Bulshada Degmada Cabudwaaq oo ku biiray howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo Galmudug

Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka khawaarijta looga xoraynayo guud ahaan dalka si gaar ah deegaanada Galmudug.

Bulshada soomaaliyeed oo fahamay dhagaraha ay khawaarijtu uga been sheegi jirtay ayaa hadda go’aansaday in qeyb weyn ay ka qataan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta kaa oo ka socdo degaanno katirsan  Galmudug iyo Hirshabeelle.

Masuliyiintii la hadashay mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay  bulshada degmada cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay  jabinta khawaarijta.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo looga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

 

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlayay shirka isbeddelka cimilada Adduunka

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakameynta iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee qeybta ka ah, inay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay sababaan isbeddelka cimillada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay sabab u tahay roobabkii oo yaraaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa kormeerey xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, waxuuna bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

        

Shirka Golaha wasiirada Hirshabelle oo lagu qabtay Degmada Cadalle ayaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Cadale- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale.

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee ka soo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Dadaallada xalinta Khilaafaadka, Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha xasilinta Deegaanada Hirshabeelle, Dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dardargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Abuukaate. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiimada uu Garsoorka u leeyahay nabadda, daadajinta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo, iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadda sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Magacaabay ee ku baxay Dadaallada Xalinta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo tababar u soo xiray 106 dibloomaasi oo ka qalin jabiyay Mac’hadka Diplomaasiyada iyo Habmaamuuska Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Huruuse ayaa tababar u soo xiray 106 dibloomaasi oo ah horrintii 11-aad eek a qalin jabineysa Mac’hadka diplomaasiyada iyo Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arimaha dibadan.

Diblomaasiyiinta maanta qalin jabisay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, Senetaro, La-taliyeyaal, Masuuliyiin, Shaqaalaha Dawlada, iyo Masuuliyiin ka socday maamul Gobaleedada Dalka ayaa ka kala socda xafiisyada Madaxtooyada Somaliya, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha dalka, iyo Maamul Gobaleedyada Dalka.

Ma’hadka diplomaasiyada iyo Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arimaha dibadan ayaa sanadkiiba soo saara illaa Afar dufcadood oo u tababaran Diblumaasiyada iyo habmaamuuska qaran oo loo diro Safaaradaha aynu dalka dibadiisa ku leenahay iyo xafiisyada sar sare ee dalka.

                           

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya  madane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah ee dowladda

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka tirakoobka shaqaalaha KMG ay tahay sidii loo dul-istaagi lahaa shaqaalaha shaqeeya ee xuquuqda dowladda ka qaato iyo kuwa iska maqan ee waxna qaban,waxa uu tilmaamay in Habraacyo guddiga ay dajiyeen la marsiin doono shaqaalaha KMG si aan loogu xad gudbin.

Wasiir kuxigeenka waxa uu sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeyay 2016-kii dowlada aysan waxa shaqaalaha qaadan taa oo sii kordhisay shaqa la’aanta ka jirta dalka,shaqaalaha KMG ayuu u sheegay in aysan jirin cid ku xad-gudbi karto wasaaradda iyo guddigana ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Wasaaradaha dowaladda soomaaliya ayaa waxa marka laga reebo shaqaalaha u diiwaangashay dowladda ay jiraan kuwa KMG ah oo in mudda ah shaqeynayo dowladana ka qaato Gunno

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka wadamada G20

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Xildh. Dr. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale oo ka qaybglaay shirka wadamada G20 ayaa la kulmay Wasiiradda caafimaadka Dalalka India, Singapore, Brazil, Maraykanka, Germany, South Africa, Russia, Laos iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Uqaabilsan Qaramadda Midoobe Arrimaha Caafimaadka ee WHO.

Wasiir ku xigeenka oo qudbad kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in wadamadda afrika oo ay Soomaaliyana kamid tahay ay hadda maalgelin iyo iskaashi farsamo lasamaynayaan adduunyadda si horumar looga sameeyo kaabayaasha horumarinta adeegga caafimaadka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in wadamadda caalamka in ay si wada jir ah isaga kaashadaan in xal waara laga gaaro caqabadaha saamaynta ku leh horumarinta adeegga caafimaadka oo adub dhexaad ah u ah jiritaanka bani aadam caafimaad qaba.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qayb wayn ka aheed dhawr Wasaaraddo Caafimaadka oo lagu casuumay shirkaan wayn oo ay ka soo qayb galaan wadamada ku midoo bay Ururka G20, Qorshayaasha sida xoogan looga dooday waxaa ka mid ah sidii loo dhimi lahaa qiimaha Daawada ee taalo suuqa Caalamka gaar ahaan dalka turkiga oo inta badan laga soo iibiyo daawadda la keeno Africa.

    

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka furay shirweynaha ansaxinta Istiraatiijiyada Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane, Daa’uud Aways Jaamac ayaa goordhow Muqdisho ku daah-furay shirka ansaxinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay soo maray heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn lagu wadaa in lagu meel mariyo qorshaha istiraatiijiyada Qaran ee isku xerka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda fedaraalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir si bulshada loo gaarsiyo arakti midaysan.

Munaasabadda furitaanka shirka ansixinta waxaa ka soo qeyb-galay wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasinka guud ee gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah ururada warbaahinta iyo kuwa bulshada

   

Digniintii ugu dambeysay oo loo diray Al-shabaab (WARBIXIN)

Masuuliyiin badanayaa safarro shaqo ugu tagay Deegaannada ay ka soo jeedaan ee uu ka socdo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa Safarkan dhulka ah ee uu ku tagey Dhuusamareeb ilaa Xarardheere Wasiir ku-xigeen wasaaradda isgaarsiin tiknolajiyada dowlada Soomaliya Xildhibaan Xussen Axmed Culusow ayaa ku saabsanaa diyaarinta ciidanka deeganka degmada Xarardheere ee macawesleyda si ay uga qeyb qataan dagaalka Galmudug looga sifeynayo Khawaarijta, wxuuna kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Xarardheere, kuwaasi oo u diyaarsan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka.

Kulan gaara ah oo uu Wasiir ku-xigeenku la yeeshey odoyaasha dhaqanka reer Xarardheere ayuu ka dhageeystey baahiyaha gaarka ah ee degmada,  isagoo kula dardaarmey inay ku fara adeegaan xasiloonida degmada, kana qeyb  qataan ka sifeynta Galmudug ee Khawaarijta.

Odoyaasha ayaa sheegay in khawaarijtu ay dhibaatooyin badan u geysteen sida in culimadu diinta ay taqaan ku cibadeysan wayeen, in masaakiintii mudneyd la siin waayay sakadii iyo sadaqadii badelkeedana inta xoog nooga qaatan ay waxyaabo qaldan ku sameyn jireen.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Isgaarsiin iyo tiknoolajiyada Soomaaliya Xildhibaan Xussen axmed culusow ayaa banaanka degmada Xarardheere ku booqday ciidamada ah kuwa dadka degaanka ee macawedleyda iyo Gawaaridooda dagaalka, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ciidamada Dowlada kala qeybqataan ciribtirka nabad diidka Khawaarijta ah.

Wasiir ku xigeenka oo booqdey fariisimaha ciidamada dowladda ee Komaandooska Gorgor ayaa deeq Xoolo ah gaarsiiyay oo loogu talagaley inuu ku dhiiragaliyo ciidamada difaaca jiida hore. 16kii Janaayo ee sanadkaan ayay ciidamada dowladda kuwa Galmudug oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee macawesleyda ay degmada Xarardheere ka xoreeyeen Khawaarijta, kuwaasi oo muddo shacabka ku dhibateynaayay, iyadoo ay 7-bil iyo maalmo ay ka soo wareegtay, xiligaasina wixii ka dambeyeyna waxaa dib u soo laabanayay nolasha asaasiga ee bulshada deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Sarakiil ciidan ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasi oo socdaalkooda ku wehlinayay Agaasimaha Guud xarunta Qaran ee (Tubasan), Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa halkaa waxaa ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, maamulka Degmada iyo Sarakiisha ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka.

Taliyaha  Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay halkaa ku leeyihiin, isagoo Ciidanka ku dhiirigaliyay shaqada wanaagsan ee ay dalka u hayaan, waxa una ciidamada  faray sida ay muhiim u tahay ay ka foojignaadaan dhagaraha ay khawaarjtu u soo maleegto Shacabka Soomaaliyeed.

Taliiska Xoogga Dalka oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo dalka looga xoreynayo kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab oo muddada dheer dhibaatada ku hayay Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in taliyaha sidaan oo kale uu u booqday furumaha hore ee ay ku sugan yihiin geesiyaasha Xoogga Dalka, si loogu dhiirigaliyo shaqa muhiimka ay dalka u hayaan.

Dhinaca kale Xaruunta Tubsan ayaa soo saartay Digniin cusub, taasi oo ugu dambeyntii ah digniinaha is-daba joogga ah ee loo soo jeedinayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, iyadoo Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan ay ku wargelinayso dhammaan Xubanaha ka tiran kooxda Aragagixisada ah, balse daneynaya in ay Dowladda isku soo dhiibaan, kana baxaan kooxahaasi Argagixisada ah iyo Waalidiinta Caruurta laga marin habaabiyay in ay nagala soo xariiri karaan Numberro gaar ah,  is loo gacan siiyo isa soo dhiibayaasha iyo Waalidiintaba. Xaruuntan ayaa sidoo kale ku baaqday in xubnaha wali ku jiray ama jooga dhanka khawaarijta in ay ka faa’iideystaan fursadda uu siinayo xeerka cafiska Dadka isku dhiibo dowladda, kana soo baxaan kooxda khawaarijta ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in Isxaaq Mayow Mohamuud  oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Sayib) oo ka tirsanaa Nabadiidka Alshabab ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad. Isxaaq oo Muddo Afar sano ah ka tirsanaa khawariijta ayaa u qaabilsanaa Jabhadda, isagoona ka qeyb qaatay dagaallo dhowar ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolada Sheellaha hoose, Hiiran, Gedo, Jubbooyinka iyo Deegaanno kale, wuxuuna sheegay in khawaarijta uu ka soo baxay kadib markii u dulqaadan waayay dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo mid ay u geysaneyaan Shacabka Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waxa uu Isaaq khawaarijta ku tilmaamay in awooddooda ay maanta ka liidato Quraanjo, ka dib markii Dowladda ay xoojisay Dagaalada Dalka looga xoreynaayo khawaarijta, isagoo ugu dambeyn Baaq u diray Saaxibadiisa kale ee ku jira wali Khawariijta in ay isaga soo baxaan ay isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.

Khawaarijta  arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa xiligaan wajahayo dhibaatooyin kala duwan kadib markii dhinac walba ay dowladda oo Shacabkeeda kaashaneysa ay ka go’doomiyeen, taasi oo sababatay in maalin walba xubno ka tirsan khawaarijta ay isku soo dhiibaan dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka ayaa deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ka wada howlgallo looga sifeeynayo khawaarijta, iyagoo deeganadaasi ay iska soo dhiibeen xubno badan oo ka tirsanaa khawaarijta, kuwaasi oo ay dowladdu ku xareeysa Xarumihii dhaqan celinta ee loogu talagalay, taasi oo ay macnaheedu tahay “ha lagaa nabad galo adna nabadgal”, waa barnaamij ay waddo Xaruunta ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan.

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Isxaaq Mayow Mohamuud oo Magaca afgarashada Khawariijta loo yaqaanay (Sayib) ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Isxaaq Mudo Afar sano ayuu khawariijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowar ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolada Sheellaha hoose, Hiiran, Gedo,Jubbooyinka iyo Deegaano kale.

Wuxuuna ku sheegey isaaq sababta uu uga soo baxay khawaarijta inay ahayd dhibaato ka jirta dhexdooda iyo mid ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.

Isxaaq mar uu ka hadlay awooda khawaarijta maanta wuxuu ku tilmaamay inay aad u liidato isagoo dowlada iyo shacabka soomaaliyeed u sheegay hadii ay sii wadaan howlgalka la arki doono khawaarijta oo soomaaliya ka cararaysa.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay Saaxibadii inay ka soo tagaan Khawariijta Iskuna soo dhibaan Ciidanka Dowladda soomaaliya si loo badbaadiyo naftooda.

Khawaarijta  arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa xiligaan wajahayo dhibaatooyin kala duwan kadib markii dhinac walba ay dowladda oo shacabkeeda kaashaneysa ay ka go’doomiyeen,taa oo sababtay in maalin walba xunno kartisan khawaarijta ay isku soo dhiibaan dowladda.

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan hor-dhac ah la qaatay Wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada iyo agaasinka guud ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, mudane Daa’uud Aways Jaamac oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa kulan hor-dhac ah la qaatay Wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada iyo agaasinka guud ee gobolka Banaadir xilli goordhow la filayo in uu si rasmi ah uga furmo Muqdisho shirka ansaxinta Istiraatiijiyada Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay soo maray heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn lagu wadaa in lagu meel mariyo qorshaha istiraatiijiyada Qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda fedaraalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir si bulshada loo gaarsiyo aragti mideeysan.