DEGDEG: Ciidamda Qaranka oo magaalda Wabxo ka saaray kooxda Khawaarijta

Dhuusamareeb: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya ciidamada shacabka deegaanka ayaa goor dhaw si buuxda ula wareegay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah goob aad u muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda FS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen magaalada Wabxo iyo deegaano kale, kuwaas oo in muddo ah Khawaarijtu ay dhibaato ku haysay.

Ciidamada ayaa hadda ka wada magaalada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga, miinooyinkana looga saarayo.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise, iyo goobo kale .

Khawaarijta ayaa isku dayay in ay difaacdaan magaalada, waxaana meel 8-km u jirta magaalada ka dhacay dagaal kaas oo lagu jabiyay Khawaarijta

Goor dhaw halkan kala soco faahfaahinta hawlgallada socda

Wasiirka duulista hawada oo la kulantay madaxda hay’adda ICAO

Nairobi: Wasiirka wasaaradda duulista hawada dowladda FS marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo uu wehliyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay madaxda sare ee hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO.

Madaxweynaha hay’adda ICAO Mr. Salvatore Sciacchitano, Xoghayaha guud ee ICAO Mr. Juan Carlos Salazar iyo masuuliyiin kale ayey wafdiga ka socda Soomaaliya kala hadleen wada shaqaynta labada dhinac iyo sidii mustaqbalka loo xoojin lahaa iskaashiga iyo mashaariicda horumarineed ee dhinaca duulimaadyada.

Mr. Salvatore Sciacchitano Madaxweynaha hay’adda ICAO ayaa bogaadiyey sida Soomaaliya ay horumar wayn uga samaysay maamulka hawadeeda, iyadoo muddo kooban ku hawlgalisay shaqaale xirfad sare leh iyo qalabcasri ah oo u suura galiyey inay hawadeeda ku maamusho darajada ugu sarreysa, taas oo uu ku tilmaamay mid tusaale adduunka u noqon karta.

Shirkan ayaa si qoto dheer looga hadlay horumarka ay Somaaliya ka gaartay dhanka duulista hawada, iyadoo la isla gartay in wadanka loo diyaariyo sidii uu uga gudbi lahaa qiimaynta hay’adda ICAO ee bisha September sanadka 2025.

  

Ciidamada Xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka degaanaka ayaa howlgallo  ballaaran oo ka dhan khawaarijta kawada degaanno iyo tolooyin hoostag gobolka Galgaduud,halkaa oo laga sifeynayo khawaarijta dhulka howdka ah ku dhuumaleeysanayso.

Howlgalka ayaa ciidamada xoogga waxa ay kula wareegeen dhul ballaaran oo isugu jira degaanno iyo tuulooyin ay kamid yihiin Jaaw, Daadaale Habarcirir iyo Xilin-Fardood ,halkaa oo ciidamada ay ka sifeyeen khawaarjita gacanta ay ku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka,iyadoo wali ay ciidanka wadaan howlgallada sifeynta ah ee ka socoda degaannada katirsan Galmudug.

Khawaarijta gabalkoodu dhacay ayaa wajahayo dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidanka geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka,waxana ciidamada ay khawaarijtu ka sifeyeen dhulka howdka ah ee dhaca Bariga gobolka Galgaduud,halkaa oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku lahayeen.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha jamhuuriyadda Dalka jibouti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.

   

Toogasho ka dhacday meel u dhow Hebroon oo lala beegsaday laba Israa’iil ah

Haweeney Israa’iili ah ayaa dhimatay nin kalena waxaa soo gaaray dhaawac halis ah,kadib markii rasaas lagu furay gaari marayey wadada 60-aad ee u dhow magaalada Hebron ee daanta galbeed.

War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Islamic Jihaad ee Falastiin waxay ku sheegtay in toogashadu ay tahay jawaab ku aaddan dembiyada iyo gardarrada ay Israa’iil ku hayaan dadka reer Fakastiin.

Ciidamada Israa’iil oo soo gaaray goobta uu ka dhacay shilkaasi aya bilaabay baaritaanno,waxayna guud ahaan xireen deegaankaasi,iyadoo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu lagu wargeliyay weerarkaaasi.

Dhacdadaan ayaa daba socotaa weerar kale oo toogasho ah oo todobaadkii hore ka dhacay koonfurta Nablus ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay ku dhinteen laba Israa’iiliyiin ah.

Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sanadkan waxaa ka dhacay rabshado aad u xoog badan, kuwaas oo ahaa kuwii ugu badnaa muddo labaatan sano ku dhow, iyadoo ciidamada Israa’iil ay marar badan gudaha u galeen xeryaha qaxootiga ee Falastiiniyiinta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud

Taliyaha ciidanka xoogga dalka janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud

Taliyaha ciidanka xoogga  ayaa kormeeray furimaha hore iyo difaaca ciidamada ee magaalada Galcad isagoo kula dardaarmay in jihaadka ay Khawaarijta kula jiraan ay si adkeeyaan

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maalmahan socdaal ku tagayay furumaha hore ee ciidan dowladda ay ku baacsanayaan khawaarijta si loo dhiirigeliyo howlgallada ciidamada kawadaan degaanada katirsan Galmudug iyo Hirshabeelle.

Cadaala “Gurigoodu waa godkaas, Ceelkoodu waa bacdaas, cuntadana ka sii daran” (WARBIXIN)

Wali waxaa socda abaabul ciidan ee ka kala socda Degmooyinka uu ka kooba yahay Maamul-goboleedka Galmudug ayay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa Hub iyo Ciidan lagu soo bandhigtay oo ay kaga qeyb qaadanayaan Dagaalada Ururka Argagixisada ah looga Xoreynayo Galmudug, masuuliyiin ka hadlay munaasabaddaasi  ayaa sheegtay in Dagaaladii Alshabaab Looga hor istaagay  gobolada dhexe ay hormuud u ahaayeen ayna kaga dhinteen in ka badan Dad badan deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud, kuwaasi oo dagaallo la galay Kooxda Khawaarijta ah, waxayna xuseen  in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan Soo afjarida Ururka Argagixisada ah.

Dadka ku dhaqan Deegaanada Degmada Caabudwaaq ayaa Dowlada Soomaaliya ku taageertay sida ay uga go’antahay ciribtirka ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab, waxayna intaasi raaciyeen in Bulshada Soomaaliyeed oo fahamay dhagaraha ay khawaarijtu uga been sheegi jirtay ayaa hadda go’aansaday in qeyb weyn ay ka qataan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta, kaasi oo ka socdo deegaanno ka tirsan  Galmudug iyo Hirshabeelle.

Masuliyiintii la hadashay Mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay  in bulshada Degmada Cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay  jabinta khawaarijta, waxaa kaloo jira in Magaalada Cabudwaaq ay wali ka socdaan Abaabul Ciidan oo looga qeyb qaadanaayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

“Halkaani waa Godadkii Khawaarijta ee hawdka oo ay cagta mariyeen Geeesiyaasha Qaranku. waa dhul balaaran oo ku yaalla xadka Shabeelaha dhexe iyo Galguduud oo ahaa dhulkii ay filaysay Khawaarijtu in ay muddo isku difaaci karto, balse waxaa maalmo kooban cagta mariyay geesiyaasha Qaranka”, sidaasi waxaa tilmaamay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusf Cadaala.

Wasiir ku xigeenka oo tilmaamaya duruufta ay ku nool yihiin Kooxda Khawaarijta ah ayaa sii raaciyay, “Sida ka muuqata sawiradaan Khawaarijta waxaan uga culays yareyn Xabbadda Ciidanka Qaranka Duruufaha nololeed ee cabsidu u gaysay. Gurigoodu waa godkaas, Ceelkoodu waa bacdaas wasaqoowday Cuntaduna waa kasii xuntahay.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala ayaa intaasi ku dareay in  Khawaarijtu ay soo dhamaadeen maalmihii lagu dul noolaa Dadka Soomaliyeed,  ayna wajahayaan natiijada xumaantii ay geysateen, waxaa kaloo uu isweydiiyay “Ninka Hooygiisu halkaas ahaa ee hadana  iyada ka sii qaxay halkee hadda Hooy u  noqon karta ayaad filaysaa ?”.

Mid ka mid ah Maleeshiyadii halkaan lagu qabtay ayaa sheegay in Godkaan uu ahaa Hooyga Horjoogahooda taas oo micnaheedu yahay kuwa kale Nolol tan ka hoosaysa ayay ku noolaayeen!, marka Miyi iyo Magaalo midna idinma qariso insha allaah . “Alle iyo Umaddiisaba waad ku caasiseen waana in aad dhadhamisaan mirihii aad beerateen. Daad iyo dabaylo is wata ayaa dhinac kasta idinkaga soo rogmaday waanad ku hafanaysaan insha allaah”, ayuu Wasiir ku xigeenku ku soo qoray Bartiisa Bulshada,

Dhinaca kale Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB, GORGOR & Guutooyinka cusub ee dhowaan la geeyay Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan ayaa billaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku wajahayaan deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda KLhawaarijta ah ee  Al-Shabaab.Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ku sii siqayaan deegaannada bartilmaameedka u ah ciidamadaan iskaashanaya.

Howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud waxaa barbar socda howlgallo kale oo ka billowday Deegaannada dhaca xadka uu gobolkaasi la wadaago Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, kaasi oo Ujeedka howlgallada is barbar socda ayay Saraakiisha ku tilmaameen mid looga hortagayo in kooxda Khawaarijta ah  Al-Shabaab iyo Madaxdooda ay isaga kala gudbaan deegaannadaan dhaca Soohdinta Gobolka Galgaduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Jiidda hore ee Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa sheegaya in  Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan Guutada Khaalid Binu waliid  ay burburiyeen fariisimo dhulka Miyiga ah ay  ku lahayeen Khawaarijta Naf la caariga ah,

Taliyaha Guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweeyne oo hoggaaminyay howlgalkaasi sifeynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in dhulka howdka ah ee hoostaga Dagmooyinka Run-nirgood iyo Galcad  ay ku burburiyeen fariisimaha Khawaarijta ay ku lahaayeen Deegaannadaasi, wuxuuna taliyuhu intaas ku daray inay sii wadi doonaan baacsiga khawaarijta ilaa inta laga xoreynayo deegaannada ay hadda ku dhuumaaleysanayaan ee ku yaala gobolka galgaduud.

Ciidanka xoogga oo burburiyay fariisimo khawaarijta ku lahayd dhulka howdka ah ee hoostaga Run-nirgood iyo Galcad

Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan Guutada Khaalid Binu waliid  ayaa burburiyay fariisimo dhulka miyiga ah ay  ku lahayeen Khawaarijta Naf la caariga ah

Taliyaha Guutada Khaalid Binu waliid Maxamed Dhagaweeyne oo hoggaaminyay howlgalkaan sifaynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Run-nirgood, Galcad i ay ku burburiyeen fariisimaha Khawaarijta ay ku lahaayeen.

Wuxuu taliyuhu intaas ku daray inay sii wadi doonaan baacsiga khawaarijta iyo in laga xoreeyo deegaannada ay hadda ku dhuumaalaysanayaan ee ku yaala gobolka galgaduud.

Ciidamda xoogga dalka oo iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan Galmudug iyo Hirshabeelle kawada howlgallo sifeeyn ah kaa oo khawaarijta looga saarayo dhulka miyiga ah ee ay ku dhumaaleysanayaa,iyadoo geesiyaasha xoogga dalka ay ka saareen degaanno  dhowr ah oo shacabka ku dhibateen jireen khawaarijta.

Bulshada Degmada Cabudwaaq oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo Galmudug

Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka khawaarijta looga xoraynayo guud ahaan dalka si gaar ah deegaanada Galmudug.

Bulshada soomaaliyeed oo fahamay dhagaraha ay khawaarijtu uga been sheegi jirtay ayaa hadda go’aansaday in qeyb weyn ay ka qataan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta kaa oo ka socdo degaanno katirsan  Galmudug iyo Hirshabeelle.

Masuliyiintii la hadashay mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay  bulshada degmada cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay  jabinta khawaarijta.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo looga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

 

Agaasiimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Madax ka Socotay Hay’adda UNICEF

Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee DFS Dr. Guleed Cabdijaliil ayaa Xarunta Wasaaradda  ku qaabilay Madaxa ugu sareeya Hay’adda UNICEF Soomaaliya Saciid Wafaa.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd Isbarasho iyo  kala warqaadasho labada dhinaca gaar ahan shaqooyinka iyo Mashaaricda ay qeybta katahay Hay’adda UNICEF.

Agaasimaha Guud ayaa diiradda saaray xoojinta Qorshaha  ee iskaashiga dhanka horumarinta Adeegyada Caafimaadka iyadoo laraacayo Hanaanka Xirmooyinka Adeegga Caafimaadka Aasaasiga, iyo Nidaamyada Caafimaadka guud si Soomaaliya ay u gaarto Yoolka Caafimaaka loo dhanyahay ee Caalamiga ah #UHC.

Madaxa Hay’adda UNICEF ayaa kaga mahadcelisay Wasaaradda Caafimasdka sida daahfurnaanta ah ay ula shaqyso qaybaha kala duwan ee Hay’adda UNICEF iyada oo ka dhawaajisay isbadaalada muuqda ee  Wasaaraddu ku talaabsatay Mudaadii lasoo dhaafay taas oo la dhihi karo Wasaarada Caafimaadka waxey Tusaale u noqon kartaa Wasaaradaha kale ee dalka sida Fulinta Mashaariicda, hagaajinta Nidaamyada Xogta iyo Hanaanka Maaliyadda iyo Isla Xisaabtanka.