Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale u fariisatay dacwad ka dhan ah Eedaysanayaal loo haysto musuq

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisaneysa fadhiga 3aad ee dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo furay dacwada maanta ayaa sheegay in fadhiga maanta uu ku saab sanyahay soo bandhigida dhageysiga cadeeyma xafiiska Xeer ilaalinta ee ka dhanka ah edeeysanayaasha katirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sarkiisha maanta markale maxkamdda la hor geeyay ayaa kala ah Cabdullaahi Maxamed Cosoble, Cumar Macalin Nuur, Saabir Xasan Cabdi nuur iyo Aadan Maxamed Cabdi,kuwaa oo dhamaan ku Eedaysan xatooyo xoola dad weyne.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka maxkamadda gobolka Banaadir, Faarax Cabdiraxmaan Jaamac  ayaa maxkamadda horteeda ku soo bandhigay cadeymo lid ku ah edeeysanayaasha,iyoo Qareenada u dooday edeysanayasha dhakooda ay ka horyimadeen edahaasi

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

“ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een” (WARBIXIN)

Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug ayaa dhawaan lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhameystirka Wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada ay ka joogaan Galmudug.

“Halkaani waa Gobalka Galguduud, goobtu waa nawaaxiga Dhuusamreeb, Goortu waa Barqanimadii Maanta, Dadku waa Shacabka Deegaanka, ujeedka ay Hubka u sitaan waa in ay Khawaarijta ku harsan qeybo ka mid ah Gobalka iska suuliyaan, si ay u dhamaystiraan halganka Khawaarijdiidka ah ee ay soo wadeen ilaa sanadkii 2009-kii”, sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, mar uu ka hadlaayay Ciidamo kuwa Deegaanka ah ee lagu soo bandhigay Duleedka Magaaladaasi Ciidan Macaawisley ah iyo Hubkooda. “Neecaaw ku fidda Dalka oo dhan ayaa kasoo socota Galmudug insha allaah”, ayuu sii raaciyay Wasiir ku xigeenka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaayay dhameystirka Wejiga 1-aad ee dagaalka lagula jiro Maleeshyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa yiri:- “Guushu waa ay dhowdahay, mar dhowna waxaa laga dabaaldegi doonaa deegaanno khawaarijtu ay ukumaha dhigatay, xooggna ku heysatey 16kii sano ee u dambeeyay oo dib loo xoreeyay. Dagaalka lagu soo afjarayo Haraadiga Khawaarijta ee deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ka dhiman, waxaana hoggaaminaya taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud”.

“Dagaalkaan Khawaarijta lagula jiro nasasho ma lahan ka laabashana ma lahan. Guulo waaweyn ayaa soo socda insha Allah”, sidaasina waxaa yiri  Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Falanqeeye arrimaha Caalamka oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Qeybteeda Warbixinnada u waramayay ayaa ku sheegay Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab dhul fasahaadiyayaal loo baahan yahay in loo suuliyo sidii Naazigii Hitler, “Duulaanka Dowladda ee Degmada Ceelbuur, waa mid u eg kii D- Day ee Xeebaha Normandy ee Cariga Faransiiska ee dhacay Bishii Juun 6-deedii sanadkii 1944-kii ee Xooggagii Isbaheysiga iyo maalmihii Xiddigii NAZIGII Jarmalku dhacay”, sidaasi waxaa yiri:-  Macallin Salaad Guutaale.

Si Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab loo dardargaliyo ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ay u gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.

Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya dib u xoreynta Deegaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hurayaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan gaarin Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayay dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo Argagixisada, waxa uuna xusay in Shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyay, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin bed-qabka nololeed iyo mid hantiyadeed muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin Argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey Shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Magalada Ceelbuur ayaa sheegaya in  Barakac aad u ballaaran ka bilowday magaaladaasi, iyadoo ay jirto in Ciidanka Dowladda uu Afar Jiho kaga soo ruqaansaday, halka Kooxda Khawaarijtuna ay Dadka ku qasbayaan inaysan ka bixi Karin Magaalada, iyadoo la sheegayo in Madaxweyne Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud uu u qabtay 10 Maalmood in lagu so Af jaro Dagaalka Wejiga 1-aad, si loogu gudbo Wejiga 2-aad.

Ugu dambeyntii waxa aan warbixintan ku soo afmeerayaa “ Galmudug Maanta waa u Guul, Gafuurra-duubna waa Go’een”, sidaasina waxaa Murti ku sheegay Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, ahna Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre-ka.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo muqdisho kusoo dhaweeyay la-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka.

Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho Mudane Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo maanta dalka soo gaaray.

Xamse Warfaa ayaa ah masuulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay Madaxweyne  Joe Biden 2022.

Ujeedka Socdaalka uu Xamse ku yimid dalka ayaa daaran sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, isla markaasna uga shaqeyn lahaa sare-u-qaadidda danaha ka dhaxeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

la taliye Xamse ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada Aqal, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna ku Simaha Xoghayaha iyo masuuliyiin kale.

  

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay xubnaha Golaha uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay xubnaha Golaha Shacabka uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika, Carribean, Pacific iyo Midowga Baarlamaanada Yurub.
Xunaha la magacaabay ayaa kala ah

Xildhibaan Salami Alio Ibro

Xildhibaan Farxiyo yuusuf Cumar

 

Ra’iisul wasaare Xamse “ Dal horumar ma gaaro dadkiisa oo aan kor u qaadin aqoontooda”

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2022/23, ayaa abaalmarinno guddoon siiyey qaar kamid ah ardeydii gashay kaalimaha hore.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan ardeyda imtixaanka gudubtay, gaar ahaan kuwooda ku jira 10ka kaalin ee muujiyey dadaalka dheeriga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin, haddii uusan kor u qaadin aqoonta dadkiisa, si taas loo xaqiijiyana ay Xukuumadda DanQaran howlgelisay saddex kun oo macallimiin ah oo bilow u ah Qorshaha Qaran ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashadii dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo cid walba oo door ka qaatay  qabsoomidda imtixaankan oo sannadkii sagaalaad oo xiriir ah ay qaadeyso dowladdu.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mar kale ku celiyey baaqiisii la xiriiray in la banneeyo xarumaha danta guud ee ay deggan yihiin shacabka, gaar ahaan kuwa ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada, si wax loogu baro ubadka Soomaaliyeed.

                      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb oo uu si ku meel gaar ah ugu shaqeynayo

Dhuusamareeb- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.

Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.

     

Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka Qaran ee Dugsiga sare

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuunmadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow shaacisay natiijadda imtixaanka qaran ee Dugsiga sare ee sannad Dugsiyeedka 2022/2023.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, wasiirka waxbarashadda XFS iyo mas’uuliyiin kale oo tarsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sugnaa munaasabada ku dhawaaqida natiijada imtixaanka shaahidaga ah ee Dugsiga sare oo sanadkaan ay galeen 32,501 arday.

Deeqa Maxamed Cabdulaahi oo dhigata Dugsiga Faanoole ee Degmada Kismaayo ee Jubbaland ayaa gashay kaalinta Koowaad ee imtixaanka Qaranka ee sannad Dugsiyeedka 2022/2023, oo ay u fariisteen 32,501 Arday.

Wasaaradda waxbarashadda ayaa guddoonsiisay abaal marino ay ku jiraan agab waxbarasho 22-ka arday ee ugu sareeya imtixaanka, waxaana guddoonsiiyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka amniga Qaranka

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’isulwasaare xigeenka, Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

     

Dhuusamarreeb oo lagu soo bandhigay Dhalinyaro ka qayb qaadanaysa dib u xoraynta Dalka

Dhuusamarreeb:-Magaalo Madaxda Dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusamarreb ayaa maanta lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo u diyaar garoobay in ay qayb ka noqdaan hawlgalka Deegaanada Galmudug meelaha Khawaarijtu kaga sugan tahay dib loogu xoraynayo.

Dhalinyaraddan ayaa maanta sameeyey dhoolatus Ciidan iyagoo ku Gashaamaan Gadiid dagaal iyo qaybaha kale hubka oo ka kooban Saannado kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu Gaaro magaalada Dhuusamarreeb halkaas oo uu kaga dhawaaqayo dhamaystirka Hawlgalka dalka looga xoraynayo wejigaiisa koowaad.

           

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka fuliyey goob ay ku shirayeen horjoogayaal Khawaarij ah

Hiiraan:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda Caalamiga ah ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaaas ee Gobolka Hiiraan sida ay xog ku heshay Wakaaladda wararka SONNA.

Hawlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday Xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka,Xilliga uu hawlgalku dhacayay Goobta waxaa shir uga socday Kooxo Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas joogay.

Tirada dhimashada iyo dhawaaca ee soo gaaray Khawaarijta waxaa ku socota qiimayn waana idinla wadaagayna dhowaan.