Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Danab

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadan tababarka dhammeystay loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kaas oo lagu waddo inuu Dalka ka bilowdo,isagoo u mahadceliyay dhallinyarada u dhabar adeegtay tababarka kuna ammaanay dadaalka ay bixiyeen.

” Maanta waa maalin aad u qiimo badan, waxaan isugu nimid inaan ka soo qeyb galno xaflad qalin-jabin guutada Danab qeybteedii 9-aad, tababarka ugu dhammaaday halkan Bali-doogle,Dugsiga magaciisa aadka u qiimo badan yabay oo loogu magacdaray walaalkeen AUN Xasan Tuure, aad baan ugu faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galno,” ayuu yiri Wasiirka.

    

Ciidamada Xoogga Dalka oo khaarijiyay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya Daraawishta maamulka Jubaland
ayaa fashilayay dhagar qabayaal ka tirsan Khawaariijta Alshawaab ka tirsan, kuwaas oo damcay in ay miino ku aasaan waddada halbowlaha u ah deegaannada Janaay-cabdalle iyo Buulo Guduud oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaa dilay dhagar-qabe ka mid ah khawaarijta, waxaana sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen qalab laga sameeyay waxyaabaha qarxa, kuwaas oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka masaakiinta ah ee waddadaas sida joogtada ah u isticmaala.

Tababar ku saabsan maamulka hay’adaha warbaahinta oo lagu soo gaba-gabeeyay Kismaayo

Kismaayo,:- Wasiirka Wasaraada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa soo xiray tababar u soconayay muddo seddex maalmood ah gabdhaha saxaafada ku jira ee dowladda goboleedka Jubaland.

Tababarkan, oo lagu baranayay sidii gabdhaha saxaafada ku jira kaalin ugu yeelan lahaayeen maamulidda warbaahinta dalka, ayaa waxaa ka qeyb galay 30 suxufiyiin dumar ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Jubaland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay iska kaashadeen qabsoomidda tababarkan Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka Iyo Heer Dowlad Goboleed, ujeedkiisuna ahaa sidii gabdhaha saxaafadda ku jira aqoontooda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo fududayn lahaa ka mid noqoshadooda maamulka warbaahinta .

Agaasimaha xiriirka Dowlad Goboleedyada ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka, mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen oo ka hadlay madasha xiritaanka ayaa ugu mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland sida wacan ee ay u soo dhoweeyeen, uguna shaqeeyeen isku keenida gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka kala yimid deegaanada Jubaland si ay uga faa’iidaystaan tababarka.

Cabdiraxmaan Maxamed Aadam (Koronto) La-taliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka, ayaa u kula dardaarmay hablihii ka qeyb galay dhaqan galinta wixii ay ka faa’iideen aqoon iswaydaarsiga, iyo u istaagidda muujinta xirfadda iyo horumarka gabadhaha saxaafadda ku jira ee deegaanada Jubaland.

Gabdhaha suxufiyiinta ah ee tababarka qaatay, ayaa u mahadceliyay wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda Warfaafinta heer dowlad goboleed ee Jubaland hirgalinta tababarkan si loo dhiira galiyo kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha Warbaahinta, iyaga oo codsaday in la badiyo tababarka Gabdhaha saxafiyiinta ah loo qabanayo.

Tababarkan oo ah kii sedexaad oo nuuciisa ah waxa uu qeyb yahay tababarro wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee heer federal ay ugu talo gashay gabdhaha Suxufiyiinta ah ee ku nool xarumaha dowlad goboleedyada si kor loogu qaado doorkooda ka qeyb galka maamulka hay’adaha Warbaahinta dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.          

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka baarlamaannada Soomaaliyo iyo Imaaraadka Carabta, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka qaadanayaan la dagaalanka argagaxisada.     

Guddoomiyaha Hay’addan SoDMa oo la kulmay Danjiraha Jaamacadda Carabta ee arrimaha Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka kulan kula qaatay Danjiraha Jaamacadda Carabta ee Arrimaha Soomaaliya Saalax Axmed Junaydi .

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa Waxa ay kawada hadleen Guddoomiyaha iyo Safiir Saalax sidii hay’adda SoDMA iyo hay’addaha gargaarka dowladdaha carabta iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin u yeelan lahaayeen wada shaqeyn dhaw.

Guddoomiye Maxamuud ayaa Safiirka iyo dowladdaha Carabta uga mahadceliyay doorkooda ay ku leeyihiin kaalmeenta dadka Soomaaliyeed,isaga oo ka dalbaday dardargalinta howlahooda wax qabad ee ay kawadaan gudaha dalka.  

 

Guddoomiyaha Sheekh Aadan oo shir guddoomiyey kulanka 26-aad ee guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka.

Kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada oo ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka. Xubnaha Guddiga ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaalo iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda usoo gudbisay Golaha Shacabka BJFS.

      

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay qoys ka soo cararay colaadda Suudaan

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u soo celisay qoys Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda dalka Suudan.

Qoyskan ayaa oo ka kooban afar caruur ah iyo waalidiintooda ayaa ka soo gudbay xuduudda Suudaan ay la leedahay dalka Itoobiya.

Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta madaxweynaha ugu qaabilsan oo kaa shaanaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo Hay’adda IOM ayaa suuragaliyay soo gaarista qoyskan ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka la deriska ah, iyadoo fududeysay soocelinta boqolaalo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo u badan Caruur iyo dhalinyaro kuwaasi oo ku go’doomay colaadda Suudaan ka taagan.

     

Golaha Wasiirrada oo si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya

-Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka.
Waxaa sidoo kale Goluhu ansixiyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood.
Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh.
Kulanka ayaa waxaa Golaha laga siiyay warbixinno la xiriira Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta.
  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo laga hirgalinayo jidka mara suuqa deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka Suuqa deegankan ayaa ah mid ay wada sugayeen maamulka iyo bulshada reer Garasbaaleey maadaama isticmaalka waddadan lagu qabay dhibaato la xariirta burbur iyo dayac xumo balaaran.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay xoojiyaan iskutashiga lagu horumarinayo dib udhiska iyo bilicda Magaalada.
Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Dhagax Dhigga Dhismaha Wadda Laamiga ah ee Laga Hirgaliay Garasbaaleey.

Agaasimah Tacliinta sare Ismaaciil,”Waxaan qasab ka dhigeyna in la barto kuliyada waxbarashada”.

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Hey’adda Iftin ay shaqo wanaagsan ka qabatay arrimaha Waxbarashada dalka,“Markii ay wasaaradda waxbarashada ay go’aanka soo gaartay oo ay sheegtay in ay qaadaneyso macallimiin,ayaa waxaa wax la iska waydiiyay oo laga shiray macallimiinta la qaadanayo shahaado nuuce ah ayaa laga rabaa,waxaase ogaanay in aysan jiri cid wax ka barta Kuliyada Waxbarashada oo aysan dadku jaclayn,

wasiir  Faarax Sheekh Cabduqaaldir ayaa waxaa u go’aansaday in qofkii watah Shahaado Jaamacada oo macallin noqon kara la galiyo Imtaxaanka waana lagu dhawaaqay inay ka soo qayb galaan,waxaana soo codsatay 13-kun oo qof oo isugu jira kuliyadaha kala duwaan ee waxbarashada lagu barto oo ay u ku jireen dhakhaatir,taasna waxaa u sabab ah shaqo la’aanta jirta,waxaan helnay 5-kun oo shahaaddo oo aan sax ahayn oo ka mid ahaa shahaadooyinkii ay soo dirsadeen dadkii macallinimada soo codsaday,

taasna waxaa sababay ardayga oo kuliyada ku jira ayaa iska soo sameystay cadeyn Feeg ah oo u shahaado u ekeysiinyo, isagoo ka cabsanaya in u hadhow u waayo shaqo marka u dhameysto waxbarashada,marka waxaan u ogolaanay 8-kun oo ka mid ah dadkii soo codsaday in ay galaan Imtaxaanka,iyadoo ay sidaa jirto waxaa ku soo baxay Imtaxaanka 3-kun oo macalilimiin ah waxayna u badanaayeen dhakhaatir,hada ayaa tababar socda waxaana loo tababaray macallinimo oo waxay u badan yihiin dad aan qabin tababar ama aan soo marin macallinimo,iyadoo dib loo dhigsy sanad dugsiyeedka sanadkaan oo la furidoono bisha Sabteenbar si ay marka u tababarka u dhamaado ay u galaan fasalada,waxaan xoojin doona in dadku ay bartaan kuliyada waxbarashada”.waxaa sidaas yiri agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Horaantii Sanadkan ayey ahayd markii ay XFS ay qaadtay macallimiin gaareysa 3000 oo si toos ah u hoostagaya Wasaaradda iyadoo u  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u  sheegay in la gaarsiinayo ilaa 10-kun oo macallin qaadashada barayaasha dugsiyada.