Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dardar gelineysa dagaalka ka dhanka Khawaarijta ah ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalkaas waxay qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafaya 10-kun oo askari, kuwaas oo isbeddel cusub dhaliyay, neecowda iyo nabadda ay dugsinayaan shacabka Soomaaliyeedna maanta Alle ka sokow igu sabab u ah.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay ujeedka qorista ciidankan cusub, diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo kaalinta saaxiibada caalamka iyo Dowladaha deriska ama safka hore loo yaqaano ku leeyihiin dagaalka argagixisada lagu ciribtirayo.

“Tan iyo markii la bilaabay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa ay dowlada Soomaaliya qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafeysa 10 kun oo askari” ayuu yiri Wasiir Daa’ud Aweys.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Dowladdu mahad ballaaran u jeedineyso shacabka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bilwodeen howlgalladan sanadkii hore kaalin wax ku ool ah ka qaatay, walina hiil iyo hoo la garab taagan ciidamada xoogga Dalka oo iyagu ku dhiiraday in ay Khawaarijta awooddoodii deegaan iyo midkoodii Militari wiiqaan, wuxuuna wasiirki, si gaar ah u xusay kaalinta ciidanka mucaawisleydu ay ka geysteen guushii laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Culumada Soomaaliyeed ayuu xusay in ay horay u sheegeen sax ahaan-shaha in Dalka laga suuliyo Khawaarijta.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray kaalinta taageerada beesha caalamka iyo doorka ay dalalka deriska ama safka hore ku leeyihiin dagaalka Dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo wejiga labaad ee dagaalka qeyb ay ka yihiin ciidamo ka socda Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

” Waxaa dagaalka argagixisada naga taageeraya saaxiibada caalamka iyo dalalka deriska ah, si gaar ah haddaan u xusno wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta waa iyaguna kaalin ka geysanaya dalalka deriska ama safka hore la yiraahdo sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti,” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dowladdiisu mudnaanta koowaad siineysa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta oo Shacabka Soomaaliyeed u diiday nabadda iyo horumarka adduunka intiisa kale ka socda, waxaana hadda muuqata inuu gabalkooda sii dhacayo Khawaarijta.

R/wasaarihii hore ee Bakistaan Imran Khan oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa saddex sano oo xarig ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore Imran Khan kadib markii lagu helay arrimo ;la xiriiray musuqmaasuq, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

Imraan Khaan oo 70-jirka ayaa lagu eedeeyay inuu si khaldan u isticmaalay hadiyado ku jira gacanta dowladda oo qiimahoodu ka badan yahay 140 milyan rupees oo u dhiganta ($ 635,000).

Khan ayaanan joogin maxkamada dhageysiga dacwada, balse wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in qareenkiisa uu sheegay in ra’iisul wasaarihii hore lagu xiray Lahore.

In ka badan 150 kiis ayaa loo soo jeediyay isaga tan iyo markii xilka laga tuuray bishii Abriil ee sannadkii hore. Khan ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyay, isagoo sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan.

Khubarada sharciga ayaa sheegaya in xukunka kiiskaan uu soo afjari karo fursadaha uu kaga qeyb qaadanayo doorashooyinka qaranka ee la doonayo in la qabto bisha November ee soo socota.

 

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo xarigga ka jaray kaydka Bangiga Dhiigaa Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani oo ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah, maadaama uu dalkeennu kamid yahay waddamada ay ka dhacaan musiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun keydisa dhiigga.

Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga.

  

Waxaa la gaaray xilligii kala gurista isku milinkii (WARBIXIN)

Dowladdu waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka Musuqa,5-geeddi socodka Dimuquraadiyadda, sidaasi awgeed ayaan si hufan u wadnaa Qoraallo iyo Warbixinno la xariira arrimahaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa farriin adag u diray dadka Xumaan-wadayaasha ah ee doonaya in ay afkooda ugu adeega kooxaha Khawaarijta ee nabad-diid ka ah, wuxuuna Wasiirku hadaladaa ka jeediyay xilli uu la kulmay ciidamo ka tirsan xoogga Dalka, isagoo xusay in ay jiraan dad raba in la damiyo iftiinka dowladnimo ee u bidhaamay shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa soo jeediyay in la beegsado kooxaha u adeegaya khawaarijta , isla markaana gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu caddeeyo in ay u shaqqeyaan khawaarijta. “Ninkii khawaarijta dhiirigaliya, maalgaliya, taageera, buunbuuniya waa la mid, dhawaanna waa la so afjaraya Argagixisada.  Qolaa dooneysa in ay damiyaan iftiinkaan yar ee umamadda  Soomaaliyeed u soo ifey, mana damin karaan idanka ilaahey”, ayuu yiri Wasiirka.

“ Ciidanka Xoogga iyo Shacabkooda ishooda wakhti xaadirkaan Khawaarij keliya ayay aragtaa, cidii Khawaarijta in laga takhaluso wel wel ku heyso toos ha u soo raacaan”, ayuu sii raaciyay Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo la dardaarmay ciidamada xoogga ee uu la hadlay ayaa xasuusiyay in ay leeyihiin hal cadow, loona baahan yahay in ay hal il ku arkaan kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada Soomaaliya , isla markaana laga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle, ” Maanta waa maalin aad u qiimo badan, waxaan isugu nimid inaan ka soo qeyb galno xaflad qalin-jabin guutada Danab qeybteedii 9-aad, tababarka ugu dhammaaday halkan Bali-doogle. Dugsiga magaciisa aadka u qiimo badan yahay oo loogu magac daray walaalkeen AUN Xasan Tuure, aad baan ugu faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galno,” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale In ka badan 10 xubnood oo basaasiin u ahaa Khawaarijta ayaa waxaa gacanta ku dhigay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA oo beegsanaysay baasasiinta ku dhex abuurnaa hey’adaha kala duwan ee dowladda, sidoo kale waxaa jira Xubno ku dhex jiray ciidamada ammaanka oo basaasiin u ahaa khawaarijta, kuwaasi oo u baxsaday Khawaarijtii, ayna ku daba joogaan ciidamada ammaanka, waxaana ka mid ah Cabdisataar C/qaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamaed Cali oo labadooduba ka tirsanaa hey’adaha amniga.

Sawirka Ninkaan idiin muuqda waa Cabdisataar C/qaadir Ciise wuxuu Khawaariijta Al-shabaab ka soo goostay sanadkii 2020-kii, kadib waxaa lagu xareeyay xerada dhaqan celinta Sarandi ee Degmada Xamar Jab-jab ee Magaalada Muqdisho,  sanadkii 2021-kii Bishii April-na waxaa laga soo saaray xeradaasi isaga iyo kuwa kale, waxaana ay ka qeybgaleen weeraradii Madaxdii hore ee ka dhacay Hotelka Maa’ido iyo Degmada kaaraan ee magaalada Muqdisho, ugu dambeyntiina Cabdisataar hadda Al-shabaab ayuu ku laabtay, waxaana raadinaya oo daba jooga ciidanka amaaanka.

Waxaa la gaaray kala guurkii iyo kala miiradkii isku dhex milankii dhacay shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu wargalinayaa dhammaan hey’adaha dowladda inaysan la macaamili karin xubnahaan basaasiinta ah ee lagu daba joogo.

Sidoo kale waxaa lagu war galinayaa Shacabka Soomaaliyeed xubnahaan qofkii xog ka helaa ama ay la soo xariiraan in ay ku soo wargaliyaan hey’adaha amniga. Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an inay ciribtirto basaasiinta gacansiinaya Maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya hey’adaha amniga.

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Xaruunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 Ruux oo basaasiin u ahaa khawaarijta Al-shabaab,,kuwaasi oo ku dhax jiray hey’adaha Dowladda iyo kuwa Ammaanka, waxaa kale ee uu sheegay in kuwa kale oo ay ka mid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali,  kuwaasi oo ka tirsanaa hey’adaha amniga, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ku wargaliyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.

Wasiirka Warfaafinta XFS waxa uu soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro Khawaaijta, wuxuuna sheegay in la bilaabay  gabagabeeynta howlgalka Wejiga koowaad ee khawaarijta ka dhanka ah oo looga ciribtiray goobaha  ay ku harsan yihiin, lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle, si loogu gudbo Wejiga labaad ee dagaalka ee howlgalka Dalka lagaga xoreynayo Argagixisada naf  la caariga ah.

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad ayaa waxa ay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaannada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay degan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka, ammaradaasi waxay kala yihiin:-

1-in aysan la macaamilin khawaarijta shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada lagu bartilmaameedsanayo Khawaarijta. 2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha Khawaarijta joogto si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada.3-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Khawaarijta iyadoo la qarinayo xogtooda. 4- Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo ha u diyaar garoobaan in ay iska dulqaadaan Khawaarijta arxanka daran.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure oo suugaan ku cabiraya waxa socda ee ah kala gurista isku milinkii, ayaa yiri   “Shantii saneey shirkoowdayoo, Shuftadu Shaar kasteey xirteen”. Marka waxaa la gaaray xilligii kala guri lahaa isku milinkii shantii sano ee la soo dhaafay.

Saraakiisha Hoggaaminaysa dhamaystirka Hawlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta oo Awaamiir Cusub faray Shacabka

:-Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad waxa ay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaanada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka.

Kulankaan oo uu shir gudoominayay Taliyaha Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliye ururada kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa waxa kasoo baxay

1-in aysan la macaamilin khawaarijta shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada lagu bartilmaameedsanayo Khawaarijta

2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha Khawaarijta joogto si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada

4-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Khawaarijta iyadoo la qarinayo xogtooda

5-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo ha u diyaar garoobaan in ay iska dulqaadaan Khawaarijta arxanka daran.

  

NISA oo gacanta ku dhigtay in kabadan 10 xubnood oo si basaasnimo ah ugu dhaxjiray hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 basaasiin u ahaa khawaarijta,kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku war-galiyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa intaas ku daray in la bilaabay  gabagabeeynta howlgalka wajiga koowaad ee khawaarijta ka dhanka ah oo looga ciribtiray goobah ay ku harsan yihiin,lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle si loogu gudbo wajiga labaad ee dagaalka.

Dhanka kale waxaa u intaas ku daray in dhawaan u la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada naf la caariga ah.

Halkaaan hoose ka daawo shirka Jaraa’id ee u qabtay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo uga warbixiyay arrimo badan oo la xariira amniga dalka.

Laba khawaarij ah oo ku dhintay dhagar ay maleegayeen

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan inta u dhaxeysa Nambar 50 iyo Lanta-buuro ayaa sheegay in Xalay saqdii dhexe ay halkaasi ku dhinteen 2 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Afhayeenka ATMIS ayaa soo sheegay in labadaasi ruux ee dhitay uu ku qarxay bam.xilli ay doonaayeen in ay miino ku aasaan wadada isku xirta deegaanada u dhaxeeya lambar 50 iyo laanta Buuro.

Raggaan ayaa ahaa kuwo maleegayey qarax bam oo ay ku aasaan ama galiyaan wadada,waxaana Wararku  intaa ku daray  in burburka meydadkii labadaasi ruux uu gaaray masaafo dhan 50 mitir oo ballac ah.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ku baaqay in laga waantoobo garab istaagga khawaarijta

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa farriin adag u diray dadka Xumaan wadayaasha ah ee doonaya in ay afkooda ugu adeega kooxaha Khawaarijta ee nabad-diidka ah.

Wasiirka ayaa hadaladaa jeediyay xilli uu la kulmay ciidamo ka tirsan xoogga,qwuxuuna xusay in ay jiraan dad raba in la damiyo iftiinka dowladnimo ee  u bidhaamay shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa soo jeediyay in la beegsado kooxaha u adeegaya khawaarijta ,isla markaana gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu caddeeyo in ay u shaqqeyaan khawaarijta.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  oo la dardaarmay ciidamada xoogga ee uu la hadlay ayaa xasuusiyay in ay leeyoihiin hal cadow,loona baahan yahay in ay hal il ku arkaan kooxaha nabad-diidka ah.

Wasiirku,waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada Soomaaliya ,isla markaana laga qeybqaato dagaalanka ka djanka ah khawaarijta.

Niger: Madaxweynaha la eryay oo ku baaqay in Galbeedka ay caawiyaan dalkiisa

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka in ay caawiyaan dalkiisa,isla markaana ay soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalkaasi.

Bazoum, oo todobaadkii hore ay militariga xilka ka qaadeen, ayaa hadal uu ku daabacay Washington Post ku sheegay ku muujiyay digniin ku saabsan  cawaaqib xumada ka dhalan karta xukunka mileteriga haddii uu guulaysto afgambiga isaga ka dhanka ah.

“Inqilaabka ay sameeyeen koox ka tirsan millatariga ee dhacay July 26, wax cudurdaar ah ma ma lahan haddii ay guulaystaan kooxdaasina waxay cawaaqib xun ku yeelan doontaa dalkeena, gobolka iyo adduunka oo dhan” Mohamed Bazoum ayaa sidaas sheegay maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd.

Madaxweynaha xilka laga tuuray ee Niger oo ka mid ah hogaamiyayaasha taageera reer galbeedka ayaa sheegay in dalka ku yaal galbeedka Afrika uu ahaa iftiinka rajada gobolka ee ay ragaadiyeen rabshadaha ku lugta lehxagjirnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis.

Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa.

Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh oo Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed.