Ciraaq:In ka badan boqol ruux oo ku dhintay xaflad aroos

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacday Gobolka Nineweh ee waqooyiga Ciraaq.

Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jiraan xaalad aan degganeyn ,iyadoo kuwa uu soo gaaray  dhaawaca daran loo qaaday isbitaallada leh agabka daryeelka gaarka ah.

Guddoomiyaha gobolka Nineweh ayaa sheegay in tirada khasaaraha aan la xaqiijin Karin,isagoo intaa raaciyay In qalabka dhismaha ee loo adeegsaday hoolka xafladda ay sababeen in si degdeg ah uu danku u faafo.

Difaaca madaniga ah ee Ciraaq ayaa sheegay in warbixinadii ugu horeeyay ay muujinayaan in dabkaasi uu sababay isticmaalka Bululeyrka ama baaruudda rashka intii lagu jiray dabaaldega xafladaasi arooska ah.

Turkiga oo dardar gelinaya mashaariicda horumarineed ee uu dalka ka wado

Madaxha hay’adda TIKA qaybteeda Soomaaliya , Ilhami TURUS ayaa sheegay in ay xoojinayaan maalgashiga iyo horumarinta dalka Soomaaliya sida Beeraha, Tammarta, Kalluumeysiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqalaaha.

Ilhami TURUS, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Muqdisho kula qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane, Cabdirashiid Jire Qalinle.

Mudane, Ilhami TURUS ayaa Wasiir Qalinle warbixin ka siiyay mashaariicda ay TIKA ka waddo dalka iyo Istaraajiyadda cusub ee Hay’adda sidii loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Waxay labada dhinac isla meel-dhigeen in sida ugu dhaqsiyaha badan adeegyada muhiimka sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada kale ee dowladda loo gaarsiiyo goobaha laga xoreeyay Khawaariijta.

Hay’adda dowlada Turkiga u qaabbilsan horumarinta mashaariicda ee TIKA ayaa door wyn ka ciyaartay garab qabashada umadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiir Cabdirashiid Jire uga mahad celiyay sidii ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed markii ay dalka ka dhacday abaartii 2011-kii.

Sweden oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhiyi doona dalkeenna Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore ee dalkeenna u joogay.

Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden oo ku dhisan iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi.

Waddanka Sweden wuxuu ka mid yahay waddamada ay ku nool yihiin oo marti geliyey mid ka mid ah Jaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ee ugu ballaaran.

Gudaha Wararka Ciidanka Qalabka Sida oo Gobalka Galgaduud ku dilay 3 dhagar-qabe

Dhuusameeb- Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaraan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxdaas oo sideed dhagarqabe ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle, isla markaana ay ku guuleystaleen inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Khawaarijta.

Hawlgal ka dhacay Galgaduud oo koox Khawaarij ah oo lagu dilay, kuwa kalena lagu qabtay

Dhuusamareeb: Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto Feykon ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in kooxdaas oo sideed dhagarqabe ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle, isla markaana ay ku guuleystaleen inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Khawaarijta.

Faahfaahinta howlgalkaan oo dhameystiran lasoco goordhow, Insha Allaah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed gaarsiiyay Isbitaalka Madiina

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo Maanta booqasho ku tagay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hordhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhigay Ra’isulwasaaraha XFS.

Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tacaalo muwaddiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa boqday qeybaha isbitaalka iyo dhaawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne.

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsanaa khawaarijta

Xarardheere- Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe Cusmaan Maxamuud Barre oo ah 17 sano jir ka tirsanaa Khawaarijta sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS, Axmed Macallim Fiqi.

Dhagarqabe Cusmaan ayaa qaabbilsanaa inuu sahmiyo waddooyinka qaraxyada lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere.

Khawaarijta oo quus taagan ayaa billaabay in ay adeegsadaan caruurta yaryar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada.

Hay’adda SoDMA oo ka digtay dabaylo kusoo wajahan Soomaaliya

Soomaaliya oo ku soo wajahan dabaylaha El-Niño oo ah Roobab Sababaya Fatahaad iyo daadad bilaha October iyo November.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Fatahaadaha iyo Daadadkan ka feejignadan.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay dhibaatooyinkii ay dabaylahan ka geysteen meelo badan oo caalamka ah, wuxuuna ugu digay in aysan sahlan loona baahan yahay in laga feejignaano.

Danjire Kullane oo ka qeyb galay furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta 2023

Beijing:- Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha  Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay munaasabadda furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta ee 2023.

Shirkan oo maanta furmay ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda caalamiga ah ee isku xirka tamarta iyo horumarinta iskaashiga ee Global Energy Interconnection Development and Cooperation Organisation (GEIDCO), waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hay’adaha caalamiga ah, madaxda warshadaha iyo khubaro ka kala socotay caalamka.

Inta uu shirka socday ayaa la isla gorfeeyay  arrimo muhiim ah oo khuseeya tamarta caalamka,isku xirka iyo horumarinta tamarta nadiifka ah, iyo nidaamyada tamarta waarta.

Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax looga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horumarinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah helitaanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horumar taabba gala.

Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daneyneyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.    

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degaanka Cali Fooldheere

Jowhar- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, isago la hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka khawaarijta iyo sida ay ugu babbac dhigeen cadowga, wuxuuna ugu baaqay in inta yar ee halganka ka hartay ay dhammaystiraan.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato dagaalka khawaarijta, cid kastana uu waajib ka saaran yahay in ay xoreyso degaannada ay matasho ama ka tirsan tahay.