Danjire Warfaa oo qaabbilay dhiggiisa Azerbaijan

ADDIS ABABA- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane, Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey dhigiisa Jamhuuriyadda Azerbaijan Ambassador , Ruslan Nasibov.

Labada danjire waxaa kulanka kala qayb galay Shaafici Nuur Calas safiir ku xigeenka safaaradda JFS ee arrimaha Midowga Africa iyo UNECA. Sidoo kale Ambassador Ruslan ayaa Ambsaddor Warfaa uga mahad-celiyay sida diiran ee uu ugu soo dhoweeyey Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Addis Ababa.

Danjire Warfaa ayaa dhiggiisa Azerbijan uga xog waramay arrimaha ay Jamhuuriyadda Soomaaliya horumarka ka gaartay oo ay kamid yihiin adkaynta ammaanka, la dagaalanka Shabaab, arrimaha dayn-cafinta iyo kor u qaadista adeegga arrimaha bulshada oo uu tilmaamay in Soomaaliya ay guulo badan kasoo hoysay.

Kulankan ayaa daba socday is af-garad MOU ah oo 06 July 2023 ay caasimadda Azerbijan ee Baku ku kala saxiixdeen Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, kaasoo salka ku hayay iskaashiga labada waddan ee arrimaha siyaasadda iyo horumarka, waxaana la isku afgartay in si dhow loola socdo fulinta qodobadii ku qeexnaa is afgaradkaas.

Sidoo kale, labada danjire waxay ka wada hadleen oo is-fahan buuxa ka gaareen dar-dargelinta iyo kor u qaadista taba-barada iyo deeqaha waxbarasho ee ay Jamhuuriyadda Azerbaijan siiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.

      

Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Cod aqlabiyad ah ku meel Mariyey Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo maray aqrintiisi sadexaad.

Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo cod gacan taag ah la geliyay ayaa waxaa ka aamusay 4 xildhibaan, waxaa diiday 3 xubnood, waxaana oggololaatay 135 sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BFS, Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo maanta guddoominayay kulanka golaha shacabka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige ayaa golaha Shacabka uga mahad celiyey ansixinta Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna sheegay in hindisahani uu tiir weyn u yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxda Galbeedka Afrika oo ka wadahadlaya xiisadda Niger

Madaxda militariga ee ka socda ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa lagu wadaa in 17-18-ka bishaan ay kulan ku yeeshaan dalka Ghana, si looga hadlo suurtagalnimada faragelin militari oo lagu fuliyo Niger.

Kulanka la qorsheeyay in uu dhaco maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee soo socda ayaa yimid, ka dib markii madaxda ururka ay todobaadkii hore ansixiyeen in dalka Niger loo diro xoog heegan ah si loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ee Niger iyo madaxweynaha dalkaasi oo la eryay.

Qabsoomidda kulankaan ayaa markii hore loogu talagalay in sabtidii la soo dhaafay uu ka dhaco Accra balse waxaa dib loo dhigay todobaadkaan iyadoo ECOWAS ay wadeen dadaallo ay kula xaajoonayaan militariga uu hogaamiyo Abdourahmane Tchiani ee.

Madaxda Mileteriga Niger ayaa horay u diiday codsiga hoggaaamiyaasha Galbeedka Afrika oo ah dib u soo celinta madaxweyne bazoom iyo dastuurkii Niger, waxayna xireen hawada dalkaasi .

Dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan wadanka Faransiiska ayaa dadaal ugu jira soo celinta Madaxweyne Mohamed Bazoum oo la doortay 20210kii, taasoo ka dhigan in uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay oo si nabad ah xilka ula wareega tan iyo markii Niger ay xornimadeeda ka qaadatay Faransiiska 1960-kii.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Hawlgalada milateri ee dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo si habsami ah uga socda gobollada dhexe ee dalka, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo hoyeen guulo hor leh.

2-Beelaha ku dhaqan gobollada dhexe oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ballanqaadey inay si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, mar uu Madaxweynaha beelahaasi kula kulmey magaalada Dhuusamareeb.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing ee Soomaaliya qorshaha xasilinta deegaannada la xoreeyay.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku adkeeyay shacabka Galmudug inay gacan weyn ka geystaan dhameystirka haraadiga Khawaarijta ee gobollada dhexe ku sugan, mar uu ka hadlayey xafladda sannad guurada 17aad ee aasaaska Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb.

5-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jarey laanta cusub ee Banguga Dhexe ee Soomaaliya ee magaalada Dhuusamareeb.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha Wasiirada Galmudug kula dardaarmey dardar gelinta dagaalka ka dhanka khawaarijta.

7-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la dardaarmey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya hawlgalada lagu xoreynayo degmooyinka Galhareeri iyo Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

8-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran la Dagaalanka Fikirka Xag Jirka ah eeTubsan.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley xaflad lagu soo bandhigayey sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaatey gudashada Xajka ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha Xajka.

10- Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galey kulan waxbarasho, sheegayna in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xgeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Muqdisho laga dhisayo.

12-Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

13-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigto deeq Waxbarasho heerka PhD, oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu deeqay in ay ka faaiidaystaan aqoonyahanka Soomaaliyeed.

14-Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay inta badan saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jirtay ee inta u dhaxaysa gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe.

15-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ayaa Degmada Galcad ee Galgaduud ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Ciidanka Kumaandooska Danab oo deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose ku dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

17-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Buulo Fulaay ee Gobalka Bay ku dilay 23 maliishiyaad oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

18-Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab oo watay gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa

19- Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle.

20-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo ku saabsan abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al Shabab.

21- Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin Khawaarijta in ay ka fogaadaan meelaha ay gabbaadka ka dhiganayaan cadowga.

22-Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka dhacay ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku aaddan xoojinta iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.

23- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay arrimo la xiriira ceymiska xoolaha dalka.

24-Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga duulista hawada ee labada dal.

25-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furay shir wadatashi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha Kaluumeysiga ee Dowlad Goboleedyada dalka.

26-Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Barre ayaa hortagay xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka si su’aalo loo weydiiyo.

27-Laba Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay iidanka dowladda ee ku sugan Diinsoor.

28-Ciidanka Booliska ee Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay eedeysane dil u geystey ganacsade caan ah.

29-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa magaalada Dhuusamareb ka furay Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Galmudug..

30-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wali wadda dhageysiga dacwad musuqmaasuq oo loo heysto saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda.

31-Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 10-sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo dhagar kale ku qaraabanayay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay la taliye cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay La-taliyaha Sare, ahna Xiriiriyaha Guud ee Horumarinta Karaanka Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr; Hodan Cismaan Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabistan kadibn markuu arkay kartida, aqoonta iyo waaya-aragnimada Marwo Hodan, isla markaana uu Tixgaliyay baahida loo qabo in la hormariyo awoodda iyo karaanka bulshada, taasi oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay deegaanno u dhexeeya Hiiraan iyo Galgaduud

Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Binu Abii Daalib ayaa howgallo ballaaran ka sameeyay tuulooyinka Ceel gorof, Ceel boorre iyo Geeddi koror oo u dhaxeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha guutada 26 -aad ee Cali Binu Abii Daalib gaashaanle, Ismaaciil Cabdi Maalik Maallin, waxayna ciidamadu ku guuleysteen in ay isku furaan waddada xiriirisa Degmada Maxaas iyo Wabxo.

Ciidanka xoogga ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxay waddooyinka qaar ay ka saareen miinooyin ay argagixisadu ku aaseen, iyadoo malleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaana ay isaga carareen.

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Dan-qaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub, isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey danjiraha.

Dhankeeda danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Soomaaliya Kenya iyo Mauritius oo ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda

Addis Ababa-(SONNA)-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo miro dhalay la qaatay safiirka dalka Kenya Amb. D.Raj  Busgeeth iyo kan dalka Mauritius Amb. Jean Njeri Kamau ee dalka Ethiopia.

Kulamadaas ayaa ku qotomay adkaynta cilaaqaadka saddexda dal, iskaashiga iyo ka wada shaqaynta horumarka guud ahaan dalalka Gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Mauritius.

Safiir Warfaa, ayaa soo dhoweyn iyo hab-maamus waafqasan curfiga Diplomaasiyadda caalamka kala kulmay labada danjire ee Kenya iyo Mauritius, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta ay ugu sameeyeen safaaradahooda Addis Ababa, sidoo kale wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, isagoo u iftiimiyey in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku guulaysatay tillaabooyin kala duwan oo ay u qaaday dhinaca kobcinta Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada, ayna muhiimad weyn u leedahay in dalalka Geeska Africa ay si buuxda u garab istaagaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Ambassador Warfaa ayaa dhiggiisa Kenya Ambassador Jean ku adkeeyey in labada Safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee dalkan Ethiopia ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga maadaama ay wakiil ka yihiin dalal daris ah oo ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiimad weyn u ah horumarkooda iyo midka Geeska Africa.

Danjire Warfaa iyo Safiir D.Raj, ayaa dhankooda si wada jir ah u bogaadiyay xiriirka laba geesoodka soo jireenka ah ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo Mauritius waxayna isla qaateen in lasii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Danjirayaasha Kenya iyo Mauritius ayaa si buuxda u caddeeyey inay sii xoojin doonaan xiriirka iyo garab istaagga ay la leeyihiin Soomaaliya, ayna ku taageeri doonaan dedaalka ay Soomaaliya ugu jirto Dawlad-wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dacwad ka dhan ah Askari horay u dilay muwaaddin Kenyaan ah

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, kaas oo horay u dilay, Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Dilka muwaaddinka Kenyaanka ah ayaa 20-kii July ee sanadkan 2023-ka ka dhacay agagaarka garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, xilli uu ninka ajanabiga ah ku guda jiray howlo dhismo guri dabaq ah.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda Ciidamada qalabka sida, Axmed Cabdalla ayaa sheegay in Xasan C/raxmaan aan loo haysan oo keliya dambiga lagu soo eedeeyay oo keliya, balse ay jiraan lunsasho hub iyo baxsasho.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida G/le sare, Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray dhagaysiga gar maqalka ka dhanka ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ku eedeysan dilka muwaaddin Kenyan ahaa oo lagu magacaabi jiray, Fredrick Odhiambo Owino

Guddoomiyaha Haya’adda Maaraynta Masiibooyinka oo Xafiiska ku qaabilay Madaxa Haya’adda Bisha Cas ee Turkiye

Muqdisho(SONNA):-Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Maxmaud Macallin ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SODMA kula kulmay Madaxa Hay’adda Bisha Cas – Turkey ee Dalka Soomaaliya u qaabilsan Mudane Niyazi kalaycı.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa ka mid ah hay’adaha caawimadda kala duwan ka fidiyo dalka Soomaaliya taas oo uu ku amaanay Gudoomiye Maxamud kagana mahadceliyay daddaalka ay kaga wakiilka yihiin shacabka iyo dowladda Turkiga oo mar waliba garab taagan shacabka Soomaliyeed.

Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa isagana Gudoomiyaha kaga warbixiyay hawlaha kala duwan ay ka hayaan dalka, isagoo si gaara u amaana wada shaqaynta heerkeedu sareeyo ee kala dhexeyso Madaxda iyo Maamulka Hay’adda SODMA.