Ra’iisul Wasaaraha XFS oo sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha Xajka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in sannadkan wax badan laga qabtay hagaajinta hawlaha xajka ee dadka Soomaaliyeed, dowladduna ay dadaal badan ku bixisay sidii ay uga hortagi lahayd dhibaatooyin badan oo soo food saari jiray xujeyda Soomaaliyeed inta aysan ka dhoofin dalka iyo markii ay gaaraan dhulka barakaysan ee Xaramka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in hoos loo dhigay kharashaadkii ku bixi jiray Xaajiga Soomaaliyeed sanadkan in ka badan $700, walina ay Xukuumaddu ku sii dadaaleyso sidii loo sii yarayn lahaa qiimaha, halka guddi loo saaray korjoogteynta adeegyada, Tayada iyo xaaladda nololeed ee Xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaysa acmaasha barakaysan ee Xajka.

Howlgal lagu dilay maleeshiyada ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Ceelasha-biyaha

Ciidanka hay’adda nabad-suggidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho  ka sameyay howlgal waxaan ay ku khaarajiyeen dhagar-qabe ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab oo watay  gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa,NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay,iyadoo gacanta ku dhigay  gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Lammaha suggida amniga caasimada Muqdisho ayaa wadday dadaal lagu xoojinayo nabad-galyada,iyadoo howlgallo amni xaqiijin ah ay ka waddeen degmooyinka gobolka Banaadir.

    

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Adkeeyey odayaasha Dhaqanka Galmudug Xoojinta Midnimada Lagu Wajahayo Argagixisada iyo Xoraynta Deegaanada

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay argagixisada Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan argagixisadu, si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Galmudug ay tahay argagixisada Alshabaab, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah Khawaarijta oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah.

          

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baahinaya boosas ka banaan Xeer ilaaliye iyo Kaaliyayaal

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baahinaya boosas ka banaan Xeer ilaaliye iyo Kaaliyayaal.

Hadaba lifaaqa hoose jug sii si aad uga hesho faahfaahinta boosaska banaan ee Xeer-ilaaliye.

Xeer Ilaaliyaha 0ne

Hadaba lifaaqa hoose jug sii si aad uga hesho faahfaahinta boosaska banaan ee kaaliyaasha.

kaaliyayaal 2

Wasiirada Gadiidka ee Soomaliya iyo Kenya Oo heshiis la xidhiidha Hawada kala saxiixday

Nairobi:-Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Hon Fardowso Osman Egal aya Maanta heshiis Caalmiya oo wadaag ah oo la xiriira Hawada iyo Duulista la gashay dhiggeeda,Wasiirka Gaadiidka Kenya Hon. Kipchumba Mukomen.

“Heshiiskan ayaa u gogal-xaaraya in Diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya ee la diiwaangaliyey duulimaadyo ku tagi karaan Kenya, tan oo qeyb ka ah Daadaalada ay Wado Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada kàas oo ku aaddan dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan Soomaaliya inay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan.

“Sidoo kale waxa uu heshiiskan xoojinayah wada shaqaynta duulimaadka labada dal iyo aqoon iswayraadarsi.
“waxaana qayb ka ahaa kulanka heshiiskan Safiirka Dalkeenna Soomaliya Ee Kenya Ambassador maxamed maxmuud (Tarsan) Agasimaha Guud Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Hon Bashiir Macali cali Xasan.

           

Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ka dooday Hannaanka Doorashada ee heshiiskii MWQ

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Burhaan Aadan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mudane Maxamed xasan Idriss ( Ganeey) ayaa shir guddoomiyay kulanka maanta ee guddiga oo looga doodayey hannaanka doorashooyinka ee heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka. Isla-markaana siiqad Dastuuriya loogu badeli lahaa.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah ayaa kulankooda maanta diirada saaray ka doodista Heshiikii Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashada iyo sidii uu ula fal-gali lahaa cutubka 4aad ee dastuurka oo ka hadlaya matalaada shacabka.

   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyey kulanka 15-Aad kalfadhigiisa 3-Aad ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ay Xildhibaannadu kaga doodayeen warbxinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka, ayaa waxay sheegeen in la saxo qodobo madmadow ku jira, kuwaas oo muhiim u ah shaqada Hantidhowrka Guud ee Qaranka, iyadoo Xildhibaannadu mid mid u dul istaageen qodobo ay ka mid yihiin magacaabista iyo xil ka qaadista Hantidhowrka iyo shaqada baaxada leh oo ku jira sharcigan.

Guddoomiye Sheekh Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Xildhibaankii asiga oo kulanka socda iska baxa in loo qaadan doono isagoo aan soo xaadirin, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay inta uu socdo kulanka Xildhibaannada in In la xaadirin doono sida Xeer-hoosaadka uu qabo.

   

Wasiirka Kalluumaysiga XFS oo Furay Shirka Wasaaraddaha Kalluumaysiga oo socon doona laba cisho

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furay shir wadatashi ah oo u dhexeeya wasaaradda iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda ee dowlad Goboleedyada dalka.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta Kalluumeysiga dalka, dib u eegidda waxa ka qabsoomay mashaaariicda la xiriira Kalluumeysiga, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeysa Wasaaradaha.

Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga XFS ayaa furitaanka shirkaan ka sheegay in ay muhiimad weyn u leedahay Qaranka Soomaaliyeed xoojinta wadashaqeynta iyo in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda. Waxa uu xusay in shirkaan uu ka filaayo in ay kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah oo u ogol xaaraya xaqiijinta hadafyada la doonayo in la gaaro si loo helo horumar la taaban karo oo ku saabsan Kalluumeysiga dalka.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wasiirada wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlad goboleeyada Jubaland Mudane Maxamed Cumar Buuno, Galmudug Mudane Garaad Yuusuf, Hirshabeelle Mudane Iidle Siyaar Sheikh Khaliif iyo Koofur Galbeed Cabdifitaax Maxamed Cali.

   

Wasiirka Cadaaladda oo gaaray magaalada Dhuusamareb

Dhuusamareeb- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim qeybna uu ka yahay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Gaaray Magaalo madaxda Dowladd Goboledka Galmudug ee Dhuusamareb.

Wasiirada Gargaarka,Cadaalada ee Dowladd goboleedka Galmudug,Odayaal dhaqan iyo Masuuliyiin kale ayaa Wasiirka Cadaalada iyo  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ku soodhaweeyey Garoonka diyaradaha Ugaas Nuur .

Ueedka socdalka Masuuliyiintaan si gaar ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa daaran u kuur galida xaalada bini’aadanimo ee halkaas ka jirta,ka qeybgalka shir deg-deg ah oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimada,iyo ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg  loo gaarsiin la haa deeganada dhawaan khawaarijta laga saari doono.

Bankiga dhexe oo laan ka furanaya Galmudug

Dhuusamareeb- Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa si diirran loogu soo dhooweyay magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee dhuusamarreeb.

Socdaalka guddomiyaha ayaa daarran daahfurka laanta Bankiga dhexe ee uu ku yeelanayo magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareb .

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Galmudug, Farxaan Cali gaban oo gudoomiyaha bankiga dhexe kusoo dhoweeyay magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in ay goobjoog ka noqonayaan xaruntii ugu horreysa ee dowlad goboleedyada dalka uu ku yeelanayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb u yimid diyaar garowga ugu dambeeya ee furitaanka laanta Bankiga dhexe ee Galmudug  oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bankiga dhexe uu ka furto dowlad goboleedyada dalka .

Dhowaan ayay ahayd markii uu magaalada Dhuusamareeb tagay guddoomiye ku-xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya, si loo dardar geliyo laamaha cusub ee laga furayo maamul goboleedyada dalka.