NOOTAAYO MAXAY QABATAA?

Nootaayo waa Xafiis u xilsaaran qabashada adeegyada Sharciga ah. Waxaa furitaankiisa u xilsaaran Wasaarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo dhaqancelinta  ayada oo raacaysa Xeerka Nootaayada LR 1 ee soo baxay 2014. Waa xafiis u madax banana gudashada awoodaha xeerka nootaayada uu siiyay laakin Sarkaalka haya nootaayada waxa uu matalaa wasaaradda Cadaaladda.

Maxay yihiin adeegyada sharci ee ay qabato nootaayada?

1. kala wareejinta Hantida Guurtada ah iyo Maguurtada
2. Sharciyeynta Wakaaladaha
3. Samaynta iyo sugidda  cadaymaha sharciga ah.
4.  Samaynta iyo sugidda heshiisyada sharciga waafaqsan.
5.  Samaynta iyo sugidda dardaaranadda.
6. Samaynta iyo sugidda lahaanshaha,isla lahaanshaha iyo dhammaan hawlaha kale ee xeerku baneeyay

Maxaa ka reeban sarkaalka nootaayada

Waxaa ka reeban Sarkaalka Nootaayaha:-
1.    Sarkaalka Nootaayaha waxaa ka reeban in uu bixiyo Sir la xidhiidha qoraalada (Documenti) lagu aaminay in uu xafido.
2.   Sarkaalka Nootaayuhu ma kala wareejin karo Hanti aan waddan caddaynta Lahaanshaha ku qeexan sida Xeerarka Dalka ku tilmaaman.
3.   Sarkaalka Nootaayuhu ma samayn karo caddayn lahaansho ee Maxkamaduhu u xil saaran yihiin.
4.   Sarkaalka Nootaayuhu ma diiwan galin karo qoraalo aanay u dhamayn dhinacyada ay khusayso.
5.  Sarkaalka Nootaayadu ma diiwan galin karo qoraalada khuseeya Naftiisa, Aabihii, Caruurtiisa, Walaaladiisa iyo Xaaskiisa (Ooridiisa) xataa hadday is fureen
6.  Sarkaalka Nootaayuhu kuma furan karo ruqsada Nootaayada laba Xafiis.
7.   Sarkaalka Nootaayuhu uma banaana in uu Xafiiska Nootaayaha la wadaajiyo cid kale sida Meherad Ganacsi, Xafiis Qareen, NGO, IWM.
8. Sarkaalka Nootaayada waxaa ka reeban Hibaynta Hantida Guurtada iyo Ma Guurtada ah
9.    Sarkaalka Nootaayada waxa ka reeban in uu ka been sheego ama Qariyo qiimaha hantida uu kala wareejinayo.
10.   Sarkaalka Nootaayada waxaa ka reeban inuu noqdo shaqaale Dowladeed.
Mahadsanidiin.
11.   Sarkaalka Nootaayada waxaa ka reeban inuu noqdo Ganacsade.

WAAYIDDA RUKHSADDA NOOTAAYAHA

Nootaayaha wuxuu ku weyn karaa Rukhsaddiisa.

1- haddii uu geeriyoodo.
2- Hadii uu gudan waayo shaqadiisa Nootaayanimo caafimaad darro xagga maanka iyo jirka ah;
3- Hadii uu ka tanaasulo mihnaddiisa Nootaayanimo
4- Hadii uu qabto xil kale hay’adaha Dawladda ama hay’adaha gaarka loo leeyahay.
5- Hadii uu gaaro da’da hawl-gabka 70 sano.
6- Hadii lagala noqdo Rukhsadda Nootaayada Anshax xumo baahsan awgeed.
7- Haddii daciifnimada xagga maskaxda kaliya ay noqoto waqti kooban, Nootaayaha wuxuu ahaan karaa mid hawlihiisa ka fadhiista waqti xaddidan oo aan ka badneyn hal sano haddii ay hal sano ka badnaato daciifnimada xagga maskaxda waa laga joojinayaa shaqada.
8- Haddii uu ka joogsado sabab la’aan shaqada Nootaayada 2 (labo) bilood wax ka badan goobtiisa.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Comoros ee Ethiopia oo ka wadda hadlay Adkaynta Iskaashiga Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Comoros ee dalka Ethiopia Ambassador Cabdullaahi Maxamed Warfaa iyo Ambassador Youssouf Assoumani Mondoha, ayaa xaruunta Safaaradda Comoros ee Addis Ababa ku yeeshay kulan ay uga wadda hadleen adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Danjire Warfaa ayaa dhigiisa Comoros Danjire Mondoha uga mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee uu ugu sameeyey xafiiskiisa Safaaradda Comoros ee Addis Ababa, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu xambaarsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah, Dawladda Soomaaliya dhankeedana ay diyaar u tahay adkaynta iskaashiga labada dal.

Sidoo kale, Safiir Cabdullaahi ayaa Danjire Youssouf warbixin kooban kasiiyay xaaladda guud iyo horumarka Soomaaliya ay ka gaartay arrimaha adkaynta nabad-gelyada,dhaqaalaha, soo afjaridda khawaarijta Al-Shabaab, turxaan bixinta iyo tayeynta hay’adaha Dawladda,qorshaha dayn cafinta iyo qodobo kale oo saldhig u ah Dawlad-wanaaga Soomaaliya.

Safiirka Comoros ee Ethiopia Youssouf Assoumani ayaa dhiggiisa Soomaaliya Danjire Cabdullaahi Warfaa u caddeeyey in uu si weyn u bogaadinayo kulankan, isla markaana dhankooda ay ballan qaadayaan xoojinta xiriirka Comoros iyo Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay garab istaag buuxa u muujiyaan Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Magaalada Buqa-qable ee gobalka Hiiraan

Buqa-qable:-Howlgalka waxaa lagu beegsaday saddex xaruumood oo Khawaarijta ay lahaayeen kuwaas oo dhammaantood la burbruriyay.

Goobta ugu horraysa waxa ay ahayd Garaash ay Khawaarijta u yaalleen ilaa 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka dhammaantoodna waa la burburiyay waxaana laga dhigay hawlgab.

Howlgalkii xiga ayaa waxa uu ka dhacay Xaruun laga Maamulo Khawaarijta oo k taalay Magaalada oo ay ciiddanka weerar ku qaadeen laguna burburiyay iyadoo lagu khaarajiyay Shan ka mid ah maleeshiyada Khawaarijta oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge ku sugnaa islaa goobta lagu dilay.

Dhanka kale Howlgalka ugu danbeeyay waxaa  lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen Koox Khawaarij ah oo ku taalla Banaanka Magaalada, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad halkaas baad ka qaadan jiray.

Inta la xaqiijyay howlgalka waxaa Khawaarijta uga geeryooday 18 ka tirsan maleeshiyada oo labo ay horjoogayaal yihiin, waxaa la burburiyay 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka oo ay ku rakibnaayeen Qoryo culus waxaana la burburiyay labo Xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd.

Howlgalkaan dhacay Maanta oo jimco ah waxa uu ka mid yahay howlgalo isdaba joog ah kuwaas oo barbar socda howlgalada sifaynta ah oo ay wadda ciidamada xoogga dalka,waxaana lagu beegsaday ilaa hadda inka badan Toban Degaan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyadka argagixisada iyadoo lagu burburiyaya goobo ay qaraxyada ku sameyn jireen,Gaadiid, Saanad,Xafiisyo iyo isbaarooyin.

Dibadbax lagu taageerayo gulufka dagaal ee ka dhanka ah Khawaarijta oo Cadaado ka dhacay

Banaan-baxaan oo ahaa mid lagu taageerayay dhameystirka wajiga 1-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud.

Boqolaal dibad baxayaal ah ayaa socod ku soo maray bartamaha magaalda ku waas oo shacuurtooda ku muujinaya sida ay u doonayaan ciribtirka kooxda khawaariijda.

Qaar ka mida dibad baxayaasha ayaa la hadlay warbaahinta qaranka waxey sheegeen iney garab taganyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ee macawuleyda ee u diyaarsan ciribtiska Khawaarijta.

Masuuliyiinta maamulka magaalada Cadaado ayaa dibad baxayaasha kula hadlay goob wafaage ah oo ay uga soo qayb

galeen banaan baxa waxeyna dhankooda sheegeen iney shacabka reer Cadaado ku hoggaamin doonaan la dagaalanka Khawaarijta.

Galmudug waxaa gabangabo maraya diyaar garowga ay ciidamada dowlada’ kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ee macawuusleyda ay ku xoreyn lahayeen deegaannadda ay ku dhuumaleysanayaan Khawaarijta.

     

Madaxda qeybta 43-aad oo kormeer dhiirigalin ah ku tagay fariisimaha ciidanka ee Baarsanguuni.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Jeneraal Dalka Cali Maxamed Maxamuud ayaa kormeer howleed oo ku saabsanaa xaaladda ciidanka ku tagay fariisimaha ciidanka ee deegaanka Baarsanguuni.

Kormeerkaan ayaa la xiriiray  dhiirigalinta ciidanka  iyo dardargalinta howlgalka ka dhanka ah maleesjiyaadka Al-shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya deegaanada Jubbooyinka,isagoo xusay  in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa kooxahaasi .

Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa ku dhaqan Jubbooyinka ugu baaqay  in ay garab istasagaan ciidamada ku jira la dagaalanka khawaarijta ee dhibaatooyinka ku hata dadka Soomaaliyeed.

Xi Jinping oo K/Afrika kaga qeybgalaya kulanka dalalka ku bohoobay Ururka BRICS

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir madaxeedka wadamada ku bahoobay ururka BRICS, kaas oo ka furmaya Dalka Koonfur Afrika 21-ka bishaan.

Madaxweyne Xi Jinping waxa uu ka qeyb geli doonaa Shir Madaxeedka 15-aad ee Ururka BRICS oo lagu qaban doono magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo socon doona 21-ka ilaa 24-ka Agoosto,waxaana ka qeybgali doona Shanta wadan ee Ururka BRICS sida Brazil, Russia, India, China iyo South Africa.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa horay u booqday Koonfur Afrika sanadkii 2018-kii isagoo doonaayey inuu sare u qaado xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee dalkiisa uu la leeyahay Afrika.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wajahaya waaran lagu soo xirayo ayaa ka qeyb qaadan doona muuqaal ahaan kulankaasi,halkii uu shaqsi ahaan uga qeyb gali lahaa.

Guud ahaan 69 wadan ayaa lagu casuumay shir madaxeedka Koonfur Afrika oo ay ku jiraan dhammaan dowladaha Afrika, waxaana la filayaa in la ballaariyo ajandaha ugu sarreeya.

Dalal ay ka mid yihiin Algeria, Saudi Arabia, Argentina iyo Ethiopia ayaa muujiyay xiisaha ay u hayaan ku  biiridda kooxdaasi si rasmi ah ama si aan rasmi ahayn.

Dalalka ku bohoobay Ururka BRICS ayaa doonaya in ay muujiyaan awood lamid ah tan reer Galbeedka,waxaana lagu tiriyaa dalalka heysta rubuc meelood dhaqaalaha dunida

In ka badan 20 Dhagar-qabe oo lagu dilay howlgal ka dhacay Sh/Hoose

In ka badan 20 Dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo dhacay xalay abaaro Saddexdii habeenimo ayaa waxaa lagu beegsaday laba Guri oo khawaarijtu ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu burburiyey Guryihii Khawaarijta fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ahaa burburinta kooxaha khawaarijiinta,iyadoo ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ay ka go’an tahay sifaynta kooxdaasi.

 

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorshaha dowladda kaddib xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen la-dagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”.

 

 

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Sheekha Al-Azhar Al-Shariif iyo madax kale

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Faarax Sheekh C/qaadir ayaa magaalada Qaahira kula klmay  Sheekha weyn ee ee Al-Azhar Al-Shariif Dr. Axmed Al-Tayeb iyo madax kale oo ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Masar.

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar waxaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dale ee Soomaaliya iyo Masar iyo dardargalinta taageerada Al-Azhar ee dhanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Faarax Sheekh C/qaadir  ayaa bogaadiyay doorka Al-Azhar Al-Shariif ee ku aaddan faafinta muuqaalka saxda ah ee diinta Islaamka, iyo ka hortagga muuqaallada xagjirka ah ee ay faafiyaan kooxaha argagixisada ah, isagoo carrabka ku dhuftay in manhajka Al-Azhar Al-Shariif uu gacan weyn ka geystay ku-dhaqanka Soomaalida. luqadda Carabiga, ilaalinta aqoonsiga Islaamka, iska caabinta gumeysiga iyo la dagaallanka xagjirnimada .

Sheekha Al-Azhar Al-Shariif Dr. Axmed Al-Tayeb  ayaa ammaanay dadaalka Soomaaliya ay ku bixiyeen la dagaalanka  kooxaha argagixisada iyo la ka hortagga xagjirnimada iyo afkaarta madawga ah ee kooxahaasi.

Danjiraha Soomaaliya ahna Wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la joogteeyo deeqaha waxbarasho ee loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah  dowladnimada Soomaaliya.