LABA DAGAASHAY HESHIIYA LAMA YIRAAHDO EE WAA LOO DHAXEEYAA

Haddii laba qof ama wax ka badan ama laba qabiil amaba laba dowladood is dagaalaan heshiiska dhexdooda kama yimaado ee waa inay helaan dad ama dowlado ku soo baxa murankooda ama dagaalkooda.

Haddey yihiin waxa is dagaalaya dad islaam ah waxaa habboon in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhexdhexaadiyo oo loo kala dhex galo ayaa fiican.

Dagaalna sida ay Soomaalidu ku maahmaahdo dagaal gondahaaguu ka dhashaa dagaalku mar waa ku tala gal ula kac ah, marna waa kugu qabatay iyo qaddar Alle,

Ujeedka aan ka leeyahay dagaalka waa maxay waxaan doonayaa in ay dadku kala fahmaan keebaa sax ah keebaa khaldan, oo aan marnaba kuu bannaaneyn?.

Haddaad tahay qof ilaahey caqligiisa dhameystiray waxaad ogaataa in in uusan ilaahey raalli ka ahayn dulmiga dulmi waa asbaabaha ugu horreeya ee dhaliya dagaal iyo dhiig daata.

Qofka muslimka ah waxaa looga baahan yahay in laga nabad galo gacantiisa iyo carabkiisa taasina waa akhlaaqda wanaagsan bulshada islaamka ah ee kula nool.

Haddaba, dagaal keebaa xaq ah ee noo bannaan keebaase noo bannaaneyn?

1-dagaalka xaqa ah waa midka aad ku difaacaneyso maalkaaga iyo cirdigaaga macnaha ruuxii ama qoladii kuugu timaado dagaal ay kugu waxyeeleynayaan waa inaad iska difaacdaa oo aad weliba jilbaha u aasataa adigoo ku shahiidaya difaaca naftaada, caruurtaada, maalkaada, diintaada iwm.

Markii cadow ku soo duulo dalkaada qof waliba waxaa ku waajib ah uu ka mid noqdo dagaalkaas lagula jihaadayo cadowga isagoo kaga qeyb qaadanayo saddex sifo midkood, soomaalida waxay tiraahdaa dagaal waa Af, addin iyo anfaco, saddexdaas ayaa kuu furan in aad midkood kaga qeyb qaadato dagaalka.

Matalan haatan waxaa loo diyaar garoobayaa dagaal wajigiisa labaad ee lagula dagaallamayo argagixisada kuwaasoo ah urur isku biiray oo ajaanib iyo soomaali ka kooban, ujeedkooduna yahay in dalka ay geliyaan maxmiyad ama gumeysi dadban kuwaasoo aan waxba reebin ama hambeynin.

Sidoo kale, duulaanka dibadda kaaga yimaada dalka iyo la dagaallanka burcadda, tuugada, ciyaal weerada, muqaddaraadka, fusuqa, musuq maasuqa, eexda, laaluushaka, afmiinshaarka warxumo tashiilka ah iwm, kuwaasina dagaalkooda waa xaq.

Dagaalka aan xaqa ahayn: waa midka sokeeye ee aan laasimka ahayn sidal laba daris ah, laba qof oo khilaaf yar soo kala dhex galay, midka qabyaaladda iyo goboleysiga ku dhisan, isu habar wacashada iyo balaayo afuufka waxaasi oo dhan waa khashin aan loo baahneyn.

dadkana waxaan kula talin lahaa inay iska fogeeyaan wixii keeni kara dagaal sokeeye oo ah kaa dhimay kugu dhimay, waa la soo arkay hadduu wax faa’iido ah leeyahay kaas iyo kuwa la mid ka ahna maahan maahan wax wanaagsan mana ahan dagaalka xaqa ah ee naloo banneeyay.

Dagaalka noocaan ah haddii aad ku dhimato ogoow adiga iyo midka kaleba kii la dilaa waa ahlu naar, sidaa daraadeed dagaalka sidaas u kala garta.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

 

ARRIMAHA LOO SABABAYNAYO ISBADALKA CIMILLAD AFRIKA

Bulshada ku nool Afrika ayay inta badan nolashooda ku tiirsan tahay cimilada maadaama nolasha boqolaal milyan oo qof oo Afrikaan ah ay ku tiirsan tahay roobka.

Cimilada qaaradda oo aan isku mid ahayn aadna u kala geddisan, arrintaa oo sababtay in isbadalka cimilada Afrika laga fisho waxyaabo badan oo la yaab leh gaar ahaan Soomaaliya.

Heerka isbaddalka cimilada Soomaaliya ee laga filan karo ayaa ah mid baaxad leh oo ballaaran. Koonfurta iyo woqooyiga soomaaliya ayaa ah labada meelood oo cimiladood u dhaxeeeyo farqi aan badnayn walow ay xiliyada qaar aad u kala duwan yihiin.

marka la eego, heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada isbadalkaasi cimilada ayaa ah mid aad u hooseeyo marka loo fiiriyo dunida inteeda kale, fakhriga iyo saboolnimada la dagatay Soomaaliya ayaa miisaanka dhibatada cimilada sii cuslaynaya, halka dowladuna  ay ku guuldaysatay in arrintan isbadalka cimilada ay muhiimad gaar ah siiso, amaba xil wayn iska saarto, walow aysan dadka iyo dawladuba ku baraarugsanayn cawaaqibka ama dhibka ka dhalan kara haddan hadda laga hor tagin.

haddii laga tusaalo qaadan lahaa Cimilada qaaradda Afrika ayaa ah mid aad u kala geddisan oo aan hal dhinac laga eegi karin.

Lamadegaanka Saxara ayaa ah lamadegaanka ugu ballaaran caalamka isla markaana ugu kulul caalamka.

sida ay sheegeen quburrada Cilmiga Sayniska iyo saadaasha hawada Laga soo billaabo 1960 waxaa aad u soo yaraanayay roobabka ka da’a qaaradda Afrika, gaar ahaanna waddamada ku yaal saxaraha iyo kuwa ka hooseeyba, arrintaa oo markii dambe sababtay macalluul galaafatay nolasha boqolaal kun oo qof isla markaana ay ku barakeceen malaayiin qof oo kale.

Soomaaliya isbadaka cimida in wax badan iska badaleen waxaa laga ogaan karaa, sanadkii waxaa ka da’a sadex xili roobaad oo kala ah Xaggaaga, Dayrta iyo Gu’ga, Dayrtii la filayay ma di’in robkii lagu yaqaanay mana gaarsiisna Isbaddalkaasi cimilada Afrika ayaa horseeday duufaannada Idai iyo Kenneth bishii Maarso ku dhuftay waddamada Mozambique, Zimbabwe iyo Malawi. Duufaanta Kenneth ayaa qaaday wado aan laga filayn oo waxa ay martay qeybo ka mid ah dalka Tanzania.

Horumar badan ayaa hadda laga sameeyay saadaasha hawada balse dhibaatadu wali waa mid taagan

taariikh ahaaan Soomaliya waxay soo martay abaaro aad loogu hoobtay ama lagu dhammaaday Dad iyo Duunyaba, kuwaas oo laga dhaxlay Gaajo, Macaluul, Barakac iyo Qaxooti intaba.

dadka Soomaaliyeed maahan kuwo cashar ka qaata oo ka gaashaanta si aysan mar kale u soo noqon, taa badalkeeda waxay kaalmo way diistaan beesha Caalamaka kaalmada beesha caalamka maahan wax si bilaash ah lagu siiyo ee waa dayn ama amaah la sii siinayo oo hadhow laga doonayo.

kaalmadu waxay noqon kartaa mid lacag cadaan ah, raashin aan tayo dhawrka la soo marin oo dhacay                                 Marka laga soo tago wali lama arag abaar sidaa u daba dheeraata dunida inteeda kale, Isbaddalkaasi ayaa la saadaalinayaa in uu ka sii dari doono tobanaanka sano ee soo socda ilaaheyse ma dhihin.

Dalka edatorial

 

 

 

 

WAA SHEEKO DHEX MARTAY NABI MAXAMED CSW IYO NIN REER BAADIYA AH OO YIRI: ALLE WAAN XISAABIN HADDU I XISAABIYO IYO JAWAABTI XAG ALLE KA TIMID

Maalin Nabiga (SCW) isagoo xaalada dadka eeg-eegaya iyo waxay ku howlan-yihiin fiir-fiirinaaya ayuu maqlay nin reer baadiyo ah oo leh: Yaa kariim Yaa Kariim .. Rasuulka wuxuu ku dhahay: Yaa kariim .. Reer baadiyihi isna wuxuu ku celiyey ereygi: Yaa kariim .. Rasuulki ayaa mar kale yiri: Yaa kariim

Reer baadiyihi inta fiiriyay ayuu ku yiri: Nin-kaagan wejiga furan ee qaabka qurxan inaan reer baadiyo ahay darteed miyaad iigu jees-jeesaysaa!? illaah baan ku dhaartaye wejigaaga furan iyo qaabkaaga toosan ayaan kugu dhaafay ma-ahane Nabiga ayaan kaaga dacwoon-lahaa.

Rasuulka inta dhoola caddeeyay ayuu Yiri: Ee Walaal Rasuulkaaga ma taqaan? Wuxuu ninki ku jawaabay: Maya laakiin waan aaminay mana arag, waan rumeeyay mana la kulmin.

Rasuulki ayaa Yiri: ogoow inaan ahay Rasuulkaaga adduunka iyo shafiicaaga Aakhiro.

Ninki Wuxuu u soo cararay xaga Rasuulka oo markiiba jilba jabsaday iskuna dayay inuu gacanta ka shumiyo. Wuxuu Rasuulka Yiri: ha igu sameyn sida loo sameeyo boqorada Ruum iyo cajamta!

Isla markiiba Jibriil ayaa soo degay oo Rasuulka ku yiri: Salaamu Caleyka yaa Muxammad, Rabbigaa wuxuu ku leeyahay ku dheh kan kula jooga yuusan damcin deeq-deenna waan xisaabineynaa maalinta Qiyaamo .. Reer baadiyihi oo fariinta gaartay wuxuu Yiri: illaahey ma I xisaabinayaa Rasuulki Alloow!? Wuxuu Rasuulki yiri: Haa, insha Allaah .. Ninki Wuxuu Yiri: Wallaahi hadduu i xisaabiyo anigana waan xisaabinayaa

Rasuulki ayaa yiri: Walaal Maxaad Rabbigaa ku xisaabineysaa?

Ninki Baa yiri: Hadduu dembigeyga igu xisaabiyo waxaan ku xisaabinayaa dembi dhaafkiisa, hadduu igu xisaabiyo Bakhiil-nimadeyda waxaan ku xisaabinayaa deeqsi-nimadiisa, hadduu igu xisaabiyo tabar-daradeyda waxaan ku xisaabinayaa awooddiisa.

Rasuulka wuu ooyay illaa ay ilintu garkiisa ka qoysay .. Jibriil ayaa soo degay oo Yiri: Rasuul Allow Rabbiga wuxuu ku leeyahay oohinta jooji, waxaa oohintaada ku mashquulay malaa’igta Carshiga ximbaarsan tasbiix-dooda, midka kaa oohiyey ku dheh: yuusan na xisaabin ma xisaabineynee wuxuu noqonayaa rafiiqaaga janada.

 

DIINTEENNA WAXAY ILAALISAY XUQUUQDA NAF WALBA

Diinteenna suuban ee Islaamka way kasoo horjeedaa xad-gudub walboo lagula kaco ruux bani’aadam ah Muslim iyo Gaal midkuu doono ha ahaado e, waa mid qof walba siisa xuquuqdiisa isla markaana si aad ah uga taxadarta eexda iyo qof jaclaysiga marka ay timaaddo xuquuq siinta qofka Muslimka ah iyo qof aan Muslim ahaynba.

Shareecada Islaamku waxay si buuxda u damaanaqaaday nolosha ruux walboo Alle abuuray, meelna ugama taalo in lagu xad gudbo xuquuqda Qof aan waxba galabsan, Dambiilaha waa meeshiisi, dambiile waa dambiile, wuxuu mutaysto ayey marinaysaa shareecada xad-gudub la’aan, xitaa dambiilaha lama ogola in lagu ciqaabo wax ka badan inta uu mutaystay (micnaha lagu xad gudbo) kaliya intuu geystay in u dhiganta uun baa laga goynayaa.

Wadamada Muslimka ah, kuwooda looga dhaqmo diinta Islaamka – qofkiisameeyo xad gudub noocuu doono iyo intuu doonana ha la ekaade waxaa lagu xukumaa wixii diinta fartay in qofkaas la marsiiyo ama lagu ciqaabo. Marka aan eegno haweenka Muslimiinta ah, Diintu waxay siisay xuquuq dhameystiran oo sal adag mana jirto diin aan ka aheyn Islaamka oo sidaa u ilaalisay, inkasta oo mararka qaar bulshada dhexdeeda xad gudubyo ka dhacaan haddana mar walba bulshooyinka Muslimiinta ah way ogyihiin in shareecada Islaamku ay si weyn u ilaalisay waxa ay xaqa u leeyihiin haweenka Muslimaadka ah.

Dumarku waxaa laga rabaa inay ogaadaan in xuquuqdooda dhameystiran ay diintooda Islaamka u balan qaaday, sidaana ugu qancaan oo meel kale aan u hanqal taagin, Islaamka ayaa damaanad qaaday xuquuq walboo ay leeyihiin. Waxaa kaloo la gudboon Haweenka Muslimaadka ah in ay si qoto-dheer u fahmaan diintooda oo aan loogu turjumin si ay u ogaadaan darajada ay diinta Islaamka gaarsiisay, inta badan haweenka muslimiinta ah hadda waxaa saacida oo ugu warama Culimada oo ka caawiya in ay fahmaan xuquuqdooda ku salaysan shareecada Islaamka.

Inta badan waxaa jirta Oraah la adeegsado oo ay soo qataan dadka u olaleeya waxbrashada gabdhaha oo ah “Gabadh wax baratay waa bulasho waxbaratay”. Ujeedka laga leeyahay Oraahdaan ayaa ah in gabdhaha lagu dhiirrigaliyo waxbarashada diini iyo maadi intaba. Nebi Muxammad NNKH, wuxuu dhiirrigaliyay waxbarashada guud ahaan rag iyo dumarba. Marka ay timaaddo in haweenku ay jago sare u tartami karaan iyo inkale waxay ubaahan tahay in dib loogu laabto shareecda oo loo bandhigo Culimada diiinta sida wanaagsan u gu xeeldheer, waxaase mar walba la og yahay in aysan diintu culeys ahayn oo ay ku dhisan tahay hab fudud oo naxariis ku jirto.

Dumarku waxay kaalin weyn ku leeyihiin arrimaha masiiriga ah haddii ay tahay mid qoys iyo bulsho intaba, waana sababta ay u yihiin aas-aaska qoyska, oo iyaga la’aantood wax badan horumar lagama gaareen marka ay timaaddo meesha dadka u ah aas aaska nolosha iyo horumarka bulshada intaba. In lala tashado haweenka waa muhiim marka la gaarayo go’aamada ku qotoma arrimaha masiiriga u ah diinta iyo kuwa bulshada ama qoysaska dhexdooda ahba, waa arrin mudnaanteeda leh, in la ogaado inay tahay wax weyn, sababtoo ah Nabi Muxammad wuu la tashan jiray xaasaskiisa taas oo muujinaysa sida shareecadu arrintaa muhiimadda u siisay.

Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha xuquuda dumarka ay shareecda Islaamku waynaysay ee waxaa jira dalal badan oo Muslimiin ah oo haweenkoodu ay sheegaan in waxa ay xaqa u leeyihiin uu qorayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Xiligii Nabiga NNKH dumarku door muuqda ayay ku lahaayen bulshada waxaana la xaqiijiyay haddii ay si dhab ah u fahmaan shareecda Islaamka in ay ku qancayaan halka ay diintu dhigtay xuquuqdooda.

WQ: Ibraahim Warsame Xuseen

ADDUUNKU WAA MAALMO EE MA AHAN MEEL LAGU WAARO

Diinteena Islaamka waxay noo sheegatay in adduunkan aan joogayno maalmo kooban qof walbana uu ka tagayo maalin maalmaha kamid ah, sidaa daraadeedna ay laga maar maan tahay in looga faa’ideysto u tabcashada daarta aakhiro ee aan dhamaadka laheyn, daartan aduunyo ee aan maanta ku noolnahay ma ahan tii rasmiga aheyd ee waa meel aan safar ka nahay waxaana loo baahanyahay in aan lagu kadsoomin dhaldhalaalkeeda.

Aduunku waa waqti yar, waxaana loogu talagalay in ruuxa muslimka ahi ugu shaqeysto aakhiradiisa oo ah gurigiisa rasmiga ah, waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah si aakhiro ugu baxsado, wixii maanta adduunka aad ku beerato ayaad beri guran dooontaa,safar dheer oo aan kasoo laabasho laheyna waa la geli doonaa Alle ha inoo fududeeyo camalka wanaagsan ee aan maalinta dambe aan u baxsano waa waxa kaliya aakhirada na anfacayo waa camal wanaagsan iyo cibaado suuban waana in ruux walboo muslim ah intaa ku dadaalo.

Islaamku wax walbo wuu inoo qorsheeyey nolosheena adduun iyo midda aakhirana wuu inoo miisaamay si labadaba ugu shaqeysano si isu dheela tiran waayo labaduba shaqo bay inaga rabaan si nolosheena u noqoto mid nidaamsan Alle ka cabsi ku dheehan dagan aan cabsi iyo argagax ku jirin taana waxaa heli kara ruuxa Rabbigiisa ka baqa adduunkiisana u shaqeysta dhammaan dhinacyada noloshana sidaa bay ku hagaageysaa lama rabo inaad noqoto qof hal dhinac keliya u go’ay dhankii kalana halmaama waayo noloshu waxaa la rabaa inay ku socoto si hagaagsan oo isu dheelatiran midaas ayaa abaal marinta adduun iyo midda aakhiraba ay ka dhalanayaan.

Beerta iyo abuuritaankeeda waxay u baahan yihiin dadaal iyo adkeysi joogto ah  inaad ku qaabisho oo aadan marnaba ka daalin waayo waa mustaqbalkaadi iyo waxa aad u aayi doonto waligaa sidaa daraadeed waa in aad si dhameystiran ugu dadaashaa ka miro dhalinta guulahaaga labad daarood if iyo akhiro Alle ha ina waafajiyee wanaagooda.

Noloshaada waa inay ahaataa mid nafsad ahaan kheyrka rajeysa uuna ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Camiraadda arlada

Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin

dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)

Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor  imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka  xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu

Nabigeenna NNKH ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero, markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo. (Axmad 2712)

Dhex galka dadka

Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iyo in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera  iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuulkii Alle SWT ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (w.w. Ibnu Maajah 4032).

Diinta Islaamka waxay tixgelin iyo mudnaan siisa Cilmiga

Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah

Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna NNKH tahay: Iqra (Akhri),  Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuunta  nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenn scw yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84).

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga.

Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna NNKH sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685)

WD: Ibrahim Warsame

 

 

YAA XAQ KUGU LEH (QEYBTII 6AAD)

XAQA QOFKA WEYN

Qofka weyni waa qofka gu` iyo da`ba kaa weyn , kaana cilmi badan, kaa taqwo iyo cabsi badan, jaah iyo sharafna  leh.

Tusaalooyin iyo waanooyin ku saabsan sida qofka weyn loo ixtiraamo

1)Nebiga waxa uu yiri  qof dhalinyar ma qiimeeyo qof weyn , haddii sidaa yeelo, isaguna waxa uu helaa qof qiimeeya marka uu weynaado.

2)Waxaa kale oo uu yiri nebiga naga mid maha qofkii aan  keena yarna u naxariisan, midkeena weyna  aan xaqqiisa garan.

3)Waxaa kale o uu yiri nebiga dhigga dadka heerarkooda ama manaasishooda.

4)Waxaa kale oo uu yiri nebiga waxa aan riyo ku arkay aniga oo cadayana  ayaa waxaa ii yimid nin weyn iyo nin yar, markaas ayaan rumeygii u taagay ninkii dhalinta  yaraa, markaas ayaa la igu yiri, kan weyn, markaas ayaan kii weynaa siiyey.

Waxaanu axaadiistan kala soo dhex bixi karnaa.

1.In qofka weyn la geliyo heerka uu u qalmo.

2.Arimaha oo dhan in qofka weyn lagu bilaabo.

3.In uu ka taxadaro in qofka yari uu yaso ama fududeysto qofka weyn.

4.In qofka weyni la ixtiraamo gacantana laga dhunkado.

5.In uu u istaago una adeego.

17-XAQA CARRUURTA AY WAALIDKA  KU LEEYIHIIN.

Ilaahey waxa uu amray ilmaha in wax la baro lana tarbiyeeyo.waxaa kale oo uu nebiga yiri nnk, ilmo waliba waxa uu lu dhalanaya fidro, aabihiis ama hooyadiis  ayaa islaamiya ama gaaleeya.waxaa kale oo uu nebigu yiri  ilmihiinu amra salaada marka ay todobo jir gaaraan kuna garaaca marka ay toban jir gaaraan.una kala saara jiifka.

18-XAQA UU ILMUHU KU LEEYAHAY  WAALIDKIISA WAXAA KA MID AH:

1)Waa in uu wanaajiyaa asluubtooda.

2)Waa in uu magic wanaagsan u bixiyaa.

3)Waa in uu ilmaha xaqqa u simaa.

4)Waa in uu u dhimriyaa oo uu naxariista baraa(dhunkadaa)

5)Waa in uu meel wanaagsan ka dhaliyaa.

6)Waa in uu haddii uu gaaro u guuriyaa.

19-XAQA AY WALAALUHU ISKU LEEYIHIIN

Ogow walaalkaa waxa uu kugu leeyahay xuquuq. Waxaana xuqquudaas ugu waaweyn kuwan soo socda.

1)Inaad caawiso naftiisa.

2)In carabka iyo qalbigaba laga saamaxo.

3)Waa in loo duceeyo

4)Waa in ballanta loo oofiyo

5)Waa in daacad loo ahaado.

6)Waa in waxkasta oo awood ah loo fududeeyo

7)Waa in dhibka iyo kalifaaddda laga ilaaliyo.

8)Waa in aad la jeclaataa oo aad dhigtaa wixii aad naftaada la jeclayd.

9)Waa in aad baahida naftiisa ka hor marisaa baahida naftaada.

10)Waa in aad ka aamustaa ceebihiisa.

11)Waa in aad xaaladiisu sida ay tahay aad baarbaartaa.]

20-XAQA AY MUSLIMIINTU ISKU LEEYIHIIN

Xaqqa uu qofka muslimka ah ku leeyahay qofka Kale ee muslimka ah aad ayuu u badan yahay, waxaana ka mid ah:

1)Waa inaad slaanto haddii aad la kulanto.

2)Haddii uu kuu yeero inaad ajiibto(waliimo)

3)Inaad u duceyso haddii uu hindhiso.

4)Inaad booqato haddii  bukoodo.

5)Haddii uu dhinto inaad jinaasadiisa raaco.

6)Inaad ka rumeysato haddii uu kuu dhaarto.

7)Inaad la taliso oo waaniso haddii uu ku weydiisto.

8)Inaad ilaaliso haddii uu maqan yahay.

9)Waa in aad la jeclaataa waxa aad naftaada la jeceshahay.

10)Waa in aad la nebcaataa waxa aad naftaada la neceb tahay.

Rasuulka NNK waxa uu yiri:

2.Muslimiinta waxa ay la mid yhiin sida ay isu jecel yihiin oo ay isugu naxariisanayaan waa sida hal jir oo kale, oo haddii ay xubin xanuunto jirka oo dhami uu xanuunka wada saaqo.

3.Waxaa kale oo uu yiri nebigu muslimku waxa uu muslimka kale u yahay sida dhis oo kale  oo midba lagu adkeeyo midda kale.

4.Waxaa kale oo uu nebigu yiri,  muslim waxaa ah qofka ay muslimiinta kale ka nabad galaan carrabkiisa iyo gacantiisa.( qofna waa in aanu ku dhibin qofka kale ee muslimka ah  ficilkiisa iyo qawlkiisa.)

5.Waxaa kale oo uu yiri nebigu  ma banana in qofka muslimka ah uu qofka kale ee muslimka ah uu ka aamuso saddex beri, iyaga oo iska hor imaanaya oo isdhaafaya, midbana uu ka jeesanayo kan kale. Waxaana khayr badan labadooda midka salaanta hor bilaaba.

Waxaa kale oo la yiri

6.u samee wanaagga dadkiisa iyo kuwa aan dadkiisa ahaynba, waayo haddii aad dadkiisa la hesho waaba dadkiisii, haddii aad dadkiisii la geftana adiga ayaa dadkisii ah.

7.Waxaa kale oo la yiri caqli iyo garasho waxaa ugu toosan diinta ka dib,  is jeclaysiinta dadka iyo u falidooda wanaagga  kan xun iyo kan wanaagsanba.

Waxaa kale oo la yiri  walaaluhu waa sida labada gacmood oo midba ay dhaqeyso midda kale. Taas oo  ah inay iscaawiyaan  oo ujeedo qur ah lahaadaan.

20-XAQA UU NINKU KU LEEYAHAY NAAGTIISA.

Xaqa uu ninku ku leeyahay naagtiisa aad bay u badan taha, waxaana ka mid ah:

1-In aanay oggolaansho la’aan guriga uga bixin.

2-In aanay isu diidin haddii ay daahir tahay.

3-In aanay maalkiisa qiyaamin.

4-In la ducaysato xlliga ducada.

5-In ay ehelkiisa sharafto.

6-In aanay ku qaylinin.

7-Inay waxay awooddo ku caawiso.

8-Inay maalkeeda ku galladaysan

9-In aysan maalkeeda u diidin haddii uu u baahdo.

10-In ay indhihiisa iyo dhegehiisaba xumaanta ka dhowrtaa.

11-Waa in aanay maalkiisa siinin qof uusan raali uga aheyn.

12-Waa in ay carruurtiisa dhowrtaa oo ay xanaanaysaa, hortiisana aysan ku dilin.

13-Waa in ay dhowrtaa jiifkiisa, sankiisa, gacantiisa iyo afkiisaba.

1.Inay adeecdo

2.Inay ka fogaato dhibaateyntiisa.

3.Waa inay ku dhaqantaa. Raali ahaanshihiisa.

4.Waa inay ahaataa adeecda ilaahey, rasuulka iyo ninkeeda.

5.Waa inay dhawrtaa maqnaashihiisa  nafteeda iyo gurigiisaba.

21-XAQA NAAGTU AY KU LEEDAHAY NINKEEDA

1-Inuu marasho iyo masruuf siiyo.

2-Inuusan afar bilood ka badan ka maqnaanin.

3-Inuusan gogosha mooyee wax kale ku dilin.

4-Inuusan duburka uga tagin.

5-Meherkeeda inuusan u diidin.

6-Inuusan u diidin booqashada ehelkeeda.

7-Inuu diinta wax ka baro, sida salaadda soonka iyo xaylka.

          Waxaa diyaariyey

Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)

MAAREYNTA WAQTIGA

Waa waxa ugu wayn ee uu Allaah aadanaha ugu nimceeyay, waana xili soo maro qof kasto oo nool aan dib ugu soo labanay inuu ka sheekeeyo maahane. Waqtiguna waa sida seefta oo haddii aanad wax ku jarin uu ku jarayaa.

 

sababtoo ah waqti aad ayuu muhiim u yahay nolosha bini’aadanku waa wakhti. sidaas darteed waa in qofku ogaado waxa uu wakhtigiisa ku qadanayo iyo inuu ka shaqeeyo sidii wakhtigiisa uga faa’idaysan lahaa.

 

waana in aad uga faa’iideysano waxyaabo waxtar leh oo aan iska fogeyno waxyaabaha wakhti dhumiska ah. sababtoo ah Wakhtigu waa wax qaali u ah nolosheena, waxaana jira waddamo badan oo ku tartamaya wakhti siday uga faa’iideysanaya.

 

Waa maxay maareynta wakhtiga?

 

Maareynta wakhtiga waa howl ku saabsan nidaaminta wakhtiga aad haysato adiga oo u qorsheynaya qaabka ugu haboon oo aad ku fullin karto howlahaaga guud. Sidoo kale wakhtiga waxbarashada waa mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee laga rabo in aad maareyso.

 

Waana mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee dalalka qaara dhibaatoyin ay ula kulmaan ardadooda inta lagu jiro xiliga waxbarashada, taas oo sidoo kale ka mid ah siraha ugu muhiimsan ee sare u qaada in aad hormar gaarto.

 

Hirgelinta qorshaha wakhti gaar ah oo lagu abaabulayo wakhtiyada waxbarasho ee noocyo kala duwan ah, oo ka mid ah arimaha bulshada iyo nolosha qoyska, asxaabta iyo aqoonta.

Abaabul waqtigaag waxbarashada:

 

1 – Qoro hadafyada ugu muhiimsan ee aad doonayso in aad ku guuleysatid. kuna qor qalin gaduudan oo ku dhagso darbiga sariirtaada si had iyo jeer u soo xasuusto.

 

2 – diiradda saara shaqada ugu muhiimsan ee aad rabto si aad gaarto natiijadeed. shaqo aan muhiim ahayn ama shaqo yar oo laga rabin wakhti ha iskaga dhummin.

3 – Isku day in aad isticmaasho qoraallo badan oo ku saabsan dhamaystirida waxyaabaha aad doonayso in aad qabato si aad u xasuus naato, laki ogow hadii aad walwal iyo walaac ku hayo wax baddan xal kooda ma heli doontid sidaa dar teed hadaa walwal iyo walaaca dareemaysid Akhriso adkaarta Allah iyo Qur’aan.

 

Sidoo kale isku day in aad seexto wakhti kugu filan si ay maskaxdaada wax badan xal ugu hesho4 – Isticmaal waraaqda maalinlaha ah oo aad Ku qorayso hadafkaag si aad u guuleysato.

 

5 – Ha qorin qorshahaaga maalin laha ah ilaa aad aka ogaato shallay waxaad qabatay iyo waxaadan qaban si aad uga fakarto waxa yaalaha aadan hirgalin sabbabta aysan kugu hirgalin iyo in aad xal u hesho waxyaalah kaa hor istaagay

 

Helidda natijo Fiican

 

Ku guuleysiga iyo heerka ugu wanaagsan ee daraasadda ama nolol maalmeedka ma ku xirno saacadaha aad ku qaadatay shaqada iyo waxbarashada, laakiin waxay ku xiran tahay habka aad u abaabusho waqtiga waxbarashada ama shaqadaad.

 

waxaa jira dad wax bartay mudo dheer aan helin natiijooyin fiican, Halka qaar ka mid ah dad ay qaateen saacado yar oo waxbarasho ah oo helayaan natiijooyin wanaagsan, taasina waxay sabab u tahay wakhtiga firaaqada in aad si wanaagsan uga faa’idaysato si aad u hesho natiijo fiican.

 

sidaas awgeed si aad u hesho guul fiican. U sameyso wakhtigaga wakhti aad ku raadiso casharo cusub iyo kuwi horey aad soo dhigatid.

 

WD: C/salaam M. Yaasiin

 

LIIBIYA HAATAN IYO WAAGII QADAAFI (QEYBTA 1AAD)

waa dal ku yaal gobolka docda waqooyi ee qaaradda Afrika oo madax-bannaanidiisa ka qaatay gumeystihii talyaaniga 24 December sanadkii 1951-dii, waxaana dhinaca waqooyi ka xegta badda Mediterranean-ka, Masar ayaa geeska bari soohdin kala wadaagta, Suudaan ayaa ayana dhanka koonfur-bari kaga beegan, Chad dhinaca koonfureed ayay xegtaa, Niger koonfur-galbeed, Aljeeriyana galbeed, halka Tunisiana ay dhanka waqooyi-galbeed ka jirto.
Caasimada dalku waaTripoli,Luuqadda rasmiga ah ee looga hadlaahi wa: Carabi, Carabiga, lacagta dalkuna waa diinaar, tirada dadweynuhu waa 6.7 malyan oo ruux, furaha isgaarsiintuna waa 218
haddii aad doonayso inaad xaaladda dhabta ah ee maanta jirta ogaato waxaa lagama maar maan ah inaad xilligii hore dib u milicsato.
Markii aad joogto dalka waqooyiga afrika dhaca ee liibiya codka ugu sareeya oo ay dhagahaagu maqlayaan ama war iyo wacaal waxa ku soo gaarayoo dhami waxay ku saabsanyihiin xiisado, colaado inta badan gobolada ka holcaya, dhinacyo is diidan, iyo maamulo is garab yaac ah.
Si aan xaaladda murugsan ee dalkaa si mug leh kuugu garwaaqsiiyo aan dib ugu noqanno sanadkii 201, dagaallo xoogan oo u dhexeeya kooxo mucaarad ah iyo ciidankii hugaamiye mucamar Al-qadaafi ayaa meel walba ka qiiqaya.
Xilligaa kacdoon ballaaran oo loo bixiyay gu’gii carabta ayaa ka curtay dalalka carabta intooda badan, waxaana meesha looga saaray hugaamiyeyaal kursiga damin dheer ku dangiigay.
Mucamar Al-qaafi oo 42 sanadood liibiya hugaaminayay, hiyigana ku hayay inuu inta noloshiisa ka dhiman dalkaa sii maamulo ayaa billowgii kacdoonka cagta mariyay xoogaggii ka soo horjeeday, hayeeshee taageero xoog leh oo ay ka heleen reer galbeedka oo ay duqaymo cirka ihi ku jiraan ayaa wiiqday cududkii ciidan ee uu isku hallaynayay.
Bishii oktoobar sanadkii 2011 kooxa mucaaradka oo aad uga taag roonaaday ciidankii dalkaa ayaa qabsaday gobolada iyo magaalooyinka waaweyn intooda badan, qadaafina wuxuu galay dhuumaalaysi ayadoo ay cirkana diyaaradaha reer galbeedku ka beegsanayaan, dhulkana ay xoogagga kacdoonku isku fidiyeen.

20-kii October xoogagga kacdoonka ayaa gacanta ku dhigay mucamar Al-qaafi oo ku maadanaya dhuumo biyo mareen ah oo ku yaalla saxaraha dalkaas, durbadiina rasaasta ayay ku boobeen oo nafta ayay dhaafiyeen, halkaas ayayna noloshiisii iyo xukunkiisii 42 sanadood jirsadayba ku soo afjareen.
Kooxaha kacdoonku markii ay qadaafi dileen, meydkiisana ay meel aan la garanayn ku aaseen waxay dubaaqa gashadeen inay guushii halgankooda gaareen oo ay dadka iyo dalkaba xukunkii adkaa ee 42 jiray ka xoreeyeen, balse waxay liibiya gashay xasrado, qulqulatooyin, iyo is diidmo maamul oo aan dhammaad lahayn, maantana dalkaa kama jirto dowlad rasmi ah oo la wada oggol yahay.
Halkii ay hal maamul, hal madaxweyne, iyo hal ciidan yeelan lahaayeen waxaa maanta xukunka dalkaa ku loolamaya xukuumado dhowr ah, iyo ciidamo iska soo horjeeda.
WQ: Abwaan Hareeri

 

WAA MAXAY FAA’IIDADA AY LEEDAHAY IN AF-SOOMAALIGA SI WANAAGSAN LOO BARTAAHI?.

Afsoomaaligu wuxuu xambaarsanyahay dhaqankeenii, sooyaalkeenii, suugaanteenii, Hiddeheenii iyo wax kastoo qeymo iyo abde inoo leh sidaa darteed waxaa lama huraan ah in aqoonta aas-aasigaa asaga loogu horaysiiyo oo qoristiisa quman, qaabka ugu habboon ee loogu dhawaaqo, iyo eray bixintiisaba yaraanta lagu barto.

Sidoo waa waxa koobaad ee kartida iyo aqoontada qofka  lagu qeymeeyo oo haddii uu Af toosan oo toolmoon ku hadlayo waxaa lagu tiriyaa ama loo tixgeliyaa inuu aqoon ahaan dhisan yahay,

balse haddii uu qofku qoraal ahaan ama dhawaaq ahaan Afsoomaaliga qaab aan hagaagsanayn u adeegsado tayadiisa iyo tacliintiisa ayaa durbadiiba la duraa ama la dhaliilaa.

Tan kale sida loo kala hadal qurxoonyahay ayaa loo kala saamayn iyo soo jiidasho badanyahay, oo qofka aftahanka ah oo erayada, Naxwaha, hab-dhawaaqa, iyo dhismaha weerahaba aad ugu wanaagsan ayaa la jecelyahay oo ay dadku inta badan taageeraan, oraahyadiisana sidii waanada wadaadada ugu dheg raariciyaan.

Murtida kale oo ku duugan barashada Afka ayaa ah inuu ardayda wax-baranaysa u fududeeyo inay aqoonta kale si wacan u gartaan maxaa yeelay maaddo kasta oo loo dhigayo Afsoomaali ayaa loogu sharraxaa haddii aanay erayada qaar ee Afsoomaaliga aqoonna way adkaanaysaa inay nuxurka maadadaa fahmaan.

Qodob kale oo muhiim ah oo barashada Afsoomaaliga laga helayo ayaa ah inuu ka qeyb qaadan karo  yarayn ismaandhaafka iyo xurgufta, maxaa yeelay is qab-qabsiga iyo khilaafka bulshadu.

mararka qaar wuxuu ka yimaadaa qof erayo aanu jeclayn lagu yidhi oo xanaaqay, ama mid hadal aanu ku talo-gelin balse gef ah sheegay ka dibna ay qolo kale qoonsatay.

sidaa darteed dadku hadday Afkooda si wanaagsan u yaqaanaan waxaa laga baaqsanayaa erayada xun xun iyo hadalada ay bulshadu ku kala irdhoobi karto oo maalin walba si barraad la’aanta iyo aqoon la’aanta ah loo yiraahdo ka dibna gacan-qaadku ka dhasho.

WQ: Abwaan Hareeri

SI LOO HELO DAD IYO DUUNYO CAAFIMAAD QABA MAXAAN U BAAHAN NAHAY?

Marka ugu horreysa xoolaheenna ma xisaaban yihiin ari geel lo maxaan tiro sax ah heysanaa haddaan soomaali nahay? Xaqiiqo ahaan jawaabtu waa maya laakiin waxaa la qiyaasaa in aan nahay dalka ugu geela badan adduunka iyo xoolaha la dhaqdo, waxaa ku xiran dalkeenna ganacsato badan oo ajaaniib ah oo dhoofsada xoolaha nool ee soomaaliya, runtiina waa xoolaha loogu jecel badan yahay cunista hilibkooda.

Dakadaheenna qaar waxaa laga dhoofiyaa xoolo badan oo isugu jira geel ari iyo mararka qaarkood lo’da balse wax faa’iido ah lagama helo oo waxay lacagta adage e ka soo xarootaa ku dhacdaa jeeb gaar loo leeyahay.

Taasi ayadoo ay jirto ayaa haddana dhoofinta neef kaamil ah waxaa dalka ugu sugan khasaaro waayo neefku wuxuu ka kooban yahay 1- Cad 2- Caano iyo 3-Maqaar.

Haddaba, marka lagaa dhoofsado neefkiiyoo nool waxaa lagaa faa’iidaa hilibkii oo gooni ah maqaarkii oo u dheer markii 1000 neef lagaa gato waxaa halkaas saran 1000 maqaar ama jildi oo ruuxa gatay uu ka helayo faa’iido mararka qaar ka badan intuu neefka oo dhan ugu fadhiyo.

Taasina waxay u baahan tahay ka fiirsasho saraakiisha qaabilsan dhoofinta xoolaha iyo wasaaraddaba in ay fara geliyaan qiimaha xoolaha lagu gato marka ay dhoofka tahay.

Waxaa jira wax loo yaqaanno maxjarro loogu talagalay xoolaha in lagu xanaaneeyo marka loo diyaarinayo dhoofinta halkaas sida badan waxaa ku baaqata canshuuraad ay dowladdu u baahneyd waayo waxaa xoolaha ku jira lacag fiican oo canshuur ah haddey tahay suuqyada gudaha iyo kuwa dhoofinta ahba.

Haddaan usoo noqdo ujeedka maqaalkeyga waa hubinta iyo koontoroolka caafimaadka xoolaha soomaaliya laga isticmaalo gudaha iyo dibaddaba

Neefka xoolaha ah waa sidii bini’aadanka oo kale way xanuunsadaan waxaana loo baahan yahay in ay leeyihiin taqaatiir u gaar ah oo si joogta ah u lasocda caafimaadkooda iyo dhaqdhaqaaqooda.

Haddii ay xooluhu caafimaadsan yihiin waa ka qiimo badan yihiin xoolaha kale wayna ka hilib iyo miisaan badan yihiin.

Takhaatiirta loo yaqaanno Viternaario ee ku taqsusay caafimaadka xoolaha wax badan kama muuqdaan miyiga iyo meelaha xoolaha lagu dhaqdo.

Tirakoobka dadka iyo xoolaha Waxaa jira hees arrintaas ay fannaaniintu ku tilmaameen hadda ka hor waxayna ahayd sidan:-

Tirakoobka Dadka

-Imisaa xabaal galay,  intee xayi ahee nool,  inteebaa xanuun qabaa

-Intee xaas la’aan koriyaa, intee xoog shaqeeya leh, intee xaraf tacliin dhigan.

-intee xarun magaala intee miyiga xulataa haddii aan xog loo heyn sidee baa loo xannaaneyn

Tirakoobka Xoolaha

-xoolaheenna foofee inta xeyska daaqdaa waa intee xubnoodo xaddigooda ii sheeg

Intee caano xooxa leh intee hilib xardhooshilii intee hilib bukaan qaba halkey xera dhiggoda halke ka cabaan xagaagii

Haddii aan xog loo heyn sidee baa loo xanaaneyn

Sida xaabka tuulada haddii aan la xaaleyn xoolaheenna

Xaq waliba aduunyada loo diidin dhoofka xoolaheenna

Barna gowrac lagu xago dugaaguna bar xuubsado oo aan xaashi lagu qorin

Xasilkiyo wixii lumay oon xaashi lagu qorin, inay xaalufaanoo hadhow ceyr xubeeraa noqonnaa xabko nahee noqonnaan xabku nahee.

Xaqiiqdii tirsiga guud waa xudduntii dhaqaalaha

Xaqiiqdii tirsiga guud waa xidhiidhkii kalsoonida

Dadbaa loo xil saaroo howshaai xambaartee waa in lala xarkeeyaa

War intaas ku dhan wax dheefna allaa ku maqanee noo daryeela dadka iyo duunyada.

WQ: Osman Dhiblaawe