Faarax Sh. Cabdulqaadir”sanadka 2030-ka dadka wax barta ayaa gaaraya ilaa 8 Malyan” wareysi

Halkaan waxaan ku soo koobayaa nuxurka wareeysi aad u qiimo badnaa ee uu bixiyey Wasiiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre Faraax Sheekh Cabdulqaadir.

Wareeysiga faham qoto dheer siinaya dadka doonaya in ay wax badan ka ogaadaan heerka Waxbarasho ee dalkeena iyo sida loogu gundhigi karo.

Wareegsiga ayaa nuxurkiisa ahaa sidan:-

✓ Dadka heerka waxbarshado gaarey dalkeenna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5,000,000 oo qof, hadda inta waxbarsho aadda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1,000,000 oo qof. 2030 waxaa la qiyaasayaa in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 8,000,000 oo qof.

✓ Shan Milyan oo arday waxa ay u baahan yihiin 120,000 oo macallin ( Boqol iyo Labaatan Kun)

✓ 33,000 oo arday ( Sodon iyo Seddex Kun ) ayaa sanadkaan fariisatay imtixaankii fasallada 8aad iyo 12aad ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

✓ Guud ahaan hadda 22,000 oo macallimiin ayaa ka howlgala dalka, in yar ayaa tababar macalinimo qabta.

✓ Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya waa 6,000 oo qof, waxaana lagu kordhiyey 3,000 oo macallin oo si rasmi ah kaga mid noqday shaqaalaha Dowladda.

✓ Qofku haddii uu hal sano waxbarto 10% ayaa xaaladda faqriga ee qof ahaaneed hoos u dhacaysa, haddii uu 10 sano waxbartana 100% wuu ka baxayaa faqriga.

✓ Seddex u jeeddo ayaa qofku wax u bartaa. 1- Waxbarashadu waa waxa ka dhigaya qofka waxa uu noqonayo iyo waxa uu qabanayo mustaqbalka. 2- Waxbarshadu dadka waxa ay bartaa wada noolaanshaha.
3- Sidoo kale waxbarshadu qofka waxa ay usii gudbisaa heerka kale ee waxbarsho.

✓ Ujeeddada loo qabtay shirkii qaran ee waxbarsho waxaa ka mid ahaa, in la helo ajande qaran oo waxbarsho; Sida ay u jirto ajande qaran, shirar qaran, ayay sidoo kalena u jirtaa sheeko qaran, waxa ay umaddeennu kaga sheekaysato fadhi ku dirirka ayuu noqonayaa mustaqbalkoodu. Waxbarashadu waa inay noqotaa ajande Qaran oo lawada leeyahay.

✓ Dhawaan waxaan rajeyn inaan dib u furno Mac’hadkii macallimiinta ee Lafoole. Sidoo kale waxaannu hirgelin doonaa guddiga horumarinta Manhajka.

✓Ummaduhu uma jidboodaan waxa la soo dhaafay ama hore u soo mareen ee waxay ujedboodaan waxa soo socda mustaqbalka ah sax maaha in dhallinyaradeen u jidboodaan wixii la soo maray.

✓ Hadda waxaa soo socda wadatashi ku saabsan Tacliinta Sarre ee dalka marka la dhammeeyo waxaa la heli doonaa meelaha ku habboon ee laga furi karo jaamacadda umadda iyo jaamacadaha kale ee dowliga ahba.

✓ Sannadakan waxaannu go’aaminnay inaannu ka furno 12 dugsi oo farsamo gacanta ah gobollada dalka oo dhan.

✓ Wax akhris qoraalka adduunka waxaa laga qiimeeyaa qofka waa afkiisa hooyo. Akhris qoraalka waxa uu qaabeynayaa hab fekerka qofka. Waxaan dhowaan bilaabi doonaa olalaha akhris qoraalka. Qofka wayni wuxuu wax akhris Qoraalka ku baran karaa 80 saacadood ama 8 toddobaad.

✓ Arday walba haddii uu masuuliyad iska saaro qoyskiisa gaarka ah dadka aan akhris Qoraalka aqoon in uu wax baro, ardaygaasi waajib wayn buu gutey.

✓ Barnaamijka EMS (Education management information system) wuxuu fududaynayaa in lala socdo sooyaalka waxbarsho ee ardayga.

✓ waqtigayga ugu badani wuxuu ku baxaa wacyigelin, gaar ahaan kooxda ila shaqaysaa iyo wacyigelinta guud ee bulshada.

✓ Umadaha adduunyadu saddex heer ayey midkood ku jiraa Less developed countries, middle developed countries iyo high development countries. Innagu saddexdaas midna kuma jirnee kan ugu hooseeya ayaynu ka sii hoosaynaa.

✓ Ardayga jooga dalka uu horumarkiisu hooseeyo qiimaha waxbarshada ee sanadkii ku baxa waxaa lagu qiyaasaa $200. Halka kan ku nool waddamada meel dhexeedka ka ah lagu qiyaaso $1,000 wax ka yar, waddamada horumarayna ardayga waxa lagu qiyaasaa in la geliyo sanadkii $8,000 lacag ka badan. Sidee ayey u sinnaanayaan marka arday sanadkii la geliyo $200 iyo mid la geliyo $8,000 lacag ka badan sidaa darteed si ardaygeenna aynu usoo gaarsiinno heerka koowaad waxaynu u baahannahay sanadkii $1,250,000,000. ( Hal Bilyan Laba Boqon iyo Konton Milyan.

W/Q: Shadoor Xaaji Shadoor

Kumaandooska Danab oo howlgal gaar ah ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar fuleynimo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan ayaa waxaa fashiliyay ciidamada Kumaandooska Danab, halkaas oo Khawaarijtu jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta Qaranka u xajiiyay in howlgalkaas Khawaarijta looga dilay 7-dhagar-qabe, halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay maleeshiyadii Khawaarijta ay soo qaladay ka furteen saanad ciidan oo ay wateen, waxaana halkaas argagixisadu ku gaaray jab xooggan oo cashar u noqonaya kuwa kale ay wali jidka naarta ku hoggaaminayaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalkan guuleystay ka fuliyay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose, waxayna hadda ciidamadu sii baacsanayaan haraadiga maleeshiyaada kooxda Al-shabaab oo ka firxaday howlgalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab ka waday deegaannada Jubbooyinka, halkaas oo maleeshiyada lagaga dilay maleeshiyo iyo horjoogayaal badan oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato xooggan ku hayay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka looga xoreynayo Khawaarijta, kuwaas oo ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana hadda socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku dhawaaqay.

Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe oo sheegay in adeegyada uu bixiyo Bankiga Dhexe la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka

Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali ayaa ka warbixiyay furitaanka laanta Bankiga Dhexe uu ka furay magaalada Dhuusamaree ee Xarunta Galmudug, isagoo sheegay in go’aanaka ay qaateen kadib markii madaxweynaha JFS uu amray in adeegyada Bankiga uu bixiyo la gaarsiiyo dhammaan gobolada dalka.

Guddoomiyaha wax uu sheegay in qorshaha furitaanka xaruntaan ay tahay heshiis xukuumadda ay la galeen sanadkii hore dhamadkiisa kaa oo dhigay in shan xarumood (5) laga furo dhamman gobollada dalka si adeega loogu dhaweeyo shacabka, sidoo kalena shaqa abuur ay ka heli doonaan bulshada degaanada ku dhaqan si looga qeybqaato shaqa abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay xaruumahaasi ay sameyn doonaa Cilmi baarisyo oo lagala socon doono dhaqaalaha dalka iyo markii lacagta Shilinka Soomaliga la soo daabaco ay bulshadu ka heli karaan adegyada ay u baahanyihin, in laga hago siyaasadda guud ee dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in xarunta xigata ee Bankiga ay ka furi doonaan degaannada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali waxa uu tilmaamay saddexda sanno ay qabsadeen ay ku hirgalin doonaan shanta maamul goboleed xarumo uu Bankiga dhexe degaanadaas ku yeelan doono.

Mar laga weydiiyaty su’aal ahayd adegyada ay bixiyaan Bangiyada gaarka loo leeyahay ayaa waxa uu sheegay in madamaa dalka uu ku biiray Suuqa GANACSIGA dowladu aysan yeelan karin Bangi ganacsi, Bankiga dhexena uu la socodo dhaq-dhaqaaqa Bankiyada ganacsi ee dalka ka howlgalo wada shaqeyn fiicana ay kawada dhaxeyso Bankiga dhexe ee dalka,waxa kaloo uu sheegay sidoo kale in xarumaha gobolada u Bankiga ka hirgalinayo shaqaalaha ka shaqeynayo oo kooban tar-tan loo gali doono, balse dadka degaanka kaliya ay u tar tami doonaan.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa wada howllo lagu ballaarinayo adeegyada uu shacabka u hayo iyadoo degaanada dhiman laga hirgalin doono xarumo xusub oo uu Bankiga ku yeelan doono dhamaan gobolada dalka, si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada ay u baahanyihiin.

Tahriibayaal ku dhintay doon ku qallibantay badda

Lix qof ayaa dhimatay kadib markii dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah ay ku degtay Kanaalka biyaha badda ee u dhaxeeya Faransiiska iyo Ingiriiska.

Shilkaan oo maalinimadii Sabtida ka dhacay meel u dhow biyaha badda ee Faransiiska, gaar ahaan Calais, ayaa lagu badbaadiyay Konton iyo sagaal qof oo badankoodu ahaa Afgaanistaan, kadib kolkii ilaalada xeebaha Faransiiska iyo Ingiriiska ay ku baxeen shilkaasi.

Waxaa la joojiyay baadi goobka labo ruux oo maqan, iyadoo dadka la helay ay ku jiraan carruur u dhashay Afganistaan iyo Suudaan.

Lixda qof ee dhintay waxay ahaayeen rag dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Dalka Afgaanistaan, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ay u sheegeen Philippe Sabatier, ku xigeenka dacwad oogaha magaalo xeebeedka Faransiiska ee Boulogne.

Waa markii todobaad oo muddo ka yar bil gudaheed la badbaadiyo dad tahriibayaal ah sida ay ku warameen kooxaha gurmadka oo walaac ka muujiyay adeegsiga doomaha cilladeysan ee ay caadeysteen kooxaha wax tahriibiya.

Khawaariijta oo deegaanka Cowsweyne ee Galgaduud ku dishay dad Shacab ah oo iska diiday dhaqamadooda gurracan

Degaannnada Galmudug waxaa ka soconayo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee howlgallada dalka looga saaray kooxda khawaarijta,iyadoo degaannada qaar ay isaga baxeen khawaarijta kadib markii ay ka war heleen ciidamada xoogga iyo kuwa degaanka oo ku wajahan degaannada fara ku tirska ah ee khawaarijtu kaga sugan tahay Galmudug.

Dhanka kale, waraka laga helayo degaanka Coosweyne ee hoos taga degmada Ceeldheere iyo degaannada u dhow in ay dadka Shacabka ah ay ku amreen in maanta oo Axad ah ay isku soo baxaan si looga dhigo in ay tageer sanyihiin khawaarijta, si odayaasha degaanka ay ugu qeybiyaan Hub kadibna ay isku sawiraan, waxaana dadka degaanka oo ka horyimid arrintaa ay khawaarijtu dil u geysteen qof Dumar ah halka mid kalana ay dhaawaceen.

Khawaarijta oo ka war haya Gulufka colaadeed ee ku soo wajahan ayaa dadka shacabka ee ku nool degannada ay ku sugan yihiin ku amrayo in ay dagaalamaan balse shacabka oo ku baraarugsan dhagarta kooxda ayaa iska diiday in caruurtooda iyo iyaga laftooda ay ka bar-bar dagaalamaan khawaarijta.

Caasimadda Galmudug waxaa ku sugan Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xubnno katirsan Golaha wasiirada iyo sarakiisha Ciidamada kuwaa oo halkaa u joogo abaabulka iyo dar-dargalint howlgallada khawaarijta looga saaray degaannada fara ku tiriska ah ee khawaarijta kaga sugan tahay Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qorshaha xasilinta deegaannada la xoreeyay

Dhuusamareeb- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboodfallada argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

  

Ergayga Madaxweynaha JFS ee wadahadallada Somaliland oo kulan wadatashi ah la yeeshay Golaha wasiiradda Jubbaland

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Wadahadallada Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladd Goboleedka Jubbaland, kullanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyaga oo soo bandhigeen aragtiyada ay ka qabaan sida loo wajahayo Wadahadallada.

Ugu horreyn Ergayga ayaa ka qeybgalayaasha kullanka uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay arragtiyadooda iyo fikradaha ka dhex guuxata intaba, ayagoona soo gudbiyay tallooyin wanaagsan oo wax tar u leh Wadahadallada Wadahadallada.

Kullamadan Wadatashiga ah ee uu Ergayga Arrimaha Somaliland la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Dowladd Gobleedyadda ayaa ah kuwo bud-dhig u ah in la helo siyaadda mideysan oo loo dhan yahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.

      

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka xuquuqda naafadda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga saddexaad kulankiisa 16-aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Hindise sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed, iyadoo xildhibaannadu ay soo gudbiyeen in ajandaha lagu daro mooshin ku saabsan warbixinta xuquuqul insaanka ee xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo Xildhibaannada Golaha hortooda ka akhrisay hindise sharciyeedka ayaa waxa ay sheegtay in dalka uu u baahan yahay xuquuq dhameystiran oo ay yeeshaan dadka naafada ah ee ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiyo Xildhibaano ah oo booqasho sameeyay xabsiga dhexe ee Xamar ayaa gudbiyay warbixin ku saabsan xaaladda Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaana ay  sheegeen in loo baahan yahay xuquuq ay yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaala dalka, iyaga oo soo jeediyay dadka dembiyada yar yar loo heeysto in la cafiyo, si xabsiga oo ciriiri ah dadka loo kala yareeyo. Sidoo kale Xildhibaannadda waxay xuseen in qofka la soo xiro aan xabsiga lagu ilaawin, la maxkamadeeyo si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha faray in warbixinta saddexda guddi ay soo diyaariyeen ku wareejiyo Guddiga Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka BJFS.

                  

Ciidamadda dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay 23 ka tirsan khawaarijta

Baydhabo-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan oo ay  ka fuliyeen deegaanka Buulo fulaay ee Gobalka Baay ku dilay 23 ka tirsan khawaarijta

Howlaglkaan oo ahaa mid lagu beegsanayay xarumaha khawaarijta ayaa laga fuliyay sadex xarumood oo ay khawaarijtu ku sugneed.

Hawlgalka koowaad waxa uu ka dhacay goob isbaaro ay u taalay Khawaarijta oo ku taalla afaafka hore ee magaalada.

Hawlgalka labaad waxa uu ka dhacay Garaash ay khawaarijtu ku aruurineysay qaraxyo kuwaas oo goobta lagu burburiyay.

Kan saddexaadna waxaa lagu beegsaday goob Khawaarijta u ahayd xafiisyo maamul oo ay ku sugnaayeen koox horjoogayaal ah.

Xogaha horudhaca ah ayaa waxaa xaqiijiyeen in hawlgaladaas lagu dilay 23 ka tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan labo Horjooge.

howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howlgallo joogto ah kuwaas oo si xirfadaysan ay isaga kaashanayaan ciidanka Qaranka isla markaana lagu beegsanayo hubka, saanad iyo isku socodka Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in bahda Waxbarashadu yihiin naftood hurayaal xilli adag u istaagay Waxbaridda Ubadka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana ka soo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey dugsiyadii tartanka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheeriga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda, si meesha looga saaro in qofku uu danihiisa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad.

Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Banaadir, Macallimiin, waaliddiin, dadweyne iyo arday ka socotay dugsiyadii tartanka ka qeyb qaatay.