Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee XFS oo hortagay xildhibaannada Golaha shacabka ee BJFS

Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta Shir Guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 17-aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku igeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana soo xaadiray 141 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa u yeerida iyo hor imaanshaha Golaha Guud ee wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee XFS iyo Ka jawaabidda Su’aalo Oraaheed sida uu qabo Qadobka 69-aad/2 ee Dastuurka KMG iyo Qodobadda Xxeer-hoosaadka 53aad/f-1,iyo Qodobka 63-aad.

Guddoomiye Sacdiyo yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu horreeyn u yeertay Guddoomiyaha Guddiga horumarinta Adeegga Bulshada Xil. Nadra Saalax Cabdi oo xildhibaanada ka hor akhrisay magacyada xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay su’aalana ka weydiiyey wasiirka arrimo ku saabsan xiriirka ciyaaraha fudud iyo xiriirada ciyaaraha kale iyo sidoo kale arinta Nasra Abuukar Cali oo ahayd gabadhii Soomaaliya ku matalaysay Oradka dooda badan ka dhalatay, Xildhibaannada ayaa su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku socota Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee XFS

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee XFS Xil.Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen xidhibaannada Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa soo xirtay kulanka maanta.

                          

Ra’iisul wasaare Xamse oo u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur Agaasimaha guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, halkan Ibraahim Aadan Ibraahim isna uu u magacaabay Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay.

  1. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
  2. Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan looga arrinsanayo dagaalka khawaarijta la yeeshay Odayaasha iyo bulshada Galmudug

Dhuusamareeb- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddoo ka badan toddobaad u jooga deegaanada Galmudug abaabulka howgallada deegaanka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa kulammo miro dhalay la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisada Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, isaga oo ku booriyay in ay ka hortagaan qorsheyaasha Khawaarijtu ku kala qeybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay kusii carqaladeeyaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

    

Shirka Wasiiradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan oo 2 maalin socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xeerka mideynta cashuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay wehliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo M. Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka, wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inuu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u  leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta hannaanka canshuuraha,  dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan  guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed. Shirkaan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkaan.

     

Maaamulka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay howlgallo qorsheysan oo lagu fuliyay khawaarijta

Afhayeenka Gaashaandhigga XFS  janeraal Cabdulaahi Cali “Caanood”oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ciidamada dowladda ay ka fuliyeen degaanno katirsan Gobolada Shabeellaha Hoose,Sh/DFhexe iyo Galmudug..

Generaal Caanood ayaa sheegay in howlgallo lagu sifeynayo khawaarijta uu ka dhacay degaanno hoos tago Ruun-nirgood,Hiloowle Gaab iyo degaanno kale,isagoo intaa raaciyay in dhulka keeymaha ah laga saaray kooxaha khawaarijta,isla marekaana ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka.

“Waxaa socda howlgal ka gaar ah kan ciidanka dhulka,waxaana  la beegsanayaa goobaha ay khawaarijtu ku diyaarisay Qaraxyada sida barahooda Hoggaaminta,waxaana dhowaan lagu guuleystay howlgallo laga fuliyay  degaanka Buulo-fulay oo Baay katirsan iyo Galhareeri ,iyadoo halkaasi lagu baabi’yay waxyabaha qarxa oo ay halkaa ku diyaarinayeen” ayuu yiri Afhayeenka

Afhayeenka ayaa  ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan goobaha la tuhunsan yahay in ay joogaaan kooxaha khawaarijta

Ciidanaka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlagallo ka dhan ah kawaarijta kawada degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle,halkaa  oo cadawga jab xoogan lagu gaarsiiyay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ergeyga oo marka hore warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka ayaa waxay Guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka, xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaariijta oo meel wanagsan maraya. Sidoo kale waxay xustay sidii Baarlamaanka kaalin uga qaadan lahaa war-murtiyeedkii Golaha Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Dhanka kale  Marwo Katriona ayaa adkeeysay ahmiyadda ay leedahay taageerada Baarlamaanka iyo sidii loogu taageeri lahaa tayaynta khibrada Xildhibaannada iyo howlwadeennada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunnaanadka kulanka boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u heeyso Qaramada Midoobay taageerada joogtada iyo kor u soo qaadida nabada iyo xasiloonida dalka, waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka shaqeyn doono waxkasta oo dan u ah qaranimada iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeeka XFS oo dhagax dhigay dhismaha xarunta wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta

-Ra”iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo markii ugu horeysay ay si gaar ah u yeelanayso

Munaasabadda dhagax dhiga oo uu goob joog ahaa wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhismaha xaruntaan ay baahi weyn u qabto wasaaradda,si bulshada loogu adeego.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in qorsha ay ugu jirtay in la dhiso dhismo hab casri ah loo dhisayo oo ay yeelato wasaaradda,si isku tashi ah ay u dhisaneeyso iyadoo aan cidnna wax loo weydiinin.

Wasiir Muqtaar Roobow” Lacag dhan 1Million iyo 150,000 kun ayaan u haynaaa Dhismaha wasaaradda oo aan cid kale naga caawin,waxaan beeqaamsanay xoogaa yerkii aan lahayn”

Ra’iisul wasaara ku xigeenka Xukuumadda federaalka soomaaliya Saalax Axmed Jaamca oo dhagax dhigay dhismaha wasaaradda ayaa sheegay in wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ay lafdhabar u tahay dagaalka khawaarijta dalka looga xoreynayo muhiimna ay tahay in ay hesho dhismo u gaar oo ay ku shaqeyso.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa hadda PA dagan Wasaaradda  Cadaaladda soomaaliya

 

GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO KULAN LA QAATAY WAKIILKA XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY (WXG EE QM)

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing oo uu wehliyo Mudane Paul Partner oo ah sarkaal UNSOM u qaabilsan arrimaha siyaasadda.

Guddoomiyaha iyo Wakiilka XG ee QM waxay si ka wada hadleen, xaaladda guud ee Dalka, arrimaha dib u eegista Dastuurka ee haatan socota, habka ugu haboon ee lagu qaban karo doorashooyin qof iyo cod ah iyo sidii dalku uga guuri lahaa nidaamka qabiilka ku salaysan ee 4.5 looguna guuri lahaa nidaam ku salaysan axsaab, iyo sidoo kale sidii hay’adaha QM gacan uga gaysan lahayd fududaynta arrimahaas horyaalla Qaranka Soomaaliya.

Faarax Sh. Cabdulqaadir”sanadka 2030-ka dadka wax barta ayaa gaaraya ilaa 8 Malyan” wareysi

Halkaan waxaan ku soo koobayaa nuxurka wareeysi aad u qiimo badnaa ee uu bixiyey Wasiiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre Faraax Sheekh Cabdulqaadir.

Wareeysiga faham qoto dheer siinaya dadka doonaya in ay wax badan ka ogaadaan heerka Waxbarasho ee dalkeena iyo sida loogu gundhigi karo.

Wareegsiga ayaa nuxurkiisa ahaa sidan:-

✓ Dadka heerka waxbarshado gaarey dalkeenna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5,000,000 oo qof, hadda inta waxbarsho aadda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1,000,000 oo qof. 2030 waxaa la qiyaasayaa in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 8,000,000 oo qof.

✓ Shan Milyan oo arday waxa ay u baahan yihiin 120,000 oo macallin ( Boqol iyo Labaatan Kun)

✓ 33,000 oo arday ( Sodon iyo Seddex Kun ) ayaa sanadkaan fariisatay imtixaankii fasallada 8aad iyo 12aad ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

✓ Guud ahaan hadda 22,000 oo macallimiin ayaa ka howlgala dalka, in yar ayaa tababar macalinimo qabta.

✓ Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya waa 6,000 oo qof, waxaana lagu kordhiyey 3,000 oo macallin oo si rasmi ah kaga mid noqday shaqaalaha Dowladda.

✓ Qofku haddii uu hal sano waxbarto 10% ayaa xaaladda faqriga ee qof ahaaneed hoos u dhacaysa, haddii uu 10 sano waxbartana 100% wuu ka baxayaa faqriga.

✓ Seddex u jeeddo ayaa qofku wax u bartaa. 1- Waxbarashadu waa waxa ka dhigaya qofka waxa uu noqonayo iyo waxa uu qabanayo mustaqbalka. 2- Waxbarshadu dadka waxa ay bartaa wada noolaanshaha.
3- Sidoo kale waxbarshadu qofka waxa ay usii gudbisaa heerka kale ee waxbarsho.

✓ Ujeeddada loo qabtay shirkii qaran ee waxbarsho waxaa ka mid ahaa, in la helo ajande qaran oo waxbarsho; Sida ay u jirto ajande qaran, shirar qaran, ayay sidoo kalena u jirtaa sheeko qaran, waxa ay umaddeennu kaga sheekaysato fadhi ku dirirka ayuu noqonayaa mustaqbalkoodu. Waxbarashadu waa inay noqotaa ajande Qaran oo lawada leeyahay.

✓ Dhawaan waxaan rajeyn inaan dib u furno Mac’hadkii macallimiinta ee Lafoole. Sidoo kale waxaannu hirgelin doonaa guddiga horumarinta Manhajka.

✓Ummaduhu uma jidboodaan waxa la soo dhaafay ama hore u soo mareen ee waxay ujedboodaan waxa soo socda mustaqbalka ah sax maaha in dhallinyaradeen u jidboodaan wixii la soo maray.

✓ Hadda waxaa soo socda wadatashi ku saabsan Tacliinta Sarre ee dalka marka la dhammeeyo waxaa la heli doonaa meelaha ku habboon ee laga furi karo jaamacadda umadda iyo jaamacadaha kale ee dowliga ahba.

✓ Sannadakan waxaannu go’aaminnay inaannu ka furno 12 dugsi oo farsamo gacanta ah gobollada dalka oo dhan.

✓ Wax akhris qoraalka adduunka waxaa laga qiimeeyaa qofka waa afkiisa hooyo. Akhris qoraalka waxa uu qaabeynayaa hab fekerka qofka. Waxaan dhowaan bilaabi doonaa olalaha akhris qoraalka. Qofka wayni wuxuu wax akhris Qoraalka ku baran karaa 80 saacadood ama 8 toddobaad.

✓ Arday walba haddii uu masuuliyad iska saaro qoyskiisa gaarka ah dadka aan akhris Qoraalka aqoon in uu wax baro, ardaygaasi waajib wayn buu gutey.

✓ Barnaamijka EMS (Education management information system) wuxuu fududaynayaa in lala socdo sooyaalka waxbarsho ee ardayga.

✓ waqtigayga ugu badani wuxuu ku baxaa wacyigelin, gaar ahaan kooxda ila shaqaysaa iyo wacyigelinta guud ee bulshada.

✓ Umadaha adduunyadu saddex heer ayey midkood ku jiraa Less developed countries, middle developed countries iyo high development countries. Innagu saddexdaas midna kuma jirnee kan ugu hooseeya ayaynu ka sii hoosaynaa.

✓ Ardayga jooga dalka uu horumarkiisu hooseeyo qiimaha waxbarshada ee sanadkii ku baxa waxaa lagu qiyaasaa $200. Halka kan ku nool waddamada meel dhexeedka ka ah lagu qiyaaso $1,000 wax ka yar, waddamada horumarayna ardayga waxa lagu qiyaasaa in la geliyo sanadkii $8,000 lacag ka badan. Sidee ayey u sinnaanayaan marka arday sanadkii la geliyo $200 iyo mid la geliyo $8,000 lacag ka badan sidaa darteed si ardaygeenna aynu usoo gaarsiinno heerka koowaad waxaynu u baahannahay sanadkii $1,250,000,000. ( Hal Bilyan Laba Boqon iyo Konton Milyan.

W/Q: Shadoor Xaaji Shadoor

Kumaandooska Danab oo howlgal gaar ah ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar fuleynimo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan ayaa waxaa fashiliyay ciidamada Kumaandooska Danab, halkaas oo Khawaarijtu jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta Qaranka u xajiiyay in howlgalkaas Khawaarijta looga dilay 7-dhagar-qabe, halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay maleeshiyadii Khawaarijta ay soo qaladay ka furteen saanad ciidan oo ay wateen, waxaana halkaas argagixisadu ku gaaray jab xooggan oo cashar u noqonaya kuwa kale ay wali jidka naarta ku hoggaaminayaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalkan guuleystay ka fuliyay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose, waxayna hadda ciidamadu sii baacsanayaan haraadiga maleeshiyaada kooxda Al-shabaab oo ka firxaday howlgalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab ka waday deegaannada Jubbooyinka, halkaas oo maleeshiyada lagaga dilay maleeshiyo iyo horjoogayaal badan oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato xooggan ku hayay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka looga xoreynayo Khawaarijta, kuwaas oo ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana hadda socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku dhawaaqay.