Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka oo ka wada hadlay dib u eegista Dastuurka iyo shaqooyinka ay wadaagaan

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ) oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha golaha aqalka sare Senoter Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa.

Kulanka guddoonka labada aqal ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada gole ee Baarlamaanka dalka, habraaca dib u eegista dastuurka KMG ah ee  dalka iyo arrimaha hortabinta u leh shaqooyinka Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Labada aqal ee Baarlamanka ayaa xoojinaya wadashaqaynta ka dhaxaysa si loo dadajiyo sharciyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista Dastuurka, kuwaas oo aan dhammaystirmaynin haddii aysan labada goleba marin ama u baahan inay wadajir fadhi uga yeeshaan.

Ciidanka xoogga oo deegaanno hor leh ka xoreeyay khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay  deegannada Maraay Suuleey, Shiikhoow gaab, Hilowle gaab, Ciid Kuus iyo Xusseen Cageey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe.

Ciidamada oo kasoo baxay Degmada Ceeldheer ayaa Khawaarijta ka sifeeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Ceeldheer,waxaana lagu burburiyay saldhigyadii arxan laawayaasha ee dhulkaas.

Howlgalka waxaa hoggaaminaayay Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax, sidoo kale waxaa qeeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Deeganka sida Khaliif  Cunar Macallin, dhamme Qeeyla-wayne iyo Taliye dhamme, Fanax ul-wayne.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka ay sii wadayaan inta dhulka carra-gaduudka ah laga sifeeynayo Khawaarijta.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo kulan wada tashi ah la yeeshay Wasiirka qorsheynta XFS

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane, Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Qorsheynta XFS Mudane, Cabdiraxhman Beene Beene.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa la-tashi ay Wasaaradda Qorsheyntu Garsoorka iyo Bahda Cadaaladda kala samaynaysay qaab dhismeedka sida loo maamulayo deeqaha caalamiga ah.

Kulanka, ayaa sidoo kale, waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane,  Xasan Macallin, guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana la isla gartay sidii door muhiim ah ay uga qaadan labaayeen arrimaha deeqaha.

      

Maxkamadda Sare oo soo bandhigtay tartan furan oo lagu qaadanayo garsoorayaal iyo kaaliyaal ka howlgalaya Maxkamadda G/Banaadir

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA                                                         MAXKAMADDA SARE EE JFS                                                                                 FOOMKA CODSIGA SHAQADA

Foomkan waxaad ku buuxin doontaa Shaqada garsoorenimo ee ka bannaan maxkamadaha darajada 1-aad iyo 2-aad ee garsoorka Gobolka Banaadir. Maxkamadda Sare ee Soomaaliya waxaa sharaf u ah inay tartan furan kusoo bandhigto 30 jago oo garsoorayaal ah oo loo qaadanayo maxkamadaha Gobolka Banaadir. Tani waxa ay gacan ka geysaneysaa dardargelinta adeegga garsoorku u fidiyo bulshada soomaaliyeed guud ahaan. Fadlan si taxadar leh u buuxi foomkan, adiga oo hubinaya inaadan ka tagin dhammaan meelaha lagu calaamadiyay summada (*). Jawaabahaaga iyo dhamaan macluumaadka aad bixiso waxay ahaan doonaan kuwa dhowran, waxaana loo isticmaali doonaa keliya ujeeddooyinka la xiriira codsiga shaqada. Qabashada codsiyadu waxa ay ku eg yihiin 16/08/2023.

Macluumaadka shakhsiga:

  1. Magaca codsadaha oo Afaran: (*)
  2. ________________
  1. Ciwaanka email-ka iyo Facebooga (*)

________________

  1. Taleefan lambarka:

________________

  1. Taariikhda Dhalashada: (*)

________________

  1. Goobta Dhalashada:

________________

Sooyaalka waxbarasho

  1. Heerka ugu sarreeya ee aad ka gaartayaqoonta sharciga: (*)
  • Dugsiga Sare
  • Heerka koowaad ee jaamacadda
  • Heerka labaad ee jaamacadda
  1. Ciwaanka takhasuskaaga:

________________

  1. Jaamacadda/Hay’adda waxbarasho:

________________

Waaya-aragnimada shaqo:

  1. Hore ma u soo noqotay shaqaale garsoor ama maku soo shaqeysay xirfadda sharciga? (Haa/maya) (*)
  2. Haddii ay jawaabtaadu ‘Haa’ tahay bixi faahfaahin, haddii ay ‘Maya’ tahayna waad ka tagi kartaa qeybtan, iyada oo meesha bannaan.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

Xirfadaha :

  1. Fadlan si kooban u sharax xirfadahaaga iyo kartiyahaaga muhiimka ah (oo ay ku jirto xirfadda xallinta khilaafaadka) ee kaa dhigaya musharax ku habboon jagadan.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

  1. Fadlan sheeg heerkaaga aqooneed ee luqadaha soo socda: (*)
  • Somali: [Billow / Dhexdhexaad / Heersare / Dhalad]
  • Carabi: [Billow / Dhexdhexaad / Heersare / Dhalad]
  • English: [Billow / Dhexdhexaad / Heersare / Dhalad]
  1. Ma jiraan luqado kale oo aad taqaanno? (Haa/Maya)
  2. Haddii ay jawaabtaadu ‘Haa’ tahay bixi faahfaahin kooban, haddii ay ‘Maya’ tahayna waad ka tagi kartaa qeybtan, iyada oo bannaan.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

Soo gudbinta Dukumintiyada

14.Fadlan soo xambaar dukumintiyada soo socda: (*)

  • Taariikh nololeedkaaga
  • Shahaadooyinkaaga Aqooneed
  • Shahaadooyinkaaga Xirfadeed
  • Dukumintiyo kale oo khuseeya (haddii ay jiraan)

Macluumaad Dheeraad ah:

  1. Weligaa maxkamadi ma kugu xukuntay wax fal-dambiyeed ah? (Haa/Maya) (*)
  2. Haddii ay jawaabtaadu ‘Haa’ tahay bixi faahfaahin kooban, haddii ay ‘Maya’ tahayna waad ka tagi kartaa qeybtan, iyada oo bannaan.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

  1. Ma leedahay aqoon wanaagsan oo ku saabsabn adeegsiga kombuyuutarka iyo Softweerada Microsoft Offices? (Haa/Maya) (*)
  2. Fadlan bixi macluumaad kasta oo dheeri ah oo aad aaminsan tahay inay kaabeyso codsigaaga.
  3. ______________________________________________________________________________________________________________________________________________

 

Soo gudbintaada foomkan, waxaad qiraysaa in dhammaan macluumaadka aad bixisay ay yihiin kuwa sax ahinta garashadaada ah. Maxkamadda Sare ee Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay xaqiijiso xogta aad soo gudbisay. Fadlan ogow, keliya codsadayaashalasoo xulay (shortlisted) ayaa lala xiriiri doonaa si loo ambaqaado tillaabooyinka dhimanee hannaanka xulashada.

Waad ku mahadsan tahay buuxintaada foomkan.

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MAXKAMADDA SARE EE JFS

FOOMKA CODSIGA SHAQADA

Foomkan waxaad ku buuxin doontaa Shaqada kaaliyenimo ee ka bannaan maxkamadaha darajada 1-aad iyo 2-aad ee garsoorka Gobolka Banaadir. Maxkamadda Sare ee Soomaaliya waxaa sharaf u ah in ay tartan furan kusoo bandhigto 30 jago oo kaaliayayaal, kuwaas oo loo qaadanayo maxkamadaha Gobolka Banaadir. Tani waxa ay gacan ka geysaneysaa xaqiijinta dedaalka loogu jiro dib-u-habeynta garsoorka iyo hannaanka caddaaladda dalka. Fadlan si taxadar leh u buuxi foomkan, adiga oo hubinaya inaadan ka tagin dhammaan meelaha lagu calaamadiyay summada (*). Jawaabahaaga iyo dhamaan macluumaadka aad bixiso waxay ahaan doonaan kuwa xafidan, waxaana loo isticmaali doonaa keliya ujeeddooyinka la xiriira codsiga shaqada. Qabashada codsiyadu waxa ay ku eg yihiin  15/08/2023.

Macluumaadkashakhsiga:

  1. Magacacodsadahaoodhammeystiran: (*)

________________

  1. Ciwaanka email-ka: (*)

________________

  1. Taleefanlambarka:

________________

  1. TaariikhdaDhalashada: (*)

________________

  1. GoobtaDhalashada:

________________

Sooyaalkawaxbarasho

  1. Cinwaankatakhasuskaagawaxbarasho:

________________

  1. Jaamacadda/Hay’addawaxbarasho:

________________

  1. Sannadkaqalin-jabinta:

________________

Waaya-aragnimadashaqada:

  1. Hore ma ugusooshaqeysayxirfaddasharcigaamashaqooyinkaxiriirka la leheeculuumtabulshadasidaxiriirkadadweynaha, maamulkaganacsiga, iwm? (Haa/maya) (*)
  2. Haddii ay jawaabtaadu ‘Haa’ tahaybixifaahfaahin, haddii ay ‘Maya’ tahaynawaadkatagikartaaqeybtan, iyadaoomeeshabannaan.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

Xirfadahaiyoaqoonta:

  1. Fadlansikooban u sharaxxirfadahaagamuhiimka ah (oo ay kujiraanhabqoraalkatolmooniyowadashaqeyntakooxda)eekaadhigayamusharaxkuhabboonjagadan.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

  1. Fadlansheegheerkaagaaqooneedeeluqadahasoosocda: (*)
  • Somali: [Billow / Dhexdhexaad / Heersare / Dhalad]
  • English: [Billow / Dhexdhexaad / Heersare / Dhalad]
  • English: [Billow / Dhexdhexaad / Heersare / Dhalad]

 

 

Soo gudbintaDukumintiyada

  1. Fadlansooxambaardukumintiyadasoosocda: (*)
  • Taariikhnololeedkaaga
  • ShahaadooyinkaagaAqooneed
  • Dukumintiyo kale ookhuseeya (haddii ay jiraan)

MacluumaadDheeraad ah:

  1. Weligaamaxkamadi ma kuguxukuntay wax fal-dambiyeed ah? (Haa/Maya) (*)
  2. Haddii ay jawaabtaadu ‘Haa’ tahaybixifaahfaahinkooban, haddii ay ‘Maya’ tahaynawaadkatagikartaaqeybtan, iyadaoobannaan.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

  1. Ma leedahayaqoonwanaagsanookusaabsabnadeegsigakombuyuutarkaiyoSoftweerada Microsoft Offices? (Haa/Maya) (*)
  2. Fadlanbiximacluumaadkastaoodheeri ah ooaadaaminsantahayinaytaageereysocodsigaaga.

________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

Soo gudbintaadafoomkan, waxaadqiraysaa in dhammaanmacluumaadkaaadbixisay ay yihiinkuwa sax ahintagarashadaada ah. MaxkamaddaSareeeSoomaaliyawaxayxaq u leedahayinayxaqiijisoxogtaaadsoogudbisay. Fadlanogow, keliyacodsadayaashalasooxulay (shortlisted) ayaalalaxiriiridoonaasi loo ambaqaadotillaabooyinkadheeriga ah eehannaankaxulashada.

Waad ku mahadsan tahay buuxintaada foomkan.

 

BAAHIN SHAQO KAALIYENIMO BAAHIN SHAQO GARSOORENIMO

Magaalo 15-kii sano ee la soo dhaafay go’doomisay Khawaarijta oo hadda noqotay goob loo dalxiis tago (Warbixin)

Magaalada Mareeg ee bariga gobolka Galgaduud, waa magaalada kaliya ee gobolka Galgaduud ka tirsan kuna taala dhanka xeebta.

Mareeg, qof kasta magaceeda waa uu garanayaa, balse waxaa ku duugan arrimo xasaasi ah iyo xusuusuo murugo leh oo shacabka ku nool bariga gobolka Galgaduud ay la yaabeen.

Magaaaladan waxaa ku aasan caalamkii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Sheekh Daa’uud Culusow Cubeyd, halkan ayaa la isugu imaan jiray siyaarta Sheekha, taas oo magaalada lagu qaban jiray.

Balse, intii maleeshiyaadka Al-shabaab ay joogeen bariga gobolka Galgaduud dhammaan dadka shacabka ah halkan waxay noqotay goob ay ka caaggan yihiin.

khawaarijta Al-shabaab ayaa shacabka u diiday, iyagoo sidoo kale, sheegay in magaaladan qof shacab ah tegi karin, taas oo shacabka ku nool bariga gobolka Galgaduud la noqotay mid la yaab iyo argagax ku abuurtay.

Magaaladan Mareeg, waxaa ku yaalo dhismo qadiimi ah, kuwaas oo ay dhiseen gumeystihii Soomaaliya soo maray, waxaa la tilmaamaa in magaaladan ay tahay mid aas-aasan muddo ka badan qarni, sidoo kale, magaaladan ayaa ahayd muddooyinkii ugu dambeeyay mid la deegaansan maaddaama Khawaarijtii joogtay bariga gobolka Galgaduud dadka ay u diideen.

Sidoo kale, magaalada Mareeg dadka si dhuumaaleysi ah ayay ku imaan jireen, iyadoo dadka ku nool degmada Ceeldheer qaarkood ay inoo sheegeen in dadkii deegaanka ee halkan sida dhuumaaleysiga ah ku imaan jiray qaarkood argagixisada lacago ku xukumeen.

Dadka Ceeldheer ku nool, halkan muddo sanado ah waa ay ka caaganaayeen,balse hadda maalin kasta oo jimco ah waa loo soo dalxiis tagaa oo kumanaan shacab ah oo ku nool magaalada iyo ciidamada Militariga ayaa halkan u soo damaashaad tego.

Al-shabaabkii halkan ku sugnaa oo bariga gobolka Galgaduud maamuli jiray hadda waa ay ka firxadeen oo kaa dadka shacabka ah iyo ciidanada xoogga Dalka ku damaashaadaya.

Sidoo kale, magaalladan waxaa lagu tilmaamaa meelihii Al-shabaab kala soo degi jireen hubka iyo saanadda kale ee ciidan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen, balse hadda sheekadaas waa la soo afjaray.

Shacabka deegaanka ayaa soo dhoweeyay tallaabada ciidamada xoogga Dalka Al-shabaab kaga fara-maroojiyeen degmadaas oo jiritaankooda muhiim u ahayd, waxayna balan qaadeen si aanay Khawaarijta u soo noqon in ay ciidamadu garab istaagayaan kalana shaqeynayaan amniga deegaanka iyo guud ahaan gobolka.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay wejiga labaad ee la dagaallanka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Khawaariijta iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

  

Guutaale“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay howlgalka dib u xorreynta Ceelbuur” (WARBIXIN)

Muddo 15 sano ayay Argagixisadu gumeyn, silac, dulleyn iyo sumcad dil ku hayeen Ummaddeenna, dhulkeena iyo diinteenaba.  ,marka in lala dagaalamo waa muqadas waa sida aan qabo, waxayna ila tahay in taasi lagu kala qeybsaneyn,  waana waajib diini ah, mid waddani ah iyo mid damiir dadnimo ah in lagu garab istaago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, gacanna ku siiso ciddii uu waajibkaa Qaran ugu yeerto.

Argagixisadu waa qandhada ugu daran ee maanta Qarankeena heysa, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynahu Xasan Sheekh tan iyo maalinkii uu xukunka yimid wuxuu muujiyay ka go’anaan, dhiirranaan iyo daacadnimo ku aadan la dirirka Argagxisada ilaa uu naftiisa iyo hoggaamintiisaba geeyay goobihii dagaalka uu ka furnaa, iyadoo weliba dagaalka wuxuu gelayaa Argagixisada oo nasatay, naaxdeyna shantii sano ee ugu dambeysay iyo iyadoo uu taageero caalami ah u haysanin dagaalka, sababtoo ah loolanka quwadaha waaweyn ee dunida ayaa hoos u riday xamaasaddii, xiisihii iyo xooggii lagula dirirayay Argagixisada.

Xusuusnoow guusha dagaalka waxay ku xiran,  sida la sheegay hadba sida looga soo dhalaalo sababaha guusha keena oo ah; caqiidada dagaal ee ciidanka, kartida hoggaan ee saraakiisha, heerka kala dambeynta iyo isku talinta ciidanka, tayada sirdoon, isku dubbaridka saadka iyo isgaarsiinta, aqoonta dabeecadda dadka iyo deegaanka iyo dejinta khiddada iyo xeeladaha dagaalka.

Haddaba waxaa socda ababulkii ugu dambeeyay ee dagaalka Aagagga badan ee ku aadan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran sidaasi awgeed ayuu Kornel Nuur Xasan Guutaale Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ka maamul ahaan ay si weyn  ugu diyaar garoobeen xoraynta Degmada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha kooban ee wali Khawaarijtu kaga harsan tahay Gobolka Galgaduud, isagoo intaasi ku daray  in shirar badan laga yeeshay xoraynta Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, kuwaasi oo lagu qeybsaday waajibaadka dhinac walba ah oo bulshada ka mid ah kaga aadan xoreynta deegaannada ku xeeran Degmooyinkaasi.

“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay in aan qeyb weyn ka qaadano hawlgalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta” ayuu yiri Kornel Nuur, wuxuuna Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Dr Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay dib u xoreynta dalka, islamarkaana xafiiskiisa shaqada ugu soo wareejiyey magaalada Dhuusamareeb, si uu kaalinta hoggaaminta dagaalka u qaato, taas oo uu sheegay inay tahay mid Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku weyn.

Dhaqdhaaaq ciidan oo xooggan ayaa ka socda deegaannada Galmudug,  kaasi oo lagu ciribtirayo kooxda xagjirka ah ee Khawaarijta meelaha yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamul-goboleedka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka  lagaga xoreynayo khawaarijta Al-shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug, wuxuuna tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee heysata Maamulka Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageeridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan Argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Maamul-goboleedka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah Argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.

Wararkii ugu dambeeyay oo ay heshay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in Howlgal Qorshaysan ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga Aroortii hore ee saaka ka fuliyeen xaruun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, iyadoo howlgalka lagu beegsaday Garaash weyn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaarinayaan Qaraxyada.

Ciidanka Qaranku waxa ay halkaasi ku burburiyeen afar Gaari oo ay Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay u waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana goobtaasina ku halaagsamay Maleeshiyaad ka mid ahaa kuwa sida gaarka ah ugu tababaraa sameynta Qaraxyada.  Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray Khawaarijta, iyadoo arrintani ay qeyb ka tahay howlgallada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan saldhigyada Khawaarijta, Malleeshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan ama ka soo abaabulaan dhagarta Shacabka,  si loo cuuryaamiyo ama loo baabi’iyo awoodda Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta.

Duqa muqdisho oo digniin u jeediyay dadka ka macaasha gargaarka loogu tala galay barakacayaasha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane , Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa shir guddoomiyay Shirka Madasha Xiriirinta Gargaarka ee Gobaalka Banaadir oo ay soo agaasintay waaxda Gargaarka  iyo Maareynta Musiibooyinka ee Maamulka Gobolka Benaadir.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa isla-xisaabtan la xariira in sharciga lala tiigsan doono hey’addaaha iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaha gargaarka ah ee loogu talagalay in lagu taageero dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir.

Aggaasimaha waaxda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Gobalka Banaadir, mudane, Muxudiin Maxamuud Cabdullaahi (Oogle) ayaa tilmaamay in waaxda ay diyaarisay nidaam daahfuran oo u baahan in la dhaqan geliyo islamarkaana fududeyn doono ka hortaga musuqa gargaarka la xariira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa digniina adag u diray dalaaleyda iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaaha gargaarka ah ee loogu tala galay dadka nugul iyo Barakacayaasha.

      

Ciidanka xoogga oo howlgal ka fuliyay xarun ay Khawaarijtu ku diyaarinayeen qaraxyo

Buulo burte: Howlgal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga saaka ka fuliyeen xarun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday Garaash wayn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaarinayaan Qaraxyada.

Ciidanka Qaranku waxa ay halkaas ku burburiyeen afar Gaari oo ay Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay u waxyeelleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Goobtaas waxaa ku halaagsamay Malleeshiyaad ka mid ahaa kuwa sida gaarka ah ugu tababbaraa samaynta Qaraxyada

Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimaynta qasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Khawaarijta.

Weerarkan ayaa qayb ka ah howlgallada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan saldhigyada Khawaarijta, Malleeshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan dhagarta Shacabka si loo cuuryaamiyo awooddooda.

Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo heshiis cusub lala gaaray

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa tababare Rachid Lousteque oo u dhashay dalka Morocco markale u magacaabay inuu hogaamiyo xulka Qaranka Soomaaliya.

Rachid Lousteque ayaa laba sano heshiis ah u saxiixay sii tababaridda xulka Qaranka , wuxuuna xilka heyn doonaa ilaa 2025.