Mareykanka oo $5m u ballan qaaday ciddii keenta xogta Abuukar Cali Aadan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan 5 milyan oo dollar ay ku  abaalmarineyso qof  kasta oo soo sheega Abuukar Cali Aadan oo la tilmaamay in uu yahay ku xigeenka horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee dalkaasi,ayaa lagu sheegay in lacagaasi la siin doono cid kasta  oo keenta xog ku saabsan horjoogahaasi iyo sida loo heli karo.

Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiso Caalamiga ah,kadib markii kooxdiisa la tilmaamay in ay khatar ku yihiin muwaadiniinta Mareykanka , amniga qaranka, siyaasadda dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.

kooxdaan xagjirka ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro badan oo ka dhacay  Soomaaliya, Uganda iyo Kenya,gaar ahaan weerarradii ismiidaaminta ahaa ee July 11, 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo uu ku jiray qof Mareykan ah.

Sidoo kale kooxdaasi waxa ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013, halkaasi oo ay ku dhintay in ka badan 60 qof waxaana ku dhawacmay ilaa 200 oo kale.

2008-dii Maraykanka wuxuu kooxda Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye.

Qaraxyo galaaftay nolosha dad badan oo ka dhacay Pakistan.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob ay ka socotay xuska dhalashada Nabi Muxamed oo ka dhacayay magaalada Mastung ee gobolka Balochistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 52 qof.
Ugu yaraan laba qof ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qarax ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Hangu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Qaraxyadaan oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen ismiidaamin ayaa maanta ka dhacay dalka Pakistan,Ilaa haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadd.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa xaqiijisay in qaraxyadaasi ay fuliyeen cunsur argagixiso ah,waxaana intaa la raaciyay in falalkasi ay yihiin kuwo fuleynimo ah.

Hey’adda Maareynta oo 𝗗𝗜𝗚𝗡𝗜𝗜N ka soo saartay duufaanta 𝗘𝗹-𝗡𝗶ñ𝗼.

Maamulka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ayaa mar kale bulshada Soomaaliyeed la wadaagtay digniinno la xiriira roobab xoogan oo suurtagal ah in ay ka da’aan dalka.
Qoraal ka soo baxay Hey\addaasi ayaa lagu wargaliyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻 𝟭𝟴 gobal 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 in ay ka feejignaadaan khatar ay suurtagal tahay in ay ka timaado Roobab xoogan oo la-filan karo.
“Maalmaha 𝘂𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗲𝘆𝗮 𝗯𝗶𝘀𝗵𝗮an 𝗦𝗲𝗽𝘁𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 iyo 𝗔𝘀𝗯𝘂𝘂𝗰𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮 𝗕𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟯,waxaa laga yaabaa in dalka qeybo kamid ah ay ka dhacaan roobab wata dabeylo”ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Khawaarij waddada miino ku aasayay oo la halaagay

Ciidamada kacdoonka shacabka ee ku sugan Xarardheere ayaa deegaan dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga magaaladaasi ku fashiliyey maleeshiyaad qaraxyo ku aasayey wadooyinka dadwaynuhu adeegsado.

Xooggaga howlgalkan fuliyey ayaa ka dul-dhacey sharwadayaasha oo ku howlanaa miino-aasid, waxaana goobta lagula dhuftay qori saban ah labadii xubnood ee miinada aasayey goobta ayay dhagartooda lagu soo afjaray.

Sidoo kale koox ilaalo u aheyd kuwa lasoo afjarey ayaa laga dhaawacey ilaa sedax dhagarqabe, kuwaa oo markii dambe goobta ka baxsadey, ciidamaduna waxa ay ku guuleysteen in ay dhowr miino oo kale kasoo saaraan waddadaas shacabka si weyn ay u adeegsadaan.    

Danjire Cawaalle Kullane oo ka qeyb galay xuska sannad guurada 74-aad ee Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha

Beijing:- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane, oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka ayaa fursad u helay ka qeybgalka munaasabadda weyn ee lagu xusayo sannad-guurada 74-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.

Munaasabadan oo uu soo agaasimay madaxweyne Xi Jinping ayaa ka dhacday  Hoolka Banquet ee magaalada caasimadda ah ee Beijing, marti sharaf kala duwan oo ka kala socday dalal kala duwan iyo ergooyin diblomaasiyadeed ayaa isugu yimid si ay u dhiirageliyaan, marqaatina uga noqdaan dhaq-dhaqaaqa muuqda ee isbeddelka iyo horumarka ee Shiinaha ku tallaabsaday toddobaatankii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xi ayaa jeediyay khudbad uu ku bogaadiyay dadaalka shacabka Shiinaha iyo hoggaanka xisbiga Shuuciga ee Shiinaha (CPC) ay ugu jiraan sidii qaranka Shiinaha looga dhigi lahaa bulsho horumarsan dhexdhexaad ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay horumar nabadeed oo dhinacyo badan leh iyo adkeynta iskaashiga beesha caalamka.

Madaxweyne Xi ayaa iftiimiyay guulaha laga gaaray shirweynaha qaran ee 20-aad ee CPC, oo qeyb ka ah ka jawaabista wax ku oolka ah ee masiibada COVID-19, soo kabashada dhaqaalaha, iyo horumarka laga gaaray dib u habeynta iyo hal-abuurka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumar tayo sare leh iyo kobac dhaqaale oo dheeli tiran si ay shacabka Shiinaha u gaaraan horumar la taaban karo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Shiinaha ayaa ku dheeraaday sida ay Shiinaha uga go’an tahay xasillinta siyaasadda iyo mabda’a Shiinaha ah ee dhanka horumarinta nabadda iyo xiriirka caalamka.

Danjire Kullane, oo wakiil ka ahaa Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay guulaha Shiinaha, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal. Ka soo qeyb galkiisa munaasabada ayaa muujineysa xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Munaasabadan hordhaca u ah dabaaldegga munaasabadda weyn ee lagu xusayo sannad-guurada 74-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa muujinaya horumarka muuqda ee Shiinaha iyo sida ay ugu heellan yihiin iskaashiga caalamiga ah. Madaxweyne Xi ayaa ku baaqay midnimo, kalsooni, iyo wadajir,,iyadoo Shiinuhu uu sii wadayo taageeradiisa ku aaddan dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray ciidamada ilaalada deegaanka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si wadajir ah tababar usoo xeray cutubyo ka tirsan Ciidamada Ilaalinta Deegaanka Xamar, oo muddo sedex bilood ah tababar ku qaadanaayay Dugsiga tababarada ee Xerada Gaadiidka Boliiska.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Taliyeyaasha Qeybaha Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Col. Mahadi Cumar iyo Col Muxudiin Warbac, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar G/sare Maxamed Carabow Cali,Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Agaasimeyaal, Ururka Haweenka iyo marti sharaf kale oo ka socday heer Gobol.

Gabagabada Munaasibada oo ay daadihinayeen Kooxda Fanka ee Heegan iyo Qeybta Salaan sharafta ee Baanda-Musiko, ayaa shahaado sharf iyo abaalmarino kale lagu gudoonsiiyay Maamulka iyo Macalimiinta Ciidanka Boliiska oo tababarka bixinayay.      

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho ku tagay Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, Guddoomiye ku xigeenka SoDMA iyo dhamaan madaxda kale ee hay’adda,waxaana Guddoomiyaha looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka
El-Niño.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyed si gaar ah shacabka Caasimada ugu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan,kana xajimi badan kuwii hore,lagana fogaado goobaha biya mareenada ah.
          

Wafdi u hor kacayo ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi u hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Salax Axmed Jaamac ayaa gagida diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa ku soo dhaweeyay  masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ugu horeyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Socdaalka ra’iisul wasaare ku xigeenka waxaa ku weheliya wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo wasiir dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Xirsi Gani Lataliyaha Amniga ra’iisul wasaaraha Kamaal Gutaale iyo masuliyiin kale.

Wafdigaan maanta gaaray magaaladda Dhuusamarreeb ayaa kulamo kala duwan la qadan doona Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee halkaa ku sugaan ayadoo kulamadaana ay qayb ka yihiin dardargalinta howlgallada ka dhan ka ah Khawaarijta.

Gobolada Mudug iyo Galguduud ayaa bud-dhig u noqday howlgallada xoreynta dalka waxaana halkaas horay u joogay Madaxweynaha JFS oo garwadeen ka ahaa howlgallada xoreynta dalka ee Khawaarijta looga saarayo deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

      

Maxkamadda G/Banaadir oo xukunno kala duwan ku riday Saraakiil ka tirsana hay’adaha dowladda

Maxkamadda Gobolka Banaadir qaybta ciqaabta Laanta tashiga ayaa ku dhawaaqaday xukunka kiis dacwadeedka ay Eedeysanayaasha ka ahayeen 11 sargaal oo ka kala howlgalayay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Soomaaliya ayey ku kala xukunta xukuno kala duwaan iyadoo qaar ka madi ahna xoriyadooda ay dib u heleen.

Kiisaska dacwadeeda ayaa ku qotomay oo xiriir lalahaa Musuq-maasuq,lunsasho hanti dadweyne,lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday.

Xukunka maxkamada ayaa waxaa warbaahinta u akhiryay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir waxaa ayna u dhacay sida tan:-

Cabdullahi Maxmuud Cosoble ayeey maxkamadda ku xukuntay 1-sano oo xabsi ah

Cumar Macalin Nuur Cali ayaa lagu xukumay 1-sano oo xabsi ah

Saabir Xasan Cabdi Nuur ayaa lagu xukumay 3-sano iyo lix bilood oo xabsi ah

Dhanka kale waxaa ay maxkamadda gobolka Banaadir xoriyadooda dibu ugu celisay

Aadan Maxamed Cabdi ayeey Maxkamadda ku wayday dhammaan Eedaha loo haystay waxayna siisay xoriyadiisa maxkamada gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sultaan) ayaa isagaan waxaa ay dib ugu celisay xoriyadiisa oo ay wax danbi ah kuwayday maxkamada.

Maxamed Cadde Muqtaar, waxaa ay ku xukuntay ayaa isagaan waxaa ay dib ugu celisay xoriyadiisa oo ay wax danbi ah kuwayday maxkamada

Cabdiwaaxid Muxsim Ibraahim,ayaa maxkamadda gobolka Banaadir dib ugu celisay xoriyadiisa isagoo maqane ah.

Cabdiraxmaan Cabdikariim Ibraahima, ayaa lagu xukumay 9-sano oo xabsi ah iyo joojinta qabshada xaafiis dowladeed.

Abuukar Maxamed Cali, ayaa lagu xukumay 8-sano oo xabsi ah sidoo kale waxaa laga joojiyay shaqo qabashada shaqo dowladeed.

Cabduqaadir Cabdi Socdaal ayaa isagana maxkamadda waxay dib ugu celisay xoriyadiisa.

Maxamed Aadan Cabdullahi 8-bilood oo xarig ah.

Waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku dhaceen arrin la xiriirta Musuq-maasuq,lunsasho hanti dadweyne,lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukun nuucaan oo kale ah.

Todobaadkan iyo Soomaaliya (WARBIXIN)

”Maraykanka oo ugu dambeyn guul ka keenay Soomaaliya” cinwaankaasi oo ay kala qoreen wargeysyada Wall Street Journal & Daily Mail oo maqaal dheer ka qoray xaaladda Somalia, wuxuuna ku bilaabay, waxay ka bilaabatay Hiiraan, oo ah gobol ay ku nool yihiin nus milyan qof oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya. Kooxda al-Shabaab, laanta Soomaaliya ee al-Qaacida, ayaa muddo toban sano ah gacanta ku haysey inta badan aaggaasi. Bishii Maajo 2022-kii, waxay caburintu gaartey halkii ugu sarreeysey, waxaana ugu dambeyn dhacday markii maleeshiyada al-Shabaab ay aad u fogaadeen oo xadka ka bexeen, in beeraleeyda iyo xoolaleeyda Soomaaliyeed ay u adkaysan waayeen, ayaa lagu bilaabeen maqaal dheer oo uu Wall Street Journal ka qoray Somalia. Waxay toogteen oday beeleed caan ahaa, waxayna dhallinta deegaanka ku soo dareen safafkooda is qarxinta iyo dagaalyahannada, iyadoo ay jirto abaartii ugu dheerayd ee nolosha la xusuusto, Al-Shabaab waxay dadka xoola dhaqatada ah canshuur ahaan kaga qaadi jireen saddex ama afar sac mar kasta oo ay xoolahoodu, si ay uga cabbaan ceelasha dadwaynaha.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay dagaalka qeyb lixaad leh ka qaateen Ciidanka Komaandooska uu Maraykanku tababaray ee Danab oo xoreeyey 20 magaalo iyo 80 tuulo, taasoo uu ku tilmaamay guushii ugu weynayd ee uu Maraykanku ka soo hooyo Soomaaliya, isagoo wargeysku soo qaatay warkii Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee Lloyd Austin oo Axaddii sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse waxa uu ka digey in kooxdan Argagaxisada ahi ay weli “ka dhoofin karaan howlo argagaxiso meelaha aan la maamulin”.

“Waxaan filayaa inay (ciidamada Soomaaliya) sameeyeen horumar ka badan kuwii la sameeyay shantii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu Austin u sheegay weriyeyaasha, isagoo ku sugan Jabuuti oo uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya,Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la xasuustaa in mr. Austin uu Axaddii magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horreeysey ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca.

Dhinaca kale Deeganka Aboorey ee ka tirsan gobolka hiiran ayaa waxaa shalay subax lagu soo afjaray koox ka tirsan kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay isku dayayeen in ay ka soo gudbaaan, balse ciidanka Deegaanka ayaa fashilayay damacooda ku aadan kala gudbinta maleeshiyaadkooda.

Waxaa kaloo jirta in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xarardheere ay gacanta ku dhigay dhagarqabe Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah, oo sida uu sheegtay ka tirsanaa Khawaarijta, loona soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere. “Khawaarijta oo quus taagan ayaa bilaabay in ay adeegsadaan caruurta yar-yar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada Argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi.

ku darsoo waxaa kaloo jira 4 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo shalay subax, 3 ka mid aheyd la dilay, mid kalena nolosha lagu qabtay iyo mootadi ay wateen,kuwaasi oo doonayaya inay miino ku aasaan waddooyinka gala deegaannada ka tirsan Dhuusamareeb, waxaana lagu soo bandhigay deegaanka Bulacle ee dhaca Bariga Magaalada Dhuusamareeb. “Bulacle Cashar ayaa lagu siiyay Eeyaha Naarta Khawaarijta, Saddex Nafta ayaa la dhaafiyay Hal Khawaarij ahna gacanta ayaa lagu dhigay. Adduunkii ayaa lagu cadaabay Aakhirana Jahanamo ayaa u dambaysa Khawaarjita. Midka la qabtay waa 55 jir Khawaariij ah oo isagoo miino dhigaya oo raba inuu Shacab ku xasuuqo la qabtay, kaasi maxaa uu yahay jisadiisa?.

Cali Heelle isna maxaa ka dhacay?, Duqeyntii ayaa lala beegsaday tuulada Cali Heelle oo ah deegaan kala qeybiya, gobalka Shabeellada Dhexe iyo gobalka Galgaduud, isla markaana u dhaxeeya, deegaannada kala ah: Ruunnirgood, Hilowle-Gaab, Maraay Suuleey, Cowsweyne, Gal-libaax (Ex Ceel qororof) iyo Al-furaad (Ex Ceel Cali, jahada koofur quman iyo koofur galbeedna ay ugu aaddan-yihiin: Ceelbacad iyo Daarunimco ayaa shalay subax hiira-horaadkii (Nuska saac) la duqeeyay goob ay isu imaad ku qabeen maafiya-diimeedka khawaariijta oo dabcan u jeedkoodu ahaa inay meel uun weeraraan, si ay qas iyo fowdo uga kiciyaan, taasi oo shartoodii Ilaaheey ku naqay isla iyaga.

Dhowr goobood ayaa la duqeeyay oo tuulada dhexdeeda ah iyo goobo kale oo tuulada ka baxsan, balse, aan masaafo ahaan ka fogeyn tuulada. Qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaana soo gaaray khawaariijta woloow ay isla markiiba dadka deegaanka ku amreen inaysan guryahooda ka soo bixin, waxase cajiib ah in madax waaweyn oo khawaariijta hoggaamisa ay habeen hore tuulada ku sugnaayeen, isla markaana loo dan lahaa in iyaga lagu beegsado duqeynta, ay isla xalay saqdii-dhexe deegaanka lug uga baxeen, sida ay SONNA u sheegeen Dad ku sugan Deegaankaasi.

“Magac, maal iyo maqaam laguma helo muuqaal qurxan, mansab iyo hanti, ee waxaa lagu helaa niyad wanaagsan, akhlaaq suuban iyo waxqabad bulshada waxtara. Dal waxaan ku noolnahay ay duruufihiisu neefta kugu xiriyaan. Haddaba, waxaad u baahan tahay in aad hesho wado kuu gaar ah oo aad ku nafisto, adigoo u babac dhigaya caqabdaha adag ee ku soo wajaha, iyo in aad la timaaddo xeelad aad ku samata baxdo, adigoo dadnimadaada ka tegin, damiirkaada beecin, dantu ku dullayn, sumcada dadka kalana dhaawicin”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadaladaasi ula jeeday masuuliyiin hore oo baraha bulshada ku soo qoro hadallo qadaf ku ah Maxada ugu sarreysa Dalka.