Wasiir kuxigeenka Wasaaradda isgaarsiinta XFS oo degmada Xarardheere ku booqdey ciidamada dadka deegaanka ee macawisleyda.

Safarkan dhulka ah ee wasiir kuxigeenka wasaaradda isgaarsiinta iyo tignolajiyada dowlada Soomaliya Xildhibaan Xussen Axmed Culusow uu ku tagay Dhuusamareeb ilaa Xarardheere ayaa ku saabsanaa diyaarinta ciidanka deegaanka degmada Xarardheere ee macawisleyda si ay uga qeyb qaataan dagaalka Galmudug looga sifeynayo Khawaarijta.

Wasiir Culusoow ayaa kulamo kala duwan la qaatey qeybaha kala duwan ee bulshada ree Xarardheere kuwaasi oo u diyaarsan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah nabad diidka.

Kulan gaara uu wasiirku la yeeshey odoyaasha dhaqanka ree Xarardheere ayuu ka dhageeystey baahiyaha degmada isagoo kula dardaarmey iney ku fara adeygaan xasiloonida degmada kana qeyb qataan sifeynta Galmudug ee Khawaarijta.

Odayaasha ayaa sheegey in khawaarijtu ay dhibaatooyin badan ugeysteen waxayna u sheegeen in qaar ka mid ah culimadii diinta ay dileen taasoo sababtay in masaajidadii si xor ah looga cibaadeysan waayo iyo in masaakiintii mudneyd lasiin waayo sakadii iyo sadaqadii badelkeedana inta xoog nooga qaataan ay waxyaabo qaldan kusameyn jireen.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda isgaarsiin iyo tignolajiyada Soomaliya xildhibaan Xussen axmed culusow ayaa banaanka degmada Xarardheere ku booqdey ciidamada saruur ee dadka degaanka ee macawuuleyda iyo gawaaridooda gaashaman kuwaar loodiyaariyay iney ciidamada Dowlada kala qeyb qataan ciribtirka nabad diidka Khawaarijta.

Wasiirka oo booqday fariisimaha ciidamada dowladda ee gorgor ayaa deeq xoolo ah gaarsiiyay kuwaasi uu ugu talagaley inuu ku dhiiragaliyo ciidamada difaaca jiida hore.

16kii Janaayo ee sanadkan ayaa ciidamada dowladda kuwa Galmudug oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee macawisleyda ay degmada Xarardheere ka xoreeyeen Khawaarijta kuwaasi oo mudo shacabka ku dhibateynaayay 7-bil iyo maalmo ayaa kasoo wareegtay xiligaas wixii ka dambeyeyna waxaa dib u soo laabtay nolasha asaasiga ee bulshada degaanka.

Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah oo sheegtay in xubnaha katirsan khawaarijta ee isku soo dhiibayo dowladda la soo dhaweynayo

’Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan waxaa ay ku wargelinaysaa dhammaan Xubanaha ka tiran Aragagixisada balse danaynaya in ay Dowlada isku soo dhiibaan kana baxaan kooxahaas Argagixisada ah iyo waalidiinta caruurta laga marin habaabiyay in ay nagala soo xariiri karaan Numberada hoos ku xusan is loo gacan siiyo isa soo dhiibayaasha iyo Waalidiintaba.

Mobile/WhatsApp No: +252770000031 ama +252770000032 ama +252620333444

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo kulamo mira dhal ah la qaatay Madax ka tirsan Dowlado Caalami ah

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulaale oo ka qaybglaay shirka wadamada G20 ayaa la kulmay Wasiirada caafimaadka Dalalka India, Singapore, Brazil, Maraykanka, Germany, South Africa, Russia, Laos iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Uqaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Caafimaadka ee WHO.

Wasiir ku xigeenka oo khudbad kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in wadamada Afrika oo ay Soomaaliya kamid tahay ay hadda maalgelin iyo iskaashi farsamo lasamaynayaan adduunyada si horumar looga sameeyo kaabayaasha horumarinta adeegga caafimaadka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in wadamada caalamka in ay si wada jir ah isaga kaashadaan in xal waara laga gaaro caqabadaha saamaynta ku leh horumarinta adeegga caafimaadka oo adub dhexaad u ah jiritaanka beni aadam caafimaad qaba.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qayb wayn ka aheyd dhawr Wasaarado Caafimaad oo lagu casuumay shirkan wayn oo ay ka soo qayb galaan wadamada ku Midoobay Ururka G20, Qorshayaasha sida xoogan looga dooday waxaa ka mid ah sidii loo dhimi lahaa qiimaha Daawada ee taalo suuqa Caalamka, gaar ahaan dalka Turkiga oo inta badan laga soo iibiyo daawada la keeno Afrika.

Xarunta Qaran ee kahortagga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah oo xubnaha khawaarijta ee dowladda isku soo dhiibayo u soo bandhigtay lambaro ay kala soo xiriiraan

Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan waxaa ay ku wargelinaysaa dhammaan Xubanaha ka tirsan Aragagixisada balse danaynaya in ay Dowlada isku soo dhiibaan kana baxaan kooxahaas Argagixisada ah iyo waalidiinta caruurta laga marin habaabiyay in ay nagala soo xariiri karaan Numberada hoos ku xusan is loo gacan siiyo isa soo dhiibayaasha iyo Waalidiintaba.

Mobile/WhatsApp No: +252770000031 ama +252770000032 ama +252620333444

Wasiirka kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo lagu soo dhoweeyay Degmada Xeraale

Dhuusamareeb- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo malmahaan abaabul iyo diyaarin ciidan deegaanka ah oo ka qayb qaata wajiga labaad ee howlgalka khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Galmudug ka wadey waqooyiga Galgaduud ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Degmada Xeraale oo kamid ah meelaha caanka ku ah halganka khawaarijta loogu hortago, Laguna xasuusto kaalintoodii casharadii khawaarijta loogu dhigey Dhuusamareb, guriceel iyo degmooyin kale oo xoroobey dhowr iyo Toban sano kahor.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan oo ka mahad celiyey soo dhaweynta  ayaa sheegay inay wadatashiyo la yeelan  doonaan bulshada, ayna muhiim tahay in loo wada istaago dagaalka khawaarijta ee wajigiisa labaad uu Galmudug ka socdo.

Waxaa si weyn uga socda degmooyinka waa weyn ee Galmudug diyaar garow ballaaran iyo abaabul ciidan oo ka dhan kooxda khawaarijta oo la doonayo in looga saaro deegaano kooban oo ku haray gacanta cadowga oo haatan ay ciidamada dowladdu kaabiga ku hayaan.

         

Kulan looga hadlayey la qabsiga cimilada iyo illaalnta deegaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan wadatashi iyo Aqoon Isweedaarsi isugu jiray isla markaana ay soo agaasintay Xarunta Heerka-Sare ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta  Deegganka ee Urur Gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) ayaa manata ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxanaa ka soo qeyb-galay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Ururada bulsahda Rayidka, Jaamacadaha iyo kubarada ka shaqeeyo Isbeddalka Cimilada.

Ujeeddada guud ee aqoon isweydaarsigan ayaa ah ka qaybgelka daneeyayaasha, khubarada farsamada, ka wada-hadlidda istaraatiijiyada la qabsiga cimilada ee gobolka si waafaqsan heer Gobol ama Caalami ah iyo Siyaasadaha qaranka ee dowladaha xubnaha ka ah IGAD. Waxaa kale oo wadatashigaan uu iftiiminayaa xeeladaha loogu talagalay in si wax ku ool ah looga jawaabo khataraha isbeddelka cimilada, Iyada oo diiradda la saaraayo wada-hadallada waxtar u naqon doona cimilada gobolka, xubnaha mudnaanta la qabsiga si loo xoojiyo Istaraatiijiyadda la qabsiga Cimillada gobolka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u qeexay ahmiyadda ballaaran ee uu leeyahay wadatashiyga nuucaa oo kale ah,iyo in dadweynuhu  kaallin xooggan ku yeeashaan Istaarajiyadda La-qabsiga Isbeddalka Cimilada heerka Gobal ah.

“Waxaan codadkooda siin doonnaa dadweynaha si ay qeyb uga noqdaan ilaalinta deegaanka heer gobal iyo Calami ah, sidoo kalana ay IGAD ku bogooaadinayaan dadaallada ay waddo ee ah ka hortagga ilaalinta xaalufinta deegaanka.” ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Mudane Axmed Yuusuf Axmed

Dhanka kale, dadaallada ilaalinta ee dalalka ku midoobay IGAD ee kala ah; Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Koonfurta Suudaan, Suudaan, iyo Uganda ayaa Hadafkooda oo wadajira yahay in Xarunta laga taageero  u diyaargarowga La-qabsiga dhaqamada maaraynta deegaanka ee waara iyo xalalka laqabsiga ku haboon ee Isbadalka Cimallada gobolka.

“In la ballaariyo ka qeybgalka dadweynaha ee la dagaallanka xaalufinta deegaanka waa muhiim si loo kordhiyo wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka, IGAD ayaa u taagan markastaba ilaalinta deegaanka, annaga waan ku garabtaagannahay” ayuu Agaasimaha Wasaaradda Beeraha XFS Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud

Agaasimaha xarunta heerka Sare ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta  Deegganka ee Urur gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) Danjire Gamal Maxamed Xasan ayaa qeexay muhiimada ay leedahay Istaraajiyadan La-qabsiga Isbadlaka Cimilada iyo mushkiladaha jira.

“Xalka mushkiladaha hadda jira ee ka dhashay isbeddelka cilmilada waa kuwo xal u baahan, sidoo kale waa in ay fahmaan dadkeennu saameynta cimilada, waxaan ku dadaali doonnaa in aan xal u helno mushkiladaha ka dhashay isbeddelka cimilada, annaaga oo garab iyo taageero ka helayna (IGAD-CAEP) oo waqtiga badan ku bixisa xal u helidda isbeddelka Cimilada

Urur gobaleedka  IGAD oo ay ku midaysanyihiin Siddeed dal ayaa aaminsan in isbeddelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka ay ka mid yihiin caqabadaha ugu daran ee gobolka geeska haysto, taa oo ay lagama-maarmaan ay tahay in xal waara loo helo.

                   

Aqalka Sare oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ooy wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare dulmar guud ugu sameeyay sharciga Hantidhowrka Guud ee Qaranka, waxyaabaha uu sugayo iyo muhiimaddiisa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare faray inay ka howl galaan Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, kana gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran isla markaana fadhiga guud ee Golaha ay dib ugu soo celiyaan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo faah-faahin ka bixiyay howgalkii degmada Dharkeenleey

Ciidanka xasalinta Caasimadda Muqdisho ayaa soo afjaray howlgal gaarka ah oo lagu bartilmaamaystay Guriga uu degan yahay Nin lagu magacaabo Sheekhow Xasan Cali.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Saldhigga Booliska ee Degmada Dharkeynleey Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aaden Cali Dooodishe ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Xasilinta iyo Maleeshiyaad ka amar qaatay Sheekhow, isagoo sheegay in Howgalku ku saabsan sarreynta sharciga oo daba socda Xeerka xakameynta hubka caasimada oo ay isla qateen golaha Wasiirada ayaa sabab u ahaa shaqaaqadii ka dhacday degmada dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ciidanka booliska waxaa uu sheegay in Sheekhow Xasan Cali uusan aheyn Generaal, darajada ugu diiwaangashan dowladdana ay tahay kaptan, isagoo intaasi ku daray  in Sheekhow mar hore laga rusqeeyay ka mid ahaanshaha ciidanka qalabka sida, waxaana lagu soo  eedeeyay in sargaalkaan uu gurigiisa keyd iyo gabaad u ahaa shaqsiyaad dhac iyo rabshada ka geysta caasimada dalka.

Afhayeenka waxaa uu sheegay in 12 qof siyaabo kala duwan mobile looga dhacay xaafadda uu degmada dharkeynleey ka deganyahay sarkaalkaan la rusqeeyay, iyadoo Afhayeenka Booliska uu xusay in Guriga sargaalkaan laga helay lacagaha la dhaqa.

khasaaraha dhimashada waa laba ka mid ah Maleeshiyada weerarka soo qaaday iyo Askari ka tirsan ciidanka xasilinta caasimada, halka Dhaawacana uu gaarayo  ilaa 7 ruux, waxa uuna intaasi raaciyay in   Shacabka wax khasaara ah aysan ka soo gaarin howlgalkaasi.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhacay Galgaduud ku khaarajiyay 5 ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaannada Garileey iyo Cali-Yabaal ee Gobolka Galgaduud ku dilay 5 dhagarqabe oo tirsan Khawaarijta Alshabaab sida uu SONNA u xaqiijiyay Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cali Caanood.

General Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay in deegaanka Jirjir-xiireey oo u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Cali-Heelle ee kala ah gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud laga saaray Khawaarijtii keymahaas ku dhax-dhuumanayay.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka howgallo culus ka wadaan dhulka keymaha ah, isagoo sheegay in ciidankaas ku wajahanyihiin magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee ah labada degmo ee kali ah gobolkaas ee ku haray gacanta Khawaarijta Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaa shaanaya saaxiibada caalamiga ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada goobaha ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, iyagoo ka saaray dhulal badan oo argagixisada ku dhibaateyn jirtay shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga waddada isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlgalkan oo ay wadajir u hoggaaminayeen guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Ibraahim Barre, taliyaha ururka 64-aad iyo abaanduulaha ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Kumaandooska Danab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada ku xeeran degmada Wala-weyne ee gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiye Barre iyo saraakiisha ciidan ee horkacayay howlgalka ayaa xog-wareystay shacabka ku dhaqan Tuulooyinka ay ciidanku gaareen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faafin ka bixiyay bartilmeedka howlgalka, wuxuuna guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in howlgalkan uu daaran yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

” Howlgal lagu baacsanayo nimankan nabad-diidka ah, ummadda Soomaaliyeed dhibaato weyn ku hayaan, baaqa ay soo keediyeen madaxda qaranka iyo kuwa heer Dowlad gobolleed ee ku aadan in Khawaarijta lala dagaallamo lagana xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin qaasatan Kooonfur Galbeed, anagana waxaan diyaar u nahay reer Shabeellaha hoose inaan xoreyntaas qeybta ugu weyn ka qaadanno,” ayuu yiri guddoomiye Barre.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ka socday howlgallo ka dhanka Khawaarijta, kuwaas oo lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan oo Bulshada gobolkaas muddo badan dhibaato ku hayay.