Ra”iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UAE u Fadhiya Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Al-Rumaithi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo xusay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka ku harsan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan khawaarijta u diray digniinno culus, wuxuuna faray in ay isaga fogaadaan shacabka goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado khawaarijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

Share this Article

Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin khawaarijta

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka ku harsan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan khawaarijta u diray digniinno culus, si dagaal culus loogu qaado khawaarijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Wuxuu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

Howlgal qorsheysan oo lagu khaarajiyay 5 khawaarijta ka tirsan

Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranka oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ayaa lagu dilay maleeyshiyaad ka tirsan khawaarijta.

Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay 5 dhagar qabe waxaana lagu burburiyey goob wayn oo fariisin u ahayd khawaarijta isla markaana ay ka wadeen abaabul.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah.

Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jirtay (Warbixin)

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka ayaa howlgall gaar ah ka fuliyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya gobollada Galguduud  iyo Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ahaa mid lagu baacsanayay haraadiga kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta qaranka kula hadlay duleedka deegaanka Maraay-Suuleey, halkaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada in muddo ku dhuumaaleysanyeen.

Sidoo kale, waxaa kooxda naflacaariga ah laga saaray dhul howd ah oo muddo ay ku jireen, halkaasina dadka shacabka dhibaato ba’an ugu geysaneysay.

Taliyaha Guutada 17-aad, Kumaandooska Gor-Gor, Saahid Jaamac Faarax, taliyaha Guutada Khaalid Bini Waliid Mukhtaar Xasan Tifow Shaah Macabe iyo Khaliif Cumar Macallin Nuur oo howlgalladan hoggaaminayay ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Cidda-Kuus oo hoostaga deegaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab laga saaray deegaannada Hilowle-Gaab, Marey Suuleey, Cad-Caddeey, Baraag-Sheekh Caamir iyo sidoo kale, degmada Runir-Good oo in muddo Khawaarijtu ku sugneyd kana soo duulaan tegi jirtay.

Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu sugan yahay amniga deegaannada laga xoreeyay argagixisada, wuxuuna carabka ku adkeeyay firxadkooda halka uu sii marayo.

”  Howdkan oo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ayaannu ka saarnay, Ilaahey waa noo fududeeyay inaan howdka soo nadiifino, iyaga nooma babac dhigi karaan oo waa iska carareen, waanu daba joognaa waanu dabagaleynaa kama hareyno ilaa meesha ugu dambeyso oo gacanta ugu soo dhigno,”.

Dhanka kale, Khaliif Cumar Macallin Nuur oo warbaahinta kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay Khawaarijta ka saareen dhowl howd ah oo u badan halkii gabaadka ka dhigan jireen maleeshiyada iyo horjoogayaasha u baraaray gumaadka shacabka.

” Alle Mahaddii waxaa maanta inoo suurta gashay in ragga sida Efendariga u shaqeynayay Al-shabaab ugu galeen dhulka howdka ah kana saaraan dhul ballaaran, sida aan isku ogeyn waa guul ama geeri inshallah,” ayuu yiri geesi qaran Khaliif Cumar Macallin Nuur.

Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee la doonayo in Dalka looga xoreeyo ayaa hadda si rasmi ah u bilowday, waxayna argagixisadu bilaabeen durba in ay kala firxadaan oo deegaannada qaar oo geesiyaashu qaranka ku wajahan yihii maleeshiyada naflacaariga ah ka sii cararaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wejiga koowaad ee dagaalka lagu soo gabo-gabeyn doono degmada Ceelbuur, halkaasina lagaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo bilaabanaya haddana qeyb ka mid ah ka socdaan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka ayaa kusii siqaya Galhareeri iyo Ceel-buur

Dhuusamareeb- Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah uga bixin doonaan gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay sanad guurada 17-aad ee Galmudug ayaa hambalyo ka dib sheegay In dabaal degga sanad guurada Galmudug uu ka dhici doono degaannada ay khawaarijtu haatan joogaan, sida uu qorshuhu yahay.

“Sanad guuradaan, sanad guuradeeda dambe meelo badan oo anay maanta suurta gal ka ahayn in ay ku qabsoonto ayaan rajeyneynaa haddii Alle yiraahdo”

Madaxweynaha ayaa xusay in wejigii koobaad ee dagaalka laga xoreeyay khawaarijta inta badan Hirshabeelle iyo Galmudug, isagoo sheegay in reer Galmudug ay door weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah cadowga ee labada maamul goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee dul jooga goobaha kooban ee ay cadowga kaga hareen Galmudug iyo dadka kasoo baxsaday kal hore xarumaha khawaarijta ee ka qayb qaadanaya halganka lagu xoreynayo shacabkooda.

Halganka lagu cirib tirayo haraadiga khawaarija ayuu sheegay madaxweynuhu in dhowaan uu ka billaaban doono dowlad goboleedyada kaafur galbeed iyo Jubbaland, si maamulladaasi ugu guuraan xarumahoodii ku meel gaarka ahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug ay heerkan kusoo gaartay xasillooni siyaasadeed, wuxuuna xusay in asaaska horumarkuna lagu gaaro dib u heshiisiin bulsho, loona baahan yahay in mar walba lagu dhaqmo

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inuusan cadowgu noogu faa’iideysan in dadka la geliyo dagaallo sokeeye, ciddii ficilladiisa ku kacana uu yahay Khawaarij.

“Shabaabku yaanu arrintaasi noogu faa’iideysan, marxaladda aan ku jirno, dagaalka aan ku jiro, xoreynta aan ku jirno, soo celinta karaamada aan ku jirno, u hiillinta diinteena iyo shareecada aan ku jirno, ninka nin ku duulaya ee dilaya ama reerka reer ku duulya ee dilaya waa Al-shabaab”.

Ciidamada Israel oo Daanta Galbeed ku dilay dad falastiini ah

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay laba qof oo Falastiini ah ,kadib markii ay weerar ku qaadeen xero qaxooti oo ku taal Magaalada Jericho   ee Daanta Galbeed ee, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaad hubeysan uu dhexmaray ciidamada Israel iyo kooxo hubeysan, balse lama oga in labada nin ee la dilay ay ku lug lahaayeen weerarada ay ay halkaasi ka fuliyeen Israa’iil oo socday wax ka yar hal saac.

Laba nin oo dhallinyaro ah ayaa loola cararay cusbitaalka, iyadoo ay ka muuqdaan rasaas kaga dhacday qeybta kore ee jirka,sdia uu saaka oo talaado ah xaqiijiyay agaasimaha Isbitaalka Jericho.

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay 3 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Magaalada Jenin,waxaana sii kordhay  rabshadaha iyo xasuuqa ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka degan Daanta Galbeed ee la haysto.

Howlgal qorsheysan oo lagu khaarajiyay 5 khawaarijta ka tirsan

Muqdisho(SONNA):-Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranka oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Mareekanka ee Africom ayaa lagu dilay maleyshiyaad ka tirsan khawaarijta.

Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay 5 dhagar qabe waxaana lagu burburiyey goob wayn oo fariisin u ahayd khawaarijta isla markaana ay ka wadeen abaabul.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah.

iidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jirtay (Warbixin)

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka ayaa howlgall gaar ah ka fuliyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya gobollada Galguduud  iyo Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ahaa mid lagu baacsanayay haraadiga kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta qaranka kula hadlay duleedka deegaanka Maraay-Suuleey, halkaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada in muddo ku dhuumaaleysanyeen.

Sidoo kale, waxaa kooxda naflacaariga ah laga saaray dhul howd ah oo muddo ay ku jireen, halkaasina dadka shacabka dhibaato ba’an ugu geysaneysay.

Taliyaha Guutada 17-aad, Kumaandooska Gor-Gor, Saahid Jaamac Faarax, taliyaha Guutada Khaalid Bini Waliid Mukhtaar Xasan Tifow Shaah Macabe iyo Khaliif Cumar Macallin Nuur oo howlgalladan hoggaaminayay ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Cidda-Kuus oo hoostaga deegaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab laga saaray deegaannada Hilowle-Gaab, Marey Suuleey, Cad-Caddeey, Baraag-Sheekh Caamir iyo sidoo kale, degmada Runir-Good oo in muddo Khawaarijtu ku sugneyd kana soo duulaan tegi jirtay.

Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu sugan yahay amniga deegaannada laga xoreeyay argagixisada, wuxuuna carabka ku adkeeyay firxadkooda halka uu sii marayo.

”  Howdkan oo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ayaannu ka saarnay, Ilaahey waa noo fududeeyay inaan howdka soo nadiifino, iyaga nooma babac dhigi karaan oo waa iska carareen, waanu daba joognaa waanu dabagaleynaa kama hareyno ilaa meesha ugu dambeyso oo gacanta ugu soo dhigno,”.

Dhanka kale, Khaliif Cumar Macallin Nuur oo warbaahinta kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay Khawaarijta ka saareen dhowl howd ah oo u badan halkii gabaadka ka dhigan jireen maleeshiyada iyo horjoogayaasha u baraaray gumaadka shacabka.

” Alle Mahaddii waxaa maanta inoo suurta gashay in ragga sida Efendariga u shaqeynayay Al-shabaab ugu galeen dhulka howdka ah kana saaraan dhul ballaaran, sida aan isku ogeyn waa guul ama geeri inshallah,” ayuu yiri geesi qaran Khaliif Macallin Nuur.

Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee la doonayo in Dalka looga xoreeyo ayaa hadda si rasmi ah u bilowday, waxayna argagixisadu bilaabeen durba in ay kala firxadaan oo deegaannada qaar oo geesiyaashu qaranka ku wajahan yihii maleeshiyada naflacaariga ah ka sii cararaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wejiga koowaad ee dagaalka lagu soo gabo-gabeyn doono degmada Ceelbuur, halkaasina lagaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo bilaabanaya haddana qeyb ka mid ah ka socdaan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka oo kusii siqaya Galhareeri iyo Ceel-buur

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada degmo ee ka maqan Galmudug ay si kama dambays ah uga bixin doonaan gacanta cadowga.