Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Qaranka ku sugan Diinsoor

Baay:-Xasan Macalin Aways oo magaciisa afgarashada Khawaarijtu yahay (jindullaah ) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna afgarashadiisu tahay ( jabal ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Labadan xubnood ayaa Ka tirsanaa Khawaarijta muddo 3 sanno ah iyagoo ka dagaal galay gobollada dalka qaarkood waxaana ay sheegeen inay ka soo laabteen waddadii qaldaneed ee ay raaceen.

Muddooyinkii u dambeeyey waxa soo badanaya tirada kooxda khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidamada Qaranka.

Hindisaha Dagaalka Khawaarijta wuxuu ahaa go’aan geesinimo ah (Documentary)

Iyaga oo si qaldan Diinta Islaamka u turjumaya, qiilna u sameynaya daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ayay ku sii dareen in ay ciqaabaan kumanyaal shacab ah oo ay soo wajaheen abaaro daran.

Khawaarijta Al-shabaab, waxay ku kaceen falal Diinta iyo bini-aadanimadaba ka baxsan oo ay ka mid yihiin in ay aasaan ceelasha ay ka cabaan dadka haraaddan iyo in ay is-hortaagaan in gargaar bini-aadanimo lala gaaro shacabka tabaaleysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamineyn inuu markale qabto talada madaxtinimada Dalka 15-kii May, ayaa u arkay falalka Khawaarijtu in ay yihiin kuwo la sii daawan karin, wuuna qaatay go’aan shacabka Soomaaliyeed iyo midda qaranka lagu badbaadinayo, kaas oo ah in Khawaarijta lala dagaallamo dalkana laga suuliyo.

” Dowladda aan madaxda ka ahay, waxaa ka go’an in colaadda gaamurtay ee argagixisada Al-shabaab la soo gabo-gabeeyo, sidaas daraaddeed shacabka Soomaaliyeed waxaa kula dardaarmayaa in ay noqdaan Daljireyaal Daahsoon oo u taagan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada ah, argagixisadu inagey nagu dhex nooshahay waana inaa iska qabanaa,isbeddel waa inaan ka keennaa sida aan argagixisada ula dhaqmeynaa,”.

Haddaba go’aankaas geesinimada leh ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku horkacay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka dhashay rejo cusub iyo guulo waa weyn oo mustaqbalka dib ugu soo celinaya saaxada nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Madaxweynaha oo ka faa’ideysanaya waayo-aragnimadisii uu ka dhexlay howlgalladii ka dhanka ahaa Khawaarijta muddo-xilleedkiisii hore ee 2012-2017, Aya xitaa intii uu ku jiray ololihiisii doorasho ee 2022, waxaan qorshaha ugu weyn ee uu maskaxda ku hayay ka mid ahaa in Khawaarijta laga ciribtiro Soomaaliya.

Howlgalladu inta aanay bilaaban ka hor, Al-shabaab waxay ku sugnaayeen marxalad Isla-ballaarin iyo hanti uruursi ah oo ay ka sameeyeen dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo iyagoo helay muddo 5-sanno ah oo aan lagu qaadin weerar sidaa u buuran oo looga hortegayo khatarta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayeen.

Degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta waxay kor u dhaafayaan ilaa 90-deegaan oo ay ka mid yihiin kuwa halkan ku tixan, iyadoo ciidamada xoogga Dalka oo taageero ka helaya naftood hibeeyeyaal shacab Soomaaliyeed ah oo Dowladda ka bar bar dagaallamaya ay muddo kooban argagixisada uga sifeeyeen dhul aad u ballaaran.

Dowladda Federaalka ayaa aaminsan in Khatarta Al-shabaab aysan ku koobneyn gudaha Dalka oo qura, balse ay sidoo kale, caqabad ku yihiin amniga gobolka iyo Kan caalamkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya aragtidaas ayaa Muqdisho ku guddoomiyay kullan ay ka soo qeyb galeen madaxda gobolka, sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Cismaaciil Cumar Geel, madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed, kullankan ayaa natiijada ka dhalatay noqotay in la isku raacay in saddexdan dal ee safka hore, Soomaaliya ku weheliyaan howlgal loogu magacdaray ” Libaaxa Madow”, oo noqonaya wejiga labaad dagaalka Dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalkan oo Soomaaliya hoggaamin doonto waxaa loogu talagalay inuu qaato muddo kooban, islamarkaan ciidamada ka imaanaya waddamada safka hore ay deg deg ugu laabtaan Dalalkooda, sida qorshuhu yahay.

Howlgallada looga soo horjeedo cadowga goobaha sida weyn looga dareemay in guulo la taaban karo laga gaaray waxaa ka mid ah amniga caasimadda Muqdisho iyo labada gobol ee Shabeelle oo deris la ah caasimadda, kuwaas oo geesiyaasha oo kaashanaya macaawisleyda ay ku bur buriyeeb xarumihii Khawaarijta ay dadka lacaga baadda kaga qaadi jireen.

Todobo qof oo ku ku dhintay burburka masjid ku yaalla waqooyiga Nigeria

Toddobo qof ayaa ku dhintay woqooyiga Nigeria  ,gaar ahaam magaalada Zaria  ee gobolka Kaduna, kadib markii uu burburay  qayb ka mid ah masaajid ay ka buuxeen boqollaal qof oo cibaadeysanaayey.

Af-hayeenka golaha imaarada Zaria Abdullahi Kwarbai ayaa sheegay in shilkaan oo dhacay maalinimadii jimcaha ee shalay ay ku dhaawacmeen in ka badan 23 qof.

Guddoomiyaha gobolka Kaduna Uba Sani ayaa amar ku bixiyay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo musiibada, wuxuuna ballan qaaday inuu caawin doono dadka ay saameysay dhacdadaasi qalbi jabka leh.

Burburka masjidkaan oo la dhisay sanadkii 1830-kii ayaa imaanaya xilli sanadkii hore ay dumeen in ka badan toban dhismo oo ku yaalla Dalka Nigeiya.

Al-shabaab oo ay uga dhammaatay Galmudug (WARBIXIN)

Deegaannada hoos yimaada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa todobaadkaan waxaa ka socday abaabul, kaasi oo la doonayo in dib loogu xoreeyo Magaalooyin ka tirsan Gobolka Galgudud oo wali ku harsanaa gacanta Kooxda Khawaarijta ah, sidaasi awgeed ayay Ciidamo is-abaabulay oo dadka deegaanka ah, una diyaarsan ka qeyb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa  lagu soo bandhigay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, waxaana Ciidamada loo yaqaan Macaawisleeyda hore loogu soo bandhigay Deedaannada Guri-ceel, Dhabbad, iyo duleedka Dhuusamareeb, kuwaasi oo dhammaantood ujeedkoodu yahay inay diyaar u yihiin dib xoreynta Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Waxaa kaloo jira in Ciidan la isaga kala keenay deegaannada dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb ilaa Xarardheere ayaa waxaa dhiirigelin ugu tegay masuuliyiin ka kala tirsan Goleyaasha dowladda federaalka, dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo Masuuliyiinta iyo saraakiisha ay ciidanka kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan dagaalka xaqa ah ee cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo dhulka Soomaaliya, dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidanka is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan ciribtirka Khawaarijta Deegaannada Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya degaanno hoos taga Degmada Ceel buur ayaa la sheegay in Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ku dhex maraayo Maleeshiyaad daacad u ah 2-Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka, dagaalkaan ayaa dhaliyay khasaare, iyadoo Wararka ay sheegayaan in Dagaalkaan uu u dhaxeeyo Maleeshiyaad kooxda Argagixisada ka wada tirsan oo Daacad u kala ah Mid Magacaciisa lagu sheegay Horjooge Xasan Cabdullaahi Cabdulle oo ka soo jeeda Ceel-garas halka kan kale la sheegay inuu ka soo jeedo Ceelbuur, dagaalkaan ayaa ka dhacaaya Tuulada lagu magacaabo Ceel meegag, wuxuuna dhaliyay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray labada dhinac,  inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Waa maxay sababta ay labadaasi khawaarij hubka isugu qaateen ayaan weydiinay falanqeeye arrimaha Kooxda Khawaarijta ah u dhuun-daloola “ sida la sheegay waxa uu dagaalkoodu salka ka hayaa in kuwa ka soo jeeda Deegaanka Ceel-garas ay doonayeen inay ka soo goostaan khawaarijta, iskuna soo dhiibaan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deegaanka Baxdo, halka midka kalena uu diidanaa in laga baxo, marka taasi ayaa sabab u ah dagaalkooda”, ayuu yiri.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa  hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey) iyo Xildhibaan Cumar Cabdi iyo Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Gal-mudug, iyadoo  Kulanka looga hadlay dardar gelinta dadaallada dib u xoreynta deegaannada Gal-mudug ee Khawaarijtu wali ku dhuumaaleysaneyso, waxaana la isku raacay in wadajir loola dagaalo cadawga ummadda Soomaaliyeed, waxaana la wada og yahay in Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, uu maalmahaan magaalada Dhuusamareeb ka waday abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada wali ku jirta gacanta cadawga.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa fasaxay kulamadii Golaha Wasiirrada Galmudug, isagoona faray in ay furimaha tagaan, kana qeybqaataan xoreynta Galmudug, waxaana kulankii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, kaais oo ka soo faaruqay kulamadii odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug uu baryahaan la lahaa, isagoo Madaxweyne Xasan uu saacadaha nagu soo aaddan ku dhawaaqi doono amar culus, kaasi oo ay ku dhaqaaqayaan ciidamada qalabka sida, maadama uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qeyb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka, wuxuuna Madaxweynaha oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah khawaarijta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada, taas oo leh seddex Weji oo ku wajahan in kooxda lagala diriro dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo in lagu furo furimaha dagaalka ah mid Militari, waxa uuna xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wejiga koowaad ee la dagaallanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sida muuqata guulo waaweyn laga soo hooyay dagaaladdii lala galay Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab, taasoo lagu jabiyay dhammaan goobihii la isku fara saaray.

Goor dhow ayay aheyd markii Ciidamada Qaranka oo hawlgal guulaystay ka fuliyay gudaha degmada Galhareeri ee gobalka Galguduud, taasi oo lagu beegsaday seddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen, iyadoo Howlgalka koowaad ayuu ka dhacay Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay todobo gaari oo yaalay Goobtaasi, iyadoo goobta labaadna lagu beegsaday meel ay u aheyd Bakhaarka hubka oo ay Khawaarijtu laheyd, kaasi oo isna la gubay, halka kan seddexaad u ahaa goob uu u yaalay qalabka caaafimaadka oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.

Degmada Galhareeri ayaa Khawaarijta u ah xarun weyn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan, balse Ciidamada Xoogga dalka Soomaalieed ayaa cagta mariyay goobahaasi muhiimka u ahaa khawaarijta, waxaana uu howlgalkaan uu qeyb ka ahaa hawlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranku ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta, kuna beegsanayaan saadkooda iyo isku socodka Khawaarijta.

Haddaba waxaa dhowaan la filayaa inuu dhaco guluf dhinacyo badan ah ee ka dhan ah Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo ay si wadajir ah uga wada qeybqaadanayaan ama iska wada kaashanayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa Deegaannada (Macaawisleey), Wadamada Deriska ama (safka hore) iyo Saaxiibada Caalamka , kaasi oo ujeedku yahay soo afjaridda dagaalka Wejigiisa 1-aad ee Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la soo gaaray xilligii Khawaarijta Al-shabaab uga dhammaan laheyd deegaannada Maamul-goboleedyda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Bulshada deegaanka Dhinowda oo wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbeddelka cimilada

Dhinowda waa magaalo dhacda bariga gobolka Mudug ee bartamaha Dalka, waanna deegaan hoostaga degmada Jariiban ee Dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Dhinowda, waxaa saameyn xooggan ku yeeshay isbeddelka cimilada oo ah arrimaha ugu waa weyn ee sannadihii la soo dhaafay dunida la daalla dhaceysay.

Magaaladan oo kulaasha Badweynta Hindiya, waxaa dhammaan duugmay guryihii ku yaallay deegaanka, sidoo kale dadkii degnaa ayaa badi isaga barakacay magaalada.

Warbaahinta qaranka oo u kuurgashay xaaladda deegaanka si ay Bulshada Soomaaliyeed ugu soo bandhigtay ayaa xaal wareysatay dadka deegaanka, iyagoo ka warbixiyay dhibaatada magaalada ka jirta.

Cawil sheekh Nuur oo ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Shinowda ee bariga gobolka Mudug ayaa ka waramay saameynta isbeddelka cimilada ku yeeshay deegaanka.

” Deegaanka waxaa ka dhacay labo waxyaabood abaar, abaarta markii ay dhacday waxay keentay geedihii in ay dhammaadaan dhulka boor ka kaco, waddooyinka in ay aasmaan, labadaas qeybood waxaa keentay abaarta, dad waxaa weeye aan meel aadi karin, dad waxaa weeye xooligii miyiga abaari ay ka qaadday, waxaan adduun weynaha u sheegayaa in dadkan Dhinowda maanta in ay xaalad adag haysato,”.

Isbeddelka cimilada ayaa saameyn aan wanaagsan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada Dhinowda ee bariga gobolka gobolka Mudug ee bartamaha Dalka.

Cabdiqaadir oo ka mid ah Jaaliyadda deegaanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dadka iyo duunyada ku nool Dhinowda ay wajahayaan xaalad bini-aadanimo tii u darneyd.

” Hadda waxaan jooga qeyb ka mid ah magaalada oo la yiraahdo Diikooni, guryo badan sida Kaamirada ka arki doontaan baacad qariyay oo laga guuray oo baaba’ay baa meeshan kala kullanay, gediga kale ee barina waa laga soo barakacay oo bacaadka ayaa aad u saameeyay, dadka waxaad moodaa in ay dhinaca dhagaxa u baxeen, balse dhammaan guryihii deegaanka waa ay baaba’een,”.

Sidoo kale, Cabdiqaadir ayaa ugu baaqay hay’adaha maamulka iyo hay’adaha samafalka in ay gacan ka geystaan sidii dadka deegaanka oo xaalado adag wajahaya loogu gurman lahaa, islamarkaana loo gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin sida caafimaad, waxbarasho iyo hooy ay ka galaan dhaxanta habeenka iyo cadceedda maalintii.

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyey Deegaanada hoos yimaada degmada Ruun-nirgood

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Ruun-nirgood iyo degaanka hiloowle-Gaab ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal lagu xaqiijinayo Amniga deegaanada Hoos yimaada Run-nirgood iyo hilowle-gaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim sheekh Muxyadiin Cadow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan oo ay sameeyeen Guutooyinka Cumar Binu-Khadaab, Guutada 17-aad kumaandooska Gor-gor, iyo Guutada 19- ee Ilaalo Qaran lagu xaqiijiyey amaanka degmada Ruun-nirgood iyo degaanka Hiloowle Gaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay howlgalka inuu qeyb ka yahay howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga degmooyinka iyo deegaannada laga saaray gacanta Khawaarijta.

Laamaha Ammaanka ee gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin loo haysto fal dil ah

Taliska Qeybta Guud Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Booliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabaha fal dil ah u geystay nin ka tirsana ganacsaatada magaalada Muqdisho.

Ninkaan ay gacanta waxaa ku soo dhigeen laamaha amniga iyagoo sheegay in la horgeyn doono cadaalada si wax looga waydiiyo falka dilka ah ee lagu soo qabtay.

Laamaha ammaanka degmada Hodan iyo shacabka oo is kaashanaya ayaa sabab u noqoday soo qabashada ninkaan falka dilka loo haysto Abaaro 13:30pm ee maanta.

Muddooyinkii u danbeyay waxaa howlgallo lagu xaqiijinayo Ammaanka magaalada Muqdisho ka wadday ciidanka nabad galayada iyagoo baaritaanno ka sameynayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiir Cadaala “Waxaan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee lagu dilay carruurta, waanna ka tacsiyeeynayaa”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane C/Raxmaan Yuusuf Al-Cadaala  oo ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Cadaado ayaa ku ammaanay maamulka iyo bulshada halkaasi horumarka ay ka sameeyeen degmadaasi iyo dadaalka ay ugu jiraan in ay wax la qeybsadaan degmooyinka kale ee dalka.

Wasiir Caddaala oo si gaar ah uga hadlay shaqaaqooyinka ka jira gobolka ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda,isla markaana la iska qabto cid kasta oo horsed ka ah colaad dhexmarta dadka walaalaha ah ee ku sugan gobolka Gaalgaduud.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane C/Raxmaan Yuusuf Al-Cadaala  Mahadcelin odoyaasha dhaqanka oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo ka shaqeynaha wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada wada dega gobolka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada lagu xoreynayo Galmudug

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in ay socdaan abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada Gal-mudug  ee ay dhuumaaleysuiga ku joogaan kooxaha khawaarijta.

Wasiirka ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb kula kulmay qaar kamid ah ururada bulshada,gaar ahaan  odayaasha dhaqanka,dhallinyarada iyo wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ,kuwaas oo looga hadlayo arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta  xagga cirka ah ayaa socda ,iyadoo sidoo kale ay barbar socon doonaan duulaanka dhinaca dhulka ah.

Hawlgalka Midowga Afrika (ATMIS) oo shahaadooyin siiyay saraakiil dhameystay howlahii shaqo ee Soomaaliya

Maamulka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyay saraakiil sare oo kaalin weyn ka soo qaatay guulaha howlgallada ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

18 ka mid ah saraakiisha sarsare ee ka shaqeeya Hawlgalka Ku meel gaadhka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS),ayaa haatan baneynaya xilkooda,kadib mariii ay dhameysteen socdaalkooda shaqo oo qaatay muddo hal sano ah.

12 ka mid ah saraakiishaan ayaa kasoo jeeda Kenya. Lixda sarkaal ee kale waxay ka kala yimaadeen Benin, Nigeria, Uganda, iyo Zimbabwe,iyagoo la tilmaamay in shahaadooyinkaasi ay ku ku muteysteen adeeggooda muhiimka ah ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Maj. Gen. Ngendabanka oo wakiil ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding ayaa uga mahadceliyey saraakiisha sida gaarka ah ay uga qeyb qaateen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Waxaan fursaddaan uga faa’ideysanayaa inaan idiinku hambalyeeyo dadaalka aad u gasheen soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Maj. Gen. Marius Ngendabanka, oo ah taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee u qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha.

Munaasabaddaan oo lagu qabtay Xarunta ATMIS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS, Saadka iyo Taakuleynta Maj. Gen. Peter Kimani Muteti.