Ciidamada Qaranka oo hawlgal amni ka sameeyey xadka Shabeelooyinka

Ciidamada Qaranka ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay jiinka wabiga Shabeelle gaar ahaan aagga Beerta Cali Mahdi iyo deegaanada dhaca duleedka caasimadda.

Howlgaladan oo si wada jir ah ay u sameeyeen urrurka 2-aad ee guutada 22-2aad Booliska sida Militariga u tababaran iyo NISA ayaa looga goleeyahay xaqiijinta amniga caasimadda.

  

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Mozambique ee Ethiopia oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dalka

Addis Ababa: Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan looga wada hadlay qodobo dhowr ah oo salka ku haya arrimaha Diplomaasiyadda waxa uu la qaatay ku simaha safiirka Mozambique ee dalka Ethiopia mudane Sergio Balio.

Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Mozambique ee Addis Ababa ayay labada masuul uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo adkaynta iskaashiga wadajirka ah si horumaro badan looga gaaro dhinacyada dowlad wanaagga, ammaanka iyo ganacsiga.

Danjire Warfaa ayaa si gaar ah ugu adkeeyey Ambassador Balio muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay in ay xasilooni iyo ixtiraam joogto ah ku noolaadaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Mozambique oo awood dhaqaale iyo mid bulshoba ku soo kordhiyey dalkaas.

Shirka Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo qodobbo muhiim laga soo saaray

Shir u socday muddo 2 maalin ah Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho.

Kulankaan ay yeesheen Waasirada Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta Canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray, ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.

Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeynta, shirkaan ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa aan qeyb ka ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin, inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirkaan.

 

 

   

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay shir looga hadlayay ceymiska xoolaha

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay arrima la xariiro ceymiska Xoolaha,kaa oo ay ka soo qeyb kaleen xunnno ka socday dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamed oo furay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahy in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha ceymiska xoolaha,iyo sidii  Masharciida si iskumid ah looga fulin lahaa dhammaan gobolada dalka

” Mashruuca Ceymiska Xoolaha wuxuu muhiim u yahay Xoolo dhaqatada waana inay ka faaiideystaan si ay uga gaashaantaan abaaraha soo noq noqda”.sidaa ayuu wasiirka

Waxa uu sidoo kale wasiirka xubnaha shirka ka qeybgalay iyo qolada fulineyso mashruuca Ceymiska u sheegay in ay muhiim tahay in kulanka uu noqon mid  ay ka soo baxaan qodobo wax badan ka badali doono dhibatooyinka dadka reer miyaga ah heysto oo ay abaartu kamid tahay

Xubnaha maamul goboleedyada Dalka ayuu wasiirku timaamay in lalal Sheqeeyo oo la gaarsiiyo adegyada Ceeymiska Xoolaha si loo daadajiyo adegyada dowladnimo

 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay waddo isku xirta Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Laami ah ah isku xirta Waddooyinka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid.
Hirgalinta dhismahaan oo qeyb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal Dollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaa shaday Maamulka Degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horeeyaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wadad dadaalo lagu hormarinayo kabayaasha dhaqaale dalka oo qeyb kayihin waddooyinka oo uu maamulka dib u dhis iyo dayactirba ku sameeyay waddoouin dhowr ah ee ku yaal Caasimadda.

Howlgal Amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

Taliyaha Qaybta 27aad Ciidanka Dhulka XDS G/Sare Faarax Kooshin ayaa Hawlgalo lagu Nadiifinayo Khawaarijta  ka Sameeey degaanno Hoostaga Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Howlagalka ayaa daaranaa Nadiifinta haraadiga khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanno hoostaga Magaalada Halgan,halkaa oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka sameen howlgal baritaano ah,waxana sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ay shacabka u shegeen in ay la shaqeyaan ciidamada amniga.

Degaanno badan oo katirsan gobolada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa si dar-dar leh uga soconayo howlgallo kala duwan oo khawaarijta looga saarayo goobaha fara ku tirska ah ay degaanada qaar kaga sugan yihiin,waxaana xusid mudan in mudda todobaad ku dhow uu magaalada Dhuusamareeb  ku suganyahay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh oo ujeedka halkaa u tagay ay tahay dar-dargalinta howlgalada dalka looga sifeeynayo khawaarijta

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruu-nirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad,

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowladda goboleedka Hirshabeelle

Bile Muxudiin” Khawaarijtu waxay iga dishay Hooyadeey,Aabaheey iyo Walaalkeey( Warbixin)

 Bile Muxudiin Maxamuud, waa 20-sanno jir labadiisa waalid ay dileen Khawaarijta,.labo sanno ka hor ayuu ciildartiis u qortay ciidanka, qorigana u qaatay Khawaarijta ka dib markii ay dileen hooyadiis, Aabihiis iyo walaalkiis.

” Waxaa igu kalifay inaan ciidanka qorto sababo la xiriira Khawaarijta dartood inaan la diriro, maaddaama hore ay ii dhibaateeyeen, mana doonayo in ummad Kale oo Soomaaliyeed dhibaateeyaan sidaas darteed ayaa u qortay,”.

Bile ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhibaatada ay u geysteen Khawaarijta, wuxuuna sheegay in aysan wax u yareysan oo dhammaan qoyskiisa ay dhibaateeyeen.

” Waxba iima yareysan hooyadey waa dileen, Aabahey waa dileen iyo wiil Ila dhashay,horta wixii aniga igu dhacay waa igu dhaceen, balse waxaa go’aansaday inaan la dilin wiil dambe Soomaaliyeed, aabe iyo hooyo dambe oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bile oo la hadlayay warbaahinta Qaranka.

2017, xilli galab ah, degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaadmo ku idlay Bile Aabihii Alle ha u naxariistee Muxudiin Maxamuud Abooreyste oo ka mid ahaa Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, Bishii November, 2018, Qarax ay argagixisadu ka geysatay Kaawo-godeey Isla degmada Kaaraan ayuu Bile ku waayay hooyadii Alle ha u naxariistee oo halkaas gamacsi ku lahayd iyo walaalkii Maxamed Muxudiin Abooreyste oo booqasho ugu yimid hooyadii, waxayna ku naf waayeen qaraxii Khawaarijtu ay soo maleegtay.

Bile, markii ay Al-shabaab ka dileen hooyadii, Aabihii iyo walaalkii dhowr dagaal oo uu Khawaarijtu uga hortegay wuxuu sheegay inuu hooyadii, Aabihii ito walaalkii ugu aarguday Khawaarijta, wilina wuxuu doonayaa inuu shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay falalka guracan ee aragaguxisadu ugu aargudo.

” Hadda waxaan filaa inaan u aaray, haddana inaan u sii aaraa rejeynaa, 2-sanno iyo wax la jiro ayaa ciidan ahay, waxaan u dhaartay ummadda Soomaaliyeed,”.

Bile,ayaa fariin u diray dhallinyarada asaagiisa ah in xilligan la joogo waqtigii qof kasta ka aargudan lahaa Khawaarijta Al-shabaab.

XIGASHO SONNA

Milateriga qabsaday Niger oo madaxweyne Bazoum ku eedeeyay khiyaano qaran

Milateriga Niger ayaa sheegay in ay maxkamadeyn doonaan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum ,iyadoo lagu ueedeynayo khiyaano qaran iyo in uu wax u dhimay amniga gudaha iyo dibadda ee dalkaasi.

Hadaladaan ayaa imaanaya saacado kadib markii koox culumaa’udiin ah oo sare ay sheegeen in hoggaamiyeyaasha afgambiga ee dalkaasi ay u furan yihiin bogga diblomaasiyadda,si ay u xalliyaan khilaafka kala dhaxeeya urur goboleedka Galbeedka Afrika.

Afhayeen u hadlay millatariga Niger ayaa war qoraal ah oo laga sii daayey telefishinka dalkaai ku sheegay in  eedaha loo heysto Bazoum ay yihiin kuwo la xiriira khiyaano qaran oo uu ka galay dadka iyo dalka sida la sheegay.

Abdramane oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaleeceeyay cunaqabataynta la saaray dalkiisa, isaga oo sheegay in talaabooyinka ay qaadeen Galbeedka Afrika ” ay dadka ku adkeyn doonto inay helaan dawooyin, cunto iyo koronto.

Ururka Galbeedka Afrika ayaa ansixiyay in dalka Niger loo diro ciidan heegan u ah soo celinta madaxweyne Basuum iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalkaasi,waxaana warku intaa raaciyay in dalalka Galbeedka Afrika ay weli ka go’an tahay in xal diblumaasiyadeed loo helo xiisadda ka taagan Niger.

. Madaxweyne Bazoum oo 63 jir ah iyo qoyskiisa ayaa lagu hayaa guriga rasmiga ah ee madaxtooyada oo ku yaalla caasimadda Niamey tan iyo afgambigii dhacay 26-kii July, iyadoo walaac caalami ah laga qabo xaaladaha ka jira dalkaasi.

 

Ciidanka Nabadsugida jubbaland oo fashiliyay qaraxyo Miino

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland oo kaashanaya shacabka reer Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay agabka Qaraxyada oo ay dhagar-qabayaasha Khawaarijta doonayeen iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee amniga iyo saxansaxada nabadadeed ku naaloonaya.

Ciidamada ayaa u mahadceliyay shacabka reer Jubbaland ee sida joogtada ah ugu soo wargeliya xogta dhagaraha ay khawaarijta u malegeeyso Shacabka reer jubbaland,si ay ciidamada uga howlgalaan.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katitsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah khawaarijta oo dhibaata badan ku hayo dadka shacabka ah.