Wasiirka Caddaaladda XFS oo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada lagu xoreynayo Galmudug

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in ay socdaan abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada Gal-mudug  ee ay dhuumaaleysuiga ku joogaan kooxaha khawaarijta.

Wasiirka ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb kula kulmay qaar kamid ah ururada bulshada,gaar ahaan  odayaasha dhaqanka,dhallinyarada iyo wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ,kuwaas oo looga hadlayo arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta  xagga cirka ah ayaa socda ,iyadoo sidoo kale ay barbar socon doonaan duulaanka dhinaca dhulka ah.

Hawlgalka Midowga Afrika (ATMIS) oo shahaadooyin siiyay saraakiil dhameystay howlahii shaqo ee Soomaaliya

Maamulka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyay saraakiil sare oo kaalin weyn ka soo qaatay guulaha howlgallada ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

18 ka mid ah saraakiisha sarsare ee ka shaqeeya Hawlgalka Ku meel gaadhka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS),ayaa haatan baneynaya xilkooda,kadib mariii ay dhameysteen socdaalkooda shaqo oo qaatay muddo hal sano ah.

12 ka mid ah saraakiishaan ayaa kasoo jeeda Kenya. Lixda sarkaal ee kale waxay ka kala yimaadeen Benin, Nigeria, Uganda, iyo Zimbabwe,iyagoo la tilmaamay in shahaadooyinkaasi ay ku ku muteysteen adeeggooda muhiimka ah ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Maj. Gen. Ngendabanka oo wakiil ka ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding ayaa uga mahadceliyey saraakiisha sida gaarka ah ay uga qeyb qaateen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Waxaan fursaddaan uga faa’ideysanayaa inaan idiinku hambalyeeyo dadaalka aad u gasheen soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Maj. Gen. Marius Ngendabanka, oo ah taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee u qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha.

Munaasabaddaan oo lagu qabtay Xarunta ATMIS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS, Saadka iyo Taakuleynta Maj. Gen. Peter Kimani Muteti.

53 rux oo ka soo jeeda muslimiin Mayanmar oo ku waxyeeloobay shil doon

Meydadka 23 qof oo muslimiinta Rohingya ah oo ka baxsanayay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa la soo saaray, kaddib markii ay la degtay dooni yar oo ay la socdeen.

30 kale ayaa wali la la’yahay, halka 8 qofna lagu soo waramayo in ay ka badbaadeen shilkaasi,waxaana dadka rakaabka ah ee la socday doontaasi ay ahaayeen dhowr iyo konton  qof.

Dadkaasi muslimiinta ah ee ka soo jeeda Mayanmaar ayaa la sheegay in ay ku socdeen Maleesiya.iyagoo ka ka baxsanaya cadaadiska Myanmar iyo xeryaha qaxootiga ee Bangladesh.

Sannad kasta kumannaan Rohingya ah ayaa isku daya safar halis ah oo loo marayo dhanka badda ,iyadoo ujeedku yahay in ay gaaraan Malaysia ama Indonesia.

Muslimiinta Rohinga waa qowmiyad laga tiro badan yahay ,waxana qaar badan oo ka mid ah dadkaasi u qaxeen Dalka  Bangladesh sanadkii 2017-kii si ay uga baxsadaan olole xasuuq ah oo ay geysteen militariga Burma.

Muslimiinta ku haray Myanmar ayaa sidoo kale isku dayayay in ay baxsadaan halkaasi laga soo bilaabo  afgambigii militariga ee 2021-kii illaa hadda.

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Laanta Bankiga Dhexe ee Galmudug

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa si wadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka dar dargelinta iyo Abaabulka Halganka Dib u Xoraynta

Dhuusamaareeb:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah khawaarijta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wajiga koowaad ee ladagaallanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka oo guulo muuqda laga soo hooyay.

   

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka kooxaha Khawaarijta ah lagu ciribtirayo ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.

Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Share this Article

Ecuador oo lagu dilay musharax madaxweyne iyo xaalad degdeg ah oo la soo rogay

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Ecuador Guillermo Lasso ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo socon doonta muddo 60 maalmood ah, taasoo jawaab u ah dilkii caasimadda Quito loogu geystay Fernando Villavicencio oo ahaa murashax madaxweynanimo.

Musharaxa Villavicencio oo ah 59 jir waxa uu ahaa nin si  aad ah u dhaleeceeyay musuqmaasuqa iyo dambiyada abaabulan waxaana  la dilay maalinimadii shalay xilli ay socdeen xaflado loo sameeyay ololahiisa.

“Ciidanka qalabka sida ayaa hadda la howlgaliyay si loo dammaanad qaado amniga muwaadiniinta, xasilloonida dalka iyo doorashooyinka soo socda oo la filayo in ay dhacdo 20-ka Agoosto,” sidaasi waxaa yiri madaxweyne Lasso.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Rabshadahaas ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale oo ay ku jiraan musharax u tartamayey golaha sharci dejinta iyo laba askari oo boolis ah.

“Aad ayaan uga careysannahay oo aan uga naxay dilkii loo geystay musharax madaxweyne Fernando Villavicencio. Waxaanna tacsi u dirayaa xaaskiisa iyo gabdhihiisa,” Lasso ayaa sidaa yiri.

Guddoomiyaha Haya’adda Maareynta Masiibooyinka oo Daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Galmudug

Dhuusamareeb:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta maamulka Galmudug waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Galmudug.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Wasiiradda Gargaarka,Beeraha,Cafimaadka,iyo masuulim kale oo katirsan Maamulkaas,wakiilo ka socda hay’addaha deeqaha bixiya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda SODMA.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta Galmudug,
ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg loo gaarsiin lahaa deeganada dhawaan khawaarijta laga saari doono oo ay ugu horeyso Magaalada Ceelbuur.

      

Xubin ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka ku sugan Baxdo

Cabdi Cabdillaahi oo ahaa xubin ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan Gobolka Mudug gaar ahaa Magaalada Baxdo,

Dhagar qabahan ayaa kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka gaar ahaan daawaynta dhaawacyada soo gaara horjoogayaasha kooxda Khawaarijta.

Kooxaha Khawaarijta oo la kulmaya Jab xooggan maalmihii u dambeeyey ayaa bilaabay in ay kala firxadaan iyadoo maalmahan ay isa soo dhiibeen tiradii ugu badnad ee khawaarij ah kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo la horgeeyey Masuuliyiin loo haysto Musuq-maasuq

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad Musuq-maasuq oo loo heysto ilaa afar Eedeysane oo ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Eedeysanayaasha ayaa labo ka mid ah dalka ka maqan, halka labada kale Maxkamadda la horkeenay.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa dacwada kusoo oogay Eedeysanayaashaan.