Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud XFS oo ka qayb galay shirka sanadka ee mashruuca SHIIP

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir oo ka qayb-galay shirka diyaarinta qorshe hawleedka sanadka ee mashruuca SHIIP oo ka furmay magaaladda Nairobi Ee dalka Kenya

Sidoo kale waxaa shirka ka qayb galay Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha dowladda Soomaaliya,Madax kasocotay Bangiga Adduunka oo maalgelinaya Mashruuca, Agaasimaha Guud iyo Qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud.

Ugu dambayntii shirka ayaa inta uu socondoono waxaa lagu falanqayn doonaa qorsheyaasha hortabinta u leh mashruuca sanadka cusub & sidii loo fulin lahaa.

   

Maxkamadda gobolka Banaadir oo la filayo in ay go’aan ka soo saarto Eedeysanayaasha Musuq-maasuqa loo haysto

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wada inka soo saarto xukun dacwad loo haystay Saraakiil ka ka laka tirsan qaar ka mid ah  hay’addaha dowladda,Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku soo Eedeeyay in ay ku kaceen Musuq-maasuq,lunsasho hanti dadweyne,lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday.

Eedeysanayaasha ayaa gaaray ilaa Shan ruux oo ay ku jireen labbo Agaasime guud oo hore usoo maray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cali Sultaan iyo Maxamed Cadde Muqtaar oo labaduba ay joogeen fadhiga Maxkamadda,Abuukar Maxamed oo goob joge ah iyo sido kale,Cabdi waaxid Muxsim Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cabdikariim oo maqanayaal ahaa.

Fadhiyadda Maxkamadda oo ahaa ilaa sagaal Gar-maqal ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo u dhaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Qareenadda Difaacayay eedeysanayaasha  kuwaas oo gaarayay ilaa sagaal Abuukaate, iyagoo islaa wadaagay cadeymo iyo xogo ku saabsan dambiyada lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale waxaa fadhiyada Maxkamadda la hor keenayay Marqaatiyaal iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo ahaa halka baarista dacwada ay kasoo bilaabatay ayada oo guddiga tashiga dacwadda  oo ahaa garsoorayaal ay dhageysanayeen dhinacyada dacwada loo haysto iyo qareenadda difacayay,guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa soo gaba-gabeeyay  waxaa una sheegay in manta ay ka soo saari doonaan xukun.

Halkaan hoose ka akhirso Magacyada Eedeysanayaasha maanta loo balansan yahay in xukun laga soo saaro Eedda loo haysto.

1)Cabdullaahi Maxamed Cali (Sultaan).Agaasimahii Guud ee Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS

2Maxamed Cadde Muqtaar,Agaasimahii Guud ee Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS

3) Cabdiwaaxid Muxsim Ibraahim, Madax qeyb Xafiiska Ruqsad siinta shaqaalaha Ajaanibta ah.

4) Cabdiraxmaan Cabdikariim, Xubin ka Tirsan Xafiiska Ruqsad-siinta Shaqaalaha Ajaanib  Ee Wasaaradda Maaliyadda XFS/

1)Abuukar Maxamed Cali,Maamulahii Canshuuraha Barigga ee Wasaaradda Maaliyadda laanta Garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada Amniga oo Fashiliyey laba Qarax oo Khawaarijtu rabeen in ay soo geliyaa Guddaha Dhuusamarreeb

Dhuusamarreeb:- Ciidamada ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo Khawaarijta Al-shabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Ciimada ayaa la sheegay inay hayeen xogta gaadiidkaas iyagoo ku guulaysay in ay labada gaariba ay ka hortagaan isla markaana ku fashiliyaan bannaanka hore ee magaaladda Dhuusamarreeb.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Galmudug.

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana ka wadahadley iskaashiga milateri ee labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga tababbarada ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kalana hadley arrimaha hawlgalada milatari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay shuhadadii ku naf waayey qaraxii argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Beled Weyne, sheegayna in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta Al Shabab.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka, waxaana uu warbixin ka siiyey marxaladda dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullah Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamayey jagooyin kaaliyenimo oo ka banaan hay’adaha garsoorka ee dalka.

12- Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda oo soo qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqday guriga qoyska sarkaal Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa askarigii is hortaagey gaari qaraxyo wadey oo la doonayey in lagu weeraro guri uu ku sugnaa Madaxweyne Qoorqoor.

14- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Kalluumaysiga ee Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay Ciidanka Qalabka Sida ee la dagaalamaya Khawaarijta Al Shabaab.
15- Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee fududeynta deyn cafinta Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Naledi Pandor .

17- Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee Qaramada Midoobay.

18- Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Serbia.

19- Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ( Beenebeene) ayaa magaalada New York kula kulmay Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee WFP Carl Skau.

20- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda faraca magaalada Muqdisho.

21- Ciidanka Qalabka ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

22- Xasan Xuseen Cali (Maxamed Deeq) iyo Deerow Macallin Ibraahim (Idiris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

23- Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo lagu soo bandhigay horumarka hannaanka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

24- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhulka laga xoreeyay Khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada laguna xoojinayo xasilinta.

25- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka cudurka qaaxada oo lagu qabtey magaaada New York.

26- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay ku dhaawacmey qaraxyadii Khawaarijta ka geysteen magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

27- Madaxweyne Ku-Xgeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa guddoomiyay shir looga hadlay dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa qabatay kulan degdeg ah oo looga hadlayey u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.

 

==DHAMMAAD===

Taliyaha ciidanka xoogga oo kormeeray guutada 16-aad ciidanka kumaandoosta Danab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa kormeeray maanta taliska guutada 16-aad ciidanka kumaandoosta Danab , isagoona kulan la qaatay taliyaha guutada, taliye ku xigeenka guutada iyo qaar ka mid ka mid ah taliye ururada guutada 16-aad Danab iyo saraakiil kale.
Ujeedka kulanka ahaa siddii loo dardargalin lahaa hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, isagoona taliyuhu ku bogaadiyey ciidanka Danab inay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xorreynayo Argagixisada.
Danab ayaa kaalin lixaad leh uga jirta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta, iyagoo ka hawlgalaya qaybo badan oo ka mid ah furimaha dagaalka oo ay guulo waaweyn ka keeneen.
Open photo

Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo xilka la wareegay

Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed,hoggaannada ciidanka, kan gaadiidka, xiriirka arrimaha dibedda ,hanti dhowr iyo marti sharaf kale.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed sarreeye Guuto; Madey Nuureey Sheekh ayaa Xilka u kala Wareejiyey Taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii hore ee Ciidanka dhulka Sarreeye guuto; Axmed Aadan Cali.

Taliye ku -xigeenka CXDS sarreeye Guuto Madey Nuureey Sheekh Ufuroow ayaa kula dar daarmay tliyaha cusub inuu dar dargeliyo howsha culus ee loo igmaday ,wuxuuna taliyuhu eebbe uga baryay inuu Alle la garab galo waajibaadka adag ee horyaallo.

Soomaaliya oo ka faa’ideysaneysa adeegsiga Tamarta

Beijing:-  Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka wadatashiga adeegsiga Tamarta oo maalintii labaad ka socda magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.

Danjiraha ayaa jeediyay Khudbad muhiim ahayd, wuxuuna carabka ku adeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka faa’ideysiga tamarta iyo iskaashi dhexmara dalalka deriska ah.

Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax looga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horumarinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah helitaanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horumar taabba gala.

Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daneyneyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.  

Taliyaha Asluubta oo Xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qayb u gaar ah maxaabiista qabta cudurrada faafa

Taliyaha Ciidanka Asluubta General; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qeyb lagu karantiilayo maxaabiista qaba cudurrada faafa.

Taliye Mahad ayaa sheegay in sheegay in saraakiisha Xabsigu ay usoo gudbiyeen in halkaasi lagu hayo dadka qaba cudurrada faara, kuwaas oo la ogaado marka kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadaha, si caafimaadkooda loo ilaaliyana loo dhiso qayb gaar u ah bukaanka.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay qaybtan ku dhisayaan si is-xilqaan ah, wuxuuna dowladda dhexe iyo bulshada Soomaaliyeedba ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha gaarka ah ee loogu tala galay maxaabiista qabta cudurrada faafa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan xuska dhalashada Nebiga CSW

Dhuusamareeb- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan raadkii Nebiga CSW iyo dhaqankiisa suubban, wuxuuna mar kale ugu digay in ay ka fogaadaan sharta khawaarijta iyo qalloocinta sunnada Rasuulka SCW.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay gobolka Bakool

Waajid- Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka howlgal lagu beeegsanayo Khawaarijta ka fuliyey deegaanada Bariga iyo Galbeed degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay goobo Khawaarijtu ay baad uga qaadeysay dadka Shacabka ah ee degaannadaas.

Howlgalka waxaa horkacayey taliyaha ururka 47aad, Guutada 8aad, Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Axmed Maxamed Nuur Dhagey.