Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo cilimada u abaabulaysa la dagaalanka Khawaarijta

Wasiirka wasaaradda aqqaafta iyo arrimaha diinta dowladda FS mudane Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur oo ay garabtaaganyihiin qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqaynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jir kooxda Khawaajita ee dhaqamada diinta islaamka ka baxsan ku qaldaysa dadka caamada ah, si ay ugu dagaalamaan.

Waxa uu sheegay wasiir Roobow in culimadu ay si joogta ah u cadaynayso masalooyinka diiniga ah ee la xiriira dagaalka Khawaarijta, iyagoo dhinaca kale ka qayb qaadanaya wacyigelinta bulshada iyo toosintooda oo ah shaqo ay mar walba u taagnaayeen cilimadu.

Dhinaca kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dowladda FS ku bogaadiyey inay mudnaanta koobaad ka dhibtay la dagaalanka Khawaarijta suurad xumaysay diinta Islaamka, si dadka Soomaaliyeed diintooda loo badbaadiyo

“Khawaarijtu waxay qatar ku yihiin diinta, nafta, maalka, cibaabada iyo guud ahaan xasiloonida dalkeena, waa waajib diini ah in lala dagaalamo” ayuu yiri Sheeb Bashiir.

Dowladda FS ayaa dajisay Istiraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaalamayo Khawaarijta, kaas oo ka kooban dagaalka furimaha, dagaalka dhaqaalaha iyo dagaalka fikirka, iyadoo dhammaan dhinacyadaas guulo wax ku ool ah laga sameeyey.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir oo degmada Yaaqshiid kula kulmay saraakiisha ciidanka xasilinta

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) oo uu wehliyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Feysal Caraale Afrax ayaa waaxda Juungal ee degmada Yaaqshid kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta caasimadda.

Kulankan oo ujeed kiisa ahaa xoojinta la dagaalanka khawaarijta iyo burcada ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamuladii degmooyinka qeybta Bari ee Gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka Police Military.

Kulankan ayaa lagu bogaadiyay isbadalka amni ee ka jira Caasimadda gaar ahaan xal u helida ciyaal weerada iyo burcada, iyada oo sarkiisha iyo maamulada degmooyinka la faray in lasii dardargaliyo sugida Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay danjiraha Yurub

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb danjiraha midowga Yurub Marwo Tinna Intelman oo uu dhammaday muddo xileedkeeda diblomaasiyadeed ay ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey midowga Yurub taageerada iyo garab istaagga ay siiyaan dalkeenna, isagoo Safiirka uga mahadceliyey wada shaqeyntii wanaagsaneyd iyo daddaalladdii ay ku bixisay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo midowga Yurub.

Dhankeeda Marwo Tinna Intelman ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hayso dhabbaha horumarka, taas oo muujineyso dib u soo kabasho dhaqaale, amni iyo guulaha wax ku ool ah ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisida oo hadda maraya marxalad gabegaba ah wajagii labaad ee howlgalka.

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo shahaado sharaf guddoonsiiyey orodyahanka Soomaaliyeed Cali Iidow

Addis Ababa: Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa kulan soo dhoweyn iyo dhiiri-gelin ah ugu sameeyay xafiiska safiirka orodyahanada Soomaaliyeed ee sanadihii la soo dhaafay iyo bilihii u danbeeyeyba guulo heer Qaran ah uga soo hooyey Jamhuuriyadda Soomaaliya tartanada ciyaaraha Olombikada caalamka iyo kuwa Afrika.

Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xusay in orodyahanada kala ah Cali Iidow Xasan iyo Cabdullaahi Jaamac Maxamed ay muujiyeen dadaal dheeraad ah oo Soomaaliya magaceeda sare u qaadaya, lagana filayo inay guulo waaweyn soo hooyaan, sidaa darteedna ay safaaraddu ku maamuustay shahaado sharaftan.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo xariga ka jaray xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka

Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xarigga jaray xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka xarunta dhexe ee hay’adda ayaa bogaadiyey mudada kooban ee sanadka ah hawlaha baaxadda leh ee ay hay’addu qabatay isagoo sidoo kale sheegay in wali ay sugayso hay’adda hawl ballaaran, madaama dalka uu ka socda dagaalka Khawaarijta lagula jiro.

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Maxamuud Macallin oo ka hadlay munasabadda xarig jarka ayaa isagana ka sheekeeyey marxaladihii kala duwnaa ee ay soo martay hay’adda SODMA mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay, isagoo sheegay markuu xilka la wareegay in hay’addu ay ku shaqayneysay xarun kiro ah, maantana ay dagantahay xarun dhexe oo ay iyadu leedahay.

Xafladda xarig jarka oo si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bini’adinmada Koofur Galbeed mudane Cabdinaasir Caruush, wakiillo ka socday hay’adda UNDP oo ah hay’adda dhistay xarunta SODMA iyo maamulka kala duwan ee Hay’adda.

Bishii August ee sanadkii hore ayey dowladda Soomaaliya dib u hawlgalisay hay’adda maaraynta musiibooyinka, si dalka looga badnaadiyo macluul iyo abaara baahsan oo dalka markaa ka jirtay, waxaana hay’addu ay kaalin wayn ka qaadatay badbaadinta kumanaan Qoys oo Soomaaliyeed, kuwaas oo macluul qarka u saarnaa, iyadoo waqti ku haboon kaga jawaabtay baahiyaha xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka jira.

Duqa Muqdisho oo soo xiray tababar ku saabsanaa doorka hoggaaminta haweenka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tababar socday muddo 3-cisho oo loo qabtay ururka haweenka Gobolka Banaadir, kaas oo ku saabsanaa doorka hoggaaminta haweenka.

Xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka, waxaana inta uu tababarkan socday looga dooday xoojinta ka qeyb galka doorka haweenka ku lee yihiin siyaasada iyo in haweenku noqdaan hogaamiyaal saameyn leh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in  haweenka ay tiir adag u yihiin midnimada ummada Soomaaliyeed, dhismaha dowladnimada iyo dib u soo kabashada dalka.

    

Dowladda Imaaraat-ka oo sheegtay in ay gacan ka geysan doonto wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wada hadallada DFS iyo Somaliland Mudane , Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan qoto dheer la qaatay safiirka dalka aynu walaalaha nahay ee Isu tagga Imaaraadka Carabta Mr. Ahmed Jumah Alromaith.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan marxaladda ay haatan Somaliland ku sugan tahay, iyagoo si qoto dheer u dul istaagay wada hadallada DFS iyo Somaliland iyo sida loo wajahayo.

Safiirka iyo Ergayga ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay wada hadalladaas leeyihiin, ka miro-dhalintooda iyo in ay dowladda Imaaraat-ku taageersan yihiin soona dhaweynayaan wax kasta oo danta Soomaaliya ay ku jirto.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray furimaha dagaalka

Dhuusamareeb-Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Fedraalka ah iyo Dawlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeeray Ciidamada Difaaca Dadka deegaanka, kuwaas oo isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiintaan oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan {Joon}, xildhibaanno, Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.

Mas’uuliyiinta ayaa Ciidamada ujeediyay dhiirrigalin iyo dardaaran ku aaddan halganka looga soo horjeedo Khawaarijta.

Galmudug waxaa si xowli ah uga socda abaabulka bulshada oo qayb ka ah Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

         

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Qaahira- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane, Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista dalka Masar, Dr. Ayman Caashuur.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Wasaaradood, wuxuuna Wasiir Faarax  Sheekh Cabdulqaadir uga mahad celiyay dowladda Masar deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dadkeena Soomaaliyeed iyo guud ahaan garab istaaggooda bahda waxbarashada dalkeenna.

“Waxaan magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Tacliinta Sare Iyo Cilmi barista Dalka Masar, Dr. Ayman Caashuur, waxa aan ka wada hadalnay xiriirka labada Wasaaradood anigoo uga mahad celiyay dowladda Masar deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dadkeena Soomaaliyeed iyo guud ahaan garab istaagooda bahda waxbarashada dalkeena”.

Soomaaliya iyo Eritrea oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Kampala-Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee Uganda ku qaabbilay safiirka dowladda aan saaxiibada nahay ee Eritrea u jooga Uganda ahna hormuudka guud ee safiirrada jooga dalk Uganda (Dean of diplomatic corps)  Amb. Mohammed Sulieman Ahmed

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xariirka labada dal ee saaxiibbada ah iyo sidii iskaashi labada dhinac u sameyn lahaayeen, iyagoo sidoo kale isku soo qaaday dardargalinta howlaha diblumaasiyiinta ka howl-gala dalka Uganda.

Safiirka Eritrea Mohammed Sulieman Ahmed ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taasoo muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dowladood ee saaxiibada ah ka dhaxeeya.

Dhankiisa Safiir Cali oo ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda noogu yimid, sidoo kalena ka mahadceliyay ka qayb qaadashada  dowladda Eretria dib u dhiska ciidanka xoogga Qaranka Soomaaliyeed, una sheegay in si dhaw safiir ahaan ula shaqeyn doono saaxiibkiis safiirka Eritrea ee Uganda.