Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo heshiis cusub lala gaaray

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa tababare Rachid Lousteque oo u dhashay dalka Morocco markale u magacaabay inuu hogaamiyo xulka Qaranka Soomaaliya.

Rachid Lousteque ayaa laba sano heshiis ah u saxiixay sii tababaridda xulka Qaranka , wuxuuna xilka heyn doonaa ilaa 2025.

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo la kulmay safiirada Sucuudiga iyo Kuwait u fadhiya Addis Ababa

Addis Ababa: Safiirka Soomaliya ee dalka Ethiopia danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa la kulmay dhigiisa Sucuudi Carabiya danjire Faysal Alhumsidan.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

Sidoo kale Safiir Warfaa ayaa la kulmay safiirka Kuwait danjire Nayef Al-cuteyb, waxaana diiradda la saaray kulanka calaaqaadka labada dal sidii uu u noqon lahaa mid labada shacab faa’iido wadaag u noqon karta.

 

Ergeyga arrimaha Somaliland oo la kulmay Xamse Warfaa ka tirsan dowladda Mareykanka

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta la kulmay mudane Xamse Warfaa oo ah Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo xuquuqul Insaanka ee xasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka, kaas oo ay ka wadahadleyn xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Somaliland.

Ergayga ayaa uga mahadcelinayay mudane Xamse iyo dhammaan masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka ka haaya dunida inteeda kale, sida wanaagsan oo ay dadkooda iyo dalkooda u garab taagan yihiin, Indhaha caalamkana ugu soojeediyaan markasta, si dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu guuleystaan dhismaha Qaran weyn oo Aduunka wax la qeybsada.

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, waxaana kulankooda ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul wasaaraha ayaa danjiraha la wadaagay qorshaha xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaanada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.
  

Maamulka degmada Ceelbuur oo sheegay inay u diyaarsanyihiin xoraynta degmadaas oo Khawaarijtu muddo haysatay

Dhuusamareeb (SONNA): Kornel Nuur Xasan Guutaale guddoomiyaha degmada Ceelbuur oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa xusay in siw eyn ka maamul ahaan ay ugu diyaar garoobeen xoraynta degmada Ceelbuur oo ka mid ah meelaha kooban ee wali Khawaarijtu kaga harsantahay Galgaduud.

Waxa uu sheegay in shirar badan laga yeeshay xoraynta degmada Ceelbuur, kuwaas oo lagu qaybsaday waajibaadka dhinac walba oo bulshada ka mid ah kaga aadan xoraynta Ceelbuur iyo deegaanada ku xeeran.

“Shacab iyo siyaasiyiinba waan u diyaar garownay in aan qeyb weyn ka qaadano hawlgalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta” ayuu yiri Kornel Nuur.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa madaxweynaha dowladda FS Dr Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay xoraynta dalka, islamarkaana xafiiskiisa shaqada ugu soo wareejiyey magaalada Dhuusamareeb, si uu kaalinta hoggaaminta dagaalka u qaato, taas oo uu sheegay inay tahay mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku wayn.
Dhaqdhaaaq ciidan oo xooggan ayaa ka socda deegaanada Galmudug, kaas oo lagu ciribtirayo kooxda xagjirka ah ee Khawaarijta.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo maanta hortagay Golaha Shacabka BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa u yeerida Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, warbixinta akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo marka hore khudbad ka jeediyay fadhiga Golaha ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka uga cudur daartay maqnaanshihii daraad islamarkaana raali gelin ka bixiyay maadama Wasiirka loogu yeeray Shirka Amniga Qaranka. Dhanka kale Wasiirka ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay hindise sharciyeedka uu hor keenay Golaha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka aqbalay raali gelinta Wasiirka ayaa horay u galay ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta 1-aad hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaalka, waxayna ka doodeen sidii laga yeeli lahaa sharcigaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in sharcigan la soo aqriyo isla-markaana Xoghayaha guud faray in hindise sharciyeedkaan ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay lataliye xamse warfaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan uga mahad-celiyey  soo dhaweynta loogu sameeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaadihii sokeeye ee soomaray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la Lataliye Warfaa ku ammaanay doorkiisa firfircoonida leh uu ka qaatay inuu ka soo muuqdo Dowladda Mareykanka, waxaana uu kula dardaarmay in dalka kaalintooda horumarineed ka qaatan, si ay ula jaanqaadaan dadyowga kala duwan ee dunida ku nool

Hantidhawrka Qaranka oo sheegay inaan wanaagsan loo maamulin lacago ay qabteen Safaaradaha Kenya, Turkiga iyo Jarmalka ee Soomaaliya

Hanti-dhowraha guud ee qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kana hadlayey warbixin sanadeedka Hantidhawrka ayaa faah-faahin ka bixiyay baarista uu xafiiskiisa ku sameeyay qaar kamid ah safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda.

Mudane, Axmed Ciise Guutaale, ayaa sheegay  in baaristaan lagu sameeyay saddex safaaraddood ee Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla-markaana aan lagu darin warbixinta maaliyadda ee dowladda.

“Dakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay’adaha kala ah safaaradda JFS ee Kenya, safaaradda JFS ee Turkiga iyo safaaradda JFS ee Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan , looguna darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda” ayuu yiri Guutaale

“Marka la eego khaladaadkaas hay’adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guutaale.

Hanti dhowaraha waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay khaladaadka ay sameeyeen saddexda safaaradood, isaga oo xusay in baarista ay ku ogaadeen in aysan dhaqan-gelin xeerarka maaliyadeed ee loogu talagalay uruurinta dakhliga soo gala.

Xafiiska hantidhowraha ayaa guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka ku sheegay illaa 3 miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasanadda dhexe ee dowladda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay lataliye xamse warfaa

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliye Warfaa oo Guddoomiyaha ugu yimid booqasho iyo salaan, ayaa sidoo kale iska xog waraystay xaaladda guud ee dalka iyo  geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna Guddoomiyuhu ku bogaadiyay Warfaa dadaalkiisa uu ku gaaray shaqadaan lagu aaminay.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare.

Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmada Buur-hakaba

Madaxweynaha Dowlada gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Safar Shaqo ku gaaray Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Degmada Buur-Hakaba.

Inta uu joogo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshadda.