Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyay wafdi ka socda DF iyo M/gobolleedyada

Adis Ababa:- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa,ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey wafdi ballaaran oo ka socday Wasaaradaha kala duwan ee Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada dalka, kuwaas oo shaqo Qaran u jooga dalkan Ethiopia.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib Heshiisiinta XFS, Mudane Caydaruus Macalin Xasan ayaa Safiirku waxa uu warbixin kooban ka siiyay hawlaha diplomaasiyadeed iyo kuwo bulsho ee ay safaaraddu u hayso oo wakillka uga tahay Dawladda Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Ethiopia, wuxuuna sheegay inay horumaro badan ka gaareen arrimahaas iyo adeeg-yada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Caydaruus Macalin ayaa Safiir Warfaa uga xog waramay safarka ay wafdiga uu hogaaminayo kusoo gaareen dalka Ethiopia, isagoo tilmaamay inay Addis Ababa u joogaan arrimo shaqo oo la xiriira masuuliyadaha ay u hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ka warbixiyay hawlo muhiimad weyn u leh Qaranka Soomaaliyeed oo doonayaan inay khibradooda la wadaagaan Diplomaasiyiinta safaaradaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horeeyaan arrimaha dad dhigista *Civil registration* iyo bixinta aqoonsiga dadweynaha “National ID” Hawlaha dad dhigista ayuu sheegay inay ka mid tahay bixinta shahaadooyinka dhalashada, dhimashada, guurka ilma korsashada iyo furiinka oo meel fiican u mareysa wasaarada iyo sidii loo heli lahaa diiwaangalin casri ah oo mideysan taasoo ka dhaqangasha dhamaan dagmooyinka dalka iyo safaaradaha dalalka ay Soomaalidu ku noolyihiin.

Wafdigan oo uu kamid yahay maareeyaha Hay’adda aqoonsiga iyo diiwangalinta qaranka NIRA (National Identification and Registration Authority) Cabdiweli Cali Timacadde ayaa safiirka uga warbixiyay halka ay marayan dedaalada dhismaha Hay’adda isagoo sheegay in dhawaan si rasmi ah loo bilaabi doono bixinta aqoonsiga dadweynaha.

Wafdigan ayaa joogi doona Ethiopia maalmo kooban, waxayna dib ugu laaban doonaan Caasimadda dalka ee Muqdisho kadib marka ay u dhamaadaan hawlaha Qaran ee ay u joogaan Addis Ababa.          

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Dalka Hindiya

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda fedaraalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Maxamed Xasan Bullaale oo uu wehlinayo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalka Hindiya mudane Axmed Cali Daahir, ayaa Maanta kaga qayb galay magaalada Gandhinagar ee gobolka Gujarat kulanka G20 ee halku dhigiisu yahay “One Earth One Health.

Wasiirka ayaa madaxda dalalka Afrika iyo kuwa kale ee caalamka u jeediyay khudbad uu kula wadaagay xaaladda, caafimaadka dalka Soomaaliya iyo qaybabaha la iska kaashan karo si bulshooyinka wadamada guud ahaan u helaan caafimaad haqab-tiran iyaga oo aan waajihin culeys dhaqaale.

Wasiir ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qayb galay daahfurka shir waynaha (WHO Global Summit on Traditional Medicine) iyo dhacdooyin kale oo garab socoday kulanka.

Shirwaynaha ayaa waxaa ka qayb-galaya madax iyo wufuud ka kala socota ilaa 70 waddan oo caalamka ah iyo hayado caalami ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda caafimaadka adduunka Dr. Tedros ayaa kamid ah madaxda goob joogga ka ah shirwaynaha, isaga oo ka jeediyay khudbad taabanaysay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga waddamada si sare loogu qaado badqabka bulshooyinka caalamka
Wafdi uu Hoggaaminayo.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Caafimaad iyo Daryeelka bulshada H.E Xildhibaan Maxamed Xassan Bullaale ayaa dalka Hindiya ku joogi doona booqasho rasmi ah oo 3 maalin qaadan doonta.

    

Cabdi Xaashi Cabdullaahi”Cadow dhibaato ku haya dalkaan ayuu ka hortagayaa sharcigaan hadii la meelmariyo”

kulanka golah aqalka sare JFS oo ay ka qayb galeen wasiirrada dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedayda dalka gobolka Banaadir,Xildhibaan iyo bulshada raydka ah ayaa looga hadalay sharciga deegaanka oo muhiim u ah faya dhowrka deegaanka iyo badqabkiisa.

Gudoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay ayaa sheegay in sharcigaan u muhiim u yahay labo cadow oo dalka dhibaato ba’an ku haya in u xal u yahay ka hortagooda.

“Cadow dhibaato ku haya dalkaan ayuu ka hortagayaa sharcigaan hadii la meelmariyo,cadowga kowbaad waa nabad guurka ku dhacay dalka oo ba’binaya Badda iyo Birigaba cadowgaas waa midka aan kaga hortagi lahay sharcigaan,oo aan si wadda jir ah uga badbaadi karnaa degma walbaa oo dalka ka tirsan waxaa jira togag biyo ah oo iska qulqula xili roobaadka oo isaga dhammaad dhulka,haddii la qabto oo loo sameyo biyo xireeno waxay anfacayaan dadka,dhireynta waa wax muhiim inoo ah idinka ayaan farah ku ahaya xeer sharcigaas oo la idinkaga baahan yahay sidii aan uga faa’iidaysan lahayn”.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka Guddoomiyaha oo arrimo badan kaga hadlay.

Dibadbax lagu taageerayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta oo ka dhacay Baxdo

Baxdo:-Isku soo bax balaaran oo ay ka soo qayb galeen  maamulka deegaanka Baxdo iyo dadweynaha ka kala yimid Cadaado,Godinlabe,Ardo,Marsamage,Dhuumodle,Dhagtuur,Kaxandho,Cadakibir iyo magaalooyin kale oo hoostaga gobolka Galgaduud ayaa lagu taageerayay wajiga labaad ee dagaalka iyo dhameystirka wajigii kowbada ee ka dhanka ah Khawaarijta.

Dibadbaxaan oo saaka ka bilowday deegaannada Galgaduud ayaa dadka deegaannadaasi waxay ku doonayaan in ay taageero ugu muujiyaan sidii ay isaga dulqaadi lahayeen kooxda nabad diidka ah ee Khawaarijta ee ku dhubaaleysanay qaybo ka mid ah gobolka.

Shacabka ku dhanaqan Galmudug ayaa soo dhaweeyay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka argagixisada in laga bilaabo deegaannada Galmudug oo muddo toban cisha ku sugan yahay madaxweynaha JFS Xasan  Sheekh Maxamuud oo garwadeen ka ah dagaalka wajigiisa labaad

 .

        

Wasaaradda waxbarashada JFS oo go’aan ka soo saartay tacliinta sare ee dalka

Wasaaradda Waxbarashada hiddah iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed wax ay la wadaagtay in ardayda ka soo baxdah dugsiyada sare ee dalka una gudbiya heerka sare ee Jaamacadaha in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka ka soo baxay wasaaradda waxbarashada:- Wasaaradda Waxbarashada waxa ay la wadaageysaa Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed,waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah,waa in ay ka mid noqdaan:Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda),Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda u ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

Faahfaainta xogtaasi fadlan ka eeg go’aanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada.

God gashaa ama Ari raacdaa, waa lagugu soo galay (WARBIXIN)

Ceelbuur waa magaalo kulansatay Qurux iyo hanaan wanaagsan marki aad eegto biyaha dur duraya ee dhex ceegaaga bartankeeda iyo jawiga u goonida ah oo ay leedahay, sidoo kale degmada Ceelbuur waxaa ku yaalo Xarunta ciidanka guutada 22 aad ee milatariga xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo xarada Caano Moog, Degmadaan waa magaalo qadiimi ah, soo jireenkeeda  taariikh ahaan waxa ay ka badan tahay 900 sano.

Ceelbuur iyo Galhareeri waa magaalooyinka kaliya ee ka hor inta aan la xoreyn loo diyaariyay Gargaar ka kooban cunto iyo daawo, maamul iyo ciidamo amni iyo guddiyo wacyigelin. Waxaa muuqato in dowladu muhiimad gaar ah u leedahay degmooyinkaas oo kamid ah meeliha ay AS ku xooganaayeen sanadihii lasoo dhaafay.

“Adeerkeey Mujaahid Xasan Sh Cumar Yaroow oo sideetan Jir ah waxa uu qoriga u sitaa in uu Khawaarijta suuliyo.Waxa uu fahamsan yahay in ay halis ku yihiin Diintiisa, Dadkiisa iyo Deegaankiisa. Khawaarij iyo Dadkeennu war iskuma hayaan. Ma waxay la tahay in ay Dadka heerkaas jooga ay uga adkaadaan dhulkooda oo inta ka suuliyaan ay iyagu u haraan!”, sidaasina waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, mar uu Magaalada Baxdo uga qeybgalay bandhig ciidanka deegaanka oo ka qeyb noqonaya dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo ay garab taagan yihiin qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqeynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jir kooxda Khawaajita ee dhaqamada diinta islaamka ka baxsan oo ku qaldaysa dadka caamada ah, si ay ugu dagaalamaan, wuxuuna xusay in culimadu ay si joogta ah u cadeynayso mas’alooyinka diiniga ah ee la xiriira dagaalka Khawaarijta,  iyagoo dhinaca kale ka qeyb qaadanaya wacyigelinta bulshada iyo toosintooda oo ah shaqo ay mar walba u taagnaayeen culimada

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dowladda Soomaaliyeed ku bogaadiyay inay mudnaanta koowaad ka dhigtay la dagaalanka Khawaarijta, taasoo  suurad xumaysay diinta Islaamka, waana waajib si dadka Soomaaliyeed diintooda loo badbaadiyo. “Khawaarijtu waxay qatar ku yihiin diinta, nafta, maalka, cibaabada iyo guud ahaan xasiloonida dalkeena, waa waajib diini ah in lala dagaalamo” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa  si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka Khawaarijta waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in loo midoobo oo la garab istaago dagaalka u ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikha Naxamuud ee looga xoreynayo dalka Argagixisada.

Barnaamij gaar ah oo ka baxay Warbaahnta dowladda oo ay ka qaybgaleen  Culima’udiinka ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay bayaaniyaan oo ay caddeyaan culimada xaqa iyagoo gudbinayay farriin ku aadan dagaalka loogu diyaar garoobayo in looga xoreyo qeybaha ay haraadiga ku yihiin Khawaarijta. “Khawaarijtu waxay qatar ku yihiin diinta, nafta, maalka, cibaabada iyo guud ahaan xasiloonida dalkeenna, waa waajib diini ah in lala dagaalamo” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Dhankiisa Sheekh Soomoow oo ka mid ahaa culimadii ka qeybgashay ayaa yiri,”Khwaarijtu Dadkeena waxay u laayeen si aan kala sooc laheyn, Maanta waa in Shacabka Soomaaliyeed Madaxda Qaranka ku garab istaagaan iska Xoreynta khawaarijta, waxaan haysataan Hoggaamiye daacad ah ee u istaagay, waana in aan garabkiis noqona,waana in culimada Soomaaliyeed ay xaqa caddeyso waana waajib saaran”.

Sidoo kale Sheikh Cali Wajiis ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed Waxaa Waajib ku ah inay Ajiibaan Jihaadka uu ku dhawaaqay naguna hoggaaminaayo Madaxweynaha Qaranka,waxay cadow ku yihiin dadka iyo diinta oo ay gaaleysiiyeen, waxay khatar galiyeen Amnigoodii iyo nabadgalyada, waxay baneysteen dadka xoolohooda iyo dhiiggooda,waa in la daldala oo jidka la dhigo dadka noocaas ah ee Khawaarijta ah, Ummadda waxaa waajib ku ah haddii xaakimka dalka ugu sarreeya u ku dhawaaqo in lagu jihaado cadawga ilaaheey iyo kan Ummadda waxaa waajib ah in aad ajiibto”.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay garab taaganyihiin culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqeynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jiro kooxda Khawaajita ee dhaqamada diinta islaamka ka baxsan ku qaldaysa dadka caamada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dajisay Istiraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaalamayo Khawaarijta, kaasi oo ka kooban dagaalka furimaha, dagaalka dhaqaalaha iyo dagaalka fikirka, iyadoo dhammaan dhinacyadaasi guulo wax ku ool ah laga sameeyey.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood oo xalay shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgal shalay ka dhacay Aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30-dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamadda dowladdu ay dagaal ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo lix irdood oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri, waxaana dagaalku uu ka dhacay Af-goobad oo khawaarijtu ku sugnaayeen, halkaasi oo looga dilay 30-dhagarqabe oo Khawaarijta ka tirsan.

Ciidamadda oo ka feejigan dhagarta Khawaarijta ayaa fashiliyay gaari qarax wada oo ay Argagixisadu dooneysay inay cutubyada ciidamadda dowladda ee dagaalka ku jira ku dhibaateeyaan, isagoo uu Afhayeenku xusay in sahan ay sameeyeen ciidamada sirdoonka Qaranka oo adeegsanada Aaladaha tiknoolajiyada in Shacabka ku nool deeggaanada shalay dagaalku ka dhacay inay fuliyeen amarka dowladda ee ahaa in laga fogaado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda nafla caariga ah ee Argagixisadda, waxaana xogta sahanka lagu sheegay in shacabku geedi ka yihiin deeggaanada ay ku gambanayaan Argagxisadda. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda ayaa yiri “ waad ku soo noqoneysan degmooyinkiinna idinka oo aanan la idinka qaadeynin xoolo baad ah, Sakawaad, lacag tabarucad ah iyo lacag jihaad, oo aan carruurtiinna qaraxyo lagu xireynin sidoo kalena aad xor tihiin”.

Dagaalkan ayaa bilow u ah Istiraatiijiyadda qorsheysan ee sifeynta goobaha dagaalka, waxaana uu ka socda afar jiho oo kala ah dhanka bari, dhanka koonfureed, Waqooyi iyo dhanka Galbeed. Ciidamadda Dowladda ayaa afartaasi jiho ka soo socda sida uu sheegay Afhayeenka.

In ka badan 60 muhaajiriin ah oo ku dhintay badda u dhow xeebta Cape Verde

In ka badan 60 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii dooni alwaax ah oo ay la socdeen dad muhaajiriin ah laga helay xeebaha Cape Verde ee galbeedka Afrika.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheehay on soddon iyo siddeed qof oo ay ku jiraan afar carruur oo da’doodu u dhaxeyso 12-16 la soo badbaadiyay.

Doonta ayaa ka soo baxday tuulada Fasse Boye ee dalka Senegal 10-kii bishii Luulyo iyadoo ay saarnaayeen 101 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Senegal, iyadoo soo xiganaysa dad badbaaday.

Doontaan oo muddo ka badan bil ku jirtay badda ayaa maalinimadii isniinta ee la soo dhaafay lagu arkay meel 320km u jirta deegaan badeedka Sal oo ka tirsan Cape Verde, waxaana dadkaasi tahriibka ah ee badbaaday qeylo dhaan u sameeyay dooni kaluumaysi oo Isbaanish ah.

Saraakiisha Cape Verde ayaa ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado socdaalka sharci darada ah,si looga hortago khasaaraha nafeed ee soo gaaraya dadka ku safra badaha ee nolo raadiska ah.

Dowladda Senegaal ayaa codsatay in lagala shaqeeyo soo celinta dadka tahriibka ah ee lagu hayo Cape Verde ,waxaana sidoo kale dadka badbaaday ku jira kwo u dhasdhay Sierra Leone iyo Guinea-Bissau.

Jamhuuriyadda Cape Verde ama Cabo Verde, waa jasiirad ku taal badhtamaha badweynta Atlantic,waxayna ka kooban tahay toban jasiiradood oo baaxadda dhuleed uu gaarayo ilaa 4,033 kiiloomitir laba jibaaran,halka tirada dadka lagu qiyaasay 587,925.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Muqdisho ka daahfuray dib u eegista qorshaha horumarinta Qaranka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Jaamac ayaa daah-furay dib u eegista muddada dhexe ee qorshaha 9-aad ee horumarinta Qaranka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qorshaynta iyo maalgashiga dowladda FS.

Qorshahan oo ku salaysan casharrada laga bartay qorshayaashii horumarinta Qaranka ee hore ayaa dowladdu waxa ay diyaarisay oo ay hir-gelisay qorshaha horumarinta Qaranka (2020-2024).

Qorshahan ayaa waxaa aasaas u ah afar-tiir oo kala ah; siyaasad loo dhan yayahay,  amniga, sarraynta sharciga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Warbixintan ayaa ku salaysan qorshaha xukuumadda Dan-qaran ee ku aaddan horumarinta bulshada iyo in dalkeennu gaaro iskufilnaansho dhaqaale.

     

Wasaaradda gaashaandhigga oo sheegtay in 30-ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgal maanta ka dhacay aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30-dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan.

Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamadda dowladdu ay dagaal ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo lix irdood oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri, waxaana dagaalku uu ka dhacay Af-goobad oo khawaarijtu ku sugnaayeen, halkaas oo looga dilay 30-dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan.

Ciidamadda oo ka feejigan dhagarta Khawaarijta ayaa fashiliyey gaari qarax wada oo argagixisadu dooneysay inay cutubyada ciidamadda dowladda ee dagaalka ku jira ku dhibaateeyaan.

Afhayeenka ayaa xusay in sahan ay sameeyeen ciidamada sirdoonka Qaranka oo adeegsanada aaladaha tiknoolajiyada in shacabka ku nool deeggaanada maanta dagaalku ka dhacay inay fuliyeen amarka dowladda ee ahaa in laga fogaado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda nafla caariga ah ee argagixisadda, waxaana xogta sahanka lagu sheegay in shacabku geedi ka yihiin deeggaanada ay ku gambanayaan argagxisaddu

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda ayaa yiri “ waad ku soo noqoneysan degmooyinkiinna idinka oo aanan la idin ka qaadeynin xoolo baad ah, Sakawaad, lacag tabarucad ah iyo lacag jihaad, oo aan carruurtiinna qaraxyo lagu xireynin sidoo kalena aad xor tihiin”.

Dagaalkan ayaa bilaw u ah Istiraatiijiyadda qorsheysan ee sifeynta goobaha dagaalka, waxaana uu ka socda afar jiho oo kala ah dhanka bari, dhanka koonfureed, Waqooyi iyo dhanka Galbeed. Ciidamadda Dowladda ayaa afartaas jiho ka soo socda sida uu sheegay Afhayeenku.