Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmada Buur-hakaba

Madaxweynaha Dowlada gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Safar Shaqo ku gaaray Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Degmada Buur-Hakaba.

Inta uu joogo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshadda.

Hanjabaaddii Galbeedka Afrika oo maanta ku eg iyo Hawada Niger oo la xiray

Hogaamiyayaasha afgambiyay Niger ayaa xiray hawada dalkaasi kadib markii ay diideen in dib loo soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum.

Amarka lagu xirayo hawada dalkaasi  ayaa soo baxay xilli maanta ay ku eg tahay waqtigii kama dambeysta ee madaxda Galbeedka Afrika ay u qabteen in hoggaamiyaasha ciidanka Miger ay soo celiyaan madaxweynaha iyo dastuurka dalkaasi ee la laalay.

Afhayeenka Golaha Qaranka Amadou Abdramane oo hadal qoraal ah ka jeediyay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo horudhac ah oo la geeyay laba dal oo Afrikada dhexe ah, kuwaas oo isku diyaarinaya faragelin, balse ma uusan bixin faahfaahin.

Faransiiska ayaa riixaya dalalka ku bohoobay dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika ECOWAS, si wax uga qabtaan afgambiga military ee Niger

Afgambigii ka dhacay dalka Niger 26-kii July ayaa noqonaya kii toddobaad ee ka dhaca Galbeedka iyo Bartamaha Afrika muddo saddex sano ah,xilli dagaal lagula jiro kooxaha hubaysan ee xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS).

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo kulan la qaatay danjiraha dowladda China ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda China ee Soomaaliya mudane FeiShengchao.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga kallumeysiga labada dal, dib u eegidda heshiisyada Kalluuumeysi ee horay ugu dhexeeyey wasaaradda iyo shirkadaha Kalluumeysi ee Shiinaha, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo in dowlada China ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay dib u cusbooneysiinta Is-afgaradka (MoU) ee u dhexeeya wasaaradda iyo Iskaashatada Kalluumeysi ee Shiinaha (COFA), kaas oo horseedaya in dowladda Shiinaha ay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka iyo in ay kaalin wax ku’ool ah ka qaataan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda China ee Soomaaliya mudane Fei Shengchao oo wasiirka uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, danjiraha ayaa u sheegay dowladdiisu ay tageero dhinac walba ah la garab taagan tahay Soomaaliya sidoo kale shirkadaha Kalluumeysi ee dalkiisana ay diyaar u yihiin in ay sifo waafaqsan shuruucda iyo habraacyada dalka uga Kalluumeystaan biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa u sheegay danjiraha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in soo dhaweyso dhammaan dhinacyada daneynaya in ka Kalluumeystaan badeedda isaga oo xusay in ay waajib ku tahay dhammaan niyacyadaas in ay ilaaliyaan shuruucda dalkeenna uga yaalla Kalluumeysiga iyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo 45 katirsan khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda Caalamiga ah oo hawlgal Qorshaysan 5-tii bishan ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaaas oo qiyaastii 80 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa halkaas ku dilay 45 dhagarqabe oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo nala hadlay ayaa sheegay in Hawlgalka lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, isagoo intaas ku daray in xilliga uu hawlgalku dhacayay Goobta uu shir uga socday Koox Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Xaruntaan ayaa lagu daweynayey in ka badan 110 ka mid ahaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku dhaawacmay howlgallada ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo jiifay ilaa 30 teendho oo si KMG ah loogu dabiibayay sida aan xogta ku helnay.

Horjoogayaasha halkaas ku sugnaa oo gaaraya ilaa.10 Khawaarij ah ayaa la sheegay in ay ka arrinsanayeen maareynta dhaawacyada halkaas lagu haayay oo ay ku jireen kuwa qabo dhaawacyo halis ah un baahnaa gar-gaar ka badan kan meesha loogu haayay sida uu nala wadaagay sargaalka ka tirsan Xoogga Dalka ee nala hadlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb u gaaray dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulammada abaabulka dadweynaha ee xoreynta dalka

Dhuusamareeb:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo khawaarijta Alshabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.

   

R/W Xamse oo kulan la qaatay Lataliyaha Dimuqraadiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa  ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

    

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiiboyinka oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao .

Kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka Shiinaha waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan madaxda hay’adda SoDMA, Safiirka ayaana Guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo ay ugu talagaleen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SoDMA kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo deeganada khawaarjta laga xoreeyey,kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen Abaaraha.

Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay in Dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso Mashaaricda Horumarinta,Qalabeenta iyo Dhisida ceelasha biyaha,Tababarada Shaqaalaha Hay’adda, iyo sii xoojinta Xiriirka hay’adda iyo Safaarada.

       

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Ku-xigeenka QM ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.

Dhanka kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada. Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta ah.

     

1XBET iyo Maxkamadeynta Sarkaal ku turufeeyay Qorya ciidan iyo Hanti shacab

Maxkamadda ciidamada qalabkan sidda ayaa soo gabagabeysay dhgeysiga dacwad loo heysto Xidigle/Boolis Maxamed Tahliil Cabdi oo lagu eedeeyay inuu iibsaday labo qori oo AK47 ah oo ay lahaayeen askar ka tirsan ciidanada Booliska Soomaaliyeed, lacagta uu hubkaas ku iibsadayna wuxuu ku ciyaaray ciyaarta la yiraahdo “1XBET”.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Booliska ayaa tijaabiyay farsamo ugub ah waana u meel-martay, sida uu eedeysanaha ka hor qirtay Maxkamadda.

Shaxdan si aadan ugu wareerin bal hadda si wanaagsan u dhugo sheekadan, Xidigle Maxamed Tahliil Cabdi oo ah Baare hay’adda dambi baarista C.I.D-da ka tirsan, ma diidana in shacab iyo ciidanba isku dulmaray, wuxuu lahaa yool ah ka guul gaarista ciyaaraha kasiinooyinka ee online lagu soo daray.

” Mudane Garsoore waa jirta qorshaha inaan qaatay, waxaa ku soo haray lacagta aad sheegeysid afarta boqol ee dollar iyo saddexda boqol, labo iyo labaatanka dollar ah, lacagta dhammaan ma wada qabo qaar ayaa ka qabaa lacagtaas,” ayuu yiri Xididg Maxamed Tahliil Cabdi oo maxkamadda ka hor hadlayay.

Haddaba, Game-ka 1XBET, sharaxaad kooban hanaga siiyo Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

” Mudane guddoomiye eedeysanaha wuxuu isticmaalaa aaladda loo yaqaano 1XBET, application-kaas teleefoonada ayuu ku jira, waxaa loogu talagalay qamiirkii lagu ciyaari jiray kasiinooyinka iyo baararka ayaa teleefonka lagu shubay, waxaa loogu talagalay in qof kasta Mobile-kiisa ka isticmaalo,aplication-kaas guddoomiye waxaa lagu ciyaaraa Game-man lacago lagu helo,sidoo kale waxaa la saadaaliyaa ciyaaraha, kooxdan ayaa badineyso iyo kooxdan ayaa badineyso, waxaas waa waxa lacagta laga helo,”.

Baaraha kiiskan ayaa garsoorka ciidamada qalabka sida uga sheekeeyay sida ay isugu xiran yihiin farqaha dambi ee eedeysanuhu u xiran yahay.

” Sidoo kale, waxaa cadeyman ka qornay oo aan wareysanay guddoomiye maamulaha Hotel ka “New Fatxi”, wuxuu noo sheegay in eedeysanaha hotelkiisu soo degay uuna deggannaa muddo 7-cisho ah, inta uu degganaana uu yiri warqad Passapor oo magac laga beddelaayo anigaa kuu soo dhammeynaa uu lacag sidaas uga qaatay,lacagtaas oo gaareysay afar boqol oo dollar,”.

Inta badan dhallinyarada ayaa si aan caadi ahayn u isticmaala aaladdan, waxay da’yarta qaar ay rumeysan yihiin in shar iyo xoogaa faa’ido ahba wada xambaarsan yahay.

Xeer ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Maxkamadda weydiistay in laga gaaro kiiskan xukun adag si ay badbaado ugu noqoto badqabka hantida ciidanka iyo dhowrsanaantoodaba.

Dhankiisa, qareenka ayaa codsaday inaan lagu dheereyn, maaddaama eedeysanuhu qirsan yahay dambigiisa.

Ugu dambeyntii, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo xiray fadhigan maxkamadeed.

” Dhageysiga garmaqalka ka dhanka ahaa eedeysane Xidigle/Booliis Maxamed Tahliil Cabdi intaas ayuu ku egyahay maxkamadda ayaana go’aan ka soo saareysa, kiiskana waa inoo xiran yahay,”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir shir jaraa’id ku faah-fahiyay cabashooyin maalmahan ka tagnaa Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan Caasimadda.

Guddoomiye “Madaale “ayaa
Ugu horeyn.ka hadlay  dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne,oo uu sheegay in dhulkaa uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa  kale uu Guddoomiyaha ka  hadlay  dhul boobka ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde , isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu cadaalad doonto garsoorka.

Sidoo kale waxa u sheegay Guddoomiya in maamulka uu sameeyay xafiis u gaar ah cabashooyinka cidii cabasha qabataana ay tahay in ay la xariirto si loo dhageysto.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, halkaa oo dadkii daganaa laga raray,isagoo sheegay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin waxa dhul boob.