Hoggaamiyaha dhabta waa midka u sahmiya dadkiisa goobta ku haboon (WARBIXIN)

Degmada Galhareeri ee Gobolka Galguduud ayay Khawaarijta haatan u tahay xarun weyn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan, balse Ciidamada Xoogga dalka Soomaalieed ayaa cagta mariyay goobahaasi muhiimka u ahaa khawaarijta, waxaana uu howlgalkaan uu qeyb ka ahaa hawlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranku ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta, kuna beegsanayaan saadkooda iyo isku socodka Khawaarijta, iyadoo jabkii ugu dambeeyay ay ciidamada dowladdu ku gaarsiiyeen Deegaanka Buq-aqable, waxaana halkaasi lagu bur-buriyay in ka badan 30 gawaarida Dagaalka ah iyo dhimisho dhaqarqabayaal badan, taasi oo loola jeedo in la wiiqo awoodda Kooxda.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa inuu dhaco guluf dhinacyo badan ah ee ka dhan ah Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo ay si wadajir ah uga wada qeybqaadanayaan ama iska wada kaashanayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa Deegaannada (Macaawisleey), Wadamada Deriska ama (safka hore) iyo Saaxiibada Caalamka , kaasi oo ujeedku yahay soo afjaridda dagaalka Wejigiisa 1-aad ee Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri sida ugu dhaqsiyaha badan ama 72 saacadood gudahood, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana la soo gaaray xilligii Khawaarijta Al-shabaab uga dhammaan laheyd deegaannada Maamul-goboleedyda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen la-dagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaannada laga xoreynayo Argagixisada, isaga oo magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kadib xoreynta dalka.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen la-dagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaannada laga xoreynayo Argagixisada, “ Shabaab nala gaari mayo 2 sano, in ka yar ayaan ayaan fileynaa in lagu so oaf jaro”, ayuu sii raaciyay Madaxwenaha.

“Dowladda dhinaca dagaalka khawaarijta kaliya kuma jirtee, gacan waa ku dagaalameysaa, gacanna Ciidanka ayay ku dhiseysaa, waxaa kaloo jira dib habeynta Maaliyadda iyo Deyn cafinta, qaadista cunaqabateynta Hubka,  kuwaasi oo dhammaantood qabsoomi doona dhammaadka sanadkan, waxaa dhinac socda qorshayaal badan sida horumarinta Waxbarashada Dalka, horumarinta adeegyada caafimaad iyo la dagaalanka Musuqmasuqa”, ayuu yiri Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu ka jawaabaayay su’aal aheyd Dagaal kaliya miyay ku jirtaa Dowladda?.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ka qeybgalay dood su’aalo waydiin ah ayaa sheegay marka uu dhamaado dagaalka Khawaarijta in sidoo kale fikir ahaan loola dagaalami doono, “Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa Fikirka, marka uu dhamaado kan Militeriga, meeshii fikir qaloocan iyo balaayo lagu faafinayo waa laga hor tagaa” ayuu sii raaciyay  Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh. ““Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horeyba u tegay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo,  iyadoo Wiilal dhallinyaro ah ay naftooda hurayaan”. ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahado dagaalkaas,waxaan ku bilaabaya in aan boggaadiyo talaabada geesinimada leh ee u qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Xasan Sheekh ee hoggaaminta leh, hoggaamiyaha dhabta waa midka u sahmiya dadkiisa goobo ku haboon oo ay degaan oo si xirfadeysan oo xigmadaysan ugu hoggaamiya, si ay u gaaran iyagoo nabad ah,waa Oday Soomaaliyeed oo aan dan gaar ah ka laheyn dalkaan, balse ay ka go’aan tahay in u arko dalkiisa oo xor ah gumeysiga ay ku hayeen Khaaarijta Mudda dheerna ay iska dulqaadeen dadkiisu”, sidaasina waxaa yiri Xamse Cabdi Barre Raiisulwaasraha XFS.

“ waa hoggaamiye doonaya inuu arko Dalkeenna oo ka xor ah 5 Bilyan oo Doolar oo Deyn ah oo ah Ribo dul saar ah, inuu arko Dalkeenna oo ka xor ah Khawaarijta, Dadkeenna oo xor ka ah Qabyaaladda, inuu arko Dastuur dhameystiran, Dadkiisa oo ka horumaray dhaqaale ahaan iyo Bulsho ahaanba iyo Dadkiisa iyo Dalkiisa oo sharaf ku dhex leh Caalamka, waxaan kaloo bogaadinayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee wada dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Khawaarijta iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ciidankoda la daba taagan taakulenta iyo dhiirigalinta”, ayuu sii raaciyay mudane Xamsa Cabdi Barre.

Raiisulwasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyay mar uu shir-guddoominayay shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maalintii Khamiista aheyd, wuxuuna faray dhammaan Wasaaradaha iyo dhammaan hey’adaha dowladda inay ka qeyb qaataan halganka lagu ciribritayo Khawaariijta, Shacabka Soomaaliyeedna ay garab istaagaan oo ay qeybtooda ka qaataan jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka lagu xoreynayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga dhameystirka Wejiga koowaad ee dagaalka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale dhawaan Jubbaland iyo Koonfurta Galbeed ay ka bilaaban doonaan dagaalka Wejigiisa labaad ah ee lagu dhameystirayo haraadiga kooxda Argagixisada ah ee khawaarijta ah ee Alshabaab.

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 50-AAD

Ninkeeda Ciise-Dheere qudhiisu aad buu u soo dhaweeyaa, una xushmeeyaa dumaashidii Maana- Faay. Waa nin dhallinyaro ah oo maskax furan. Isaga iyo Leyla aad bay isu jecel yihiin.

Maana- Faayna marka ay booqasho ugu tagto, waxay ka soo heshaa farxad badan. Qosol, kaftan iyo ciyaar baa waqtiga loogu dhammeeyaa. Cunuggooda Burhaan, Maana-Faay baa magaca u bixisay. Guriga markay tagto, salaanteeda waxay ku bilowdaa, inay Burhaan kor u

qaaddo ee koolkooliso, dhabannadane ka dhunkato.

Beryahan dambe intii mushkiladdu soo foodsaartay, Maana-Faay way laba jibbaartay booqashadeedii ay ku imaan jirtey guriga walaasheed. Waxaa ka hor yimid jawigii gurigooda.

Markay ku cabburtaba waxay ku oroddaa guriga Leyla. Habeenkii ay Axmed ballansan yihiin, badanaaba iyaday ku marmarsootaa. Markay ku soo daahdana iyaday soo martaa, si ay u waddo, waalidkana ugu warranto in ay iyada la jirtey.

Leyla waqti aan dheerayn bay baratay Injineer Axmed Jaamac, isaga iyo Maana-Faayna isku ogaatay. Ciise-Dheere ayaa is-baray, arrintana la socodsiiyey, isagoo fulinaya codsi Axmed u soo jeediyey. Axmed barashada Leyla wuxuu uga dan lahaa inay garab siiso isaga iyo Maana.

Markii hore aad bay walaasheed u canaanatay, uguna cambaaraysay sida ay uga suurtowday inay ninkaas la saaxiibto, iyadoo og in la siiyey ina adeerkeed, arooskoodiina dhow yahay.

Hase yeeshee, markii Maana-Faay si kulul u oyday, una dan sheegatay, walaasheed Leyla way u garowday.

Waxay garaysatay astaamaha jacaylka ee ay ku aragtay, horena uga shakiday iyo qisada ay la socodsiisay, oo ah arrintu in ayan ahayn qorshe ay iyadu ku talo gashay ninkaan la saaxiib, balse ay is-aragtay nafsaddeedii oo xaggiisa u sii jiidanaysa, kana goyn kari wayday.

Leyla ma aha sida waalidkeed, ee way qaddarinaysaa xaaladda walaasheed, maxaa yeelay, way fahmaysaa jacaylka iyo dabeecaddiisa

la yaabka leh ee aan cidna lagu eedi karin. Iyada qudheeda ayuu hore u soo jilciyey, xanuun badanna ka soo martay; hase yeeshee, dhibaatadiisii hore waxay ku illowday guushii dambe ee ay ka gaartay in ay guursato jacaylkeedii Ciise-Dheere.

Maana-Faay, galabtaas ay maqashay murankii ka dhex taagnaa aabbaheed iyo hooyadeed, subaxdeediiba waxay hore ka aadday walaasheed Leyla. Waxay u sheegtay sidii ay wax u maqashay, ka dibna waxay iyadoo ooyaysa ka bariday inay gacan ku siiso badbaadinta aayaheeda.

Waxay waydiisatay inay waalidka iyadu runta u sheegto, sida wax u jiraan oo dhanna la socodsiiso, kulana dooddo in aan walaasheed la khasbine loo daayo ninka ay nafteedu jeclaysatay, ee ay u dhimanayso. Leyla way la murugootay walaasheed, wayna ka ballanqaadday inay la guntanayso, intii tabarteeda ah.

Aay-Caddeey waa tii odaygeeda ka xanaaqdaye, inan yar ka fududaatay, aqalkeeda tuurtuurtay, ilmeheeda ku qaylisay, armaajadeeda huruuftay; ka dibna shukadeeda dhegta qabsataye jaranjarta halhaleel uga degatay. Jidkay laba ka dhigtay. Jeesjeesad ma jiro.

Dhowr qof baa salaan ula tannaagootay. Dheg uma jalaq-siin. Luuqyadii Xamar Weynoo ay luga jiidka ku mari jirtey bay badankooda daqiiqado yar uga dhex dustay. Goormaa ugu dambeysay saan-fudaydka noocaan ah? Waayo-waayo!

Tixanaha sheekada Maano Faay (qeybta 50-aad)

Waxay sii xiintaba gurigii walaalkeed Xaaji Macow bay isku shareertay. Waxaa dad ugu soo hor maray dumaashideed Aay-Batuulo iyo walaasheed Aay- Khayrto oo qudheedu qaraaba-salaan ku joogtay.

Arrintii bay la socodsiisay. Aad bay ugu bogeen. Gacmo furan bay ku soo dhaweeyeen. Mowqifka geesinnimada leh ee ay istaagtay bay ku bogaadiyeen. Waa gartood.

Waayo, hortiiba dabkaan labadoodaa huriyey. Aay-Caddeey iyagaa sal-kiyey. Markii u horreysay ee ay ku wargelisay in Maana-Faay aabbaheed bixiyey, ayay canaan kulul ugu jawaabeen.

Inta indhaha loo caddeeyey baa la yiri, “Ad meeshaas iska surnaaw lee, sanam camal, gebertaadii sagaal bilood iyo suggiis aa soo waddey, sanayaal badan soo korseheesey,

dhibaato dhaxaa ka soo martay, kuwoo lee madaxooda a ka adeegteen, adina meehaas ii surnaaw! Ad walaalkaada igaar ma khabo miyaa, nabarkii ku daraayo walaalkiis igaarkiisa?”

 

Waxay ku guubaabiyeen inay ku gacan sayrto qorshaha aan lagala tashan ee ay soo dhammaysteen ninkeeda iyo walaalkii; kuna dadaasho sidii Maana-Faay loogu guurin lahaa Jiilaani Xaaji Macow oo laba sano ka yar; waayo, walaalkeed wiil ka weyn ma qabo. Waa markaas marka ay kacday Aay-Caddeey.

Xaaji Macow way la foolxumaatay islaanta weyn oo soo carootay. Intuusan guriga ugu imaan buu arrinta ka war helay. Waxaa u wargeeyey Aweys Xaaji Muumin oo markuu maqlay in hooyadii carootay, isla

fiidkiiba abtigi ku orday. Meel uu ku malaynayey buu ka raadiyey, uguna tagay. Wuxuu ka codsaday in uu duqda degdeg u soo caro celiyo, xaalkana qaboojiyo. Aweys arrinta hooyadii ku kacday argagixisay ku noqotay. Waxay ugu muuqatay khatar soo foodsaartay arooskii uu isu diyaariyey.

Aweys waa ka duwan yahay ina adeerkii Iikar. Isagu markuu maqlay “Waa laguu guurinayaa” raynrayn buu la soo booday. Gabadha loo gartayna aad bay u cajabisay. Hammigiisa ugu weyn buu ka dhigtay.

Nafsaddiisoo dhan buu raaciyey. Qalbigiisuu u wada furay, ilaa uu u qaaday dareen jacayl oo ka duwan kal-gacaltooyadii walaalnimo ee uu hore ugu qabay. Iyada qudheedu la mid bay ahayd, inkastoo ay ka xishoonaysay inay muujiso dareenkeeda.

Labadaas ruux is-laab-raace. Saxansaxo jacayl wada saaqday. Saymihii cishqiga isla addorose. Hoygii ay farxadda ku darandoorrin lahaayeen loo diyaari. Maxayse kuugu taal, waa farxad meel ka shakaalan. Kuwii lahaana ka furan karayn. Waxay ugu marti yihiin dhaqan macangag ah.

Labadaan isu oommane arooskooda dherarsaday, aayahoodu wuxuu ku xiran yahay labada kala ufoonaya. Haddii Maana iyo Iikar isa seegaan, Aweys iyo Jiijana is- waaye. Labada aroos way isku xiran yihiin, ama wada baaqde ama wada hirgale.

Xataa guurka ka dib haddii Maana ninkeeda ka soo carooto, Jiijana waa inay walaalkeed ka soo tagtaa ee khasab ku soo carootaa, xataa hadday ninkeeda jacaylkiisa u dhimanayso.

‘Haddii kale ciddooda kama nabad galayso!

SHEEKADA DADKII UU HAL-ABUURKOODU DHIMASHADA U HORSEEDAY. (QEYBTA 1-AAD)

Qisada aynu goorkan idiin wadnaa waxay ku saabsan tahay dad dunida magac ku lahaa oo ayagu dhimashadooda sabab u noqday haddaba see bay wax u dheceen inta aanan qisadoo dhammaystiran iyo quluudeeda kuu werin qeyb ka noqo chennel-koo subscribe-ta qac ku sii qolka aragtiduna kuu furan.

Qofka ugu horeeya oo aynu ka hadlaynaahi waa cabaas binu fardaas bin wardaas Adaakirnii oo lagu naynaasi jiray abuu qaasim, wuxuu ahaa caalim iyo saynisyahay u dhashay dalka isbayn gaar ahaan gobolka anduluus, wuxuuna noolaa xilligii dowladdii uma wiyiinta.

Markii aad magiciisa marathon waxaa laga yaabaa inaad xasuusato ninkii ugu horeeyay ee isku daya inuu diyaarad sameeyo oo fikraddaas keenay inuu ahaa, taasi waa dhab balse intaa keliya ma ahayne wuxuu ahaa gabyaa iyo muustigayste ama musishin.

Sidoo kale wuxuu ahaa caalim ama xeel-dheere xisaabta, fiisigiska iyo kamistariga ku taqadusay, aragtiyo badanna maadooyinkaas ku biiriyay.

Waxaa lagu magacaabi jiray xakiimkii ama indheer-garadkii andaluus, wuxuuna ahaa mufakar ama aragti curiye garaad badan.

Wuxuu ku dhashay tuulo ku taal dalkaasi isbayn taariikhdu kolkii ay ahayd 810, ka dibna wuxuu u wareegay magaalo kale oo lagu magacaabo qurduba.

Qurduba intii uu joogay wuxuu curiyay fikrado badan oo la xadhiidha aqoonta xisaabta, fiigiska, iyo kamistariga, sidoo kale wuxuu sameeyay cilmi-baarisyo fara badan oo gadaalkii taariikhda galay.

Wuxuu dero ahaan la ayni ahaa  faylasoofyo ama aragti curiyaal faro badan oo ay kamid ahaayeen sida cabdiraxmaan bin xakam bin hishaam oo sheegay inuu cabaas la mid yahay dugsi laga barto cilmi falagga.

Wuxuu caan ku ahaa hal-abuurka iyo eray bixinta aqoonta tusaale ahaan kol uu sacaadda amminta lagala socdo abla ablaynayay wuxuu ku magacaabay miiqaata, sidoo kale wuxuu sameeyay oo kiyaal ama muraayado caafimaad iyo qalab kale oo faro badan.

Xagga wax qoridda wuxuu sameeyay dhigihii ama qalinkii ugu horeeyay oo qad wax ku dhiga.

Laakiin weydiintu waxay tahay maxay ahayd aragtidii uu curiyay ee dhimashadiisa sababta u noqatay?

Maalin maalmaha ka mida wuxuu sameeyay laba garab ama laba baal oo kuwa diyaaradda u eg, wuxuuna fuulay mid ka mida baalashaas, wuxuuna ula duulay hawada sare hayeeshee dabaysha xoog leh oo socatay awgood wuuu xakamayn waayay, waxayna kula dhacday buur dheer taasoo keentay dhimashadiisa.

Cabaas bin fardaas bin wardaas adaarkinii inkastoo uu naftiisa ku waayay haddana wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay oo sameeyay wax u eg diyaarad, waxaana taallo looga dhisay magaalada baqdaad ee dalka ciraaq gaar ahaan garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale wuxuu taariikh weyn iyo MAAMUUS ku leeyahay  dalka isbayn, iyo dunida muslimka gaar ahaan carabta, waxaana loogu magac daray goobo waxbarasho iyo meelo kale.

Qofka labaad ee aynu qisadiisaha idiin warinayno kana mida dadka ay aragtidooda ama hal-abuurkoodu dhimashada u horseeday waa liyuu sayuuhuu.

Waa lagu maahmaahay abeeso ninkii korsada asagay qaniintaaye Liyuu wuxuu soo sameeyay qalab loogu talo-galay in dadka lagu toogto ama lagu daldalo.

qalabka toogashada ee uu sameeyay wuxuu u bixiyay kursiga xanuunka, wuxuuna lahaa in ka badan 1300 oo nusmaar oo halis ah.

Kursigaa kolkii uu diyaariyay wuxuu ku wareejiyay xaakimkii maxkamada ee magaaladii uu ku noolaa, wuxuuna ku yiri dadka aad toogashada ku xukuntaan adeegsada.

Xaakinkii wuu la dhacay aragtida ama fikradda caynkaas ah, balse maalmo yar ka dib liyuu sayoohoo waxaa lagu eedeeyay qayaano qaran, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Midda la yaabka leh ayaa ah in kursigii uu asagu sameeyay oo uu ugu talo-galay in dadka la tooganayo lagu khaariyo in qudhiisu uu noqday ruuxii ugu horeeyay ee lagu dilo kursigaas.

3) qof 3-AAD aynu qisadiisa idiin warinaynaahi waa

Henry Winstanley.( Henri winistanlaa)

waxa uu ahaa hal-abuure iyo injineer dalka ingiriiska u dhashay oo noolaa qarnigii 17-aad.

Henri waxa uu dhisay madxaf waxyaabaha mucjisooyin ah lagu keydiyo “tiyaatarka biyaha” oo ka kooban rashka, iyo waxyaabo kale ayaana kamid ahaa.

Lacagtii uu ka sameeyay Hal-abuurkiisa layaabka leh,waxa uu ku soo iibsaday shan markab, oo laba ka mid ah ay isla markiiba ku burbureen dhagaxyada Eddystone ee u dhow England.

WD: Liibaan Axmed Xirsi

 

 

 

 

Madaxweyne Xasan“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa fikirka marka uu dhamaado kan Militeriga”

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ka qeybgalay dood su’aalo waydiin ah ayaa sheegay marka uu dhamaado dagaalka Khawaarijta in sidoo kale fikir ahaan loola dagaalami doono.

“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa Fikirka, marka uu dhamaado kan Militeriga, meeshii fikir qaloocan iyo balaayo lagu faafinayo waa laga hor tagaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale dhawaan Jubbaland iyo Koonfurta Galbeed ay ka bilaaban doonaan dagaalka wajiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta.

KU DHIIRASHADA BEERISTA BARIIS WAXA AY DOOR KA QADANEYSAA HOURMARKA DHAQAALE EE DALKA.

Dalka Soomaaliyeed waa dal hodon ku ah kheyraad badan uu Alle ku maneystay waa dal ku wanaagsan hirgalinta mashaariicyo horumarineed sidaTacbashada beeraha oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee dhibanaha u noqday raashinka warshadeysan oo aan taya ahaantooda la isku haleen karin.

Tacbashada beeraha dalka aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaheena sababtoo dal walba waxa uu ku tiirsan yahay Tacbashada beeraha oo wixii Ka soo baxa ayaa la warshadeeyaa islamarkaana ayaga oo la ka kontroolay tayadooda, tariikhdooda iyo dhadhankooda oo ay muhiim tahay in bulshada laga kontoroolo taasina waxa ay yareeneysaa xanuunada dilaaga ah sida Cancerka iyo wixii la mid ah.

Jaamacadaha dalka ku yaala ayaa bilaabay bixinta culuumta beeraha oo ah culuum muhiim u ah bulshadeena Soomaaliyeed jiritaankooda waxaana ay sidoo kale culuumta beeraha bulshada wax badan Ka badashay hab fikirkooda beeraha ayaga oo ku dabaqaayo barashada ay soo barteen culuumta beeraha taasina waxa laga dareemayaa guud ahaan dalka.

Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka waxaa aad ugu soo badanaayo dhalinyarada aqoon yahannada bartay kuna taqasusay cilmiga beeraha hirgalinta beero casri ah oo aan horay dalka looga aqoon ayaga oo sidoo kale dalka keenay dalagyo aan dalka Ka bixi jirin in ay dalka keenaan oo ay ku beeraan taasina waxa ay keentay in aqoonyahanadii ku taqasuusay beeraha ay dadka Soomaaliyeed ay jicleesiyaan beeraha oo aad u soo badanaayo hirgalinta beero waa weyn.

Beerashada Bariiska oo inta badan lagu yaqaanay in uu Ka baxo Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan magaalada jowhar oo aad looga tacbado bariiska ayaa door weyn Ka qaato in sicir bararka uu yaraado magaaladaas taasina waxa ay keentay In magaalada muqdisho laga hirgaliyo in lagu beero bariis.

Mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada muqdisho( Jaamacadda Jzeera ) Ayaa bilaabay    tijaabo inay kusameyso Bariis loo yaqaano (“NERICA”) kaas oo ku bixi karo  biyo yar sida Galleyda iyo Massagada oo loogu beero dhul roobaadka.

Tijaabadan waxay horseed u noqon doontaa meel kasta oo Gallay iyo Masaggo lagu tacbo in bariiska NERICA lagu tacbi karo marka laga eego dhanka biya yarida.

Hirgalinta mashruuca tijaabada beerista bariiska ee magaalada muqdisho waxa ay kaalin buuxda ka qaadan doontaa  horumarinta isku filnaansho cunto ee Soomaaliya.

Sidoo kale Hirgalinta beerista bariiska waxa ay kaalin weyn Ka qaadan doonaan yareenta sicir barar xooggan ee yimaada, isbadal dhaqaale, isku filnaasho dhankasta ah iyo shaqo la’aanta xooggan ee dalka Ka jirto ee ay heesto dhalinyarada Soomaaliyeed in ay meesha Ka baxdo.

Ugu danbeyn dalka keena Soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay isku filnaasho dhaqaale taasina waxaa looga bixi karaa in lagu dhiirado in hirgalinta mashaariicyo waaweyn oo dhanka waxsoosaarka ah oo dalkeena dhaqaalihiisa wax weyn Ka badali karo dowladduna looga baahan yahay garab istaag iyo in ay Ka qeyb qaadato hirgalinta iyo kamiro dhalinta hormarinta dhaqaale ee dalka.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

SOO DHOOFINTA XOOLAHA QALAN SAAMEYNTOODA DHAQAALE IYO DOORKA DOWLADDA.

Soddon sano Ka hor dalkeena Soomaaliyeed waxa uu ahaa dalalka adduunka ugu waxsoo saarka badnaa ayaga oo xiligaas lahaayeen warshado waa weyn oo waxsoo saar.

Dhaqashada xoolaha nool ee xilligaa aan u iibgeyn jirnay caalamka, Tacbashada beeraha oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u tacban jiran waxaana dhiiragalin iyo garab istaag ay Ka heli jireen dowladda islamarkaana waxa ay heli jireen suuq geyn fiican oo dal iyo dibadda ah.

Sidoo kale, kalluunka ayey shacabkeena badda Ka soo saaran jireen oo lawarshadeyn jiray lana iib geyn jiray suuqayada caalamka iyo kan dalka.

Dhanka kale, waxa ay shacabka Soomaaliyeed xanaaneysan jireen digaagga oo soo saari jirtay ukumo  baararka iyo suuqayada lagu iibin jiray, hilibka digaagga iyo ukunta intaasi aan kor ku soo xusay waa soddon sano Ka hor iyo dalka sida uu ahaa.

Horumarkaasi baaxda leh ee dhaqaale aan kor kaga soo xusay dalkeena Soomaaliyeed waxa ay u horseeday guul dhaqaale oo xooggan taasina waxa ay inaga gaarsiisay isku filnaasho dhaqaale in uu dalka gaaro meeshana waxaa xiligaas Ka baxay wax la yirahdo shaqo la’aan haysata bulshada Soomaaliyeed.

Taasi badalkeeda waxaa la helay shaqo abuurro wanaagsan, waxbarsho lacag la’aan ah iyo xarumo caafimaad oo lacag la’aan ah taasina waxa ay inaga dhigtay in dalkeena uu Ka hormaray wadamo badan oo ku yaalay qaaraddan afrika.

Soddon sano ka dib dalkeena waxa uu galay qaran jab xooggan oo inoo horseeday in dalkii sida fiican u dhisnaa uu burburo kaabayaashii dhaqaale la bililiqeysto, hantidii danta guud la boobo oo la dhaco, dadkii la xasuuqay, dakadihii xirmeen, Airportyadii ay xirmeen , kaabayaashii dhaqaale ee dalka uu lahaa meesha Kabaxo.

Sidoo kalena, taasi waxa ay dalka u horseeday  xaalad hubanti la’aan ah oo ilaa iyo maanta aan wali Ka soo kabsan la’nahay qaran jabkii iyo burburkii ina soo gaaray.

Haddaba dhamaan dhibaatooyinka kaas waxa ay inoo horseedeen in shacabkii Soomaaliyeed la curyaamiyo lagana mashquuliyo waxsoo saarka beerahooda, dhaqashada xoolaha iyo digaagga, soo jilaabashada kalluunka iyo waxsoo saarka uu dalka lahaa ayada oo la siinaayo boqol dollar iyo in qoxootiyo la inaga dhigay.

Haddaba haddii aan u imaado mowduuceenii ahaa soo dhoofinta xoolaha qalan, digaaga qalan, ukunta, saameenteeda dhaqaale ay inagu leedahay iyo dowrka dowladda.

Labatankii sano ee la soo dhaafay dalkeena waxaa ku soo badaanyey dalagyo dalkeena lagu beeri jiray in dibadda laga soo dhoofsada, sidoo kalena xoolihii, digaaggii iyo kalluunkii dhamaantood dibadda ayaa laga soo dhoofiyaa taasina waxa ay keentay in xoolaheenii, tacabkii beeraheena, soo jilaabashada kalluunka ay meesha laga saaray ay inoo horseeday dad aan waxba wasoo saar ah laheyn.

Waxaa maalinba maalinta Ka sii danbeysa dalkeena ku soo badanaayey gaar ahaan caasimadda in la keeno xoolo qalan oo diyaarad ay ku soo qaaday furun jiyeer oo uu qiimihiisa jaban yahay,

sidoo kalena digaaggii iyo Ukunta iyo Kalluunka dhamaantood dalka ayaa la keenaa waxaa aad loogu iibiyaa hoteellada waa weyn ee dalka maqaayadaha iyo baararka taasina waxa ay meesha Ka saartay xoolaheenii, kalluunkeenii iyo digaaggeenii.

Ugu danbeyn dowrka dowladda Soomaaliyeed waxa looga baahan yahay in ay dalka Ka joojiso soo dajinta waxa dalkeenna laga helayo oo aan qani ka nahay iyo wax kasta oo cuuryaaminaayo ganacsigeenna gudaha.

sidoo kale waa in dowladda ay Ka soo saartaa sharciyo mamnuucaayo wax kasta oo dalka laga heli karo in dalka la keeno lana ganaaxo qofkii sameeyo arrintaas.

sidoo kale, waa in ay dowladda qeyb Ka noqoto dhiiragalinta beeraleyda, xoolaleyda iyo dadka kalluunka soo jilaabto una heshaa suuq geyn la isku haleen karo mid dalka iyo mid dibadeed sidaas ayaan horumar ku gaari karnaa.

Insha’Allah.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

WAA MAXAY MUSUQMAASUQ ?

Musuqmasuq waa lunsasho hantida dadweeyne sidoo kale musuq maasuqu waxa uu kadhici karaa qaybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweeynahaba
Tusaalooyinka musuqmasuqa waxaa kamid ah
Laaluush, wax isdaba marin, qaraabo-kiil iyo musuq maasuq doorasho.

SIDEE MUSUQMAASUQU NOO SAAMEEYEY ?
Somaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore kaga jirtaa wadamada musuq maasuqa ragaadiyey,
Musuqa anaga nahaysta waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa haayadaha dawlada Iyadoo masuuliyiin farabadan oo soomaaliyeed ay caado ka dhigteen in ay dhunsadaan hantida dadwaynaha ee ka dhaxaysa Ee loogu talagaley in loo adeegsado in lagu horumariyo kaabayaasha sida waddooyinka, hagaajinta hay’adaha dadweynaha sida iskuullada iyo isbitaallada.

Maasuqmaasuqa sidoo kale sida weyn noo saameeyey waxaa kamid ah mid ka laaluushka
Masuq maasuqa laaluushka waxa uu dhacaa marar badan waxa uuna ka dhex dhacaa hay’adaha dawlada sida xafiisyada iyo golaha baarlamaanka soomaaliya
Musuq maasuqa kale ee nahaysta waxaa kamid ah midka qaraaabo kiilka
Waxa uu kadhacaa midkaan shacabka dhexdiisa isagoo u dhaca si qabyaaladaysan

DHIBAATOOYINKA MUSUQ MAASUQA
Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa saboolnimo , shaqo la’aan iyo burcad nimo,
Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galinayaa bulshadeena sidoo kale waxa uu u keenayaaa cabsi ku noolaansho
Waxa uu wiiqayaa dhaqaalaha dalka waxa uu is hortaagaya horumarka iyo dawladinmada
Sido kale waxa uu iimaan la’aan ku ridayaa siyaasiinteena

Horta musuqmaasuqa waa lagu kala aragti badalan yahay, laakiin isku soo duubo waxaa lagu macnayn karaa shay aan la dhigin meeshii ugu saxsanayd in la dhigo  ,tusaale danbi la galo waxaa ugu yar qashin inaad wadada ku tuurtid, wixii ka wayna waa musuqmaasuq bal ila fiiri waa maxay musuqmaasuq?

In la curtaamiyo haayadaha dowlada sida

  • in la curyaamiyo wasaaradaha dowligaa.
    ●In la curyaamiyo baarlamanka dowligaa.
    ●In la curyaamiyo haayadaha cadaalada.
    ●In lakala diro ciidamada qalabka sida.
    ●In labaabiyo ilaha dhaqaalaha wadanka.
    ●inaan la ilaalin baaxada dhulka soomaaliyed.
    ●Inaan la ilaalin isku haynta umada soomaaliyeed.
    ●inaan la ilaalin wax soo saarka wadanka.
    ●Inaan la ilaalin suuqyada lageeyo wax soo saarka soomaalida.
    ●Inaan la ilaalin maslaxad kasta oo ay leedahay umada soomaaliyed.

    In intaas iyo ka badan lagu dhaco oo danbiya iyo kee culus wiil shaqaalaa oo la baxay waxun lacaga oo qasnada ku jirtay?

    Waxaa lagu kala qeexi karaa qof tuuga oo guri usoo dhacay shayna ka qaatay iyo qof kale oo tuuga oo u dhacay qof kasta oo soomaalya gurigiisa kana qaatay wax kasta oo yaalay sababtooy tahay masiirkii umada buu xunbaarsan yahay qofka madaxdaa

    danbiyada kor ku xusan qofkii madaxa oo ku dhaca xilkiisa wuu ku waayayaa waana qiyaano qaran xabsina wuu mutaysanayaa meesha qofka tuugaa laga rabo wuxuu qaatay kaliya ,haduu bixiyana kaliya shaqadiisa kuwaayayo

    SIDEE UGA HORTAGI KARNAA MUSUQMAASUQA ?
    1-in laxiisaabiyo ama latirakoobo masuuliyiiinta dawlada inta aysan xilka qaban hantidooda.
    2-in sidoo kale latiri kooba hantidooda masuuliyiinta dowlada marka ay xilka kadagayaan.
    3=in dawlada ay ku ilaaliso hay’adaheeda mashaariicda wadanka laga fulinayo lacagta loogu tala galey sida ay u baxdey xisaabtana lala sameeyo.
    4-in lakeeno ama laga shaqaaleysiiyaa haydaha dawlada dad iyagu xirfad uleh hawlaha ay qabanayaan.
    5-in laga gudbo qabiilka kaas oo keenaya musuq maasuqa qaraabo kiilka ah.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

LABA DAGAASHAY HESHIIYA LAMA YIRAAHDO EE WAA LOO DHAXEEYAA

Haddii laba qof ama wax ka badan ama laba qabiil amaba laba dowladood is dagaalaan heshiiska dhexdooda kama yimaado ee waa inay helaan dad ama dowlado ku soo baxa murankooda ama dagaalkooda.

Haddey yihiin waxa is dagaalaya dad islaam ah waxaa habboon in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhexdhexaadiyo oo loo kala dhex galo ayaa fiican.

Dagaalna sida ay Soomaalidu ku maahmaahdo dagaal gondahaaguu ka dhashaa dagaalku mar waa ku tala gal ula kac ah, marna waa kugu qabatay iyo qaddar Alle,

Ujeedka aan ka leeyahay dagaalka waa maxay waxaan doonayaa in ay dadku kala fahmaan keebaa sax ah keebaa khaldan, oo aan marnaba kuu bannaaneyn?.

Haddaad tahay qof ilaahey caqligiisa dhameystiray waxaad ogaataa in in uusan ilaahey raalli ka ahayn dulmiga dulmi waa asbaabaha ugu horreeya ee dhaliya dagaal iyo dhiig daata.

Qofka muslimka ah waxaa looga baahan yahay in laga nabad galo gacantiisa iyo carabkiisa taasina waa akhlaaqda wanaagsan bulshada islaamka ah ee kula nool.

Haddaba, dagaal keebaa xaq ah ee noo bannaan keebaase noo bannaaneyn?

1-dagaalka xaqa ah waa midka aad ku difaacaneyso maalkaaga iyo cirdigaaga macnaha ruuxii ama qoladii kuugu timaado dagaal ay kugu waxyeeleynayaan waa inaad iska difaacdaa oo aad weliba jilbaha u aasataa adigoo ku shahiidaya difaaca naftaada, caruurtaada, maalkaada, diintaada iwm.

Markii cadow ku soo duulo dalkaada qof waliba waxaa ku waajib ah uu ka mid noqdo dagaalkaas lagula jihaadayo cadowga isagoo kaga qeyb qaadanayo saddex sifo midkood, soomaalida waxay tiraahdaa dagaal waa Af, addin iyo anfaco, saddexdaas ayaa kuu furan in aad midkood kaga qeyb qaadato dagaalka.

Matalan haatan waxaa loo diyaar garoobayaa dagaal wajigiisa labaad ee lagula dagaallamayo argagixisada kuwaasoo ah urur isku biiray oo ajaanib iyo soomaali ka kooban, ujeedkooduna yahay in dalka ay geliyaan maxmiyad ama gumeysi dadban kuwaasoo aan waxba reebin ama hambeynin.

Sidoo kale, duulaanka dibadda kaaga yimaada dalka iyo la dagaallanka burcadda, tuugada, ciyaal weerada, muqaddaraadka, fusuqa, musuq maasuqa, eexda, laaluushaka, afmiinshaarka warxumo tashiilka ah iwm, kuwaasina dagaalkooda waa xaq.

Dagaalka aan xaqa ahayn: waa midka sokeeye ee aan laasimka ahayn sidal laba daris ah, laba qof oo khilaaf yar soo kala dhex galay, midka qabyaaladda iyo goboleysiga ku dhisan, isu habar wacashada iyo balaayo afuufka waxaasi oo dhan waa khashin aan loo baahneyn.

dadkana waxaan kula talin lahaa inay iska fogeeyaan wixii keeni kara dagaal sokeeye oo ah kaa dhimay kugu dhimay, waa la soo arkay hadduu wax faa’iido ah leeyahay kaas iyo kuwa la mid ka ahna maahan maahan wax wanaagsan mana ahan dagaalka xaqa ah ee naloo banneeyay.

Dagaalka noocaan ah haddii aad ku dhimato ogoow adiga iyo midka kaleba kii la dilaa waa ahlu naar, sidaa daraadeed dagaalka sidaas u kala garta.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

 

ARRIMAHA LOO SABABAYNAYO ISBADALKA CIMILLAD AFRIKA

Bulshada ku nool Afrika ayay inta badan nolashooda ku tiirsan tahay cimilada maadaama nolasha boqolaal milyan oo qof oo Afrikaan ah ay ku tiirsan tahay roobka.

Cimilada qaaradda oo aan isku mid ahayn aadna u kala geddisan, arrintaa oo sababtay in isbadalka cimilada Afrika laga fisho waxyaabo badan oo la yaab leh gaar ahaan Soomaaliya.

Heerka isbaddalka cimilada Soomaaliya ee laga filan karo ayaa ah mid baaxad leh oo ballaaran. Koonfurta iyo woqooyiga soomaaliya ayaa ah labada meelood oo cimiladood u dhaxeeeyo farqi aan badnayn walow ay xiliyada qaar aad u kala duwan yihiin.

marka la eego, heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada isbadalkaasi cimilada ayaa ah mid aad u hooseeyo marka loo fiiriyo dunida inteeda kale, fakhriga iyo saboolnimada la dagatay Soomaaliya ayaa miisaanka dhibatada cimilada sii cuslaynaya, halka dowladuna  ay ku guuldaysatay in arrintan isbadalka cimilada ay muhiimad gaar ah siiso, amaba xil wayn iska saarto, walow aysan dadka iyo dawladuba ku baraarugsanayn cawaaqibka ama dhibka ka dhalan kara haddan hadda laga hor tagin.

haddii laga tusaalo qaadan lahaa Cimilada qaaradda Afrika ayaa ah mid aad u kala geddisan oo aan hal dhinac laga eegi karin.

Lamadegaanka Saxara ayaa ah lamadegaanka ugu ballaaran caalamka isla markaana ugu kulul caalamka.

sida ay sheegeen quburrada Cilmiga Sayniska iyo saadaasha hawada Laga soo billaabo 1960 waxaa aad u soo yaraanayay roobabka ka da’a qaaradda Afrika, gaar ahaanna waddamada ku yaal saxaraha iyo kuwa ka hooseeyba, arrintaa oo markii dambe sababtay macalluul galaafatay nolasha boqolaal kun oo qof isla markaana ay ku barakeceen malaayiin qof oo kale.

Soomaaliya isbadaka cimida in wax badan iska badaleen waxaa laga ogaan karaa, sanadkii waxaa ka da’a sadex xili roobaad oo kala ah Xaggaaga, Dayrta iyo Gu’ga, Dayrtii la filayay ma di’in robkii lagu yaqaanay mana gaarsiisna Isbaddalkaasi cimilada Afrika ayaa horseeday duufaannada Idai iyo Kenneth bishii Maarso ku dhuftay waddamada Mozambique, Zimbabwe iyo Malawi. Duufaanta Kenneth ayaa qaaday wado aan laga filayn oo waxa ay martay qeybo ka mid ah dalka Tanzania.

Horumar badan ayaa hadda laga sameeyay saadaasha hawada balse dhibaatadu wali waa mid taagan

taariikh ahaaan Soomaliya waxay soo martay abaaro aad loogu hoobtay ama lagu dhammaaday Dad iyo Duunyaba, kuwaas oo laga dhaxlay Gaajo, Macaluul, Barakac iyo Qaxooti intaba.

dadka Soomaaliyeed maahan kuwo cashar ka qaata oo ka gaashaanta si aysan mar kale u soo noqon, taa badalkeeda waxay kaalmo way diistaan beesha Caalamaka kaalmada beesha caalamka maahan wax si bilaash ah lagu siiyo ee waa dayn ama amaah la sii siinayo oo hadhow laga doonayo.

kaalmadu waxay noqon kartaa mid lacag cadaan ah, raashin aan tayo dhawrka la soo marin oo dhacay                                 Marka laga soo tago wali lama arag abaar sidaa u daba dheeraata dunida inteeda kale, Isbaddalkaasi ayaa la saadaalinayaa in uu ka sii dari doono tobanaanka sano ee soo socda ilaaheyse ma dhihin.

Dalka edatorial

 

 

 

 

WAA SHEEKO DHEX MARTAY NABI MAXAMED CSW IYO NIN REER BAADIYA AH OO YIRI: ALLE WAAN XISAABIN HADDU I XISAABIYO IYO JAWAABTI XAG ALLE KA TIMID

Maalin Nabiga (SCW) isagoo xaalada dadka eeg-eegaya iyo waxay ku howlan-yihiin fiir-fiirinaaya ayuu maqlay nin reer baadiyo ah oo leh: Yaa kariim Yaa Kariim .. Rasuulka wuxuu ku dhahay: Yaa kariim .. Reer baadiyihi isna wuxuu ku celiyey ereygi: Yaa kariim .. Rasuulki ayaa mar kale yiri: Yaa kariim

Reer baadiyihi inta fiiriyay ayuu ku yiri: Nin-kaagan wejiga furan ee qaabka qurxan inaan reer baadiyo ahay darteed miyaad iigu jees-jeesaysaa!? illaah baan ku dhaartaye wejigaaga furan iyo qaabkaaga toosan ayaan kugu dhaafay ma-ahane Nabiga ayaan kaaga dacwoon-lahaa.

Rasuulka inta dhoola caddeeyay ayuu Yiri: Ee Walaal Rasuulkaaga ma taqaan? Wuxuu ninki ku jawaabay: Maya laakiin waan aaminay mana arag, waan rumeeyay mana la kulmin.

Rasuulki ayaa Yiri: ogoow inaan ahay Rasuulkaaga adduunka iyo shafiicaaga Aakhiro.

Ninki Wuxuu u soo cararay xaga Rasuulka oo markiiba jilba jabsaday iskuna dayay inuu gacanta ka shumiyo. Wuxuu Rasuulka Yiri: ha igu sameyn sida loo sameeyo boqorada Ruum iyo cajamta!

Isla markiiba Jibriil ayaa soo degay oo Rasuulka ku yiri: Salaamu Caleyka yaa Muxammad, Rabbigaa wuxuu ku leeyahay ku dheh kan kula jooga yuusan damcin deeq-deenna waan xisaabineynaa maalinta Qiyaamo .. Reer baadiyihi oo fariinta gaartay wuxuu Yiri: illaahey ma I xisaabinayaa Rasuulki Alloow!? Wuxuu Rasuulki yiri: Haa, insha Allaah .. Ninki Wuxuu Yiri: Wallaahi hadduu i xisaabiyo anigana waan xisaabinayaa

Rasuulki ayaa yiri: Walaal Maxaad Rabbigaa ku xisaabineysaa?

Ninki Baa yiri: Hadduu dembigeyga igu xisaabiyo waxaan ku xisaabinayaa dembi dhaafkiisa, hadduu igu xisaabiyo Bakhiil-nimadeyda waxaan ku xisaabinayaa deeqsi-nimadiisa, hadduu igu xisaabiyo tabar-daradeyda waxaan ku xisaabinayaa awooddiisa.

Rasuulka wuu ooyay illaa ay ilintu garkiisa ka qoysay .. Jibriil ayaa soo degay oo Yiri: Rasuul Allow Rabbiga wuxuu ku leeyahay oohinta jooji, waxaa oohintaada ku mashquulay malaa’igta Carshiga ximbaarsan tasbiix-dooda, midka kaa oohiyey ku dheh: yuusan na xisaabin ma xisaabineynee wuxuu noqonayaa rafiiqaaga janada.