Bankiga dhexe oo laan ka furanaya Galmudug

Dhuusamareeb- Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa si diirran loogu soo dhooweyay magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee dhuusamarreeb.

Socdaalka guddomiyaha ayaa daarran daahfurka laanta Bankiga dhexe ee uu ku yeelanayo magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareb .

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Galmudug, Farxaan Cali gaban oo gudoomiyaha bankiga dhexe kusoo dhoweeyay magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in ay goobjoog ka noqonayaan xaruntii ugu horreysa ee dowlad goboleedyada dalka uu ku yeelanayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb u yimid diyaar garowga ugu dambeeya ee furitaanka laanta Bankiga dhexe ee Galmudug  oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bankiga dhexe uu ka furto dowlad goboleedyada dalka .

Dhowaan ayay ahayd markii uu magaalada Dhuusamareeb tagay guddoomiye ku-xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya, si loo dardar geliyo laamaha cusub ee laga furayo maamul goboleedyada dalka.

     

Ingiriiska oo heshiis la galay Turkiga si wax looga qabto tahriibka

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Turkiga si kor loogu qaado iskaashiga la xiriira wax ka qabashada socdaalka aan sharciga ahayn ee ay sameeyaan dadka tahriibayaasha ah.

London ayaa ku dhawaaqday qorshahaan ,taasoo qayb ka ah isku day lagu dhimayo socdaalka aan sharciga ahayn,waxaana heshiiska ku jira dhismaha xarun cusub oo laga hirgalinaayo Turkiga,si labada dal ay u carqaladeeyaan shabakadaha dambiilayaasha ee abaabula safarrada sharci darrada ah.

Labada dal waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatada iyo xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan dadka tahriibka ah iyo dalalka kale ee ay sii maraan.

Dowladda UK ayaa si gaar ah cadaadis loogu saarayaa in dadka aan sharciga haysanin ay ka gudbaan kanaalka Ingiriiska.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo 10-sanno xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo turufo kale ku qaraabanayay

Wax badan waxaa aad maqasheen dad loo maxkamdeynayo masuq-maasuq, dacwado dhul la xiriira ama dambiyada kale ee aadamaha sida caadiga ah uga dhaca, laakiin tani waa ay ka duwan tahay, waa dacwad anshax ah mana baahin doono muuqaalada qaar, sidoo kale, qaarkood waxaan qarin doonaa wajiyadooda, mana sheegi dooni magacyada saxda ah dadka dhibanaha ka ah dacwaddani.

Shooble waa 52-jir, waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada Boolisk Soomaaliyeed, isagoo gacanta kula jira ficil fool xun iyo gogol dhaaf.

Bilowgii sanadkan, baaris uu sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo dhibane u ah ninkani, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah, isagoo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalintu lagu sheegay.

” Waxay sheegtay falka ku dhacay, waxa lagu sameeyay iyo sida ay u dhaceen intaba maxkamaddu waa ay u xaqiijisay, mudane guddoomiye waxaa macquul ahayn oo caqli gal ahayn xaas la qabo carruur leh, guri sowj ka soo tooseysa in ay u bareerto mac sameyso haddana muuqaal in laga duubo ay ogolaato, markii la wareysanayay waxay sheegtay in markii ugu horeysay lagu shubay biyo, ka dib biyahaas marka lagu shubayna ogaalkeeda uu meeshaas ku tegay,”. ayay tiri xiis oo ka socotay xafiiska xeer ilaalinta.

In badan waxaa laga yaabaa in aad isweydiineysaan halka uu ka keenay ama uu ka tixraaco dadka uu dhibaatooyinka u geysanayo ninkani, qaarkood wuxuu teleefoonadooda ka helay baraha Bulshada ama Facebooka, muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah.

Sidoo kale, wuxuu dhibanayaashu ka raacay gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan,islamarkaana gabdhaha qaarkood uu la raacay gaadiidkaas, ka dibna halkaas uu kala degay markii uu ku sameeyay waxa loogu yeero “Sixirka”.

” Mudane xeer ilaaliye aniga iyo ayada baabuurka mana iskula hadlin mana isku gacan qaadin, sida doraad ay sheegeysay ma jirto, marka aan baabuurka ka degtay ee aan dhulka degnay ayuu hadalka bilowday, sida Ilaahey ila ogyahay,” ayuu yiri eedeysanuhu.

Qareenka difaaca eedeysanaha ayaa dhankiisa wuxuu qabaa dood ka duwan midda ay xeer ilaalintu soo bandhigeen

” Mudane guddoomiye, garsooreyaal ma jirto wax tusinaya eedeysanuhu inuu geystay sheegasho lagu sheegayo inuu dacadi sameeyay wax ka baxsan,”

Xeer ilaaliye ku-xigeen Xiis, ayaa waxay gaba-gabadii Maxkamadda ka codsatay in eedeysanaha lagu ciqaabo falalka foosha xun uu u geystay dhibanayaashani.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dacwadda eedeysanahan ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, waxaana la horgeeyay dhibanayaasha marqaatiyaal ay ka mid yihiin ehelada dhibanayaasha, qaar ka mid ah kuwii dhibka loo geystay, iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo bandhigay dacwadda cadeyn ku filan inta ay howsha dacwadda socotay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garsoore Saalax Cali Mxamuud ayaa gaba-gabada dacwaddan oo qaadatay waqti dheer ayaa soo saaray xukun, saddex qodob oo ka mid ah waxaa lagu helay inuu geystay eedeysanaha dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

” Xukun maxkamadda, maxkamadda gobolka Banasdir qeybteeda ciqaabta waxay eedeysane Abuukar Maxamed Xasan Shooble ku heshay qodobka 398, faqraddiisa labaad, waxayna ku xukuntay 7-sano oo xarig ah, maxakamaddu waxay eedeysanaha sare ku xusan qodobka 403, faqraddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaanna lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, sidoo kale, maxkamaddu ku heshay eedeysanaha qosobka 496, farqaddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay hal sanno oo xarig ah, wadarta guud ee edeysanaha kagu xukumay waa 10-sanno oo xarig ah,”.

Lix qof oo Shacab ayaa ku Geeriyooday Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Shallanbood:-Lix qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo kooxda Khawaarijtu gelisay Wadada xiriirisa Degmooyinka Qoryoolay iyo Shallanbood sida uu Wakaaladda Wararka SONNA u xaqijiiyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre,

Qaraxan ayaa sidoo kale Sababay Dhaawaca 12 qof oo Shacab ah,iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyey Cibitaalka Degmada Shallanbood,dadkan Shacabka ah ayaa ku safrayey Gaari Bus ah oo ah nooca loo yaqaan PL-ka.

Falkan Argagixisonimo ee lagu gumaaday Shacabkan ayaa ka mid noqonaya Falalka gurracan ee kooxda khawaarijtu markasta ku beegsato Shacabka Soomaaliyeed,

Shaacinta deeq waxbarasho heerka shahaadada PHD

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa sharaf weyn u ah in ay soo bandhigto deeq Waxbarasho heerka PhD, taas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu deeqay in ay ka faaiidaystaan aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Waxbarashada waxaa bixinaysa Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (University for Peace). Deeqdan waxbarasho waxay u furan tahay mawaadiniinta soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha, waxaana lagu bixinayaa tartan furan oo caddaalad ah.
Hadaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ciddii doonaynsa inay ka bogtaan faahfaahinta la socota linkiga hoose kaas oo aad ka helayso qaabka codsiyada loo soo gudbinayo takhakhusaadka iyo shuruudaha laga doonayo codsadaha.
Faah faahin dheeraad ah Raac Linkiga hoose .

Al-shabaab oo duurka ka soo firxanaya (WARBIXIN)

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay  deegannada Maraay Suuleey, Shiikhoow gaab, Hilowle gaab, Ciid Kuus iyo Xuseen Cageey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe, Ciidamada oo ka soo baxay Degmada Ceeldheer ayaa Khawaarijta ka sifeeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Ceeldheer, waxaana lagu burburiyay saldhigyadii Arxan laawayaasha ee dhulkaasi muddo ku dhuumaaleysanayay.

Howlgalka waxaa hoggaaminaayay Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Deeganka sida Khaliif  Cumar Macallin Nuur, dhamme Qeeyla-wayne iyo Taliye dhamme, Fanax Ul-weyne. Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka ay sii wadayaan inta dhulka carra-gaduudka ah laga sifeeynayo Khawaarijta.

Haddaba waxaa isa soo taraya in Khawaarijta ay Duurka isku heyn waayeen, kuwaasi oo bilaabay inay isku soo dhiibayaan Ciidamada Qaranka, waxaana ka mid ah kuwa isa soo dhiibay Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisa afgarashadu yahay Mascuud, khawaarijtana ka tirsanaa mudo dhan 8-sano ayaa saakay isku soo dhiibey guutada Khaalid Binu-waliid ee fadhigeedu yahay deegaanka Daaru-Nimca ee xadka kala qeybiya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud, waxaana xaqiijiyay isa soo dhiibiddaasi Taliyaha guutada Khaalid Binu-Waliid G/le Maxamed Dhagaweyne, wuxuuna  Warbaahinta Qaranka u sheegay isa soo dhiibida dhagarqabahan, isagoo intaasi ku daray in ay isi soo tarayaan xubnaha khawaarijta ee duurka ka soo firxanaya.

Taani waxay caddeyn u tahay in uu soo food saaray culeys aad iyo aad u weyn Maleeshiyaadka iyo Horgalayaasha Argagixisada ah ee Khawaarijta, kadib markii ay Cidamada Xoogga Dalka, kuwa dib u xoreynta Deegaannada {Macaawisleeyda), Wadamada Safka hore iyo Saaxiibada Caalamka ay si wadajir ah dagaal adag ku hayaan, waxaana Degmooyinka Ceel-buur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran ay Ciidamadaasi afar jiho kaga soo dhaqaaqeen, taasi oo ujeedadu tahay in si dhaqsi leh dib loogu xoreeyo Degmooyinkaasi oo muddo ka badan 15 sano ay Khawaarijtu Ukumo dhigteen, iyadoo ay jirtay in Horjooge muhiim u ahaa Kooxda Khawaarijta ah uu dhawaan iska dhiibay Deegaan ku dhow Guriceel, kaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda, muddo badanna ku jiray dhibaateynta Shacabka.

Dhinaca kale Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen xarun weyn oo ay lahaayeen khawaarijta  talaadadii shalay aheyd, taasoo ku taalay  deegaan dhaca galbeed magaalada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan. Howlgaan oo ka dhacay deegaanka Mukayle ayay ciidanka Qaranka ku beegsadeen xarun weyn oo ay dhigtaan Khawaarijtu Gaadiidka dagaalka, Baabuurta ay ku qaataan maleeshiyaadka u dagaalamaya, kuwa ay ku adeegtaan iyo Baabuur ay u isticmaalaan Qaraxyada, taasi oo la fasari karo inay aheyd goobtaasi Xaruunta Bar kulan iyo u kala qeybinta Gaadiidka Khawaarijta.

Ciidanka ayaa howlkaas ku burburiyey xarumtii bartilmaameedka aheyd, iyagoo qaarijiyay 25 ka mid ahayd khaawarijta,waxaa ku jiray horjooge Magaciisa lagu sheegay Ibraahim dheer oo ka tirsanaa qeybta Gaadiidka ee Argagixisada Al-shabaab, waxaa kale oo jirta in inta uu socday howlgalka waxaa lagu burburiyay 16 Gaari oo isugu jiray baabuurta nuuca la saaro qoryaha waaweyn sida suuga, Cabdi bilayaal (Toyota Land Cruiser iyo Gawaarida Soomaali u taqaal Hoomeyga (Mini Bus) oo u ahaa kuwa ay ku qariyaan Qaraxyada iyo Maleeshiyaadkooda, Madaama aysan u fududeyn in Gaadiidka dagaalka ay saaraan.

Sida ay xog nagu siiyeen hey’adaha Amaanka xarunta ay ciidanku howlgalka ka fuliyeen ayaa aheyd halka ay isugu yimaadaan Gaadiidka gaarka ah iyo midka dagaalka oo  ay adeegsadaan khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa gobolada Hiiraan, Galgaduud, iyo Shabeellada dhexe, waxaa kaloo ay Ciidanka howlgalka fuliyay ay cagta mariyeen goob isbaaro u aheyd maleeshiyaadka khawaarijta oo bulshada ay ku dhibi jireen.

Jabka xooggan ee soo gaaray khawaarijta ayaa sababay in dadka iyo Gaadiidka ay ka celiyaan nawaaxiga uu howlgalku ka dhacay si ay u qariyaan baaxada dhibka gaaray, waana u caado Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab. Sabtigii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidanka Qaranka ay  howlgal weyn ka fuliyeen xarun ay ku shir-sanaayeen horjoogayaal ka tirsan khawaarijta sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo gaarayey 120 isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal khawaarijta uga dhaawacmay howlgalada ka socda gobolada ay ku dhuumaalaysanayeen, sida Hiiraan, Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Howlgalkaan muxuu uga duwan yahay kuwii hore?, “Howlgalkaan waa ka mug iyo baaxad weyn yahay howlgaladdi hore laba arrimood awgood, waa tan hore waxaa lagu soo Afjarayaan  dhameystirkii Wejiga 1-aad ee Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee ku aadan Degmooyinka Ceel-buur iyo Galhareeri iyo tan labaad oo ah inuu hoggaaminayo Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliayaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida”, sidaasina waxaa yiri, Prof. Cusmaan Cali yuusuf oo ka faalooda arrimaha Ciidamada.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey  magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, iyadoo degaannadaasi ay ka socdaan bilowga dhameystirka wejiga 1aad ee hawlgalada milateri ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Al Shabaab.

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo soo gaarsiiyay dhambaal ay ka sideen Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug, kalana hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

5-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.

6-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, waxaana kulankooda ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

7-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay La Taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

8-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad ay wasaaradda Waxbarashada ku soo bandhigaysay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023.

9- Golaha Wasiirrada oo si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya.

10-Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii wuxuushnimada ahaa oo rag hubeysan ay ku laayeen carruur ku nooleyd Galguduud.

11-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda caalamiga ayaa hawlgal lagu dilay 45 Khawaarita Al Shabab ah oo horjoogeyaal ay ku jiraan ka fuliyay degaanka Qoob Yaxaaas oo ku dhow Degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan.

12-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga ayaa degaanka Mukayle ee Degmada Buula Burte ee Hiiraan ku burburiyay 4 gaadiid oo qaraxyo ay ku diyaariyeen Khawaarijta, halkaasina lagu laayay dhammaan kooxihii falkaasi faraha kula jiray.

13-Wasaaradda Amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabatey kulan wacyigelin ah oo ku saabsan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

14-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 sarkaal oo basaasiin u ahaa Khawaarijta,kuwaas oo ku dhex jiray hay’adaha amniga.

15-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle.

16-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku baaqay in laga waantoobo garab istaagga Khawaarijta iyo dacaayadahooda.

17- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa caasimadda.

18-Hanti-Dhowraha Guud ee qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, uga hadlay warbixin sanadeedka hantidhawrka ee baarista hay’adaha dowladda.

19- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha  China u fadhiya Soomaaliya oo ay ka wadahadleen iskaashiga labada dal.

20-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo la kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia Fea Shengchao oo ay ka wadahadleen arrimaha gargaarka iyo ka hortagga masiibooyinka.

21-Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Jubbaland oo tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee maamulka hay’adaha warbaahinta Kismaayo ugu qabatay 30 gabdhood oo saxafiyiin ah.

22-Wasaaradaha Qorshaynta iyo Waxbarashada oo ka wada shaqaynaya horumarinta qorshaha waxbarasho ee dalka

23-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan kula qaatay Danjiraha Jaamacadda Carabta ee Arrimaha Soomaaliya Saalax Axmed Junaydi .

24-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wali wadda dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda oo ku eedaysan musuq maasuq.

25-Maamulka Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin xoraynta degmadaas oo Khawaarijtu muddo haysatay.

Dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo dib ugu qarxay Suudaan

Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in halkaasi ay dib uga qarxeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ah.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 20-qof oo rayid ah ay ku dhinteen tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo ilaa shalay ka socday degaano badan oo ka tirsan magaalada Umdurmaan.

Sidokale, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan, ayaa xaqiijisay in isbitaallada Umdurmaan la gaarsiiyay in ka badan 20-qof oo shacab ah, kuwaasoo ku waxyeelloobay duqeymahii iyo dagaaladii ugu danbeeyay ee halkaasi ka dhacay, iyadoo intaas ku dartay inay sii kordhayaan tirada dadka ku dhintay dagaaladan iyo kuwa ku dhaawacmayba.

Milatariga Suudaan iyo ciidamada kasoo horjeeda ee gurmadka deg dega ayaan ka hadlin dagaalkan soo cusboonaaday, waxa uuna dagaalka yimid xilli muddooyinkii dambe xoogaa xasillooni ah laga dareemayay dalka Suudaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in DFS iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in argagixisada laga sifeeyo, si gaar ah degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara.

Cali Daahir Ciid, Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah, isagoo dul istaagay in dagaalka khawaarijta dalka ay iyagu hormuud u yihiin, dhul baaxad leh oo ay ka mid tahay Caasimaddana ay ka xoreeyeen argagixisada iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad ka qayb qaata cirib tirka khawaarijta, isagoo xusay in degaannadii la xoreeyayna ay ka hirgeliyeen laamahii amniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Khawaarijtu ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Qaranka, isagoo intaa raaciyay inuusan wax badan ku qaadan doonin soo afjaridda nabad-diidka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO) , Jorge Vargas.

Wasiirka ayaa ku tilmaantay Guul Soomaaliya u soo hoyatay howsha Agaasimaha horumarinta Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO, isaga oo boggaadiyay dedaallada wax ku-oolka ah ee Duulista Rayidka.

Hay’adda Duulista Rayidka oo dhammeystirtay sharciyada caalamiga ah iyo shuruucda kale maamulka Duulista Rayidka,taas oo ka dhigan guul weyn oo u soo hoyatay xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya ICAO iyo Soomaaliya, sida uu sheegay Agaasimaha Horumarinta iyo Hirgelinta ee Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO, Jorge Vargas.

Toddobaadkii hore, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan iyo xubno kale oo ka socda HDR, ayaa socdaal shaqo ku tagay caasimadda Dalka Georgia ee Tblisi, halkaas oo kulan saddex-geesood ah ay kula yeesheen ICAO Iyo IOS Parner, kaaso lagu soo gabagabeeyay mashruuca guddiga hagidda SOM18801, iyadoo lagu boggaadiyay kulanka intii uu socday iskaashiga ICAO iyo in si- guul ah sare loogu qaaday hawada Soomaaliya, casriyaynta maamulka hawada, iyo nidaamka ilaalinta badbaadada oo wax ku ool ah.

“Tan iyo markii la asaasay heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee Dawladda Soomaaliya iyo ICAO sanadkii 2013-kii, ICAO waxa ay ku hawlaneyd mashaariic horumarineed oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka duulista rayidka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri Jorge Vargas oo intaa ku daray “ICAO waxay uga mahadcelinaysaa Soomaaliya dadaalkeeda, waxayna rajaynaysaa ka qayb qaadashada howlaha mustaqbalka si kor loogu qaado nidaamka Duulista.”

Gabagabada, kulankaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa shahaado sharaf ku guddoonsiisay maareeyaha Xafiiska Horumarinta iyo Hirgelinta ICAO, Mudane , Jorge Vargas.