lala arkeyn baa, isaga uun u muuqdee Axey ax maskaxdaa laga abaaroobayee”. Marka waxa aan ku soo gunanadaa warbixintan ‘Kabo qaad fulay ah iyo Nin karmeed baa loo kala bixi doonaa ‘.